Sign in to follow this  
General Duke

no elections in SOOL, SANAAG, CAYN.. British Somaliland ???

Recommended Posts

Sorry lads but the dream of the secessionist seems to be only confined to a certain clan area. So what will we tell the world??????

 

 

Maamulka Hargeysa oo ku hungoobay waxay ugu yeereen Doorashada Golaha Wakiilada inay Ka dhacaan Goobo Tirsan SSC.

Posted to the Web Sep 29, 13:48

 

 

Radiossc.net:- Guud ahaan gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ayaan wax sanaaduuq ah maamulka ....... kulaba soo hawoon , marka laga reebo goob yaryar oo tuulooyin ah.

 

Gobolka Sool ee ay ah degaan beelaha H.... waqooyi ayaan wax sanaaduuq daasi ka soo gaadheen tuulooyinka Guumays, Yagoori Iyo Goob u dhowa Adhicadeeye, waxaana xidhiidho aanu la samayn dadweyne goobahaas ku nooli noo xaqiijiyeen in aanay cid sanaadiiqdaas waxa codayna ku samayn aanay jirin oo ay dadku qaadaceen iyada oo yagoori la keen labada Sanduuq,Goobta u dhow Adhicadeeye ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyo ka tirsan maamulka Riyaale ay ka codaynayeen iyaga oo iska dhigaya dadka deegaanka, sawirana iskagaqaadeen.

 

Dhinaca Xudun ayaan wax doorasha ahi ka dhicin marka laga rebo bohol oo beelo ***** ah oo ka yimi togdheer laysugu soo aruuriyey,waxa kale oo wararka aanu ka helayno dhinaca Awrboogays , Fiqifuliye iyo Ardaa sheegayaan in ay markii ay ka quusteen deegaankaas niyada jabna kaga yimi, ka dib markii bulshada heegan la galiyey ciidamana la geeyey ay ku soo dhici waayeen in ay sanaaduuq keenaan, taasina ay ka dhigtay meel ay ka caageen.

 

Dhinaca Gobolka Cayn ayaanay sooba haweysan beelaha Dirta Waqooyi , waxayna sanaadiiqdooda gaysteen Qurulugud iyo Coodanle, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Cayn Jaamac warsame Dhible oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ciidamada gobolka Cayn heegankii ugu sareeyey la galiyey , dhinaca Yeyle ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay isku dayeen in uu maamulka Soomalaidiidku geeyo sanaadiiq ,hasayeeshee ay odayaasha deegaanku ka hortageen una diideen in ay deegaankooda keenaan, iyada oo ay halkaasi heegan ku ahaayeen ciidan beeleedyo , diyaar u ahaa in ay difaacaan dalkooda, waxaana wararku intaasi ku darayaan in ay bulshada ku dhaqan Laasdaar, Shululux, Hadhwanaag iyo goobaha u dhow aanay sooba haweysan oo ay ka caageen markii ay ******** in loogu diyaar garoobay.

 

Guud ahaan doorashadii ay ka filayeen maamulka Soomaaliidku gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ayaan u dhicin siday filayeen, taas oo lagu tilmaami karo guuldaro balaadhan oo ku habsatay , taas oo tusaysa caalamka intiisa badani in aanay jirin wax la yidhaahdo Somaliland oo ay gacanta ku hayaan beelaha dirta waqooyi.

 

U hiili ummadaada iyo Qarankaaga, si aan marnaba loo kala goyn Soomaaliya

 

Xigasho:-Radiossc.net

contact us:webmaster@puntlandpost.com

 

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Daraawiishta oo ka hor tegey in sanaadiiqda Somaliland u soo tallaabaan Puntland

Badhan -

 

29.September.2005 Wararka ka imanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa sheegaya in ciidammada daraawiishta Puntland ay suura geliyeen in aanay halkaas soo gaarin sanaadiiqda doorashada baarlamanka Somaliland ee ay maanta codbixinteedu socoto.

 

Ciidanka daraawiishta ayaa ka hawl galay deegaanno baaxad leh oo ku yaal gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada Dhoobo, Dabablaha, Fiqi Fuliye iyo Jiida Shimbiraale oo koonfur ka xigta magaalada Ceerigaabo.

 

Dhinaca kale, wararka ka imanaya gobollada Sool iyo Cayn ayaa sheegaya in maanta aanay halkaasi ka jirin wax sanaadiiq doorasho ah oo ka timid dhinaca Hargeysa, kadib markii amaanka si weyn loo adkeeyey.

