Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Barlamanka Puntland oo ladaariyay

Recommended Posts

Puntlad oo qaaday daqaaqyo hormar leh. 66 dii Barlamanka oo diyaar ah lana dhaariyay. Qudbabdo xasaasi ah ka jeediyey Madax weeymihii hore ee somalia Mudan c/yusuf axmed.

 

Iyadoo laba maalin ka hor si rasmi ah loo shaaciyey 66 Xildhibaan ee Barlamaanka Dawlada Goboleedka Puntland ee soomaalya ayaa maantay Xarunta Baarlamaanka waxaa lagu dhaariyey Xildhibaanadaan cusub ee Barlaamka Puntland.

 

Xaflada dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuulyiin ka tirsan Maamulka Puntland,Isimo,Waxgarada,Nabadoono,Ururada Bulshada iyo weliba Madaxweyihii hore ee Dowlada Somaliya Mudane.C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Ugu horeyn Waxaa halkaas hadlo kala duwan ka soo jeediyey Masuulyiintii ka soo qeyb gashay Munaasibadda Dhaaritan xildhibaanada Barlamaanka Puntland.

 

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaddka ee Barlaamka Cusub DGPL Barkhada Cali Saalax oo Munaasibadda dhaarinta hadal dheer ka soo jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in ay dhib badan ka soo mareen sidii Puntland ay Barlaamkeeda ay u hirgeli lahaayeen.

 

Dhanka kale Cabdullahi Yusuf Madaxweyihii hore ee Dawlada Soomaaliya oo halkaas hadal dheer ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kasoo qeyb galo dhaarinta baarlamaanka DGPL , wuxuu madaxweynaha ugu hambalyeeyey xildhibaanada inay nasiib u haleen xilka loo dhaarinayo.

 

Wuxuu sheegay in xildhibaanadan la dhaariyey ay sii shaqeyn doonaan 4 sano xil weyna ka saaran yahay ummada puntland.

 

Cabdullahi yusuf ayaa sheegay inuu puntland ka maqnaa muddo lix sano iyo bilo ah, inkastoo uu imaan jiray Puntland, balse uu xil kale hayey.

 

Wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee soomaaliya, cabdullahi yusuf in uu doonayo inuu xasuusiyo shacabka iyo xildhibaanada xaalada adag ee uu dalka soomaaliya hada ku jiro.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheeegay inuu soomaaliya guud ahaan iyo puntlandba nabad u rajeenayo.

 

Isaga oo hadalkiisa ku sii daray “ogaada aniga nin aan si gaar ah ulla shaqeenayo ma jiro, horey puntland 6 sano baan madaxweyne uga ahaa hadana aniga kuma jiro Dadka hada u ordaya puntland….waa in laga fogaadaa in wixii hada kahor puntland ka dhacay aysan dib u dhicin, oo aan la is garab yaacin……qofka aad usoo doornayesaa xilkaa ha u eegina qabiil, ha u eegina qabiil…..ninkii lasoo doorto in lala shaqeeyo”

 

Wuxuu madaxweynihii hore ee dowlada kumeel gaarka soomaaliya khudbadiisa kusoo khatimay in shacabka puntland aysan cidna ku xad gudbin balse hadii dhibaato lala soo doonto ay is difaacaan oo ay midnimadooda ka shaqeeyaan.

Madaxweyne Cadde Musse ayaa sheegay in 4tii sano oo aanu Dowladiisa ay shaqeyneysay ay u cadaatay inay yihiin ummada ama shacabka Puntland dad nabadgeylada jece.

 

Waxaa uu yiri waxaan hubaa in shicibka Puntland inay yihiin dad dhulkooda jecel. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland.

 

Cadde Musse ayaa intaasi ku daray in Puntland danteeda ka shaqeysato oo aysan ku mashquulin wax kale.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Puntland nabad u ahaan lahayd, asagoo intaasi ku daray in dadka ka imaanaya gobalada kale ee koonfurta Soomaaliya inay soo dhaweenayaan.

 

Cabdiraxmaan Faroole oo ah Guddoomiyaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa halkaasi ka sheegay inay musharaxiinta ay ku faraxsan yihiin in loo gudbay xiligii la dhaarin lahaa Baarlamaanka cusub ee Puntland, kaasi oo 8da bishan soo dooran doona Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

 

Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbadiisa ku sheegay in Musharaxiinta tar tanka ku jirta ay Kalsooni buuxda siiyeen xukuumada iyo ciidamada Puntland in ay amniga sugaan.

 

Wuxuu kaloo Faroole sheegay in ay Kalsooni buuxda siiyeen mas’ uulka ay Dawlada Puntland u magacowday amniga caasimada Puntland xiliga ay doorashada dhacayso.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo isaguna halkaas hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay in looga baahan yahay xubnaha cusub ee Baarlamaanka DGPL in ay noqdaan kuwa si caddalada ah ku soo doorta Xubnaha Barlaamka Puntland.

