Meiji

15 May SYL: The Power of Ideas

Recommended Posts

Meiji   

sylgif1.jpg

 

 

Xuskii 15ka May ee ugu horeeyay iyo muuqaal sawir ah

 

Talaado, May 15, 2007(HOL): Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.

 

 

Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay.

 

Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay.

 

C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X.Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.

Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.

 

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-

 

In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.

 

In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.

 

In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo d.abooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

 

Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-

 

( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)

 

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaan a barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.

 

Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.

Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.

 

Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego) waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:-

 

Magac M/Dhalasho Gobol S/Dhalasho Da’da

 

1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin........ Tayeeglow Bakool 1919 24 Jir

2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii)........ .Mareeg G/gadud 1915 28 Jir

3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke.....Hobyo Mudug 1917 26 Jir

4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad........Muqdis ho Banadir 1917 26 Jir

5. Cusmaan Geeddi Raage............Muq disho Banadir 1925 18 Jir

6. Dheere Xaaji Dheere............Mu qdisho Banadir 1926 17 Jir

7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)......Ho byo Mudug 1925 18 Jir

8. Cali Xasan Maslax...... 1919 24 Jir

9. Maxamed Cali Nuur.......Mugadisho Banadir 1927 16 Jir

10. Maxamed Faarax Hilowle.......Mareeg G/gaduud 1925 18 Jir

11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi......Muqdish o Banadir 1918 25 Jir

12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax....Mareereey Sh/hoose 1926 17 Jir

13. Maxamed Cusmaan Baarbe........Baardh eere Gedo 1910 33 Jir

 

Kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka.

 

Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatooyin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda.

 

http://www.hiiraan.c om/news/2007/may/war arka_maanta15-1218.h tm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay.

 

C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X.Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.

Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.

 

It is truelly amazing how those two young Somali men have come together and discussed issues which affect the land of Somalis.

 

Through their ideas they have set into motion the modern history of Somalia, and who would have thought that they would open a new chapter in Somali history: the creation of the first Pan-Somali political party and the inspiration of many Somalis to this day!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Meiji brother, if only we could take the Gog and Magog of todays Somali Political landscape and replace them with these national treasures, how better off our country and people would be!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

That was 66 yrs ago with different political landscape. I wonder what they would have done today?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^

 

They have done what they could 66 years ago, and launched the modern history of Somalia.

 

I wonder what we (the current Youth) would have done 66 years ago if those incredible SYL youth were never born.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Poker:

That was 66 yrs ago with different political landscape. I wonder what they would have done today?

They wouldn't have done anything. There are many men and women like them today, in and outside Somalia, and what do they do? Nothing. Unfortunately there are no room for people like those 13 heroes in Somali politics today. And I blame the people, yes the ordinary people. While in 1940s and 50s ordinary Somalis would support and rally behind those men, today's Somalis, even those who are suffering immensely, will only support their warlords. Ironically it's same warlords who are the cause to their suffering.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Abdinasir Kadawo:

quote:Originally posted by Poker:

That was 66 yrs ago with different political landscape. I wonder what they would have done today?

They wouldn't have done anything. There are many men and women like them today, in and outside Somalia, and what do they do? Nothing. Unfortunately there are no room for people like those 13 heroes in Somali politics today. And I blame the people, yes the ordinary people. While in 1940s and 50s ordinary Somalis would support and rally behind those men, today's Somalis, even those who are suffering immensely, will only support their warlords. Ironically it's same warlords who are the cause to their suffering.
That is exactly how i feel. I think some of these guys would have been became warlords given the current "Somali" political condition if they're alive today.

 

In thier time, Somali people were fighting against white colonial system and today Somalis are fighting among themselves. QABIIL vs. NATIONALISM.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The discourse of warlordism is an oblivion of a meta-narrative, Che. Mar haddaad shul ku tiraahdaa moolkaad ku libdhan, wax kalena garan kari merysid. Hala yaabin. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Che -Guevara:

^SYL members would have become warlords?...Amazing

Why is that so shocking to you?

 

Some of today's warlords were yesterday's heros who fought greatly for the honor of thier country.

 

look What they've became now. They fight for the honor of thier qabiil instead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.