Sign in to follow this  
Gabbal

Gedo is in a fit of celebrations! The ecstasy, the delight, the joy...

Recommended Posts

Gabbal   

Guushii Ugu Weynayd Muddo 9 Sana Ah Oo U Soo Hoyatay G/Gedo:“Qaab-ka uu u dhacay isdhaafsigii Sabayn-Xirka Labada Dhinacâ€

 

Labada garab ee lagu dhex dhexaadinayo shir weynaha xallinta khilaafaadka SADE ee ka soconayo degmada G/haarey ayaa maanta si buuxdo ugu hogaansamay go’aamadii ay soo saareen guddiyada hawl-wadeenada ka ah shirweynaha nabadeynta beelaha SADE.

 

Mid ah dhinacyada ay waan-waantu u socoto ayaa horay ugu gacansayray go’aanadii uu soo saaray guddiga garsoor-ka 31/07/2005, hase ahaatee iminka waxaa soo baxaya in mar kale si rasmi ah loo wada qaatay go’aanadaasi ka dib markii uu gudiga Marjicu lagalay dhinaca degmada Luuq wadahadallo qaatay muddo saddex cisho ah.

 

Si aan waxa uga ogaano waxa ay yihiin go’aanadan la isku raacay iyo bal in wax badalaad ah lagu sameeyay go’aan-kii gudiga garsoorka ayaa waxaan arrintaas su’aal ka weydiinay xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-buur). Wuxuuna xildhibaanku ku jawaabay “waxaa la isku raacay falanqayn iyo dood dheer ka dib go’aankii ay soo saareen gudiga garsoor-ka iyo gudiga Marjica oo uu ugaas-ku hogaaminayo kana kooban labada gole ee DFKMG waxii ka joogay gobalka oo ah 10 xubnood iyo odoyaashii dhaqanka ee Marjica ahaa waxana la isla gartay in go’aankii sidii uu ahaa loo qaatoâ€.

 

Wuxuna xildhibaan Indha-buur intaa ku daray “wax muddo dheer laga daahsanaa ayuu dadku hadda gartay, in uu walaaloobo, nabad wada qaato, isxushmeeyo, wada noolaadoâ€. Labada dhinac ayaa si hab-sami leh ugu dhaqaaqay fulinta qodabkii ugu horreeyay ee go’aanka gudiga garsoorka oo ahaa keenidda labo geel ah oo lagu sheegay in ay yihiin Sabayn waran-tiiris ah iyada oo shalay abaare 6:30 oo subaxnimo lakala gudoomay Sabayntii ugu horraysay ee uu soo qadimay dhinaca degmada G/haarey.

 

Sabayntan oo ah Rati 12 sano jir ah ayaa waxaa soo gubiyay nabadoon Ibraahim Guuleed (Dhiigyo-cab) isaga oo ku dhawaaqay erayo sabayn xir ah oo uu si xushmad leh ugu raali-galinayo guud ahaan bahweynta SADE. Waxaana erayadiisii ka mid ahaa “Ratigan meesha taagan waa Sabayntii ay noo dirtay beesha SADE, sabayntaan waxaan u keenay in uu ilaahay nabad nagu siiyo†isaga oo intaa gudaray “marka koobaad waxay ku xirantahay dhamaan beesha SADE, Ugaas-ka, xildhibaanada, odayaasha, dhalinyarada beesha SADE ee meeshan joogta iyo kuwa maqanba. Waxay si gaar ah ugu xirantahay beesha Xasan Gaashireedle, Yuusuf Haaruun, Reer Faatax, Xuseen-gaab (magac jifeed).

 

Nabadoonka oo ujeeda Sabayn xirka qeexayo waxaa uu yiri “waxaan rabnaa, codsanaynaa in nabad lagu helo, waxaanan rajeynaynaa in ay ku daawoobaan beesha SADE iyo qoladii aanu u keenayâ€.

