Sign in to follow this  
Biixi

New Somali President - Sheekh Shariif

Recommended Posts

Biixi   

Sheekh Shariif iyo iyo Kuxigeenkiisa oo maanta gaaray magaalada Muqdisho

24. December 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Kuxigeenkiisa Sheekh C/raxmaan janaqow ayaa galabnimada maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

 

Wafdiga Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Maxkamaddaha iyo Dowladda Federaalka, waxaana hadal kooban uu uu jeediyay Sheekha uu sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii mira dhal looga dhigi lahaa heshiiskii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti ee dhex maray Dowladda KMG iyo garabka uu hoggaamiyo, wuxuuna intaa raaciyay Shariifka in socdaalkiisa ay qeyb ka tahay dhiirigelinta bixitaanka ciidamada itoobiya.

 

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay degeen Hotelka Laf-Weyn oo uu horay u deganaa, waxaana halkaasi uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Sheekh Shariif ayaa Todobadkii hore ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo gaaray dalka Jabuuti oo uu kula kulmay Saraakiil Mareykan ah iyo Senataro ka socday dalka Mareykanka kuwaasi oo uu kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta socoto, wuxuuna Shariifka uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay iminka u soo jeesatay wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koleey waa nin kasban kara soona jiidan kara taageeroyin bulshada soomaliyeed dhexdeeda. Hadduu President noqdana koleey waxa horyaala wuu ogyahay wixii Yey kharibay oo dejiyey hadduu ka leexdo oo dadka iyo dalka isku keeno taariikhda baal dahab ah ayuu ka galayaa haddiise uu ka bayro halkii Yey kabaxay (sumacad xumo shacabka soomaliyeed dhexdiisa) halkii oo kale ayuu ka bixi, simple is that!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this