 

Cawil Nadiif

SBC Badhan

Share this post


Link to post
Share on other sites

saaka iyo jawiga mandaqadan ee xaga doorashooyinka somaali diidka

 

(Puntland}29.09-05 ilaa qorrax soo bixii saaka ilaa iyo haatan oo aanu si joogta ah dhagta ugu hayno isgaadhsiinta kala duwan waxaa mandaqadda kasoo yeeraya in haba yaraatee aan dadka reer Puntland ee dagaanadani wax cod ahi kaga qaybgalin doorashooyinka baarlamaaniga ee maamulka Hargaysa....

 

ilaa qorrax soo bixii saaka ilaa iyo haatan oo aanu si joogta ah dhagta ugu hayno isgaadhsiinta kala duwan waxaa mandaqadda kasoo yeeraya in haba yaraatee aan dadka reer Puntland ee dagaanadani wax cod ahi kaga qaybgalin doorashooyinka baarlamaaniga ee maamulka Hargaysa.

 

Gobolka Sanaag guud ahaanba aagaga *****ga bogcad qudha iyo sanduuq kaliya kama hirgalin waana dadaaal dadwaynuhu hore ugusii tabaysteen, daraawiishta Puntlandna ay ku taageertay.

 

Sool waxaa la xaqiijiyey in laba sanduuq ladhigay Yagoori haseyeshe ay dadwaynaha iyo waxgaradku ku heshiiyeen inaan halruuxna agtagin sanduuqyadaa wax cod ahna ku darsan, askar soomalidiida oo anfariirsan ayuunba na agfadhida sida la xaqiijiyey.

 

Guumays ayaa sidoo kale sanduuq lageeyey lagu hungoobay, adhicadeeye oo kaliya ayaa lasheegay in askarta maamulka hargaysa ay sawiro iskaga qaadayeen xeryaha dhexdooda.

 

wararkan oo aanu ka uruurinay tilifoonadda iyo taararka ayaa habayarate aan cidina isku khilaafin kadib markii aanu ka xogaysanay labateneeyo ruux oo kala duwan.

 

dhinaca gobolka Cayn oo horeba looga digay in maamulka Hargaysa aanu ku so lug goin ayaan habayarate lagayn wax sanaaduuqa inkasto laba sanduuq ladhigay tuulooyinka Qorulugud iyo Codinle oo dhalsho ahaan reer Burco ah.

 

waxaase jira xog tibaaxaysa in wasiir ku xigeen reer Puntlani ahi uu uxagaldaaciyey musharax ay xidid yihiin oo kasoo jeeda bariga burco.

 

degaanka xuddunna ceelka Bohol oo ay ku suganyihiin raacato dhalasho ahaan togdheera ayaa lasheegay inay kaligood halkaa ka codeeyeen.

 

jiidaha kale ee mandaqadda oo uu ka jiray heegan baahsan ayaa laga oo'ay in layskuba dayo dhigashada sanaaduuqdaas.

 

musharixiin badan oo dagaanaddan ku abtirsada ayaa ka huleelay aaminina waayey arladooda, ogaanta dareenka dadwaynaha dartiis.

 

marka layskusoo xoodhiyanna way ku fashilantay Soomaliland inay Mnadaqaddaha *****ga waqooyi wax raada kaga saameeyaan doorshadooda qabiilaysan. Dhankalena Waxaa magaalooyinka Waawayn sida Laascaanood, Buuhoodle iyo Taleex ay dadku ka sheekaysanayeen cida badali doonta shiikh Maxamed Rabiic, wararka dawladda Soomaaliya iyo ramadaanta soosocota.

 

Widhwidh Online

Khadar Maxamed Xaashi (Huruuse)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Quote Tuulooyinka qorulugud iyo coodanleh oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Burco.

 

i dont understand here does it mean this places are caynta lasheegayaa mise waa burco. ill like ppl who hail from this areas to clarify this? i mean suldaanka . northerner and soomaal. ta kalena waxaan maqli jirey ppl from the so cayn cant stand that somali word "kahuleelay" you know because of the so famous poem by salaan Kahuleelay Hagar aadankii hoboleyn jiraye caynaba hadhuub kamadarsdaan hogol kaliilede. why are they using the word in this article tell me General?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dadweynaha Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan baarlamaan cusub.