 

Sabayntan oo saaka abaare 7:15 lagu gawracay bar-timaameed lagu ballamay ayaa markii la gawracayay waxaa la raacay hab-dhaqameed ah in labada dhinac ee la heshiisiiyay ay isu qabtaan neef-ka Sabaynta ah iyada oo uu mid ka mid ihi gawracayo halka uu midka kalana neef-ka u qabanayo. Waxaana iyada oo laga duulayo hanaan-dhaqameedkan soo jireen-ka ah laga codsaday garab-ka Luuq in ay soo bandhigaan ninkii gawrici lahaa Sabaynta waxana hawshan loo doortay nabadoon Aadan C/llaahi Xuseen (Aadan-gaab) iyada oo uu dhanka kalana u hayay nabadoon Ibraahim Guuleed (Dhiigyo-cab), waxana markii uu falka gawrucu dhacay la dareemay farxad iyo ray rayn ka muuqato wajiyada boqollaal qof oo ku gidaamnaa goobta gawraca.

 

Garabkii kale ayaa isagana sidoo kale manta abaare 4:00 soo gudbiyay neefkii sabaynta ahaa ee laga filayay waxana sabayntan oo ahayd mid dhadig ah markii hore lagudoonsiiyay bahweynta SADE ee goob jooga ahayd iyada oo kadibna loo gudbiyay garabkii sida toos-ka ah sabaynta loogu xirayay.

 

Nabadoon Sh. Cali North oo sabayntani guddoosiiyay goob joogayaasha SADE ayaa si diiran u gu sabayn xiray dhamaan jifooyinka beelaha SADE.

Waxaana ereyadii nabadoonka ka mid ahaa “hasha gaafan ee labada qalin-joogo iyo dhibicda leh sabayn baan u keenay, sabayntaana waxaan ku xiraynaa SADE, Facayo iyo Mare-han , Awsame iyo Ur-midig, Xasan iyo Isaak , Afarta ilmo Amaan-reer, Afarta war-waajecle, labada ilma Abaadar, Afarta Maxamed Daa’uud iyo adeerkood, Ciis, Mataan, Labadii ilmo Mataan, labadii ilmo Yuusuf,todobadii ilmo Xuseen Yuusuf, Faarax Ugaas, ilmo Guuleed, Diini, Sideeda ilmo Siyaad, Cigaal Siyaad, Reer warfaa, Ducaale iyo Deer, Ducaale ayaan ku xiraynaa.

 

Markii uu dhinac waliba soo gudbiyay sabayn xirka iyo raali galinta ayaa dhinaca kalana waxuu sheegayay in uu si dhab ah oo daacadnimo, uur-fiyoobi ku dheehantahay u aqbalayo sabaynta isaga oo ballan qaaday in uu u si buuxdo u fulinayo go’aamada lagaaray.

 

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo manta goobta sabayn-xirka kula hadlayay labada dhinac iyo boqollaal dad ah oo ka soo qayb galay hab-ka sabayn-xirka ayaa labada garab u soo jeediyay wacdi iyo talooyin ku aadan in laga dhabeeyo heshiiska lagaaray isaga oo ugaas-habaar daran dusha kaga tuuray ciddii ku tacaddiso cahdiyada nabadda wuxuna yiri “qoladii jabiso nabadda ilaah baan ka barinay in ay khasaaraan, ku jabaan, ku halaag samaan oo ay ka shalaayaanâ€iayada oo ay ducada ugaas-ka u aamiinsanayeen cadad aad u badan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay muuqato in uu guul ku dhamaaday wajigii hore ee wadahadalada nabadda ayaa waxaa la filayaa in ay labada dhinac si gaar ah isula faaqidaan labada qodob ee isucelinta hantadii laka dhacay iyo in lagu xisaabtamo dhimashadii iyo dhaawacii kala gaaray labada dhinac iyada oo Mag-dheeri la siinayo dhinicii hal-dheeri yeesho.

 

A M C-Gaaruf

.Gaaruf, Gedonet, G/haarey

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's nice to see that the "Sade" people have put their differeces aside for the common-good of the Ummah.

 

Reconcilation is the only way forward. Once again Congratulations and I hope you could the same in Galgudud aswell or are the issues in Galguduud also done and dusted?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

When will Gedo really have reconciliation. We have been hearing that there was the last reconciliation process in Gedo for the last years or so. This better be the real deal, because Gedo has the most severe malnutrition of the whole of Somalia. Even Bakool fares better.

 

0.85C?OpenElement&FieldElemFormat=gif

http://www.reliefweb.int/rw/RWB.NSF/db900SID/KHII-6EU2VD?OpenDocument

The latest nutrition situation update of Somalia.