 

Munaasibadda dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka DGPL ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyadoo dadka Caasimada Puntland ku noolna ay intooda badan ay aad ugu farxeen dhaarinta Xubnaha Barlaamka DGPL oo ay sheegeen in tani tahay mid Puntland u horseedi karta Nabad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse ayaa hada khudbad kasoo jeediyey Golaha wakiilada Puntland, oo maanta ay ka socota munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo khalkasi khudbad kasoo jeediyey ayaa waxaa khudbadiisa u akhriyey Eng.Caydaruus Cismaan.

 

Khudbadaasi ayaa ahayd mid ku aadaneyda Baarlamaanka Puntland ee cusub, asagoo Madaxweynaha Puntland khudbadiisa ku sheegay in Xildhibaanada Puntland ka shaqeeyaan dhawrista Sharciga Puntland iyo waliba sidii loom eel marin lahaa Dimuquraadiyeynta Puntland.

 

Khudbadaasi ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in Puntland u gudubto hawbka xisbiyada ah isla markana la diyaariyo sidii Puntland horumar u gaari lahayd.

 

Waxaa kaloo khudbada Madaxweynaha Puntland lagu sheegay in amniga Puntland laga shaqeeyo si aysan wax khal khal ah marnaba usoo gelin.

 

Khudbadaasi dheer oo uu akhriyey Eng.Caydaruus kadib waxaa khudbadiisa la wareegay Madaxweyne Cadde Musse oo sheegay in 4tii sano oo aanu shaqeenayay u cadaatay inay yihiin ummada ama shacabka Puntland dad nabadgeylada jecel

 

Waxaan hubaa in shicibka Puntland inay yihiin dad dhulkooda jecel. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland.

 

Cadde Musse ayaa intaasi ku daray in Puntland danteeda ka shaqeysato oo aysan ku mashquulin wax kale.

 

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Puntland nabad u ahaan lahayd, asagoo intaasi ku daray in dadka ka imaanaya gobalada kale ee koonfurta Soomaaliya inay soo dhaweenayaan.

 

Cadde Musse Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadnaqay Madaxweyne cabdullahi yusuf Axmed iyo wuxuu kasoo qabtay dib u heshiisiintii Soomaaliya.

 

Ugu dabneyntii wuxuu Madaxweynah Puntland ugu baaqay shacabka kale ee koonfurta Soomaaliya inay ka shaqeeyaan amnigooda iyo midnimada dalka Soomaaliya.

 

Wuxuuna geba gabadii khudbadiisa Madaxweynaha Puntland ku sheegay in kalfadhiga 21aad ee Baarlamaanka Puntland uu furan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaabkii ay u dhacdey dhaarta Xildhibanada PL ee cusub

1 Jan 1, 2009 - 4:56:02 AM

 

 

 

 

Islaan Ciise oo ka hadlaya munaasabada dhaarinta Xildhibanaada

Maanta oo Taariikhda bishu tahay 01-01-2009 waxaa hoolka Baarlamanka Puntland ee Garoowe ka dhacdey munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayey xillibanada cusub ee dhawaan la soo xulay, waxaana ka qeybgalay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Cabdullahi Yusuf Axmed, Gen. Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha Musharaxiinta PL. C/raxmaan Faroole, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo kuwo kale.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa dadkii khudbada ka jeediyay Munasabada ayaa waxaa uu ka hadlay xilka saaran Mudanayaasha maanta loo dhaariyay iney howshooda u gutaan si daacad ah, wuxuuna sheegay in mas'uuliyada saaran ee ay u dhaaranayaan in ay uga soo baxaan sida ay tahay hadii ay wixii ay ku dharteen ay ka soo bixi waayana meel u taalo dhaartii ay mareen, isagoo ugu baaqay in ay marxalada jirta fiiriyaan, kana bixiyaan shacabka ay matalaan.

 

 

Madaxweynhii hore ee Somaliya oo fadhiya goobta lagu dhaariyey xubnahana

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay ayaa hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in mudo lix sano iyo bilooyin uu ka maqnaa Puntland, sidasi dartedna wuxuu sheegay in ay farxad u tahay in maanta lix sano kadib uu goob joog ahaado munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee shaqeyn doono mudada Afarta sano, wuxuuna u hambalyeyay Xildhibanada isagoo u rajeeyay in ay ka soo dhalaalaan mas'uuliyada cusub ee loo soo idmaday.

