Sign in to follow this  
Gabbal

Duqii Doon Ducana ugu dara waadna dubateene!

Recommended Posts

What is so relevant of this day ya Horn? At least would have been good if you would open thread commemorating his death or birth, rather oct 21th which is irrelevant to today's Somalia.

 

Why would you want people to throw insults back and forth on this diseased man? Dambi un baa kaa soo gaaraaya saa filaayo.

Allah ha u naxariisto isagana.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto Siyad Barre was legend and one of the greatest leaders we have seen in our nation. Yaa ii sheegi kara infrustructure ama ilo dhaqaale beero iyo wixii la mid ah oo aanu kacaanka dhisin oo ilaa iyo maanta Soomaaliya ka dhisan. Wuxuu dhisan ayay qaar bur buriyeen, qaarna xitaa garan la'yihiin wax ku dara. Allow kuu naxariiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alloow kuu naxariiso xaaji Maxamed Siyaad. Hornow thanks brother. 21. Octobebr waxaa lagu xasuustaa qaranimadii somaliyeed iyo Madaxweynihii u dambeeyey ee dowladii soomaliya la dhihi jiray intaanan daacuunku dilaacin.

 

Horn, gabanka Che ahi looma baxo wuu lufluf jecel yahayee lafta u daa (haku qabsanin) ha iska feen-feentee haddu wax ka helayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Odayga waa geeriyooday oo in wax laga sheego ma ahan, laakiin Maamulkiisa Military iyo dowladiisii Somali mushkilad uguma horayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miskin   

Emperor, May be but maxaa ka dambeeyey??

 

Horn, are you celebrating the old Somalia or Siyaad Barre years or 21 October??

 

 

Cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

21 OCTOBER OO 18 SANO IYO 8 BILOOD KADIB LAGA XUSAY MAGAALADDA NAIROBI

 

 

Hoteelka Barakat oo ku yaal Xaafadda Eastleigh, Nairobi Kenya ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad si fiican loosoo agaasimay, waxaana ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda ku Meel gaarka, Professor Maxamed Cumar Dhalxa, xildhibaano, siyaasiyeen, culuma’udiin, odayaal, haween iyo dhalin kala duwan oo kala socda Ururadda Bulshadda. Xafladda oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wariyaha ruug cadaaga ah ee Xasan Cali Kuuriya, oo aad ugu dheeraaday howl-qabadkii Kacaanka iyo sababihii dhaliyey.

 

Ugu dambayn wuxuu ku soo dhawaayey Microphone-ka Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dowladda ku meelgaarka ah, oo si heer sare ah uga hadlay arrimihii Dowladdii Kacaanka iyo wixii ay Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed u qabatay. Waxaa xusid mudan in Prof. Dalxa uu tibaaxay ardaynimaddiisii iyo waxbarashaddii uu soo qaatay, taas oo uu caddeeyey inuusan ku helin qabiil iyo laaluush toona. “Anigu waan ka tagi karaa xilka aan manta hayo laakiin Professor-nimada igama harayso, waana tii aan ku bartay waqtigii Kacaanka lacag la’aan, qabyaalad la’aan iyo laaluush la’aan” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inuu ka baxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kadibna uu Dalka Suudaan ku soo diyaariyey Professor-nimo. Wuxuu xusay inuu Macalin ka noqday Jaamacaddii uu ka baxay, taas oo uu tilmaamay in maanta ay ka baxeen geed hindi, ayna galaan dhurwaayo dadka iyo Xoolaha cuna.

 

Prof. Dalxa ayaa yiri, Haddii maanta uu noolaan lahaa Hogaamiyihii Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre , dad badan ayaa oran lahaa “ Waa laguu gafoo waa lagaa gardaraa, gadaashaana kabahirigtaan ayaan taaganahay, waxaana ka hayaa ayuu yiri “ Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed inuu yiri “ Haddii aan ogaan lahaa sidan, Walaahi inaanan xabad ku rideen Kacaankii”. Prof. Dalxa ayaa sheegay inuu soo maray Kacaanka ka dib “ Car waxaaga sheego”.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha Buur) oo sheegay inuu ka mid ahaa ardaddii uu kacaanku waxbaray, ugu dambaynna wax ku soo bartay Dalka Kuuriya. Xildhibaanka oo Wariyaha Universal TV uu waydiiyey su’aal ahayd sababta dadku uga hor yimaadeen Kacaankii , ayaa sheegay inay sabab u ahayd afar arrimood.

 

 

1.- Waxay ahayd dabayl socotay, waayo ayuu yiri Hantiwadaagii ayaa sii burburayey, isagoo tusaale u soo qaatay Dalka Midowgii Soviet oo burburay, iyo waliba dalalkii dariska Somalia la ahaa oo iyaguna burburay sida Ethiopia.

2.-Dagaalkii 1977-78’dii oo sababay kala daashadda Ciidamaddii dalka iyo waliba dhaqaalihii oo daciifay sabab badan awgood.

3.-Waqtigii kacaanka oo dheeraaday, taas oo keentay in dadku ay ka horyimaadaan.

4.-Dalalka ku hareeraysan Somalia oo u arkayey cadowga ugu wayn Somalia, sidaa darteedna doonayey inay noqoto sida ay maanta tahay.