 

September 29, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Rambow iyo Dhoore.

 

Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan baarlamaan cusub.

 

6:00 subaxnimo ee saaka ayey shacbiga Somaliland u soo dareereen si ay ugu codeeyaan musharaxiinta ay taageersan yihiin.

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa 6:15 daqiiqio waxa uu soo gaaray xarunta hey’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, halkaasoo oo uu ka codeeyey.

 

Daahir Riyaale Kaahin oo Saxaafadda hadal kooban u jeediyey waxa uu sheegay inuu rajeynayo in ay doorashadan guul u noqon doonto Somaliland.

 

Daahir Riyaale Kaahin oo aan weydiinay bal hadda sida u arko rajada xisbigiisa waxa uu sheegay in xisbigiisa iyo labada xisbi ee mucaaradka ah dhamaantood uu guul u

rajeenayo, waxa uunu sheegay in doorashada Somaliland oo nabadgelyo ku dhacdo ay guud ahaan shacbiga Somaliland u tahay guul iyo barwaaqo.

 

Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID oo isna halkaasi ka codeeyey waa xarunta hey’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu rajeynayo inay Somaliland u soo bixi doonaan baarlamaan tayo leh, oo waliba wax ka badala ayuu yiri aragtida Beesha Caalamka ee Somaliland.

 

Feysal Cali Waraabe oo aan weydiinay isna rajada xisbigiisu waxa uu sheegy in rajada xisbigiisu ay tahay rajada dadka, isla markaana doorashada oo guul ku dhacda ay isagu u tahay guul aan la soo koobi karin.

 

Siilaanyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye oo isna halkaasi ka codeeyey saaka oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu rajeynayo iney doorashada ku dhacdo guul iyo barwaaqo.

 

Saddexda hoggaamiye ayaa bulshada caalamka uga mahad naqay kormeerayaasha tirada badan ay u soo direen, iyo mucaawinada dhinaca dhaqaalaha ee doorashada baarlamaanka Somaliland ugu deeqeen, waxay sidoo kale ka codsadeen in waxa ka dhacaya Somaliland ay mudan tahay in la eego oo tixgalin gaar ah la siiyo.

 

Dadweyne fara badan ayaa saaka isugu soo baxay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, kuwaasoo doonaya in codkooda ay dhiibtaan.

 

Dadka ayaa saaka 6:00 aroornimo bilaabay iney safaf dhaadheer u galaan goobaha cod bixinta, iyadoo si rasmi ah 7:00 subaxnimo dadku ay u bilaabeen in codkooda ay ku ridaan sanaadiiqda goobahaasi taalay.

 

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Somaliland “Cabdulaahi Jawaan†oo Boorama ku sugan ayaa saaka HornAfrik uga warramayey sida doorashadu ay ku bilaabatay gobolka Awdal, isagoo sheegay in codbixinta doorashada ay si wanaagsan halkaasi uga bilaabatay.

 

Goob joogayaal caalami ah oo gaaraya ilaa iyo labaatan “20†xubnood ayaa gobolka Awdal dhex wareegaya, kuwaasoo qaarkood ay qabteen dhulka miyiga, si ay u soo eegaan hanaanka cod bixinta ay u dhaceyso.

 

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey waxaana goob kasta la dhigay ciidamo booliis ah, iyadoo goobaha codbixinta la dhigay ciidamo gaar ah, kuwaasoo ka duwan booliiska hore u joogay magaalooyinka qaarkood.

 

Dhaq dhaqaaqa gaadiidka ayaa la xakameeyey waxaana shaqeynaya oo kaliya gawaaridda wadata waraaq ruqsad ah oo guddiga doorashooyinku ay siiyeen, iyadoo laga baqanayo in dadka qaarkood oo magaalada ka codeeyey mar kale magaalooyin kale ay soo galaan, sida uu HornAfrik u xaqiijiyey xubin ka tirsan booliiska oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

 

Sidoo kale, magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa saaka doorashadani si toos ah uga bilaabatay sida uu ku soo waramayo wariye Keyse Axmed Digaale.

 

Magaalada Ceeri Gaabo ee gobolka Sanaag dhanka dowlad goboleedka Puntland iyo waliba dhanka kale ee Somaliland ayaa codbixintu ay ka bilaabatay, waxaana halkaasi saaka mar kale ka jirta xoogaa cabsi ah oo laga qabo in rabshado halkaasi ay ka dhacaan, hase ahaatee wali ma jiraan wax rabshada ah, gobolka Sool qeybo ka mid ah ayaa sidoo kale codbixintu ay ka dhaceysaa.

