Sign in to follow this  
Rokko

Celeberations in Kismayo, Beledweyne and Puntland

Recommended Posts

Rokko   

Degmooyinka Puntland, magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne oo si weyn looga dabaal degay kagadaal doorashadii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Ruukinet 11/10/04

 

Wararka ka imaanaya degamooyinka Puntland ee hoostaga maamul goboleedka Puntland iyo magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ayaa sheegaya in si weyn looga dabaal degay kadib doorashasii madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed.

 

Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in rasaas ay cirka u ridayeen taageerayaasha Barre Hiiraale ee ay beel wadaagga yihiin madaxweynaha dowladda federaalka ee cusub.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Midland ayaa noo sheegay in magaalada Beledweyne si weyn looga dabaal degay ayadoo lagu soo dhaweynayo jagada cusub ee loo xil saaray Cabdullahi Yuusuf.

 

Mudane Cabdikariin Faarax Laqanyo ayaa warkiisa ku daray in ciyaar dhaqameedyo kala duwan laga ciyaarayay magaalada Beledweyne ayadoo ay faraad ka muuqatay dadka ku nool magaaladaasi kuna faraxsan dowladda cusub ee ka haatan loo sameeyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Sidoo kale, waxaa si weyn looga dareemay degmooyinka ay ka taliyaan taageereyaasha Cabdullahi Yuusuf ee Puntland farxad aad u weyn oo lagu soo dhaweynayo doorashada madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayadoo ay dad badan dibadda isugu soo bexeen degmooyinkaasi.

 

C. Cali, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

We celebrate because of the hope of peace, not because of who the president is.

 

I went to university today; so many glum faced and thought to myself, is this not better than anarchy?

 

Heck, he isn’t my favourite person also, but nonetheless I have hope and pray for him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Puntland oo si weyn looga soo dhaweeyey dowlada cusub ee lagu dhisay dalka Kenya

Garowe

 

Banaanbaxyo ayaa xalay illaa iyo saaka ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaas oo loogu dabaal degayo Doorashooyinkii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Banaanbaxyadan ayaa ka dhacay magaalooyinka, Boosaaso, Qardho, Garowe, Laas Caano iyo Gaalkacyo. Ayadoo ay hada weli magaalooyinka qaarkood sida Bosaso ay ka socdaan banaanbaxyadan lagu soo dhaweenayo natiijadii Doorashadii ka dhacday Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Shacabka Puntland ayaa intooda badan muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in dalka Soomaaliya uu yeesho maamul isla markaana lasoo afjaro maamul la'aanta ka jidha dalka Soomaaliya guud ahaan.

 

Puntland ayaa ka mid ahayd goobaha had iyo goor sida weyn looga taageeri jiray shir walba oo loo qabto dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya, ayadoo doorashadii xalay ahayd middii ugu horeysay ee lagu doorto Madaxweyne kasoo jeeda deegaanada Puntland.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Garowe, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Damaashaadyo la xiriira Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa xalay ka soconaya magaalada Nairobi

By Dharbaaxo Posted to the web 11-10-2004, 11:56:30

 

Nairobi:-Ka dib doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed xalay uu ku guulaystey xilkaas ayaa waxaa ka jirey guud ahaan magaalada Nairobi damaashaadyo iyo dabaaldegyo ku aaddan dareenka dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayaan in dib loo soo celiyo qarannimadoodii si ay uga baxaan qaxootinimada iyo dawlad la'aanta mudada 14ka sano ah ka jirtey dalkooda.

 

Xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa xalay lagu arkayey dadweyne farabadan oo dariiqyada isugu soo baxay oo aan tirsigooda la qiyaasi karin ,iyadoo qaar ka mid ahi lugaynayeen qaar kalana gawaari ku damaashaadayeen ,iyadoo hoonka iyo qayladuna aysan xalay kala demin ,taasoo ay weheliyeen suugaan iyo erayo dadkaasi ku dhawaaqayeen oo ay ka mid ahaayeen Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada ee iyo heeso kale oo wadani ah.