 

Md. Yusuf ayaa sheegay in belaha iyo issimada Puntland ay soo xuleen Xildhibanada maanta la dhjaariyey wuxuuna ugu baaqay in ay horumar gaarsiiyaan shacabka ay matalaan, isagoo carabka ku dhuftay xilka saaran Xildhibaanka in uu yahay tiirka Dowladda Puntland.

 

 

Cadde Mus eoo ka hadalaya dhaartii Xildhibaanada

Waxaa uu Xildhibaanada ugu digay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha qaladaadka keeni kara, isagoo sheegay in hadii Baarlamaanku qaldamo ay waxba qaldamayaan, isla markaana aysan jireyn wax hagaagaya, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada in ay ka shaqeeyaan sidii horumar iyo midnimo u gaari lahaayeen dadka ku nool, iskana fogeeyaan wixii dhibaato u keenaya dalka iyo dadka.

 

Md. Cabdullahi Yuusuf ayaa sheegay in wixii khilaafaad ah ee jira ama ka yimaada Xildhibanada cusub ee lasoo xulay in lagu xaliyo hab sharci ah.

 

 

Gudoomiyaha musharaxiinta oo ka hadlaya munaasabada dhaariinta Xildhibaanada

Mar uu ka hadlayey Madaxweynihii hore ee dalka doorashada Madaxweynaha Puntland ayuu waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada in ay doortaan mas'uul mudan xilkaasi isla markaana midnimada iyo amnigeeda ka shaqeyn kara oo ka soo dhalaali kara xilkaasi culus, "Ogaada aniga nin aan si gaar ah ula shaqeynaayo ma jirto, Puntland lix sano ayaan Madaxweyne Puntland uga ahaa hadana aniga kuma jiro Dadka hada u ordaya Puntland" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee KMG.

 

Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xersi oo isna halkaasi khudbad kasoo jeediyey ayaa waxaa u akhriyey Eng.Caydarus Cismaan, taasoo xoogga saareysay siyasadda Puntland gaar ahaan Barlamanka cusub, isagoo khudbadiisa ugu baaqay xildhibanada in ay dhowraan Dastuurka Puntland u degsan.

 

 

Sheekhii dhaariyey Xildhibaanada Puntland

Khudbada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay geli doonto qaabka xisbiyada dorashooyinka iyo jawi Dimoqraadiyad, taasoo u baahan in marka hore laga shaqeeyo amniga iyo midnimada dadka.

 

Gen. Cadde Muuse ayaa markaasi kadib waxaa uu si toos ula hadlay Mas'uuliyiinta maanta loo dhaariyay xilka iyo dadkii ka soo qeybgalay isagoo sheegay in mudadii afarta sano ee ay xukuumadiisa shaqeyneysay ay qabatay wax badan, isla markaana dadka Puntland ayuu ku sheegay in ay yihiin dad nabada jecel oo loo talin karo.

 

Wuxuuna ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay in kalfadhiga 21-aad ee Baarlamaanka Puntland uu furan yahay, isla markaana Xildhibaanada ay howshooda u gutaan si daacad ah.

 

Guddoomiyaha Musharaxiinta Puntland Cabdiraxman Faroole oo u hadlayey Musharaxiinta oo intooda goob jooga ka aheyd munasabadaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo gudbay dhaarin Xildhibaanada Barlamanka cusub ee Puntland, isla markana ay soo dhoweynayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay Faroole in ay kalsooni buuxda siiyeen xukuumadda iyo mas'uulka ay u soo xushay wax ka qabashada amaanka ayna ku garan siinayaan.

 

Faroole waxaa uu intaa raaciyay in midnimada Puntland iyo ilaalinta amniga ay tahay ahmiyada ugu weyn, ayna diyaar u yihiin iney kala shaqeyaan Maamulka iyo ciidamada sidii meel looga soo wada jeesan lahaa wax ka qabashada amniga iyo ka hor taga ineysan dhicin wax khal khal gelin kara Doorashada Puntland.

 

Musharax Faroole wuxuu carabka ku dhuftay iney kalsooni buuxda ku qabaan Xildhibaanada cusub ee la soo doortay, isla markaana ay soo xulaan mas'uul u qalma xilka Madaxweynenimo ee Puntland.

 

"Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada cusub inay soo xulaan shaqsiga Puntland u qalma hogaminteeda,ayeysan ka baqin Xildhibaanada Musharaxiinta faraha badan" ayuu yiri Musharax Faroole oo ku bogaadiyay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Cabdullaahi Yusuf, wuxuuna ku tilmamay Oday Somaliyed oo mudo ku howlanaa dib u heshiisiinta Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in ay musharaxiinta iyo Yuusuf ay wada yeesheen kulan gaar ah oo ay kaga dalbanayeen inuu uu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha doorashada, isagana uu aqbalay.

