Sign in to follow this  
Wiilo

Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006

Recommended Posts

Wiilo   

Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006

Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com

 

 

 

 

July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.

Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afartii dal ee Afrika xilligaas xorta ka ahaa, kuwaas oo ahaa Ethiopia, Somalia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.

 

 

Siyaad Barre

Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.

 

Jan 23, 1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

 

April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]

C/lahi Yusuf

 

Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu beseshey (SSDF).

 

Aug 7, 1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

 

Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.

Caydiid

Cali Mahdi

 

Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.

 

March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.

 

April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay.

 

Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.

 

Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.

 

Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta".

 

Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.

 

May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

 

Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black Hawk Down".

 

March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.

 

Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria.

 

Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanaka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.

 

Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey.

 

 

Haamaha Sunta: Waa kuwaa...

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

 

May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.

 

 

Dr. C/Qaasim

Prof. Galayr

Aug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.

 

June 5, 2001 - Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.

 

Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

 

Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).

 

Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.

Col. C/Laahi

Prof. Geelle

 

Oct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

 

Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.

 

Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.

 

Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG.

- Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

 

Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.

 

Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.

 

April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.

 

May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Sh. Xasan

Prof. Dalxa

 

May 11, 2005 - Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.

 

May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.

 

May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka. Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray "Argaggixiso" eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya..

 

Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.

 

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.

 

June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

 

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.

 

January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.

 

February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".

 

February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.

 

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada."

 

March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.

 

April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.

 

May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.

 

May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.

 

June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.

 

June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argaggixisada."

 

June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.

 

 

Sheikh Sharif

June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha."

 

June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."

 

June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.

 

June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.

 

June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.

 

June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group". Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

 

June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan...

 

 

C/Lahi Sh. Ismaciil & M. Cali Ibraahim

June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: (1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya. (5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.

 

June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed. Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::

 

Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).

February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.

1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (******) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.

June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya, magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.

April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.

TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::

 

1,500 BC Fircoonkii la oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan ******.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [british], Talyaaniga iyo Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [uN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (********ya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas ayaa labadaas qaybood midoobeen.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Akhri Qoraalada: Bilicda Soomaaliya.....

ISHA: Reuters | onwar.com | Xagaryare | wikipedia.org | www.cia.gov | infoplease.com | swan.ac.uk | Somalia shalay & Maanta | Madaxweynihii hadafkiisa gaarey | Siyaad Barre | Sunta Soomaaliya | DRAFT: Axdiga DFKMG | Calanka Soomaaliya | Taariikhda Nelson Mandela | Ansixintii May 2005 | Zenawi vs Soomaalida | Khubadii C/Lahi & Kibaki ee Sagootinta | Kulankii yemen oo Guul Daro ku dhammaaday | Ciidamo ka socda Dunida Islaamka oo Loo dirayo Soomaaliya | C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan | C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan | Heshiis Khartuum ku Dhexmaray Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG | Sawirada: Yahoo & Google Serach.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Updated June 2006

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

*Sixid: Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay. [Waxaa markii hore qorayd in inqilaabku dhacay April 12, 1978, laakiin sida uu nasoo xusuusiyey Abdifaysal M.Gaanni waxa inqilaabku dhacay April 9, 1978.]

 

Xamar Daawo Dacallada | Hargeysa Saawo Dacaallada | Boosaaso Daawo Dacallada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this