Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Xasan Daahir oo furka tuurtay!!

Recommended Posts

Maaddeey   

Sabti, Mar, 06, 2010 (HOL) Shiikh Xassan Daahir Aweys oo inta badan meelaha Jicmaha u jeediyay dadka qudbado Siyaasadeysa ayaa mar kale hadal u jeediyay ku cabiray sida uu uga xun yahay go'aan uu kol hore qaatay Shiikh Xasan Turki oo ay ka wada tirsanaayeen Ururka Xisbul Islaam kana mid ahaa aas aasayaashii Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya gudaha dalka Soomaaliya.

 

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay si halka uu markiiba Xasan Turki ugu biiray Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab xili ayuu yiri uusan wax la tashi ah la samaeyn raggii ay ururka ku wada jireen.

 

'''Waxaa la yaab leh Xasan Turki Xitaa ma uusan ixtiraamin Eheladdii uu ka dhashay, tusaale ahaan Shiikh Axmed Madoobe waa Seediggii uma uusan naxteexeyn kalama tashan in uu ku biirayo Xarakada Al-shabaab ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay ka muuqtay sida uu uga xun yahay kala leexashada isaga iyo Shiikh Xasan Turki.

 

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu carabka ku dhuftay sababta uu u maleynayo in ay keentay ku biiritaan Shiikh Xasan Turki ee Xarakada Al-shabaab '' Waxaa laga yaabaa in uu is yiri Shiikh Xasan Turki Al-shabaab ayaa ka Tiro iyo Tayo badan Xisbul Islaam ee iyaga ku biir ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in arrintaasi aheyn mid six ah.

 

Dhinaca kale Shiikh Xasan waxaa uu mar kale sheegay in Shiikh Axmed Max'ed Islaan (Axmed Madoobe) ka tirsan yahay Saraakisha Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu difaacay joogitaanka Axmed Madoobe dalka Kenya oo kooxaha Islaamiyiintu u arkaan dal cadow ku ah ku dhaqan Shariicada Islaamka.

 

''Markii ay Itoobiya naga burisay dalka dhamaanteen halkaa ayaan u cararnay sidaa daraadeed wax dhib ah uma arko joogitaanka Axmed Madoobe ee gudaha dalka Kenya ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

 

Ururada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam hadda waxaa la dhihi karaa xiriirkoodu ma'aha mid wanaagsan, inkastoo dhinaca kale marka la eego labada Urur yihiin kuwo ka mideysan ka soo horjeedka Siyaasada Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana xusid mudan in hadalada labada garab ay isku marinayaan qalabka Warbaahinta noqon karaa kuwo marka danbe meesha ka saara xiriirka aan cagaha badan ku taagneyn ee ka dhaxeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa si kulul u weeraray qaabkii uu ugu biiray Shabaab ninka ay saaxibka dhow ahaayeen Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi Turki, isagoo daciifnimo ku tilmaamay sida uu ugu biiray.

 

Sheekh Xasan Dahir oo hadal ka jeediyay Masaajidka Abuu Hureyra Salaadii Jimcaha kadib ayuu sheegay in Sheekh Xasan Turki aanu kala tashan ku biiristii Shabaab, isagoo si aad uga carooday arrintaas.

 

"Runtii in Sheekh Xasan Turki oo ahaa dadkii aas aasay Xisbul Islaam in maanta uu ku biiro Shabaab, xataa inuusan nala socodsiin aad baan uga xunahay"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo si gaar ah u taabtay gunta khilaafka Xisbul Islaam iyo Shabaabka.

 

Sheekh Aweys ayaa ku sifeeyay qaabka uu ugu biiray Xasan Turki mid u muuqata in Shabaab ka awood badan yihiin Xisbigiisa, taasoo dadkii dhageysanayay khudbadiisa ay aad qosleen, waxaana Wadaadka uu u hadlayay si Kalsooni ah.

 

Mar uu ka hadlay arrinta Axmed Madoobe ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay inuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana uu gaashaanka ku dhiftay hadal ka soo yeeray Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo, kaasoo ay ku sheegeen inuusan ka mid aheyn.

 

Sheekh Xasan Dahir ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ku biiritaanka Sheekh Xasan Turki in xataa uusan la socodsiin Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu seedigiis yahay, isagoo ceeb ku tilmaamay inuusan ku wargelin ninka ay xididka yihiin.

 

"Xasan Turki Axmed Madoobe oo seedigiisa yahay oo walaashiis ayuu qabaa xataa uma sheegin inuu Shabaabka ku biiriyo, bal fiiriya ceebtaas"ayuu si dhoolacadeys ku jiro u yiri Sheekh Xasan Dahir oo hadaladiisa oo idil ay ahaayeen mid aad u kulul.

 

Dadkii dhageysanayay Khudbadiisa ayaa ku tilmaamay mid u muuqatay inuu wali aanu dhicin, isla markaana marna Shabaabka isu dhiibi doonin, waxaana hadalkiisa uu ahaa mid sii fogeynayay Khilaafka baaxada leh ee u dhaxeeya Shabaabka iyo Xisbul Islaam.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Asagana muu isaga biiro barbaarta illeen awood uu meel cidla ku taagnaado ma heystee. Asaga iyo ahmed madooba la yaabaa, they r both pretty much fighting for power. He will probably be killed at the ceelasha biyaha if he doesn't stop talking against the shabaabs. Aweys and Ahmed should join the government or the shabaabs, there is no third option for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am very disappointed about this reckless stance of the sheikh.

However, I have been told that some important remarks and profound changes will follow from within the party in response to these unwise statements insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Profound change...I wonder what would that be. You will be "allowed" to call him apostate now?

 

The Zack.....The whole thing comes down to one thing-revenues from the Kismayo port.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh xasan daahir what ever he said, no body can ever trust him since he had and has more clanish feelings other than the religion. I can't differentiate between him, cabdiqaasim and indha cadde

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by The Zack:

Asagana muu isaga biiro barbaarta
illeen awood uu meel cidla ku taagnaado ma heystee.
Asaga iyo ahmed madooba la yaabaa, they r both pretty much fighting for power. He will probably be killed at
the ceelasha biyaha
if he doesn't stop talking against the shabaabs. Aweys and Ahmed should join the government or the shabaabs, there is no third option for them.

If Aweys could be assasinated by the other religious warlords they would have done it long time ago.

 

He makes his friday speeches in Masaajidka Abuu Hureyra and if I'm not mistaken the mosque is in suuqa Bakaaraha which is under control of XI and AS.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Meji, you are right if they wanted to get rid of him it wouldn't have taken them seconds but nowadays he is talking harder on the Al-shabaab issues and that doesn't please the youngsters very much. If he keeps talking the way he talks now and doesn't run away to the jungles like Ahmed Madoobe, trust me he will be gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^^

 

I hope they assasinate him because that would expose the whole religious pretenders and their political agenda.

 

I'm curious as to what his kinsfolk in Suuqa Bakaaraha/Hodan will do when Aweys is assasinated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this