Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Igad Ministerial Meeting

Recommended Posts

Congratulations for hosting a successful Igad and International Communities meeting/conference inside Somalia since the downfall of Siad Barre's regime! I'am really proud.

 

igad.gif

 

igad-mmdb.gif

 

banner5.gif

 

igadmap.gif

 

Dalka somalia oo markii ugu horeeysay lagu qabtay shirkii IGAD.

 

Markii ugu horeeysay ayaa shir ay leedahay Urur goboleedka IGAD lagu qabtay dalka Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar oo xarun kmg u ah dowlada FKMG ah ee Somalia.

 

Shirkaani ayaa waxaa kazoo qayb galay amaba goob joogayaal ka kala ahaa Safiirka Talyaaniga u qaabilsan arimaha Somalia MR. Ravalli, dhamaan 7dal ee ku bohoobay Ururka IGAD iyadoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Q.M wakiilka gaarka ee xoghayaha Guud Francios Fall, Midowga Yurub Devid Bell, midowga Afrika Ambassador Maxamed Cali Foum, safiirka Yemen ee arimaha Somalia Ambassador Ahmed, iyo Ambassador Kipligad oo ay soomaalida si fiican u yaqaanaan.

 

Wafuuda matalayey IGAD waxaa ay kala ahaayeen inta iisuuragashay magacyadooda Wasiirka Arimaha dibada Somalia Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga Maxamuud Cali Yuusuf, wasiiru dowlaha arimaha dibada Mr. Nashima, Wasiiro dowlaha arimaha dibada Ethiopia Dr. Takadha Alamu, Agaaimaha geeska afrika ee arimaha dibada Kenya MR. Thuita Mwangi, Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo isna Kenya ah, Ambassador ka socday dalka Suudaan iyo Eratariya oo aanan magacyadooda iisuura galin.

 

Hadaba shirkaani ayaa waxa uu bilaawday abaarihii 12:00Pm duhurnimo waxaana shirka furay Ra’iisul wasaaraha DFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ka dib waxaa la guda galay in uu shirka bilaawdo iyadoo uu shir gudoon ka ahaa wasiiru dowlaha arimaha dibada Uganda Mr. Nashima isagoo u qaybinayey hadalka iyo dooda.

 

Hadaba waxaa loo gudbay ajandayaashii shirka oo si fiican looga dooday qodobo dhawr ahna wax laga bad badalay waxaana ugu waynaa waxyaalihii ay soo ban dhigeen Ururka IGAD in Somalia cunaqabataynta hubka laga qaado si ay ciidamada IGADSOM ay usoo galaan dalka Somalia nabadana ay usagaan.

 

Waxaa hadaba halkaasi ka hadlay wakiilka QM u qaabilsan arimaha Somalia waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Somalia la taageero iyadoo buu yiri horey loo taageeri jiray, waxaa isna ka hadlay safiirka talyaaniga Ravelli oo isna tibaaxay inay diyaar u yihiin inay wax u qabtaan umada soomaaliyeed horeyna ay diyaar ugu ahaayeen.

 

Diblumaasiyiintii kazoo qayb gashay waxaa ka wada hadleen wakiilka midowga Yurub, wakiilka Midowga Afrika Mr. Maxamed Cali Foum iyo mudanayaal kale waxa ay ka sinaayeen inay diyaar u yihiin wax u qabashada umada dhibaatada kusoo jirtay mudo ka badan 15sanno waxayna balan qaadeen inay dhaqso wax ugu qaban doonaan.

 

Ugudanbayntii waxaa shirkii IGAD soo gunaanaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, markii uusoo galay xarunta lagu shirayey ay halkaasi diyaar ugu ahaayeen ciidamada baanbayda iyo ciidanka Booliska oo uu salaam halkaasi ugu qaatay.

 

Masuuliyiintii kazoo qayb galay halkaasi ayaa qaarkood u baqoolay meelihii ay ka kala yimaadeen.

 

Hadaba qodobada ay ku heshiiyeen Ururka IGAD oo nuqul ka mid ah isoo gaaray oo ku qornaa Af- Ingriisi ayaa waxa u qornaa sedan:-­

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^Wonderful and Remarkable achievement, and it merits appreciation and applause for giving a sense of proudness to each and every Somali.