 

Kuma eka damaashaadkaas iyo dabaal degyadu magaalada Nairobi ee waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa gobollada kale ee Kenya iyo waliba xeryaha qaxootiga ee dadka Soomaalidu ku sugan yihiin damaashaad midkaas la mid ah ,iyadoo dalka Soomaaliya gudihiisan gobollada oo dhan laga soo dhaweeyey qaabkii doorashadu u dhacday iyo madaxweynaha ku guulaystayba.

 

Guud ahaana waxaa laga dareemayaa dalka Kenya sida ummadda Soomaaliyeed ay maanta uga go'an tahay taageerada dawladda u dhalatay Soomaaliya muddo labo sano ah oo shir dib u heshiisiineed ka socdey dalkan ka dib.

 

Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inuu dhici doono maalinta khamiista ah ee 14ka bisha ,waxaana socda abaabul diyaar garow ah oo maalintaas taariikhiga ah loogu jiro oo ay wadaan dalka Kenya,wadammada IGAD ,beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ,gaar ahaana ganacsatada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsiga ku leh magaalada Nairobi.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Ka dhacay Puntland

By Axmed Posted to the web 10-10-2004, 21:35:45

 

Garoowe:-Magaalooyinka Waawayn ee Puntland ayaa waxaa ka socoto taageero iyo damaashaad aad u balaaran oo lagu taageerayo Madaxwaynaha Cusub ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed

 

Taageeradan oo damaashaad, sawaxan iyo sacab leh waxay dadku isugu soo baxeen Jidadka waaweyn ee Magaalooyinka Puntland ay ka kooban tahay..

 

Tusaale ahaan Magaalada Garoowe oo ah Caasumada DG Puntland ayaa waxaa la iskugu soo baxay goobta fagaaraha ee Barxadda weyn, halkaas oo lagu soo bandhigay heeso iyo cayaaro lagu taageerayo Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya iyadoo ay barbar socotay rasaasta nooca Ifta ee loo yaqaan Burulayrta taas oo cirka loo ganayey.

 

Marka aad eegto qaabka ay dadku taageeradooda u muujinayaan ayaa waxaad arkaysaa Caawa dad Gawaari ka buuxa oo sacab iyo durbaano tumanaya iyagoo ku dhawaaqaya Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ha noolaado.

 

Dhinaca Kalena Guushatan Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa u muuqata mid isaga u ah taariikhi marka la eego halgankii dheeraa ee uu usoo galay inuu noqdo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay caawa socon doonaan banaanbaxyadaasi saqda dhexe ee Caawa ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacaan maalinta bari ah dhammaan Magaalooyinka waaweyn ee Puntland banaanbaxyo kuwaasi kasii ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolada Puntland Iyo Kuwa Soomaaliya Ayaa Si Weyn Looga Soo Dhoweeyey Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah Ee Soomaaliya.

By RM Posted to the web 11-10-2004, 12:51:40

 

Boosaaso:-Guud ahaan magaalooyinka DGPL ayaa xalay ilaa maanta waxaa ka socda damaashaad balaaran oo loogu dabaal degayo guusha C/laahi Yuusuf uu ka soo hooyey doorashada Madxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Xalay markii ay dhamaatay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar qura waxaa Magaalada Boosaaso laga maqlay rasaas xoog weyn leh oo ka dhacaysay qoryaha waaweyn iyo kuwa fudud oo circa loo ridayo.

 

Sawaxan iyo damaashaad ay dadweynuhu dibadda ugu soo baxeen ayaa camiray jidadka magaalada iyadoo dadku u socdeen si raxan raxan ah isla markaasna ay ku qaylinayeen erayo ay ku taageerayaan Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ee loo doortay C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Sidoo kale magaalaooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sidoo kale looga damaashaaday doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, dhamaana gobolada Puntland ayaa dadka ku nooli intooda badani soo jeedeen ilaa xalay, iyagoo ku mashquulsanaa guusha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo si dimoqraadiyad ah ku dhamaatay.

 

Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isaguna maanta hambalyo u

jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna bogaadin

balaaran u soo jeediyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay ku guuleysteen in ay doorteen Madaxweynihii Soomaaliyeed ee Shanta sano ee soo socota hogaamin lahaa umadda Soomaaliyeed.