 

Waxaa isna ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Faray) oo ka codsaday dhalinyaraddii soo qabanqaabisay xafladdaan inay qabtaan xafladdo kale, oo sida midaan oo kale ah, maadaama aan lagu martiqaadin qabiil gaar ah ee lagu martiqaaday dad badan oo Soomaaliyeed. Wuxuuna ku guubaabiyey in dhalinyaradda oo intooda badan uu u xiraa TIE ay ku yihiin qaxooti Dalka Kenya, sidaa darteedna uu dalkooddii u baahan yahay, ayna ku soo laabtaan, kana qayb qaataan dib u dhiskiisa.

 

Ugu dambayntii waxaa isaguna dhinaca fanka ka joogay oo halkaa ka jeediyey warbixino wax ku ool ah Cabdi Cali Bacalwaan oo ka mid ahaa Kooxdii Horseed ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna ku biiray hooyaddi fanka Hobollada Waabari, waxaase xusid mudan erayadaan oo ku aadanaa dhalinta dibadaha u dhooftay, wuxuuna yiri “Ninkii reer u dhoofee dhegta soo dalooshay , muxuu keeni doonaa”. Xafladdaan ayaa ku dhamaatay si wanaagsan oo ay ka muuqatay qiiro waddanimo.

 

 

Shariif Basbaas-GEDO-NN-Kambala

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin walba inuu adeerkii ammaano Soomaali waa lagu yaqaan. Ilaahoow XAQA NAGU TOOSI.

 

 

Wallee Siyaad wuxuu ahaaba aakhiro ayey ka horreeyaan.

 

Balse anigu waxaan dhihi karaa Wanaag iyo Sharba wuu lahaa in kastoon dhih karoo shar-tiisa ayaa badnayd waayo waa tan maanta Soomaali sidaan u gashay qofkii raba inuu iska indho tirana isagey/iyadey u taal waxay ila tahay inuusan godka aakhiro Coca Cola kaaga horkeenayn ee adigana su'aashaada ayaa ku hor taal.

 

Waxyaabaha xun ee lagu xasuusan karo waxaa ka mid ah:

 

Culimo la laayo ama diintoo la cabburiyo.

 

Shacab Taangi iyo Diyaarad lagu laayo loona soo adeegsaday Calooshood-ushaqaysteyaal aan naxayn oo arxan-laaweyaal ah lagana keenay South Africa.

Hanti dadeed oo ay dhacaan wasiirro-ku sheegyo, guulwadeyaashii daba qabqab layn jirey iyo koofiya-castii.

 

Reer miyi xoolaha laga dhaco, baraagaha biyaha miino looga xiro (Bal reer Baadiye maxay galabsadeen toloow xitaa xukun kuma haystaan oo geeloodii iyo arigoodii baa loogu tegey)

 

Dad guryaha lagala baxo oo xabsi lagu illaawo qaarna la xasuuqo sidii ka dhacday goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Xasuuq kasta oo dhacayna record buu leeyahay, waxaana arrin Ilaah mahadiis ah oo lagu farxo in xasuuq walba uu Ilaahay dad ka badbaadiyey, kuwaasoo ka warramay silicii lagula kacay dadkii la laayey sababna u ahaa xabaalo-wadareedyadii dadkaas cagafta korka looga mariyey in la arko.

 

Dad aan aqoon lahayn oo wax-magarato ah oo xilal iyo derajo la iskaga dhiibo, iyadoo kuwii waxgalka ahaana BUUL laga dhigo.

 

 

Waxaan anigu ku ammaanayaa inuusan hanti uu leeyahay uusan ka dhiman oo sida igu maqaalo ah laba guri ee uu lahaa uu midna siiyey Ururka hooyooyinka midna ururka shaqaalaha....hadde ninku dalkuu isa siiyey malaha oo wuxuu islahaa isaga dhanba isagaa iska leh...lol joke. Runtii inuu xukun jeclaa waa marag ma doonto........!

 

Kolleey C/Laahi Yuusuf wuu ka fiicnaa, oo wax maanta aan ku ammaano aanan hayn.

 

Yaysan qaarkeen xajiimoon markii taariikhda laga hadlo illeen waxa meeshaan na dhigay waa caddaalad darradee!

 

Waxaan ku soo gebagebeynayaa wax kasta oo uu falay waa uu tegey mana soo noqonayo, gadaalkiisna dhibaatooyin baaxad leh oo qaarkood ka daran yihiin kuwii uu sameeyey ayaa dhacay. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu is cafiso, maalinka aakhirana loo daayo garsoorka taasoo ah caddaaladda runta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooooool...........saa haddii uu i maqlana? I didnt say someone's name ,,,........

 

 

Saaxiib Caddaaladda wax ka fiican ma leh...the guy did good things laakiin xumaantiisii ayaa ka badatay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

HornAfrique haddii uu daacad yahay sida masawirradaan quruxda badan uu meesha ugu soo dhigay ayuu sidoo kalena wixii uu burburiyey soo bandhigi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah ha u naxariisto Maxamed Siyad Barre ,, kollayba nin rag ah oo waxan maanta xamar isku dhex dilaya aan la barbar dhigi karin buu ahaa.

 

21 ka October na waa maalin xasuus mudan oo qof kasta oo Soomaali ah aanuu iloobi karin xumaan iyo samaan waxay doonto ha lahaatee ........

 

 

And last but not least, We shouldn't forget that Horn inuu amaano everything/everyone from Gedo ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Jacayl I object. :D Anigu wadani baan ahay, wax yari haday xamaasad qabiil i qaaday dee bani aadam baan ahay, adiguse waan kaa yara roonahay soo maaha. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this