Sign in to follow this  
General Duke

IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....

Recommended Posts

SH/HOOSE: Gobolka Sh/Hoose oo noqday meesha keliya ee uu jaadka ka soo dago Maxkamaduhuna wax ka qaban la'yihiin

Posted to the Web Nov 20, 08:46

 

814.jpg

 

 

Sh/Hoose (PP) - Gobolka Shabeellada Hoose ayaa noqday goob ka go'an Maamulka Maxkamadaha, waxaana si isdaba joog ah maalin walba uga soo daga jaad aad u fara badan.

 

Jaadka oo 14-kii bishaan ay mamnuuceen Maxkamadaha ayaa wuxuu si toos ah uga soo dagaa Garoommada Ceel-Cali iyo kan KM 50, waxaana Maxkamaduhu aysan waxba ka qaban soo dagitaanka Jaadka ee goobahaas ka tirsan Shabeellada Hoose.

 

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose isla markaana ah Guddoomiyaha Amniga ee Maxkamadaha Yuusuf Indho-cadde ayaa la xaqiijiyay inay dhawaan isaga horyimaadeen joojinta jaadka Abuu-quteyba oo ka mid ah xubnaha sida weyn u ololeynaya in la joojiyo jaadka gabi ahaanba.

 

Degmada Afgooye oo ka mid ah Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay tahay haatan goobta ay sida joogtada ah u tagaan xubnaha jaadka sida waallida ah u cuna, waxaana degmadaas ay noqotay muddo 6-casho oo ka soo wareegtay markii jaadka la joojiyay meel ay ku bateen shacabka.

 

Maamulka ka jira Degmada Afgooye ayaa isagu wax hadal ah ka soo saarin cunista qaadka ee degmadaas ka socota, waxaana ay horay u sheegeen in qaadka ka ganacsigiisa ay degmadu u madax banaan tahay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Mas'uuliyiinta sarsare ee Maxkamadaha oo si weyn isugu khilaafsan in jaadka la fasaxo iyo in kale

Posted to the Web Nov 20, 08:48

 

 

Muqdisho (PP) - Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ayaa waxay si weyn isugu khilaafsan yihiin fasaxidda qaadka, waxaana warar hoose oo ku dhow-dhow mas'uuliyiinta ay sheegayaan inay qaarkood doonayaan in la fasaxo qaadka halka kuwo kalena ay diidan yihiin in la fasaxo gabi ahaan.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Abuukar Cumar caddaan oo shir qarsoodi ah ku yeeshay xalay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in gabi ahaan jaadka la fasaxo isla markaana aan shacabka la isku soo jeedin, waxaana ay sheegeen inay habboon tahay in xilligaan xilli ka duwan la joojiyo.

 

Sidoo kale waxaa wararka qaarkood ay sheegayaan in rag uu ka mid yahay Aadan Xaashi Cayroow, Abuu-Quteyba iyo Sheekh Mansoor ay diideen in gabi ahaan jaadka la fasaxo ayna la mid tahay iyadoo jaadka la fasaxo iyadoo la fasaxay fisqiga oo dhan.

 

Labada dhinac ee kala aamisan labadan mabda' ayaa waxay si weyn isugu khilaafsan yihiin arrintaan, waxaase lagu wadaa inay maanta kulan ku yeeshaan xarunta Maxakamdaha ee Magaalada Muqdisho si ay uga wadahadlaan arrintaan soo dhex gashay oo ah mid aad ay isugu khilaafsan yihiin.

 

Jaadka ayaa wuxuu yahay mid laga isticmaalo gudaha Magaalada Muqdisho, xilli ay joojiyeen Madaxda Maxakamadaha, waxaana jaadka soo gala magaalada Muqdisho uu ka soo dagaa garoommada Ceel-Cali ee Degmaada Marka iyo Midka ku yaalla KM 50.

 

Waana arrin aad u culus joojitaanka Qaadku ,maadaama ay ku nool yihiin dad badan oo caruurtooda ku korsada ,maadaama aysan haysan wax kale oo ay ku bedeshaan oo ay la qabsadeen qaadka ka ganacsigiisa.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabeellada Hoose oo si fiican looga qayilayo iyo Muqdisho oo qaadiro loo dhamaaday.

 

 

Muqdisho, Waxaa aan si aan kala go’ lahayn looga qayilayaa Gobolka Shabeellada Hoose oo noqday goob aysan maxaakiimtu ka joojin Karin cunitaanka qaadka, waxaana si isdaba joog ah maalin walba uga soo daga diyaaradaha qaadka sida.