 

Intaasi kadib waxaa la guda galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee MGPL oo Shan shan loo dharinayey, iyadoo qeybtii ugu horeysay ee la dhaariyay ay noqotay Gobolka Nugaal, waxana marka kadib la guddonsiinayey Shahaado iyo Kaarka Xildhibanimada oo uu guddoon siinayey Barkhad Cali Farax oo ah Guddomiyaha Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Garyaqaan*:.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheeegay inuu soomaaliya guud ahaan iyo puntlandba nabad u rajeenayo.

 

Isaga oo hadalkiisa ku sii daray “ogaada aniga nin aan si gaar ah ulla shaqeenayo ma jiro, horey puntland 6 sano baan madaxweyne uga ahaa hadana aniga kuma jiro Dadka hada u ordaya puntland….waa in laga fogaadaa in wixii hada kahor puntland ka dhacay aysan dib u dhicin, oo aan la is garab yaacin……qofka aad usoo doornayesaa xilkaa ha u eegina qabiil, ha u eegina qabiil…..ninkii lasoo doorto in lala shaqeeyo”

Well said Col. Yey smile.gif I also find the combination of the parliament interesting. ;);) nudge nudge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ilko Jiir and Co have a fat chance

 

It looks like reer Barigii reer Sanaag Bari waa u qayileen. Lacagtii yarayd ee Las Qorey Port loo ururiyay ayaa lagaga dilay Qado iyo Qaad. :D

 

If not Cadde Muse, most certainly it is going to be another one of his kins from Mudug or Nugaal. I just can't forsee them loose Puntland's leadership as well, specialy as Col. Yey's humiliation is still very much fresh in their minds.

 

But it will be an interesting to watch how it unfolds.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer Ilkajiir is the new leader, we are not short of skillful and military men, the old man retired and the fresh, healthy and energetic Ilkajir's term beggins, no wonder he scares you a lot, he will be the next President of Puntland Insha'alah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The selection will be done by your 66 member parliament which was hand picked by clan elders. Its these men that will select who ever they want to lead Puntland.

 

But I am just commenting on what I think considering the dynamics of politics in the wider region or within Puntland itself.

 

It really doesn't matter who you select to lead Puntland b/c quite frankly whoever wins will not do much different than that Cade Muse or Col. Yey already done.

 

It would be much more interesting, although in my opinion highly unlikely, if either a man from Sool or someone from Sanaag wins. I say that particularly considering the new reality in the South and the fact that a lot is at stake at this juncture in time for Puntland. Will Puntland gamble or will it choose safe hands (ie someone from the main clan of PL)?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

The selection will be done by your 66 member parliament ...................

 

 

.............. Will Puntland gamble or will it choose safe hands (ie someone from the main clan of PL)?

Why don't you ask those selected 66!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer Ilkajiir is the new leader, we are not short of skillful and military men, the old man retired and the fresh, healthy and energetic Ilkajir's term beggins, no wonder he scares you a lot, he will be the next President of Puntland Insha'alah.

Suldanka adeer, Ilka Jiir is from the same clan as A/yusuf, Cade Muse, Mohamed Abdi Hashi and most of the 66 MP's of Puntland.

 

Whats your point? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Suldaanka:

^^Ilko Jiir and Co have a fat chance

 

It looks like reer Barigii reer Sanaag Bari waa u qayileen. Lacagtii yarayd ee Las Qorey Port loo ururiyay ayaa lagaga dilay Qado iyo Qaad.
:D

 

If not Cadde Muse, most certainly it is going to be another one of his kins from Mudug or Nugaal. I just can't forsee them loose Puntland's leadership as well, specialy as Col. Yey's humiliation is still very much fresh in their minds.

 

But it will be an interesting to watch how it unfolds.

Shitu happens, but it stinks - Japanese Proverb :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D

With the conclusion of the 3 hour exercise, I see a logical pattern forming already - Mudug, Bari and now Nugal. In four years time, I predict that it will be back to Mudug and the cycle will continue... icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Suldaanka nailed it. What he said is how it exactly went down. Very predictable puntland. I am very disapointed myself that a Maakhiri didn't win it. Damn it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^In my opinion, those who think they have a chance in Puntland, are the real fools.

 

You have to give it to SSDF clan, si fiican ayaa u soo ciyaarsiiyeen. It is like going out with a girl and spending so much money on flowers and food etc and then the last minute she informs you "Oh, didn't I tell you I am getting married next week?" icon_razz.gif :eek:

 

Cosobsanlahaaye ceeb ayaa iga raacday. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

ouch! waan dili lahaa taas yar, intaan bac madow ku rido ayaan bada ku dari lahaa. lol

 

Rer Maakhir waa very patient I have to give it to them though. They stuck it out for a while hoping in ay SSDF ay is badh qabtaan laakin to no avail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this