 

Somaliland ayaa hore waxay u soo gashay saddex doorasho, doorashadii madaxweynaha, tii golayaasha deegaanka iyo aftida dastuurka, waxaana midan ay u tahay tijaabadii ugu danbeysay ee Afraad.

 

Somaliland oo sheegatey sanadii 1991-kii in Soomaaliya inteeda kale ay ka goday ayaan wali helin aqoonsi caalami ah, waxaana ay soo jiidatay doorashadeeda baarlamaanka indhaha caalamka, waxaana ka qeyb galaya ilaa iyo sagaashan “90†goob joogayaal caalami ah, kuwaasoo ka kala socda wadamada Britain, USA, Finland, Canada, Australia, South Africa, Zimbabwe iyo machadyo caalami ah.

 

Lacagta doorashada ku baxeysa badankeeda ayaa lagu soo warramayaa inay bixinayaan ururka Midowga Yurub.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guddoomiyaha Koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug Iimaan Xasan Jiirow ayaa sheegay iney socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisad shaley ka dhacday garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

 

September 29, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Guddoomiyaha Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Iimaan Xasan Jiirow, ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisad shaley kadhacday garoonka diyaaradaha, kaddib markii ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka iyo kuwa Koonfurta Gaalkacyo ay Tikniko ay wateen halkaasi isku soo hor fariisteen.

 

Iimaan Xasan Jiirow guddoomiyaha Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa xiisadaas ku tilmaamay mid ay mas’uuliyiinta labada dhinac ee dowlad goboleedka Puntland iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo kaga hortageen ineysan wax gacan ka hadal ah sababin, kaddib markii ciidamo badan oo ka kala yimid dhinacyadaas oo isku heystay isticmaalka garoonka diyaaradaha, isla markaana watay gaadiidka dagaalka ay soo buuxiyeen halkaasi.

 

Iimaan Xasan Jiirow waxa uu intaasi ku daray in haatan la kala qaaday ciidamadii isku hor fadhiyey garoonka diyaaradaha, iyadoo ay dhanka kalana socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisada ka dhalatay ciidamo gadooday, wuxuuna ku tilmaamey gadoodkaasi mid ku timid xoogaa dhaliil ah oo laga tabanayey maamulka dhinaca waqooyi, oo uu sheegay in muddo ah iney soo jiitameysay.

 

Iimaan Xasan Jiirow ayaa sheegay inuu rajeynayo wadahadal in lagu dhameyn doono is maan dhaafka sababay xiisada, isla markaana wax dheefka iyo maamul wadaaga la isku afgaran doono.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Doorashadii ugu kululeyd oo soo marta maamulka Somliland ayey dadweyanaha u dareereen saaka goobaha codbixinta.

 

September 29, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Raambow “Hargeysaâ€

 

Dadweyanaha Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta iyagoo dooranaya baarlamaan cusub waana doorashadii ugu kululeyd ee Somaliland soo marta tan iyo xilligii ay sheegatay in Soomaaliya ay ka go’day.

 

Waabarigii saaka ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa waxa ay u dareereen safafka dhaadheer ay u galayaan cod bixinta doorashada si ay ugu codeeyaan musharaxooda ay taageersan yihiin.

 

Ilaa xalay dadweynaha waxa ay hor tubnaayeen goobaha codbixinta iyo xafiisyada musharaxiintooda si aan looga horeyn safafka hore.

 

6:15 daqiiqo saaka ayuu madaxwyne Daahir Riyaale oo uu la socdo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ay galbis ku soo galeen hoyga shaqaalaha.

 

Daahir Riyaale madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Udub oo saaka u muuqday Nin faraxasan ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxasnay yahay doorashada maanta.

 

Daahir Riyaale waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay wax ku qaadan doonto wax qabsiga aan qasbanay oo ay ka mid tahay buu yiri doorashada aan saaka u dareereeyno.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Feysal Cali Waraabe ayaa isagana saxaafada u sheegay inuu aad ugu faraxsanay doorashada saaka loo dareerary ayaa sheegay inay kor u sii qaadeyso islamarkaana ay dhameystireyso dhismaha hanaanka dimoqraadiyadeed ee ay Somaliland kaga guureyso habkii beelaha uguna guureysa habka asxaabta tirada badan.

