Sign in to follow this  
ismacil mire

Dr.Cali Khalif Galaydh;TFG,PLSL should recognize SSC

Recommended Posts

CaliKhaliifGalaydh.jpg

 

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cali khaliif Galayr ayaa waxaa uu soo bandhigay qorshihiisa Mustaqbalka iyo halka uu ku wajahan yahay mustaqbalkiisu waxaana uu sheegay Mar uu la hadlayay Idaacada Barkulan iyo SomaliChannelTv in xiligaan uu go aansaday samysashada ganacsi u gaar ah oo uu ku sheegay furitaanka TV iyo Radio laga daawado islamarkaana laga dhagaysto Caalamka oo dhan.

 

Prof Cali khaliif oo ahaa Ra iisalwasaarihii Dawladii TNG da ee lagusoo dhisay Carta ayaa waxaa uu aad u soo dhaweeyay dhismaha xukuumada Cusub ee Soomaaliya ee Ra iisalwasaare Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo.

 

‘’Xukuumada Cusubi waa mid tayaysan islamarkaana kooban waxaana ka dhex muuqda aqoonyahano iyo dad ka fog arrimaha musuqmaasuqa iyo danaha dawladaha dariska la ah Soomaaliya gaar ahaan Itoobiya ayuu yiri Cali Khaliif oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Falanqaynta Dhacdooyinka ee TV ga SomaliChannelsaldhigiisuna Yahay London.

 

Baarlamaanka KM g ah ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan caqabad ay ku sameeyaan Xukuumada Cusub waana in ay eegaan danta guud oo aanay ka fiirin Maslaxad iyo dano qarsoon ayuu intaasi ku daray Prof,cali khaliif oo hada Retire ama hawlgab ka noqday jaamacadaha wadanka Mareykanka oo uu macalin ka ahaa waqti dheer.

 

Barnaamijka Tv ga ee uu Prof, ka qaybqaadanayay oo ahaa dood furan oo xagga taleefoonada looga qayb qaadanayay ayuu si weyn u dhaleeceeyay qorshaha caalamka eek u wajahan arrimaha Soomaaliya waxaana uu sheegay in dhaqaalaha ay ugu deeqaan Soomaaliya aanu sidii la rabay u fulin taasi oo mas uuliyadeeda ay leeyihiin buu yiri Dawlada KMg ah ee matalaysa Soomaaliya.

 

Prof,Cali khaliif Galayr oo wax laga weydiiyay arrimaha Somaliland iyo Puntland eek u wajahan SSC ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ka taagan Deegaanada Sool ,Sanaag iyo Cayn looga gudbi karo iyada oo la aqoonsadao si toos ahna loola hadlo hogaanka SSC isagoo tusaale u soo qaatay Jabhadii SNM oo ka dagaalamaysay Deegaanada waqooyi galbeed ee hada labaxay Somaliland.

 

Waxaa uu yiri SNM iyo SSDF labaduba ma ogolaadeen hadii dawladihii ka soo horjeeday ay inkiri lahaayeen jiritaankooda sidaasi daraadeed SSC waa urur jira islamarkaana ka dagaalamaya deegaanada ay ka soo jeedaan sidaasi daraadee waa in la la hadlaaa o la joojiyaa beelaha iyo jufooyinka ama shakhsiyaadka sida gaarka ah loola hadlayo ee aan wax ka taraynin nabada Deegaanadaasi

 

Dhageeyso

 

longer version of the audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

The Autonomous Regional State of SSC is reality on the ground and no one can deny

 

The Federal Government of Somalia realized that SSC Region is very crucial and an integral part of United Somalia. Therefore, Somali Government decided to recognize and support the SSC people and their newly established state.

 

 

Professor Ali Khalif Galaydh has given so many great advices and recommendations to the Federal Somali Government. and the Professor said Farmaajo's new cabinet is excellent choice, well educated, experienced, and respected Somali citizens. Masha Allah

 

Somali people should give chance to the new Somali Government, and Insha Allah our Government will succeed, May Allah Bless Somalia amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this