Sign in to follow this  
General Duke

State wide celebration welcoming the new President of Puntland Cade Muse

Recommended Posts

Sidii Natiijada doorashada Puntland looga soo dhaweeyey magaalooyinka Bosaaso, Qardho, Garowe, Badhan, Gaalkacyo, Laas Caano iyo aaga forinta ee Puntland

 

]Garowe :- Kadib saacadihii lasoo dhaafay markii lagu dhaawaaqay natiijada Doorashooyinkii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa meelo badan oo kamid ah Puntland oo ay weli ka socdaan damaashaadka lagu soo dhaweenayo Natiijada doorashada.

 

Magaalada Boosaaso oo ay dad kumanaan ah maanta isugu soo baxeen ayagoo sita caleemo qoyan ayaa laga maqlay sawaxanka rasaasta culus iyo kuwa fudud oo cirka loo riday kadib markii raadiyaasha laga dhagaystay doorshada oo si toos ah loola socday.

 

Magaalada ayey ka dhex muuqadaan dad badan oo si weyn usoo dhaweeyey soo afjarkii loolankii Doorashada iyo waliba natiijadii kasoo baxday.

 

Magaalada Qardho ayaa ayadu si weyn looga dabaal degay ayadoo ay fagaaraha magaalada maanta isugu soo baxeen dad kumanaan ah oo si wadajir ah u dhageysanayey habkii ay doorashada u dhacaysay oo laga dhageysanayey raadiyaha magaalada ee SBC Radio.

 

Waxaa ayduna si weyn looga dareemay dabaaldega Doorashooyinka magaalada Badhan ee gobalka Sanaag Bari, halkaasi oo ay dadku maanta si weyn usoo dhaweeyeen horumarka laga gaaray doorashooyinka.

 

Magaalada Garowe oo ayadu todobaadyadan laga dareemay loolanka siyaasadeed ee musharaxiintii u tartamayey jegada Madaxweynaha iyo kuxigeenka ayaa waxaa laga maqlayey rasaasta lidka diyaaradaha oo cirka loo riday kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ayadoo dad badani ku xoon sanaayeen goobta ay doorashada ka dhacaysay ee Baarlamaanka Puntland.

 

Laas Caano oo kamid ah goobihii sida weyn looga taageersanaa musharax Gen. Cadde Muse ayaa maanta si weyn looga soo dhaweeyey sidii ay doorashada ku dhacday ayadoo Forinta hore ee ciidamada Puntland ku sugan yihiin laga dareemay dabaaldega dhismaha maamulka cusub ee Puntland.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale in kabadan oo kamid ah Taageerayaasha Gen. Cadde Muse ay magaalada isugu soo baxeen ayadoo ay muuqato in dadka intiisa badan hadal hayo doorashooyinkii maanta dhacay oo noqotay doorashadii ugu horeysay oo si aad ah ay dadku ulla socdeen ayagoo markaa ka dhageysanaya raadiyaasha oo soo tabinayey wararka si toos ah.

 

Doorashada Puntland ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu horeeyey oo noocooda ah oo ka dhaca deegaankan waana markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka Puntland si toos ah usoo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen.

 

Waxay sidoo kale doorashadan ahayd midii ugu horeysay oo qaabka cod bixinta u dhacay si qarsoon ayadoo lagu ridayey BOX ama SANDUUKH dhamaan cododka xildhibaanada Puntland, halkii ay doorashooyinkii horey uga dhacay Puntland ay ahaayeen kuwo ay si gacantaag ah codkooda ku dhiiban jireen ergooyinka ka kala yimaada gobalada.

 

Isku soo duubaa doorashadan ka dhacday maanta Puntland ayaa ahayd midii ugu horeysay oo loolan xoogan ku dhexmaro musharaxiin kala gedisan oo magacweyn ku dhexleh Puntland, waxaana lagu tilmaamay in doorashadan noqotay mid ah horumar weyn oo ay Puntland ka gaartay dhanka dimuquraadiyada.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Garowe, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have to admit i didnt manage to read all u wrote coz my somali aint up to scratch (am still learning) but the bottom line is that i dont believe in somalis being segragated nor do i believe in them being led by two different pple so forgive me for not beeing enthusiastic about the new prez, the only time i would hail for a somali president is when the whole of somalia is united and when there is a fair election for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mz Alpha sis, he is a regional President of the Somali State of Puntland. Much like the state Chancelors in Germany or the Governors in the US.

 

Cade Muse was the opposition to Abdullahi yusuf, now he is the legitimate leader of the stateas chosen by its representatives. Dont you think thats progress?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

Its important to note that this transfer of power is in agreement with the peace treaty that he signed with cabdillahi yusuf.

 

This may seem premature, but I think it demonsterates the maturity and the statesmanship of Cadde Muse.

 

 

Lets see how he leads and governs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke thnx for enlightening me, and yea it is progress as it seems democratic. Dont you wish that there was that kind of democratic election for the whole of somalia as a nation for one president? and then have all these regional governers for each state who have been chosen by a fair and democratic election to make up a parliament and in turn can raise the profile of their state as well as raise issues or qualms that affect there area to an indepentently chosen panel?...i think there would be an equillibrium in making everyone happy and live in peace rather than pieces

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this