Sign in to follow this  
Major-General Cawad

The Vision for a better Future, the Grace, Amusement and Beheading of a Camel in Gedo

Recommended Posts

The Vision for a better Future, the Grace, Amusement and Beheading of a Camel in Gedo Region for a Bright Ushering of Peace in South-West Somalia!!!!

 

Warakii Iyo Muuqaaladii Ugu Danbeeyay Ee Shiweynaha Nabadda Ee G/Gedo!!!

 

Waxaa maalintii labaad halkoodii ka sii socdo munaasabadaha gawraca sabaynaha waran-tiiris-ka ah ee lagu xukumay dhinacyada lagu heshiisiinayo shirweynaha nabadda ee G/Gedo.

 

Boqollaal qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay bar-kulan lagu ballamay si loo fuliya gawraca sabayntii labaad ee ka soo jeedo dhinaca degmada Luuq iyada oo la raacayo xeer-dhaqameed-ka la qadariyo ee isu-qabadka sabaynaha oo loo arkayo in uu yahay hab-dhaqameed ka dhigan dhaar iyo wacad ay wada galayaann dhinacyada heshiiyay.

 

Mid ka mid ah arrimaha door-ka ah ee maanta ka dhacay munaasabadda gawraca ayaa waxay ahayd in nabadoon Aadan-gaab uu dalbaday in lakeeno Kadiye Colaad oo markaasi ka maqnaa madasha gawraca, waxayna labada nin markii ay kulmeen isdhaafsadeen eraryo isugu jiro kaftan iyo isdhaarsi waxana erayadaasi ka mid ahaa:

Kadiye:yaa I dalbaday oo I calmaday:

 

Aadan-gaab: anaa ku calmaday.

 

Kadiye:oo maxaad aniga ii calmatay dadku waa badnaaye?.

 

Adan-gaab:adiga iyo aniga labo abaanduule ayaan ahayn,maanta waa la ishayaa ee waa inaan isku dhaarsano in aanan mar danbe dhalinyarada isku laynin oo aad hasha gawracdaa.

 

Kadiye:in kaste oo aanan abaanduule dagaal isu haysan hadana Aadanow waa iga ballane adigu ballan iyo wacad ma ku maraysaa inaan mar danbe la iigu soo duulin taladaada iyo mid kale oo aad ogatahayba.

 

Aadan-gaab:waxaa iga wacad ah oo aan ku dhaaranayaa in aan lagugu weerarin taladayda iyo mid kale oo aan ka war hayo.

 

Sidoo kale odayaasha labada dhinac ayaa si diiran isugu gacan qaaday goobta ay ka dhacaysay munaasabada gawraca,waxayna arrintani ka dhigantahay in la soo af-jaray cuqdad-nafsigii muddada dheer dhextaalay labadan garab.

 

Si kastaba ha ahaatee maalinimada barri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo hool-ka shirka is-afgaradka guud ee labada jifo iyo fulinta qodabkii ugu horreeyay ee go’aan-kii guddiga garsoorka iyada oo markaasi kadibna loo gudbi doono dhamaystirka fulinta qodabada ka haray go’aankii gudiga garsoorka.

 

Axmed Gaaruf

Gedonet,Garbo

Share this post


Link to post
Share on other sites

FAALADA ADAN AXMED IYO SHIRKA NABADDA EE G/HAAREY: "NABAD BAAN RABNAA, DAGAALADA EHLIGA AH WAA NACNAY, SHIRKA NABADDA EE GOBOLKA GEDO KA SOCDA HA GUULEYSTO" erayadaasi waa halku dhigga iyo hadaaqa bulshada ********* meel ay joogtaba.

 

Shaki kuma jiro waxa bulshada ********* ka keenay qeylo-dhaantaas nabad-doonka ah in ay tahay biseyl iyo waayo aragnimo ay ka dhaxleen colaadaha ehliga ah ee galaaftay dad iyo duunyaba. Meeshii ay ku soo noq-noqdaan colaado isdaba joog ah, waxaa la ogyahay in aanay nabadi ka jiri karin, mar haddii nabad la waayana sidoo kale waxaa hubaal ah in aanan horumar bulsho la heli karin. Qur'aankeena kariimka ah ayaa waxuu meelo badan noogu sheegay in colaadaha ay ka mid yihiin dhowr masiibo oo ay haboon tahay in laga duceysto.