 

As for Gedo celebrating. Its wise to celebrate when the fruits of peace are in sight.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wuxuna xildhibaan Indha-buur intaa ku daray “wax muddo dheer laga daahsanaa ayuu dadku hadda gartay, in uu walaaloobo, nabad wada qaato, isxushmeeyo, wada noolaadoâ€.

...And the truth shall set you free! Its the 21st century and our Somali people are still collectively debating about the positive merits of peace while the rest of the world debates about the morality of stem-cell research. Nonetheless, its a step in the right direction. Life is 10% hadal and 90% ficil. I hope MP Indhabuur's wise words will be turned into practice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

We have been hearing that there was the last reconciliation process in Gedo for the last years or so.

Yes, you have. This (as Gedonet put it) Guushii Ugu Weynayd Muddo 9 Sana Ah Oo U Soo Hoyatay G/Gedo has been in preparation for a year and some. That's why its success is the most welcomed thing in that part of Somalia.

 

This better be the real deal, because Gedo has the most severe malnutrition of the whole of Somalia.

Really? According to the map you posted, the current nutritional situation for Gedo as of July is labeled usual range as that of 95% of Somalia's other regions. Including to those regions that comprise Puntland. smile.gif You would have to find out their "usual ranges" to say one region fares better or worse then another. ;)

 

As always Sky, daciif baad tahay. Adee kuu taal inaad ogaatid waxaan daciif ka wado.

 

...And the truth shall set you free!

If I was African American, count on me sayin hallelujah! and Amen to that! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sabeen-xirkii labadii qaalmood ee Geelaha ahaa oo maanta ay is dhaafsadeen labadii jifo ee G/Haarey lagu dhex-dhexaadinayay iyo dhegeysiga doodihii labada dhinac oo maalmaha soo socda dib uga bilaabmi doona

 

G/HAAREY, Somalia - Maanta oo ay taariikhdu tahay August 4, 2005 ayaa waxaa gogoshii nabadda ee lagu dhex-dhexaadinayay labadii jifo ee uu qilaafka u dhexeeyay ay isku weydaarsadeen sabeyn-xirkii labadii neef ee Geelaha ahaa oo horay loogu sheegay in ay qolo walba bixiso.

 

Sabeyn-xirkaa oo ah mid ka mid ah dhaqamada guunka ah ee wanaagsan ee ay bulshada Gobolka Gedo ku dhaqan xeerka u leeyihiin ayaa waxuu macnaheedu yahay "is raali gelin, isu soo dhawaasho iyo isaga soo hoyasho wixii qalad ah ee ay qolo walba horay u gashay".

 

Haddaba, marka heerka maanta uu xaalka Gobolka Gedo maraayo la bar-bardhigo sidii uu ahaa sanooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa la oran karaa bulshada Gobolka Gedo ku nool waxay qarka u saaran yihiin sidii ay u xiri lahaayeen boggii colaada iyo dhibaatada oo ay ugu gudbi lahaayeen NABAD WAARTA oo ay ka wada faa'ideystaan dhamaan bulshada reer Gedo oo dhan.

 

Nabad la'aani waa horumar la'aan, furaha horumarkana waxaa la oran karaa waa NABAD, sidaas awgeed, waxaad moodeysaa maanta in ay bulshada reer Gedo ku soo baraarugeen ahmiyadda weyn ee ay bulshadooda u leedahay nabadda. Qof kasta oo aad baar kula kulanto, teleefan kula hadasho, email kula xariirto ama Via-Chating aad isku heshaan ayaa waxaad ka dareemeysaa baahida weyn ee loo qabo sidii ay Gedo uga dhici laheyd nabad waarta iyo sida ay waqtigaan ugu haboon tahay sidii loo xiri lahaa buuggii colaadda iyo fidnada ee uu Gobolkaasi intii muddo ahba kusoo jiray.

 

Dhanka kale, waxaa la dhihi karaa waa guul usoo hoyatay bulshada reer Gedo mar haddii maanta labadii jifo ee ay colaada u dhaxeysay ay is weydaarsadeen Sabeyntii, ayada oo sidoo kalena la oran karo sabeyntaan waxay fure u tahay isfahanka labada jifo ee walaalaha ah iyo hanashada guul waarta oo nabadeed oo dhawaan looga dhawaaqo magaala madaxda gobolka Gedo ee G/Haarey.