 

Waxaa iyana qaadiro loogu dhamaaday magaalada Muqdisho, oo laga mamnuucay cuntaaka qaadka waxaana isku si qaadirada ula wareersan, oo yoobsan dadka caadiga iyo weliba xoolaha kunool gudaha magalada Muqdisho oo cunijiray gaarabada la daadiyo, oo qabtimay cunida qaadka sida dadka caadiga ah.

 

Cunitaanka qaadka ayaa 14 kii bishaan ay joojiyeen Maxkamadahu,waxaana uu si aan kala go’ lahayn uga degaa Garoommada Ceelcali iyo KM 50, waxaana dad badani la yaaban yihiin sababta maxaakiimtu arintaas wax uga qaban waayeen.

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose haddana ah guddoomiyaha amniga ee Maxkamadaha ay dhawaan isaga horyimaadeen joojinta qaadka Abuu-quteyba oo ka mid ah xubnaha sida weyn u ololeynaya in la joojiyo qaadka.

 

Afgooye oo aan wax sidaas ah u jirin magaalada Muqdisho ayaa loogu soo hayaamaada Xuniska qaadka waxaana taasi ku tusaysaa kala qabsanaanta u dhexaysa maxaakiimta gudeheeda ee ku aadan joojinta qaadka.

 

Waxaa waayadan oo dhan muran xoogani ka taagnaa in gobolka shabeellada Hoose uusan si dadban u hoos imaan maamulka maxaakiimta magaalada Muqdisho, waxaana arintaasi hor taagan baa la leeyahay Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo aan doonayn in marna gobolku gancatiisa ka baxo.

 

Si kasta ha ahaateen waxaa joojinta qaadku si toos ah uga hirgaly gobolada ay maxkamaduhu ka taliyaan marka laga reebo shabeellada Hoose illaa haddna waxa war ah lagama soo saarin sabata dhabta.

 

Xafiiska wararka Waayaha.net ee magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Maxkamadaha Hiiraan oo gacanta ku dhigay qaad Koontarabaan ah

Muqdisho, November 20, 2006 (WDN) - Ciidamada maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa maanta gacanta ku dhigay qaad fara badan oo si koontorobaan ah la doonayey in lagu geliyo magaalada Baled Weyne. Waxa iyana gacanta lagu dhigay dhammaan kooxihii qaadkaasi iska lahaa.

 

Qaadkan oo laga keenay gobolada dhexe waxa la sheegay in ganacsi ahaan loogu waday magaalada Beled Weyne. Waxa qaadka qabtay ciidamada maxkamadaha islaamiga ee ku sugan deegaanka Jawiil.

 

Qaadkan ayaa sida saraakiisha maxkamadaha laga soo xigtay waxa uu ku jiray 20 kaartoon oo lagu soo qariyey. Waxa hadda la sheegay in raggii qaadkaasi watay loo dhaadhiciyey xabsiga.

 

Maxkamadaha islaamiga ayaa digniin u jeediyey kooxaha ku howlan in si qarsoodiga ah ay dalka qaad ku soo geliyaan. Waxa mas'uuliyiinta maxakamaduhu ay sheegeen in cidii arinkaa lagu qabto lala tiigsan doono sharciga.

 

Maxkamadaha islaamiga ah ayaa iminka ay ku howlan yihiin sidii ay u meel marin lahaayeen mamnuucista qaadka ee ay dalka ku soo rogeen. Waxa dhammaan ciidamada maxkamadaha ee ku sugan baraha kontoroolada lagu amray in baaritaan ay ku sameeyeen baabuurta ay uga shakiyaan in ay sidaan qaad.

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Its very difficult stop Khaad in Somalia in short period of time..I expect Mafia leaders in Bay city and their Khaad producing sponsors, Kenya and Ethiopia to resist the good actions taken by the MMI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So its more difficult to stop Qad in little Afgoyee than say Mogadishu [largest city] and Kismayu? Give us a break there is no difficulty otehr than appeasing Cirfo, IndaCade and others more than the poor traders in Mogadishu..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka ka jira Degmada Afgooye oo si dadban u fasaxay qaadka

 

11/18/06

DMC News Center - DMC - Muqdisho

Dad fara badan ayaa shalay galab ilaa xalay ku sii qulqulayey Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, ka dib markii ay ka war heleen in Qaad fara badan oo ganacsatadii laheyd ay kala soo baxsadeen ciidamada maxkamadaha lagu iibinayo Suuqyada degmada Afgooye, kaasoo qeyb ka ahaa qaad shalay ka soo degay garoonka dayuuradaha No-50 oo intiisii badneyd ay gacanta ku dhigeen ciidamada maxkamadaha oo ka dibna ay ku gubeen deeganka No 60 oo ka tirsan isla gobolka Sh/hoose.

