Sign in to follow this  
Captain Warya

Xisbul Islam reach Matabaan

Recommended Posts

Good News!

 

Closer and closer to Dhusemereeb

 

Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna

 

Khamiis, Maarso 4, 2010 (HOL) Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa sacaadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaanno maalmo ka hor ay ka sugnaayeen Ciidamada Xoogagga ka soo horjeeda ee Ahlu Sunna Waljameeca.

 

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaallka ayaa meelaha ay maanta gaareen waxaa ka mid ah deegaannka lagu magacaabo Beer-gadiid oo ka tirsan degmada Matabaan halkaa oo maalmo ka hor ay sugnaayeen Ciidamo uu horkacayo Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo hadda ka mid ah Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.

 

Lama sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaa maadaama Xoogaggii Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugnaa deegaannka isaga baxeen markii ay maqleen warka ku saabsan in ay halkaa ku soo jeedaan Ciidamada Ururka Xisbul Islaam.

 

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa muujinaya sida ay uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay Xoogagga Ahlu Sunna ka sameeyeen qeyb ka mid ah Goballka Hiiraan, kadib dagaalllo dhowr jeer oo hore labada dhinac ku dhaxmaray Magaalada Beledweyne kuwaa oo markii danbe looga adkaaday Xoogaggii Ahlu Sunna Waljameeca oo ay horkacayeen Saraakiil hore uga tirsanaan jirtay Maamuladii soo mara Goballka Hiiraan sida Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Aada Cabdi Ciise (Garaaso )

 

Waxaa xusid mudan in deegaannka Beer-gadiid oo ay maanta tageen Ciidamada Xisbul Islaam ee Maamula Magaalada Beledweyne labo maalmood ka hor Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku fuliyay Xukun qas-qaas ah sida uu Warbaahinta u sheegay Aadan Cabdi Ciise oo goob joog ka ahaa fulinta Xukunka qas-qaasta ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

http://hiiraan.com/news/2010/Mar/wararka_maanta4-9120.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Beer-Gadiid waxay ka sokeysaa (dhanka B/weyne ka soo xigtaa) Kala Beyr-ka, lama dhihi karo waa Matabaan, haddii Xizbul Islaam ama Shabaab rabaan iney qabsadaan Matabaan waa iney ka soo galaan Guriceel, haddii kale Qaflah Baabeyn ayaa lagu qabanayaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Ama Geeljir iyo Cali-Hassan waa inay ka soo galaan :D

 

Maadeey dhulkaas si fiican baad u kalataqaanaa yaah !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this