 

Ugu danbeyntii, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda u gudbi doono wajigiisii labaad ee looga wada hadlayo dhamaan wixii dilal ah ee si toos ah iyo si dadbanba u dhacay, ayada oo wixii hanti ah ee muuqda ee ay labadaas jifo kala haystaana ay isa siin doonaan.

 

Wixii kusoo kordha shirka nabada ee ka socda G/Haarey si joogta ah ayaan idinkugu soo gudbin doonaa haddii uu Rabi raali ka noqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sabeen-xirkii labadii qaalmood ee Geelaha ahaa oo maanta ay is dhaafsadeen labadii jifo ee G/Haarey lagu dhex-dhexaadinayay iyo dhegeysiga doodihii labada dhinac oo maalmaha soo socda dib uga bilaabmi doona

 

G/HAAREY, Somalia - Maanta oo ay taariikhdu tahay August 4, 2005 ayaa waxaa gogoshii nabadda ee lagu dhex-dhexaadinayay labadii jifo ee uu qilaafka u dhexeeyay ay isku weydaarsadeen sabeyn-xirkii labadii neef ee Geelaha ahaa oo horay loogu sheegay in ay qolo walba bixiso.

 

Sabeyn-xirkaa oo ah mid ka mid ah dhaqamada guunka ah ee wanaagsan ee ay bulshada Gobolka Gedo ku dhaqan xeerka u leeyihiin ayaa waxuu macnaheedu yahay "is raali gelin, isu soo dhawaasho iyo isaga soo hoyasho wixii qalad ah ee ay qolo walba horay u gashay".

Haddaba, marka heerka maanta uu xaalka Gobolka Gedo maraayo la bar-bardhigo sidii uu ahaa sanooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa la oran karaa bulshada Gobolka Gedo ku nool waxay qarka u saaran yihiin sidii ay u xiri lahaayeen boggii colaada iyo dhibaatada oo ay ugu gudbi lahaayeen NABAD WAARTA oo ay ka wada faa'ideystaan dhamaan bulshada reer Gedo oo dhan.

 

Nabad la'aani waa horumar la'aan, furaha horumarkana waxaa la oran karaa waa NABAD, sidaas awgeed, waxaad moodeysaa maanta in ay bulshada reer Gedo ku soo baraarugeen ahmiyadda weyn ee ay bulshadooda u leedahay nabadda. Qof kasta oo aad baar kula kulanto, teleefan kula hadasho, email kula xariirto ama Via-Chating aad isku heshaan ayaa waxaad ka dareemeysaa baahida weyn ee loo qabo sidii ay Gedo uga dhici laheyd nabad waarta iyo sida ay waqtigaan ugu haboon tahay sidii loo xiri lahaa buuggii colaadda iyo fidnada ee uu Gobolkaasi intii muddo ahba kusoo jiray.

 

Dhanka kale, waxaa la dhihi karaa waa guul usoo hoyatay bulshada reer Gedo mar haddii maanta labadii jifo ee ay colaada u dhaxeysay ay is weydaarsadeen Sabeyntii, ayada oo sidoo kalena la oran karo sabeyntaan waxay fure u tahay isfahanka labada jifo ee walaalaha ah iyo hanashada guul waarta oo nabadeed oo dhawaan looga dhawaaqo magaala madaxda gobolka Gedo ee G/Haarey.

 

Ugu danbeyntii, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda u gudbi doono wajigiisii labaad ee looga wada hadlayo dhamaan wixii dilal ah ee si toos ah iyo si dadbanba u dhacay, ayada oo wixii hanti ah ee muuqda ee ay labadaas jifo kala haystaana ay isa siin doonaan.

 

Wixii kusoo kordha shirka nabada ee ka socda G/Haarey si joogta ah ayaan idinkugu soo gudbin doonaa haddii uu Rabi raali ka noqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rajada laga qabo nabad waarta oo ka dhacda Gobolka Gedo oo kor usii kaceysa!

Gogosha nabadda G/Haarey oo ay beri isku dhaafsanayaan labadii garab ee la dhex-dhexaadinayay laba qaalmood oo geel ah (Dhedig) - kuwaas oo loogu yeeray in ay yihiin sabeyn xir! Iyo Dhageysigii doodaha ay is dhaafsanayeen labada garab ee la dhex-dhexaadinayay oo uu wajigiisii labaad dib u furmi doono!

