Sign in to follow this  
Meiji

Shabelle TV: keeping our freedom spirit alive!

Recommended Posts

Meiji   

Shabelle oo dib u soo celisay Astaamaheedii una dabaaldageysa 1-da Luuliyo.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa saakay dib u soo celisay Muusigyadii astaamaha u ahaa Wararkeeda iyo Barnaamijyadeed, waxaana saakay ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee Magaalada Muqdisho ka xusta Munaasabada 1-da Luuliyo.

 

Kadib sedax bilood oo Idaacada Shabelle ay astaamo la’aan aheeyd islamarkaana ay u hogaansaneed amar 13-kii April ka soo Maxay Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa Saakay Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa ay bilowday in ay dib u soo celiso Astaamihii sida weyn loogu yaqiinay Barnaamijyadeeda iyo wararkeeda, taasi oo layaab saakay ku noqotay dad badan oo Idaacada dhageysan jiray.

 

Shabelle dib u soo celinta Astaamaheeda waxaa ay ku soo beegtay xili maanta si weyn shacabka Soomaaliyeed ay ugu dabaaldagayaan munaasabada 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobolada Koofureed islamarkaana ay mid noqdeen Waqooyiga iyo Koofurta dalka Soomaaliya.

 

Idaacada Shabelle ayaa saakay waxaa lagu furay oo Daaha loo rogey Heesta Waabaabaryey Bilicsan arooryo Suuban Maadaama ay subax cusub u tahay bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo qaaday talaabo aan dadku ka fileyn, maadaama shalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Macalin Xaashi uu amar ku siiyay Idaacadaha inaysan xusin Munaasabada 1-da Luuliyo.

 

Shabelle ayaa go’aansatay Maadaama amarka dambe ee Macalin xaashi aysan fuli Karin islamarkaana mid la aqbali karo uusan aheeyn in ay ka tanaasusho dhamaan wixii amar ahaa ee la siiyay xilyadii ay soo shaqeyneysay, waxaana Shabelle ay haatan dib ugu laaban doontaa siyaasadeedii aheeyd dhex dhexaadnimadii lagu yaqiinay sanadihii aan amarada lagu soo rogin.

 

Hadal heynta ugu badan ee saakay dadweynaha Muqdisho islama dhexmarayaan ayaa ah qaabka Shabelle ay dib ugu soo celisay astaamaheeda islamarkaana saakay ay u baahisay Barnaamijyada lagu weyneynayo munaasabada 1-da Luuliyo iyadoo bilowgii bishii la soo dhaafeyna dadku sidaan oo kale ay u hadal hayeen qaabkii Shabelle ay suuqa Bakaaraha uga soo guurtay.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

My utmost respect for the audacity of Shabelle news media.

 

They are the most consistent pro-Somalinimo news media I have ever come across.

 

2006 they were anti-warlords

 

2007-2008 they were anti-Ethiopian occupation

 

2009-2010 they are anti-extremist oppression.

 

----

 

They are the only news media that will not be bullied or threatened to act against the freedom of the Somali nation.

 

Happy 1 Luulyo Shabelle News Media!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this