 

Garoomada kubadda Cagta ee magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Laascaanood ayaa maata waxaa isugu tegay dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland kuwaasoo dibad bax ka sameeyey taageerista doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Banaanbaxyadan waxaa ka soo qayb galay ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee

magaalooyinkaa Boosaaso, Gaalkacyo iyo Laascaanood iyagoo sita dharkii iskuulka ayna weheliyaan macalimiintii wax bari jirtay, waxaana halkaas lagu soo bandhigay ciyaaro iyo suugaanta noocyadeeda kala duwan ku waas oo loogu hanbalyeeynaayey madaxweeynaha dawlada faderaalka ah ee soomaaliyeed. C/laahi yuusuf axmed.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ayaa gaardis ku maray

garoomada dhexdooda, kuwaasoo salaam siiyey Masuuliyiinta Puntland ee joogay

halkaas, waxaana khudbado taageero ah ka akhriyey halkaas xubno ka tirsan Maamulka Puntland Sidoo kale, wararka ay noo sheegayaan weriyayaasha gobolada waxaa maanta banaanbaxyo doorashada Madaxweynaha lagu taageerayo ay ka dhaceen magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Kismaayo, Afgooye, Jawhar, Beledweyne, iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolada Soomaaliya.

 

Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Somaliland ayaan laga soo dhoweyn

doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haseyeeshee, wax war ah oo ay weli ka soo

saareen Maamulka Somaliland aragtida ay ka qabaan dhismaha dowladda Soomaaliyeed weli kama soo bixin.

 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa muuqata in taageero xoog leh ay ka imaaneyso bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo muujiyey in ay soo dhoweynayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya ee ka hana qaaday wadanka Kenya Tobbanka bishan Oktoobar.

 

Ãsha Wararka,Radio Midnimo

Xuquuqda Daabacaada:puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Damaashaadyo la xiriira Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa xalay ka soconaya magaalada Nairobi

By Dharbaaxo Posted to the web 11-10-2004, 11:56:30

 

Nairobi:-Ka dib doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed xalay uu ku guulaystey xilkaas ayaa waxaa ka jirey guud ahaan magaalada Nairobi damaashaadyo iyo dabaaldegyo ku aaddan dareenka dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayaan in dib loo soo celiyo qarannimadoodii si ay uga baxaan qaxootinimada iyo dawlad la'aanta mudada 14ka sano ah ka jirtey dalkooda.

 

Xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa xalay lagu arkayey dadweyne farabadan oo dariiqyada isugu soo baxay oo aan tirsigooda la qiyaasi karin ,iyadoo qaar ka mid ahi lugaynayeen qaar kalana gawaari ku damaashaadayeen ,iyadoo hoonka iyo qayladuna aysan xalay kala demin ,taasoo ay weheliyeen suugaan iyo erayo dadkaasi ku dhawaaqayeen oo ay ka mid ahaayeen Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada ee iyo heeso kale oo wadani ah.

 

Kuma eka damaashaadkaas iyo dabaal degyadu magaalada Nairobi ee waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa gobollada kale ee Kenya iyo waliba xeryaha qaxootiga ee dadka Soomaalidu ku sugan yihiin damaashaad midkaas la mid ah ,iyadoo dalka Soomaaliya gudihiisan gobollada oo dhan laga soo dhaweeyey qaabkii doorashadu u dhacday iyo madaxweynaha ku guulaystayba.

 

Guud ahaana waxaa laga dareemayaa dalka Kenya sida ummadda Soomaaliyeed ay maanta uga go'an tahay taageerada dawladda u dhalatay Soomaaliya muddo labo sano ah oo shir dib u heshiisiineed ka socdey dalkan ka dib.

 

Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inuu dhici doono maalinta khamiista ah ee 14ka bisha ,waxaana socda abaabul diyaar garow ah oo maalintaas taariikhiga ah loogu jiro oo ay wadaan dalka Kenya,wadammada IGAD ,beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ,gaar ahaana ganacsatada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsiga ku leh magaalada Nairobi.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

I admit he is better than Mogadisho warlords. I can say he is a worlord with class :D:D

 

Where is Eeedo xarago when we need her..lol

 

Salam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo si weyn looga soo dhaweeyey dowlada cusub ee lagu dhisay dalka Kenya

 