 

Sidooa kale guddoomiyaha mucaaradka Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo isagana halkaas soo gaaray ayaa saxaafada u sheegay inay maanta tahay maalin weyn oo taariikh ah.

 

Laba sarkaal oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda sidii loogu talagalay ay u socota doorashada wax qalqal ahna aaney dhicin.

 

Doorashada golaha wakiilada Somaliland waxaa ku tartamaya 246 musharax oo u loolamaya 32 kuris ee golaha wakiilada Somaliland.

 

Saddaxda hogaamiye ee daahir Riyaale Kaahin, Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe mid walba saaka waxa uu sheegay in xisbigiisa guul u rajeenayo.

 

Dhinaca kale magaalada Burca ayaa saaka ay ka bilaawatay doorashada golaha baarlamaanka Somaliland iyadoo cod bixinta ay ka bilaawatay 47 goobood.

 

Codbixinta ayaa si nabadgalyo ah ilaa iyo hadda ku socota oo aan wax dhibaato ah jirin qof kasta uu codeeynayo waxaana saaka soo baxay dadweyne aad u badan oo ka tira badan intii codeysay doorashooyinkii hore.

 

Magaalada Burco ayaa la xanibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka marka laga reebo kuwa xisbiyada iyo weriayaasha.

 

Dhinaca kale, degmada Oodweyne ayaa 12:00 duhrnimo gaareen sanaadiiqdii cod bixinta kadib markii ay roobab xanibeen.

 

Magaalada Boorame ayaa sidoo kale waxaa isku soo baxay boqolaal qofood kuwaas oo doonaya inay codkooda dhiibtaan.

 

Dadka ayaa saaka Toddobadii safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta ka dhaceysay iyagoo dooranayey muasharaxiinta ka sharaxan halkaas oo gaaray ilaa 40 musharax.

 

Gobolka Awdal waxaa ka sharaxan Haweeney lagu magacaabo Ikraam Daa’uud Warsame.

 

Dhaqdhaqaaqa gaddiidka ayaa aad u yaraa goobaha cod bixintana waxa ay aheyd meel ay ciriiri ka muuqatay iyadoo sanaadiiqda iyo dadkana ay badanaayeen dadka.

 

Ciidamada ammaanka ayaa goobaha aad u adkeeynayey ammaankooda waxaana la arkayey boolis gaar ah oo halkaas jooga.

 

Dhowr qofood ayaa goobaha codbixinta qaarkood laga celiyey kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Goobaha qaarkood ayaa dadka waxaa la weydiinayaa qabiilka ay yihiin iyadoo qaar ka mid ah odayaashana halkaas la keenay si ay u ogaadaan dadka codeeynayo waxa ay yihiin.

 

Ilaa iyo shalay waxaa soo baxayey in asxaabta qaarkood ay soo kaxeysteen dad laga keenay ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Jabuuti kuwaas oo laga baqanayo inay codkooda dhiibtaan.

 

Sidoo kale waraaqo koobi ah ayaa lagu qabtay goobaha codbixinta qaarkood gaar ahaan bartamaha magaalada Boorame guriga dowladda halkaas ka degan tahay iyadoo arrintaana booliska weli baaritaan ku hayaan.

 

Dadka ayaa weli safaf dhaadheer ugu jiro doorashooyinka iyadoo la filayo in 6:00 maqribnimo caawa la soo gabagabeeyo guud ahaan doorashada iyo cod bixintaba.

 

Sidoo kale magaalada Ceeri Gaabo ayaa si weyn ay dadka ugu dareereen goobaha cod bixinta doorashada.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ciidamada daraawiishta Puntland oo hor istaagay in sanaadiiqada doorashada Somaliland la geeyo gobolka Sanaag Barri.

 

September 29, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa hor istaagay in sanaadiiqada doorashada Somaliland la geeyo gobolka Sanaag barri.

 

Xilli doorashooyinka baarlamaanka Somlailand si toos ah ay ugu bilaawdeen qeyba ka mid ah dhulka hoos taga mamulka Somaliland ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in deegaano badan oo hoos taga gobolka Sanaag Barri aysan ka dhicin doorashadaas sida deegaanada Dhoobo, Dabablaha, Faqa fuley iyo jiida Shimbiraale.

