Sign in to follow this  
AYOUB

President Riyaale's Interview with TVSLEUROPE

Recommended Posts

AYOUB   

Warsaxaafadeedkii Ugu Horeeyey ee uu Madaxweynaha JSLand(Mudane Daahir Rayaale Kaahin) siiyo qaar kamida saxaafada Somaliland.

TVSLEUROPE: waxa shalay aroornimadii u suurtagashay wariyaal ka tirsan Telefiishanka Somaliland ee Yurub (TVSLEUROPE) iyoJamhuuriya London in ay huteelka madaxweynuhu degan yahay sul’aalo kooban ku weydiiyaan.

 

 

S: Sidee ayaad u aragtaa sidii laguugu soo dhaweeyay magaaladan London?

 

J: Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadceliyaan dadka reer London iyo kuwa ka yimid Yurubta kale sida fiican ee ay ii soo dhaweeyeen. Waxayna muujiyeen shucuur wanaagsan oo waddaninimo leh waanan hanbalyeynayaa, dadkii iyo dalkiina waxaan u sheegayaa in aanu nabadgalyo ku tagnay London oo hawlahayagiina ay maalinta Barri ah noo bilaabmayaan.

 

S:Waxa jirta in aad ku soo safartay oo dalkan aad ku timid baasaaboorka Somaliland taas macnaheedu ma waxa weeye way ina aqoonsan yihiin?

 

J: Horta la inama aqoonsan laakiinse lixdankii ayaa la ina aqoonsaday mana ogi meel lagaga noqday aqoonsigaas, midnimadii meesha aynu dhignay mooyaane. Waxaanse anigu qabaa anigu ma ihi kii u horeeyay ee Baasaaboorka Somaliland meeshan ku yimaada ama Yurub ama Afrika iyo meelo kaleba xataa Sacuudiga ayaa lagu tagay. Baasaaboorkana sidiisaba waxa lagu ixtiraamaa in cid masuul ahi bixinayso dokumantigaas. Markaa waxaan aaminsanahay in Somliland tahay cidda kaliya ee magac Soomaaliyeed haysata ee dokumanti sharci ah ku bixi karta in ay tahay.

 

S: Madaxweyne inta aad joogto maxaad ku rajoweyn tahay in ay kuu qabsoomaan?

 

J: Walaahi wax kasta oo ummadaydu u baahan tahay waan ku dedaalayaa. Waxa ii qabsooma ayuun bayna natiijadu noqonaysaa. Anigana iguma xidhna laakiinse in aan dedaalo ayuun bana ila gudboon .

 

S:Waddamo badan ayaa ixtiraam Somaliland u muujiyay markaa ma la odhan aqoonsiga way ku xigsiin doonaan?

 

J: Horta Ixtiraamkaasi wuu inagu badnaa beryahan danbaba laakiin maanta ixtiraam uun ma rabnee aqoonsina waanu rabnaa.

 

 

Maalimaha Socoda waxaan Idiin soo tusi doonaa iyada oo muuqaala haddaba siday waxa u jira

 

Bahda TVSLEUROPE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this