Sign in to follow this  
Meiji

Alshabab brings in foreign troops too

Recommended Posts

Meiji   

'Ajnabi baa nala jooga': Shabaab

 

12 May 12, 2009 - 7:45:47 AM

 

 

 

Madaxa gobolada iyo siyaasada Ururka Al-shabaab Sh. Xuseen Cali Fiidow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan dagaalyahano ajnabi ah oo ciidankooda ka barbar dagaalamayaan.

 

Sh. Fiidow, wuxuu xusay in shisheeyuhu ay dalka u yimaadeen sidii ay gacan u siin lahaayeen walaalahooda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, isagoo qiray inay dalka yimaadeen bilowgii dagaalada kooxaha Islaamiyiinta ah.

 

"Markii u bilowday dagaalkii u dhexeeyay hogaamiye kooxeedyada iyo Islaamiyiinta ayay dalka yimaadeen ajnabiga nala jooga, waxayna goosteen inay walaalahooda Soomaaliyeed u kaalmeeyaan" ayuu yiri mas'uulkan u hadlay Al-shabaab .

 

Sidoo kale Sh. Xuseen wuxuu sheegay in dalka ay ajnabi ka yihiin dadka aan Islaamka ahayn, isagoo uga digay shacabka inay cambaareeyaan kooxaha ka barbar dagaalamaya.

 

"Dadkan waa Muslimiin waxayna diyaar u yihiin inay u dhintaan xoreynta Somalia, cidii ka sheegta wax aysan ahayn waxay mudan doontaa ciqaab, waayo kuwo badan ayaa shahiiday kuwa kalena waxay sugayaan shahaado" ayuu yiri Sh. Fiidow.

 

Sarkaalkan u hadlay Al-shabaab ayaa soo hadal qaaday go'aankii culumada ee ku wajahnaa in dagaalada socda ay yihiin kuwo xaaraan ah, isagoo bayaankaas ku tilmaamay mid dano gaar ah laga leeyahay.

 

"Kuwa sheegtay culumada waxay si toos ah uga amarqaataan Madaxtooyada [Vila Somalia], go'aankooduna waa mid ay ku taageerayaan xukuumada iyo ciidamada la jooga ee AMISOM, mana aqbalayno, iyagana waxaan ugu naseexeynaynaa inay ka waantoobaan arimahan oo kale" ayuu mar kale yiri Sh. Xuseen.

 

Madaxa gobolada iyo siyaasada ee Al-shabaab wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay madaafiic naxariis-daro ah ku garaaceen Magaalada Muqdisho, kuwa sheegaya inay u joogaana, kama celin karaan in lagu ca***** gacanta Mujaahdiinta.

 

Xukuumada ayuu ku eedeeyay in ansixintii diinta Islaamka ay u badashay in ciidankeedu ay dadka dhacaan, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday Isgoyska Ex-koontarool, halkaasoo la dajiyay ciidamada dowlada.

 

"Dhalinyarada mujaahidiinta ahaa ee ku biiray xukuumada waxaan uga digaynaa inay difaacaan AMISOM, ay ka digtoonaadaan arintaas haddii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag" ayuu si hanjabaad ay ku jirto u yiri Mas'uulka gobolada & Siyaasada Al-shabaab.

 

Sh. Xuseen wuxuu ku celiyay in dagaalada ka socda Muqdisho aysan istaagayn tan iyo inta ay ka xaqiijinayaan hadafkooda ah inay dalka oo dhan ka hirgeliyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this