 

Sababta deegaanadaas aaney uga dhicin doorashada ayaa lagu macneeyey inay hor istaageen ciidamada doorashada Puntlnad in halkaas la geeyo sanaadiiqda cododka.

 

Maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa in muddo ah waxaa u dhaxeeye muran la xiriira xuduudaha kala qeybiya labadaas maamul iyadoo la ogyahay in murankaas uu sababay iska horimaadyo labada maamul ku dhexmara deegaanada qaarkood sida aaga Ari caddeeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Suldaan! I thought these portals were local and as such would have local news access! or perhaps somaliland.org et al is much better as far as SOOL, Sanaag and Ceyn concerned huh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Congratulations to the people of Sool, Sanaag and Cayn and the Speaker of the Parliament of Puntland and the Governor of Sool, Cayn and Sanag region for their efforts to prevent any ballott boxes being brought to their regions by "calool ushaqaystiyaal" and for preventing the fake elections taking place in their regions

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Ppl are now threatened by ballot boxes? or perhaps the propaganda has switched to "We don't want to be poisoned with democratic and libertarian values :D ". Here's a little hint for you fanatics out there, instead of trying to spread havoc like you have done in much of Somalia, why not encourage people to simply BOYCOTT the elections as the low turn out rate would reflect poorly on the government. I know it's a NEW idea but that just might work, or is perhaps you fear that more people than anticipated will turn out for these elections ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somaliland elections (Hergeysa-Barbara Burco Triangle, is positive sign and good development toward peace and stability.

 

Congratulation to people of Sool, Sanaag, and Cayn for thier victory and for succesfully preventing somaliland's ballott boxes being brought to SSC, since its not their business.

 

Ppl are now threatened by ballot boxes? or perhaps the propaganda has switched to "We don't want to be poisoned with democratic and libertarian values ". Here's a little hint for you fanatics out there, instead of trying to spread havoc like you have done in much of Somalia, why not encourage people to simply BOYCOTT the elections as the low turn out rate would reflect poorly on the government. I know it's a NEW idea but that just might work, or is perhaps you fear that more people than anticipated will turn out for these elections ?

Sool Sanaag and Cayn are not part of So-called Somaliland, that’s why they didn’t let Somaliland ballot boxes to their territory (the is about jurisdiction not government performance or dissatisfaction). Egyptian elections will only held in Egypt and only Egyptian will vote, Canadian elections will only held in Canada and only Canadians will vote, Kenyan elections will only be held in Kenya and only Kenyans will vote etc

 

 

So what think of bringing Hiiraanland, Puntland, Djibouti, or ballot boxes to Hargeysa and Barbara would say you

fanatics out there, instead of trying to spread havoc like you have done in much of Somalia, why not encourage people to simply BOYCOTT the elections as the low turn out rate would reflect poorly on the government

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congratulations to the people of Sool, Sanaag and Cayn and the Speaker of the Parliament of Puntland and the Governor of Sool, Cayn and Sanag region for their efforts to prevent any ballott boxes being brought to their regions by "calool ushaqaystiyaal" and for preventing the fake elections taking place in their regions

 

I am with Yonis on this all the way..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo beeniyey in laga codeeyey gobolka

 

Badhan-30.September.2005 Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Nuur ayaa warsaxafadeed uu saaka ku qabtay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku beeniyey in wax sanaadiiq ah oo ka yimid dhinaca maamulka Hargeysa ay soo gaareen deegaannada Puntland.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu wax kama jiraan ka soo qaaday hadal shalay ay sii daayeen qaar kamid ah masuu’iyiinta maamulka Somaliland kuwaas oo sheegay in 15 goobood oo ku yaalla Sanaag Bari looga codeeyey doorashada baarlamanka Somaliland ee maalintii shalay.

 

Maxamuud Siciid Nuur, waxaa uu Idaacadda SBC u sheegay in ciidamada daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiintooduba ay si weyn uga hor tageen in ay Puntland soo gaaraan sanaadiiqda maamulka magaalada Hargeysa, arrintaasna si weyn loogu guuleystey.

 

Mar uu ka hadlayey dhinaca amaanka waxaa uu sheegay in gobolka Sanaag uu amnigiisu sugan yahay, maalinta sabtida ah ee berritona magaalada Badhan ay ka bilaabanayso soo xulidda xubnaha golaha deegaanka degmadaas.

 

Cawli Nadiif Suldaan

SBC Badhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this