Sign in to follow this  
me

Qanyare exposes a new TFG crime

Recommended Posts

me   

Qanyare:-“Badgadashadii Kenya ee laga hadlaayey Bad gadashadii ka weyneydaa tan ah”

 

By Somalimirror on 8 Nov, 2009 9:48 AM in Main, Wararka

 

 

QanyareMax’ed Qanyare Afrax oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka KMG ah ayaa Sheegay inuu soo helay Nuqul kamid ah heshiis Sharci Daro ah oo Xukuumadii Nuur Cade ugu Fasaxday wadamada Reer Europe inay Ciidamadooda soo dhoobaan Xeebaha Soomaaliya.

 

 

 

Qanyare oo la hadalayey Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqisho ayaa Sheegay inaan Heshiiskan lasoo marin Baarlamaanka KMG ah isla markaana ay kala Saxiixdeen labada Safiir ee DKMG ah iyo France u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

 

 

Qanyare arinkaa ka hadlayana waxa uu yiri:“waxaan halkaan ku hayaan Heshiis lala saxiixday midowga Europe oo Sharcidaro ah oo la saxiixay 31/12/2008 Nairobi baana lagu saxiixay waxaa la yiri Safiir Soomaaliya u jooga iyo Gabar Faransiis ah oo iyaduna Safiir ah baa kalasaxiixday, heshiiskaas waa la qariyey hadaan aniga ka soo helay meelo lagu qarinaayey, heshiiskaa abadkii lama keenin Baarlamaanka”.

 

 

 

“Badgadashadii Kenya ee laga hadlaayey Bad gadashadii ka weyneydaa tan ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

 

 

 

Ciidamada Reer Europe ee Xeebaha Soomaaliya Cududooda isugu keenay ayuu Carabaabay inay Sharcidaro ku joogaan Badaheena ayna dhibaatooyin Xoogan u geyteen Kaluumeysatadii Soomaaliyeed iyo Shabaagtoodii iyago oo ku andacoonaya ladagaalanka Burcad Badeeda.

 

 

 

Arinkaana wuxuu ka yiri:“waa soo galeen Sharcidaro waxay keeneen dadka inay Dilaan…Doomaha inay Burburiyaan Burcadbadii iyo kaluumeysatadii inay dhinac ka mareen oo ay dheheen Soomaali Bada halaga saaro… Maraakiibtoodii Kaluumeysiga Dalalkooda intay soo wadeen inay difaacayaan Maraakiibta Dagaalku”.

 

 

 

Qanyare ayaa Ciidamada Reer Galbeeedka ugu baaqay inay ka baxaan Xeebaha iyo dhamaan Badweynta Soomaaliya hadii kalana ay Cadeysataan inay yihiin Gumeystayaal Cusub.

 

 

 

Wuxuu intaa ku daray inay Ciidankaasi ka doonayaan Magta Dadkii ay Dileen iyo hantidii ay Baaba’sheen.

 

 

 

Ugu dambeyntii waxa uu Sheegay inuu Baarlamaanka KMG ah hor geyndoono Mooshin ka dhan ah Ciidamada Shisheeya ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

 

 

 

Hadalkan ayaa imaanaya Xili Xeebaha Soomaaliya ay soo buuxdhaafiyeen Ciidamo Reer galbeed ah oo aad u hubeysan kuwaas oo ku andacoonaya inay ladagaalamayaan Burcad Badeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this