Sign in to follow this  
Jamster

War Degdeg Ah: Gaadhi Tikniko Ah Iyo Taliye Ka Soo Xalaaloobay Maamulka Riyaale

Recommended Posts

Jamster   

War Degdeg Ah: Gaadhi Tikniko Ah Iyo Taliye Ka Soo Xalaaloobay Maamulka Riyaale

 

 

 

Oct 09, 2007 By:Jidbaale.com

 

Laascaanood(Jidbaale.com);-Gaadhi Tikniko ah kana tirsanaa Maleeshiyaadka Maamulka Riyaale taabansan, ee ku sugnaa Togga Wadqari iyo koox ciidan ah oo watay ayaa caawa ka soo baxsaday kuna biiray ciidanka Puntlnad, kuwaasi oo markii ay soo baxsadeen shaki laga shakiyey rasaas lagu diray, inkastoo aan rasaastaas cidi wax ku noqon.

 

 

Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaan Cabdi Bile ahna (Land Cruiser), ayaa waxaa uu caawa soo galay mar kaliya Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ku sugun yihiin mas'uuliyiinta Puntland, taasi oo keentey in rasaas badan lagu rido, inkastoo aan wax khasaare ah ka dhalan.

 

Sidoo kale waxaa isaguna maanta soo galay soona xalaaloobay Taliye ku xigeenkii Maleeshiyaadka taabacsan maamulka Riyaale ee muddada badan ku sugnaa Adhi-caddeeye Cabdi Xasan iyo Ciidan uu wato, kuwaasi oo lagu sheegay in ay gaadhayaan 35 askari.

 

Tallaabadan iyo furfurka ku yimi Maleeshiyaadkii taabacsanaa Maamulka Riyaale ayaa ka danbaysey, kadib markii ay shaqo weyn qabteen, Isimada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanku.

 

Dhinaca kalena waxaa saddexdii maalmood ee aynu soo dhaafnay soo foodsaaray Maleeshiyada Riyaale Khalkhal iyo Cabsi weyn, Iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in ay jiraan Maleeshiyo ka gadoodday ciidankaasi oo dib loogu celiyey Oog.

 

Laascaanood

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this