 

36_2_68.gif36_2_68.gif36_2_68.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great news and one we have been waiting for for a while. How many nations sent their reps to Jowhar?

 

Djabouti

Ethiopia

Kenya

Eritria

Sudan

Uganda

+ The UN, AU. ARAB LEAGUE and others.. great news and good job Mr Yoonis..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobadii kasoo baxay Shirkii IGAD ee maanta ka dhacay Jowhar

Jowhar:- Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed ayaa maanta soo xiray shirkii IGAD ee Jowhar ka socday iyo Qodobadii kasoo baxay oo looga hadlay arrimaha Somaaliya.

 

Shirkan oo ay maanta kasoo qeyb galeen wafuud ka kala socota dhamaan dalalka kamid ah urur gobalkeedka IGAD ee Bariga Afrika.

 

refer to www.horseednet.com for full article

 

Waxaa shirkii maanta oo socday muddo saacado ahaa ka qeyb qaatay wafuud kale oo goob joogayaal ka ahaa kuwaasi oo ka kala socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Xubnihii shirka ku sugnaa ee Beesha Caalamka waxaa kamid ahaa:

 

* MR.David Bell oo ah Safiirka Ingiriiska ee dalka Kenya, oo ka socday EU-da (Midowga Yurub)

 

* Fransisko Fall oo matalayey UN-ka ahna Wakiilka Koffi Anan ee arrimaha Soomaaliya,

 

* Safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr.Mario Revealli,

 

* Ambasador Kiplagat oo ahaan jiray Guddoomiyihii shirkii dib u heshiisiinta ee dowlada Somaliya lagu soo dhisay,

 

* iyo Wafdi balaaran oo ka socday Midowga Afrika oo uu hogaaminayey Md.Maxamed Cali Foum.

 

Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ee goob joogayaasha shirkan ka ahaa ayaa ayagu qaarkood halkaasi khudbado kasoo jeediyey.

 

Mr.Fransisko Fall oo ku hadlay magaca Qaramada Midoobaya ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowlada Soomaaliya la taageero isla markaana adduunweynaha ka shaqeeyo sidii soomaaliya loga gacan qaban lahaa sidii ay lugaheyda isugu taagi lahayd.

 

Sidoo kale Safiirka Talyaaniga ee Arrimaha Somaliya, Mr.Mario Revealli oo asaguna halkaa ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay dowladiisa ay uga dhabeynayso taageerada dowlada.

 

Mr.Revealli ayaa sheegay in dib u heshiisiintii Soomaaliya ay dhamaatay, isla markaana lagu guuleystay in lasoo dhiso dowlada Federaalka, loona baahan yahay in si buuxda loo taageero.

 

Safiirka Talyaaniga oo soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya xubnaha dowlada kamid ah ayaa sheegay in looga baahan yahay in dowlada Soomaaliya ay xalisato khilaafka dhexdeeda ah sidaana loogu tageero wixii ay gaaraan.

 

Shirkii Maanta ayey sidoo kale ka hadleen dhamaan Wafuudii ka kala socotay dalalka kamid ah IGAD oo ayagu sheegay in ay dhamaantood si wadajir ah u taagerayaan dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed oo shirkan maanta gelinkii danbe soo xiray ayaa sheegay in uu yahay kulankan mid qiimo weyn ugu fadhiya dalka Soomaaliya, oo uu sheegay inuu hada yahay dal leh dowlad isla markaana ka qeyb qaadanaya siyaasada gobalka iyo Adduunka.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Somalia: Belgium opens first European embassy in Somalia since 1991

Thu. December 01, 2005 08:30 am.

 

Send this news article

 

Somalia seems to be coming back to life slowly but steadily. International community, especially European Union, African Union, Arab League, United Nations and the World Bank are all working together to haul Somalia from the grave. China is also very interested in investing in Somalia.

 

Belgium’s office in Somalia was announced today jointly by President Abdulahi Yusuf Ahmed and Belgium ambassador to Somalia, Ms. Christina Funes-Noppen in Jowhar.

 

In another day of celebration, IGAD East African (Intergovernmental Authority on Development) held its yearly meeting in Jowhar yesterday which is another milestone for the new government.

 

Jowhar town, the country’s interim capital is now filled with delegations and representatives from various international organizations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this