 

Bani'aadamka sidiisaba isaga oo og dhibka uu dagaal leeyahay oo aanay waxba ka diimooneyn, ayaa haddana waxaad arkeysaa isaga oo intaas fidno laga yaabo isaga in uu ku bixi doono maleegaya ama dhigaya dabino uusan ogeyn isagu in uu ku dhici doono iyo in kale.

 

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "god sireed ha qodin ku dhici doontidaa ma ogide!." ********* waxuu isu wada dhigay dabin iyo jilaafooyin u horseeday bur-bur iyo dib u dhac ka reebay bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

 

Iminka waxaad moodaa bulshada ********* meel ay joogaanba in ay waxoogaa indhaha soo kala qaadeen oo ay deysay xumaddii isnaceybka bilaa macnaha ahaa isla markaana ay garowsadeen in ay asaagood ka hareen iyada oo ay taana ugu wacan tahay duliga uusan Ilaah badin ee ay iyagu gacmahooda iyo caqligooda sida guracan u shaqeynayay uu usoo jiiday.

 

Su'aasha meesha ku jirtaayi waxay tahay, maanta nabadda gobolka Gedo ka socota ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ma noqon doontaa furihii nabadda iyo horumarka Gobolka Gedo? Jawaabta su'aashaan waxay ku jirtaa mid ama dhamaan qodobada hoos ku qoran:-

 

1. Haddii xubnaha maanta ku shirsan G/Haarey, kuwo la dhex-dhexaadinayo iyo kuwo wax dhex-dhexaadinayaba ay howsha nabadda ee ay ku jiraan ay ka tahay DAACAD AMA NIYAD iyo in arrinta nabadda la xariirta si isku mid ah loo arko in loo wada baahan yahay, sidaas awgeedna maanta ay tahay fursad qaali ah oo loo baahan yahay in laga wada faa'ideysto, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara.

2. Haddii ay xubnahaas maanta ku shirsan G/Haarey dhamaantood garwaaqsadaan in aanan iyaga la'isu dhaamin, sidaas awgeedna ay haboon tahay in ay iyaga oo kaliya isku tashtaan, isla markaana ay maanka ku hayaan si weyna uga feejignaadaan in nabadda ay maanta u fadhiyaan ay jiri karaan QUWADO LIDI KU AH OO JECEL IN UU SHIRKANI BUR-BURO AMA UUSAN MIRO DHALIN. Marka haddii akhyaarta u fadhisa shirka nabadda ay arrintaan dareensan yihiin oo ay aad u feejigan yihiin, waa laga yaabaa in uu shirku miro dhalo, isla markaana uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara.

3. Haddii ay xubnaha ku shirsan G/Haarey si aada uga fekeraan una lafaguraan cawaaqib-xumada uu ku reebi karo dagaal danbe ee geyiga Gedo kusoo noqda iyo is afgaran waa dhexdooda ah ee sii jira, sidaas awgeedna ay haboon tahay inta ay goori-goor tahay in la xaliyo qilaafyada ********* dhexdiisa ka jira oo dhan, waa laga yaabaa in uu Gobalku helo nabad iyo horumar waara.

4. Sida caadada ahba, dagaal meel walba wuu ka dhacaa oo waxaa loo dagaalami karaa Qof-Qof, Qabiil iyo Qaranba, laakiin caado la yaqaan ma'ahan WAAN DAGAALNAYE, YAANAN HESHIIN OO AAN WELIGEEN COL AHAANO!, sidaas awgeedna, haddii ********* meel uu joogaba uu go'aansaday in lasoo gaaray waqtigii la xiri lahaa kitaabkii colaada iyo isjiid-jiidka waqti lumiska ah, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara.