Garowe :- Banaanbaxyo ayaa xalay illaa iyo saaka ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaas oo loogu dabaal degayo Doorashooyinkii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Banaanbaxyadan ayaa ka dhacay magaalooyinka, Boosaaso, Qardho, Garowe, Laas Caano iyo Gaalkacyo. Ayadoo ay hada weli magaalooyinka qaarkood sida Bosaso ay ka socdaan banaanbaxyadan lagu soo dhaweenayo natiijadii Doorashadii ka dhacday Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Shacabka Puntland ayaa intooda badan muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in dalka Soomaaliya uu yeesho maamul isla markaana lasoo afjaro maamul la'aanta ka jidha dalka Soomaaliya guud ahaan.

 

Puntland ayaa ka mid ahayd goobaha had iyo goor sida weyn looga taageeri jiray shir walba oo loo qabto dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya, ayadoo doorashadii xalay ahayd middii ugu horeysay ee lagu doorto Madaxweyne kasoo jeeda deegaanada Puntland.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Garowe, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo durbadiiba taageero weyn ka helay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Nairobi

 

 

Soomaalida ku dhaqan gudaha iyo dibada ayaa xalay si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee loo doortay 5-ta sano ee soo socoto C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Taageeradaasi ayay ku sheegeen dadka Soomaaliyeed in ay ku faraxsan yihiin doorashadaas iyo dowlada u dhalatay dalkooda hooyo waxaana lagu wadaa in banaabaxyo kala duwan ay ka dhacaan gudaha Soomaaliya si loo muujiyo taageerida dowlada cusub,

 

Waxaana meelaha ugu waaweyn ee uu ka dhici doono ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Col. C/llaahi Yuusuf oo ka mid ahaa xildhibaanadii lagu doortay shirka Nairobi ayaa horay u ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Putnland waana sarkaal milatari ah kana tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka Soomaaliya si weyna wax uga qaban kara sugida ammaanka iyada oo uu horay deegaanada Putnland ku soo dabaalay nabad galyo.

 

Guusha uu soo hooyey Col. C/llaahi Yuusuf ayaa timid kadib markii beelaha ****** ku fashilmeen 14 sano ee u danbeeyesay in ay xasiliyaan dalka taasoo keentay beelaha Soomaliyeed bal markaana in la tijaabiyo beesha ******* oo lagu yaqaano nidaam iyo kala danbeen

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliya: M/Weynaha Cusub oo si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Soomaaliya

- Monday, October 11, 2004 at 16:20

 

Somaliya, 11.10.04 (AllPuntland) - Guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Puntland, ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliyeed Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Gobolada sid aadka ah xalay looga soo dhaweeyay waxaa kamid ah gobolka Banaadir, Hiiraan, Galguduud, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo gobolada Jubbooyinka.

 

Inta aynaan u galin sida looga soo dhaweeyay Puntland dawladda cusub ee dhalatay, magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacayay bannaanbaxyo kala duwan oo dadku ay ku soo dhawaynayaan dawladda haatan madaxwayneheeda lagu dhawaaqay. Abbaaraha 9:45pm saacadda Afrikada Bari illaa saqda dhexe ee habaynkii waxaa magaalooyinkaas aynu soo sheegnay ka dhacayay damaashaad.

 

Magaalooyinka Jawhar iyo Kismaayo ayaa ka mid ahaa meelaha aan habaynkii xalay ahaa dadku seexan isla markaana ay u damaashaadayeen. Duqa degmada Dhuusamareeb Md. Xasan Ganay ayaa sheegay in dawaynaha galguduud oo dhan ay damaashaadayeen.

 

Dhinaca DG Puntland haddii aynu eegno sawaxanka dadwaynaha, dhawaaqa dadwaynaha ayaa halmar kawada yeeray magaalooyinka waawayn ee Puntland. Markii dadku ay dareemeen in codadka badankood uu helaayo Md. C/laahi Yuusuf Axmed, magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, Boosaaso, Qardho, Gaalkacyo iyo Badhan ayaa ka mid ah meelaha illamaa iyo haatan ay soconayaan fantasyaha loogu dabbaal dagayo doorashada madaxtinimada Soomaaliyeed oo uu ku guulaystay Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Magaalooyinka aynu soo sheegnay oo aannu maanta la xiriirnay ayaa naloo sheegay in ay dhici doonaan maalmaha soo socda bannaanbaxyo is daba joog ah; waxaa maanta la xiray dugsiyada quraanka, kuwa maadiga ah; waxaa la fasaxay shaqaalaha dawladda, halka shirkadaha isgaarsiintuna ay bixinayeen taleefon lacag la'aan ah .