 

G/HAAREY, Somalia - Dadka ku nool Gobolka Gedo ayaa waxay ilaa iyo intii uu Soomaaliya ka dhacay dagaalka sokeeye kusoo jireen dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo isugu jiray kuwo ay iyagu isu geysteen, kuwo uga yimid dowladaha deriska la ah, iyo kuwo kale oo uga imaanayay qaar gobolada kale ee Soomaaliya ka mid ahba.

 

Waxaa nasiib daro aad u weyn ah in marnaba bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan Gobolka Gedo aanay hoos u eegin cidda ka danbeysa shirqoolada iyo debin-daabyooyinka guracan ee lala beegsanayo danahooda laguna carqaladeynayo nabad-gelyadii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee uu gobolkaasi mudooyinka dheer kusoo naaloonayay.

 

Dhib kasta oo ay bulshada Gobolkaas ku dhaqan soo martayba, waxaa xusid mudan in waayadanba uu shir nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo laba beelood oo ********* ah ka socday magaalada G/Haarey, taasoo abaabul dheer iyo diyaar garow aad loosoo agaasimay kaddib uu shirkaas si rasmi ah uga furmay caasimadda Gobolka gedo ee G/Haarey July 25, 2005.

 

Shirkaas markii uu furmayba waxaa la doortay laba guddi oo kala ahaa:-

 

1- Guddiga Sare ee Marjica ********* ee gogosha nabadda G/Haarey iyo

2- Guddiga Garsoorka ********* ee gogosha nabadda G/Haarey

 

Sida uu nidaamka shirka nabadda G/Haarey u degsan qeexayo, waxaa la go'aamiyay haddii mid ama labada jifo ee la dhex-dhexaadinayo (uu/ay ku qanciwaayo/waayaan) go'aanka kasoo baxa Guddiga Garsoorka, in markaasi ay u furan tahay inay APPEAL ka qaadan karaan go'aankaas ayaga oo dalbanaya in ay dacwadooda mar kale dhageystaan Guddiga Sare ee Marjica ********* .

 

 

Haddaba go'aankii kasoo baxay shirkaas bishii dhamaatay ee July 31-keedii oo ka koobnaa 4 qodob ayaa waxaanan ku qancin mid ka mid ah labadii garab ee la dhex-dhexaadinayay, go'aankaasna waxuu u dhignaa sidaan:-

 

1-In la isu dhigo ama la'isu gooyo dilalkii kala aargoosiga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaasna jifadii hal dheeri ah yeelata loo gudo magteeda.

2- In la dhowro ama la fuliyo go'aan ay horay labada beelood ugu gaareen B/Xaawo sanadkii 2002, kaas oo ahaa in la kala qaato waxii mag hal dheeri ah waana kuwii ka horeyey dhacdadii B/dhubo.

3- In labada jifo ay mid walba keento hal Neef oo Geel ah (Dhedig) oo sabeyn-xir ah.

4- In la'isu celiyo waxii hanti ah ee la kala haysto ee muuqda sida Gaadiidka iwm.

 

Kaddib markii uu mid ka mid ah labada garab ee la dhex-dhexaadinayay saluugay go'aanada kor ku qoran ee kasoo baxay Guddiga Garsoorka, isla markaana uu APPEAL ka qaatay go'aankaas ayaa waxaa dhacday sidaan soo socota:-

 

1. In Guddiga Sare ee Marjica oo iyagu ka kooban duqeyda dhaqanka oo uu guddoomiye u yahay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ay dhowr maalmood ka doodayeen sidii laga yeeli lahaa arrintaan ku qanci waaga go'aanka Guddiga garsoorka ee ay usoo gudbisay mid ka mid ah labadii jifo ee la dhex-dhexaadinayay?

2. Wada xaajood dheer iyo dib ugu noqosho go'aanadii uu guddigaas soo saaray kaddib, waxuu Guddiga Sare ee Marjica maanta go'aamiyay in wixii dil ah ee horay u dhacay ee sida dadban loo kala dilay wada xaajoodka lagu daro iyo in la isku celiyo wixii hanti muuqda ah, sidaas awgeedna waxay bari labada dhinac ay isku wareejinayaan min hal neef oo geel ah oo sabeen ah waxaana mar kale dib u furmaya wadahadladii tooska ahaa ee amuurtaas la xariiray ayada oo rajo badana laga qabo in uu shirkaan noqdo mid mira dhala.