5. Haddii bulshada ********* ay garwaaqsadaan in waxa bur-burka u keenayba ay ugu horeyso iyaga oo isaga tagay ku dhaqanka iyo aaminaada caqiiqada Islaamka, isla markaana dhexdooda isku jowi falay oo isugu tuntay qabiil-qabiil iyo qof-qofba. Marka haddii ay taasina ka towbad keenaan oo ay garowsadaan in uu bani'aadamku deeqo istix-gelin iyo walaalow aan wax wada qabsano ee aanay jirin qabiil qabiil xoog wax ku marsiin karo, waa laga yaabaa in uu Gobolku gaaro nabad iyo horumar waara.

6. Intaasoo qodob ee sare ku qoran haddii xataa ay aaminsan yihiin, isla markaana ay niyad ka tahay dhamaantood inta shirka fadhida in uu shirkaas najaxo, balse gebo-gebada ama gunaanadka shirka heshiisiinta labada jifo ee la dhex-dhexaadinaayo haddii aan la sameyn qodobada soo socda waxaa suurta gal ah in uusan shirku mira dhal noqon.

 

 

 

Qodobada looga baahan yahay in lagu dhaqaaqo shirka nabadda ee hadda ka socda G/Harey markuu dhamaado kaddiib ayaa ah:

 

A. In ilsa gogoshaan ayada oo aan loo kala kicin lagu dhawaaqo qabashada shirweyne guud ee reer Sade ayada oo la sheegayo waqtiga la qabanayo, meesha lagu qabanayo, iyo wufuudda kasoo qeyb galeysa inta ay la egtahayba.

B. Ujeedada shirweynahaas la qaban doono waa in ay noqotaa sidii loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay oo leh Hay'adiisii garsoorka, Ciidankii Booliiska iyo Sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen, dadweynaha reer Gedana ay ku kala socon lahaayeen ama ku kala bad-baadi lahaayeen.

 

Anigu qof ahaan waxaan qabaa qodobada sare ee lixda ah haddii la maro ama lagu camal falo in natiijada kama danbeysta ah ee shirka loo fadhiyo maanta G/Haarey ay noqon doonto guul, barwaaqo iyo nabad, haddiise intaasoo qodob la daba maro oo lagu kaco bilcagsigooda waxaa laga yaabaa in aanay arrinta maanta lagu jiro wax badan iska bedelin, balse lagaba yaabo in ay arrimaha halka ay hadda joogaan kasii xumaadaan.

 

Ugu danbeyntii, anigu waxaan si aada oo weyn ugu rajo weynahay in uu shirkaan maanta socda uu najaxi doono oo uu mira dhal noqon doono.

 

 

Idim Ilaah, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ha guuleysto.

 

Amiin.

 

 

 

 

Aden Axmed

aden7@msn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Sabayn xirki koowaad occured yesterday on the outskirts of Garbaharay, this second sabayn xir on the outskirts of Luuq is the other groups camel.

 

After this, ilaahow NABAD WAARTO u dhali Gedo iyo meel kastoo Soomaaliya kamid ah. Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

******* We want Peace; We want Peace *******

 

******* The masses are Shouting.... *******

 

******* Peace,Peace,Peace,Peace.... *******

 

******* We want development........ *******

 

******* We want a United Gedo...... *******

 

******* We wanted a United Somalia *******

 

******* United in Federalism........ *******

 

******* We want to see Equality..... *******

 

******* Brotherhood................. *******

 

******* And Liberty................. *******

 

******* Long Live the People of Gedo ******

 

 

somalia.gif

 

[ August 07, 2005, 08:09 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Very good news, walaahi. Nabad iyo deganaansho waarto insha-allaah.

 

"my mothers side are still in and around Gedo region (Balad Xaawo+Luuq+Doolow}."

 

Cawad, are you sure we're not related? smile.gif Thats where my mothers' farm still reside, and I pray peace reigns in that region and whole of Somalia, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great News. the pictures of the beheading of the camel is very scareing. but any way's to all my peeps let us keep the vision alife bit by bit let us bring peace back home.That's how we puntlanders started out and look at where we are now I hope the same for yo'll.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this