Sign in to follow this  
wind.talker

Waxqabka Cadde Iyo Af-Qudhac Lixdii Bilood Ee Ay Xilka Hayeen, Dhib Iyo Dheef

Recommended Posts

Wadooyinka Boosaaso oo Qaarkood Saacado Laga Xiray Gawaarida Booqashada MDGPL awgeed

 

SAWIRADII MAANTA: APRIL 1, 04

 

Ciidamadii oo Wadada Ka saaraya gawaarida

1apr101.JPG

Ciidamadii oo wadada ka saaraya Gawaarida

1apr102.JPG

Gaari ka mida kuwa Ciidamada u baaqaya markii uu soo dhawaa Madaxweynuhu

1apr103.JPG

Gaari Xamuul sida oo wadada laga saaray Kadib markuu Madaxweynuhu soo marayay Wadada

1apr104.JPG

Basaska loo kala Raaco Bosaso Gudaheeda oo dib shaqadii u bilaabay

1apr105.JPG

gawaaridii Xamuulka oo Soogalaya Magaalada

1apr106.JPG

taxi Bosaso oo Dib shaqadii u bilaabay

1apr107.JPG

Waxaa saaka markay ahayd Shantii aroornimo laga xayiray in ay maraan baabuurta waaweeyn iyo kuwa yaraya wadooyinka loogu kalasocdo bosaso gudaheeda oo uu ugu horeyo wada laamigaa ee dhexmarta Bosaso iyo wadada Dheer ee isku xirta Bosaso iyo Magaalooyinka kale ee puntland iyadoo lasoo dhaweeynayaay Madaxweynaha DGPL Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Dib uga soo laabtay Madasha shirka Nabadaynta Soomaaliyeed 29/3/2004 isagoo ka soo dagay Magaalada Caasumada DGPL ee Garoowe.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa ka hortagay Masuuliyiinta Gobolka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin).

 

Madaxweynaha ayaa ka soo dhaqaaqay Aroornimadii Saaka Magaalada Garoowe kadib ayuu ku soo hakaday Magaalada Degmada Carmo halkaas oo ah meesha ay mas,uuliyiintu kaga Hortageen, waxana uu soo galay magaalada Bosaso Kow iyo Tobankii Duhurnimo intaas oo ay u xayirneed Wadada Magaalada ganacsiga Bosaso, iyadoo aan wax ka waydiiyay ganacsatada iyo Dadka kale ee ka shaqeeysta Bosaso ayaa ii sheegay in ay ahayd malin barkeed oo shaqo la,aana, iyadoo la xayiray Dhaqdhaqaaqii ganacsi oo Dhan tasoo ka dhalatay Ilaalinta nabadgalyo ee Madaxweynaha.

 

Waxaa soo galbintii Madaxweynaha ku geeriyooday taliye xigeenka Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa afar iyo Toban kale oo ah Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha kadib markii uu la rogmay Gaari Tikniko ah, Dhaawicii Ciidankaa ayaa la saaray Diyaarad u socotay Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa markuu ka soo dagaayay garoowe ee uu ka yimi Kenya ayaa la sheegay in dhaweyntiisii ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsanaa ilaalada Taliyaha Ciidanka Boliska DGPL oo iyagu xiligaa Waajibkooda Ciidan nimo Gudanayay, Ciidamadaa ayaa la Rogmatay Gaari Tikniko ah oo ay wateen.

 

Wararka hadda naga soo gaarey Galkacyo ayaa sheegay in Dhaawicii la geeya Gaalkacyo oo tiradoodu ahayd Afar iyo Toban waxaa geeriyooday labo ka mida oo u mid ka mida ku sii geeriyooday Diyaarada laguna aasay Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha ayaan Saxaafada la hadal intuu ku soo noqday Dalka iyadoo la filaayay in uu warbixin ka Dhiibo Safarkiisii uu ku tagay Shirka Madasha Nabadaynta Soomaalaiyeed ee Kenaya kasoo la sheegay in ay Puntland ka baxday markii ay ku aragtay waxyaabo aan Dan u ahayn, Madaxwaeynaha ayaa safarkiisa uu ugu soo Noqday Dalka laga sheegayaa warar kala duwan iyadoo ay sheegeen ilo ku Dhowdhow in uu isku Shaandheeyn doono Golahiisa wasiirada isagoo intuu yimi aan la sheegin in uu wax kulana la yeeshay Golaha wasiirada, lakiin uu kulan la sameeyay Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL.

 

Madaxweynaha DGPL safarkiisa uu ku yimi Bosaso ayaan idiinsoo Gudbin doonaa Wixii ka soo Cusboonaada.

 

SOOMAAL PHOTOGRAPHIC & PUBLISHING CENTER SOMALIA

 

Bosasso, Puntland, Somalia.

By Cabdifataax Jaamac Mire

somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2004

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this