 

Maamulka Degmada Afgooye oo ah haraagii maamulkii Indhacadde oo weli u dhaqmayo sidii hore, ayaa si dadban u fasaxay in qaad lagu iibiyo degmada Afgooye. Ciidamada Maxkamadaha ayaa ku kooban wadooyinka waaweyn ee degmada Afgooye, halka xaafadaha dhexdooda ay ka socoto kala iibsashada qaadka.

 

"Wixii la qariyaaba mar uun bay soo baxaan" maxaa yeelay dadka deegaannada Shabeellada Hoose waxaa loogu sheekeeyey in maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ay si toos ula wareegeen Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed, hase yeeshee marka aad aragto xaaladaha ka jira deegaannada Shabeellada Hoose waxaa kuu caddaaneyso inaysan jirin wax isbeddelay, maamulkii Indhacaddena uu sidiisii u taagan yahay, weliba asagoo ku adeeganayo magaca maxkamadaha oo geeso dhaadheer yeeshay.

 

Arintan ayaa ku soo beegantay xilli golaha maxkamadaha Islaamiga ah oo maalmihii la soo dhaafay gubay Qaad meelo kala duwan ganacsato Soomaaliyeed ay ka keensadeen ay shalay soo saareen wareegto lagu mamnuuucayo isticmaalka Qaadka iyo ka ganacsigiisaba, waxayna dad badan is weydiinayeen qaabka golaha maxkamadaha ay ugu suurta geli karto dhaqan gelinta go'aankaasi, isla markaana ay meelo kala duwan uga furan yihiin xaalado dagaal oo ay isaga soo horjeedaan dhinacyo siyaasad ahaan ka soo horjeeda isballaarinta ay ka wadaan maxkamadaha gudaha dalka.

 

Xigasho: DMC Muqdisho + Dayniile.

 

* Filed Under: Wararka Maanta

* add new comment »

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Okey sxb, thats very good point...And soon we will see how the MMI deals with that issue..As for Indhacade, As many others do, I'm having some difficult of understanding him...The guy looks simple and honest individual and we still did not hear anything that will doubt his full commitment to MMI and their Islamic agenda...But Allah swt knows best...One day IA, we will see the true Indhacade...Maybe that day is close..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Maybe you need to open your eayes, the man has been occupiying otehr peoples land for years. While you see him as honest and simple, and see the elected leaders of TFG and Puntland as Mafia[ says allot] :D . The people of Marka, Afgoyee, and lower Shabbele want to see the bakc of him and his clan courts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilka Indhacadde oo Gobolka Shabeellada Hoose Amar Cusub Ku Soo Rogey (Waxaa cad in Indhacadde weli ka taliyo Sh/Hoose!)

 

source

 

baa1_0.JPG

Mr. Baaboow. "Waa in La Soo Maraa Madaxda Maxaakiimta Muqdisho."

 

Hoose.11/19/06

Cali Caroode - DMC-Marka

Ka dib markii ay soo baxeen shirar isdabajoog ah oo ay yeelanayaan Odeyaal, Culu’maauddiin, Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose ayna kaga tashanayeen aayaha Gobolkooda ayaa ninka isku magacaabey Kusimaha Guddoomiyaha Gobolkaas Maxamed Xaaji Baaboow oo wiligii ka tirsanaan jirey ‘maamulka’ Yuusuf ‘Indhacadde’ wuxuu soo saarey wareegto uu ku maamnuucayo shirarkaas. Sidoo kale wareegtada ayaa wuxuu Baaboow uu ku xusey in dadka ka socda Maxaakiimta Islaamiga qudhoodu aysan shirar uusan ogeyn ku qaban karin deegaannada hoos imaanaaya ‘maamulkiisa’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

One of this fine days the culprit aka Indacade will face the music.

 

anyway whats 1st is 1st Baidoa.

 

Baidoa is worse than Indacade etc.

lets clean up the place 1st.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

^^^^^^^

INdhacde does not eat jadd nor does he smoke ^

 

 

everything takes time , Afweyn who had much organized army and police was not able to control the ban on qaad , when qaad was not popular in south somalia . its much complecated to ban qad today where it is much popular now then it was in AFweyna era ,

Share this post


Link to post
Share on other sites
murefu   

He did more then that...wabiga, masijadada ceelalka ku yaala ayuu canshuur ka qaaday! dadka masakiin aha ayuu xolahooda bililiqestay xoog ku maamulay..i dont know maxkamada islamka sababta ay ninka noocaas ah uga dhigtay godoomiyaha amniga....waan taageera maxkamada islaamka lakin sheekadaan mafahmin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this