 

 

allgedo@allgedo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer gedo waqti dheer ayaa laga dhax shaqeenaye. I am glading the warring factions/subclans are setting their differences aside and coming together to work together for the greater good of the community. Viva reer Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'll just wait till the whole shir is over and everything is O.K to sing the reer gedo national anthem.

 

...

...

..

.

..

...

...

..

.

..

...

...

..

.

..

...

...

..

.

 

 

AR GOOBILE GOOBILE

AR GOOBILE SARGEDOOD

WAXAAN GOOBILE TUMNAA

MARKE NABAD GEDO KA DHACDO

MARKE QACMAHA LA IS QABSADO

 

GOOBILE :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

What I found extremely interesting about this whole process is the level of preparation and the extent of hand the intellectuals who came back from the diaspora actually shows! So nobody disagrees on the finality of the process, it has been complicated and complex to the point no one can refuse the outcome!

 

Extremely well thought out.

 

Guddiga Dhagaysiga-

 

Guddiga Garsoorka-

 

Guddiga Dhex-dhexaadinta

 

and finally

 

Gudiga Sare Marjica- the final say by Ugaas Cumar Ugaas Hersi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Warakii Iyo Muuqaaladii Ugu Danbeeyay Ee Shiweynaha Nabadda Ee G/Gedo

 

Waxaa maalintii labaad halkoodii ka sii socdo munaasabadaha gawraca sabaynaha waran-tiiris-ka ah ee lagu xukumay dhinacyada lagu heshiisiinayo shirweynaha nabadda ee G/Gedo.

 

Boqollaal qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay bar-kulan lagu ballamay si loo fuliya gawraca sabayntii labaad ee ka soo jeedo dhinaca degmada Luuq iyada oo la raacayo xeer-dhaqameed-ka la qadariyo ee isu-qabadka sabaynaha oo loo arkayo in uu yahay hab-dhaqameed ka dhigan dhaar iyo wacad ay wada galayaann dhinacyada heshiiyay.

 

Mid ka mid ah arrimaha door-ka ah ee maanta ka dhacay munaasabadda gawraca ayaa waxay ahayd in nabadoon Aadan-gaab uu dalbaday in lakeeno Kadiye Colaad oo markaasi ka maqnaa madasha gawraca, waxayna labada nin markii ay kulmeen isdhaafsadeen eraryo isugu jiro kaftan iyo isdhaarsi waxana erayadaasi ka mid ahaa:

Kadiye:yaa I dalbaday oo I calmaday:

 

Aadan-gaab: anaa ku calmaday.

 

Kadiye:oo maxaad aniga ii calmatay dadku waa badnaaye?.

 

Adan-gaab:adiga iyo aniga labo abaanduule ayaan ahayn,maanta waa la ishayaa ee waa inaan isku dhaarsano in aanan mar danbe dhalinyarada isku laynin oo aad hasha gawracdaa.

 

Kadiye:in kaste oo aanan abaanduule dagaal isu haysan hadana Aadanow waa iga ballane adigu ballan iyo wacad ma ku maraysaa inaan mar danbe la iigu soo duulin taladaada iyo mid kale oo aad ogatahayba.

 

Aadan-gaab:waxaa iga wacad ah oo aan ku dhaaranayaa in aan lagugu weerarin taladayda iyo mid kale oo aan ka war hayo.

 

Sidoo kale odayaasha labada dhinac ayaa si diiran isugu gacan qaaday goobta ay ka dhacaysay munaasabada gawraca,waxayna arrintani ka dhigantahay in la soo af-jaray cuqdad-nafsigii muddada dheer dhextaalay labadan garab.

 

Si kastaba ha ahaatee maalinimada barri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo hool-ka shirka is-afgaradka guud ee labada jifo iyo fulinta qodabkii ugu horreeyay ee go’aan-kii guddiga garsoorka iyada oo markaasi kadibna loo gudbi doono dhamaystirka fulinta qodabada ka haray go’aankii gudiga garsoorka.

 

Axmed Gaaruf

Gedonet,Garbo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this