 

Dhinaca kale dad ka tirsan beesha Jareerwayn ayaa maanta si gaara u abaabulay bannaanbax taageero oo aad u ballaarnaa oo ay socod ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada Gaalkacyo. Waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Soomaliya hanoolaato, C/laahi Yuusuf hanoolaado; waxaa kale oo ay qaadayeen ereyo suugaaneed dadkii dhagaysanayay aad usoo jiitay; waxa ay sheegeen in ay mustaqbal yeelan doonaan haddii ay yihiin beesha Jareerwayn.

 

Magaalada Gaalkacyo oo illaa xalay aan laga seexan ayaa dadku damaashaad ku jireen, aynu isu bogaadinayeen iyaga oo dhex mushaaxaya wadooyinka magaalada.

 

Magaalada Laascaanood oo iyana ay ka dhaceen banaanbaxyo balaaran oo lagu taageerayo M/Weynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya ayaa dadku isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdi Bille halkaas oo khudbado, suugaan iyo heeso lagu soo bandhigay.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

funny how Somali people everywhere didn't sleep last night! Some didn't sleep, because they were busy celebrating and I bet the rets couldn't sleep out of caloolxanuun iyo oohin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo laga soo dhaweeyay in Soomaliya ay yeelato madaxweyne . 11/10/04..

 

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalidu dagto ayaa laga soo dhaweeyay doorashada uu baarlamaanka soomaalidu uu madaxweyne cusub ku doortay kasoo dalka hogaamin doona shanta sano ee soo socota sida lagu wado.

 

Magaala madaxda gobolka magaalada Garissa ayaa waxaa isugu soo xoomay wakhti hore oo subaxnimadii saaka ah makhaayadaha iyo goobaha dadweynuhu ay ku kulmaanba dad badan kuwaas oo iska wareysanayay siday xalay u dhacday doorashada madaxweynaha, waxaa kale oo ay dadkaasi si weyn uga doodayeen shaqsiyadda madaxweynaha cusub iyo sida ay noqondoonto dowladan lagu unkay magaalada Nayroobi, dad badan ayaa muujiyay taxfud sheegayna in dowlad cusub oo loo jeediyaa amaan ama eedeyn ay tahay iyadoo jawaabta la bixiyay ka hor intaan la gaarin khatigii saxda ahaa ee wax laga sheegi lahaa dowladda cusub.

 

Dhanka kale xareyaha qoxootiga ee Gobolka ku yaalo oo hoyi u ah kumayaal soomaali ah oo qoxooti ah ayaa la sheegayaa in iyana si weyn looga soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha, Somalitribune oo la xiriirtay dad xiryahaa joogay ayaa waxaa ay dadkaasi sheegeen in si weyn looga dabaaldagay xiryaha qoxootiga ee IFO, Xagar Dheer iyo Dhagaxley.

 

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo xiriir dhalasho iyo mid dhaqaalaba la leh Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in dadka ku dhaqani ay aad u daneynayaan in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad dalka dib u dajisa oo usoo celisa dowladnimadiisii.

 

 

C.C. Sh. Axmed

 

Garissa

 

Source: Somali Tribune

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Originally posted by Nationalist:

funny how Somali people everywhere didn't sleep last night! Some didn't sleep, because they were busy celebrating and I bet the rets couldn't sleep out of caloolxanuun iyo oohin.
:D

loooooooooooooool@caloolxanuun walaahi waad la heshay. but the funny thing is they have mixed feelings although most of them argue how come the innocent guy lost and the warlord won? fare question but what most ppl need to understand is C.yusuf has a better chance to achieve success because he is dealing with other warlords he knows them very well waa is leyhihiin. Ha la isku dhaafo ha isla bood boodaane. An innocent guy won't achieve anything. Cabdul qasim was good guy yet no success why warlords don't want to associate with innocent guy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this