Sign in to follow this  
General Duke

H.E: Abdullahi Yusuf Ahmed sends a short Eid message to the Somali people.

Recommended Posts

20080507-entretien-m-300x221.jpgCabdullahi Yuusuf Axmed oo Shacabka Soomaaliyeed u direy Hambalyo Ku aadan

Munaasabada Ciidul Fidriga

September 9, 2010

 

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed u direy hambalyo ku aadan munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan maalinimada berito.

 

Isagoo ku sugan magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen isla markaana la hadlaayay warbaahinta Horseed Media fiidnimada caawa wuxuu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland u rajeeyey barwaaqo iyo nolol wanaagsan.

 

Col.Cabdulaahi Yuusuf ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xaaladda xilligaan ka taagan gudaha dalka Soomaaliya kadib markii Weriyaha Horseed Media isku deyey inuu wax ka weydiiyo.

 

Dhamaadkii sanadkii 2009-ka ayay ahayd markii uu iska casilay xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo uu mudo 4 sano ka badan uu xilkaas hayey.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciid Mubaarak, Ciid wanaagsan.

 

Waxaan hambalyo udirayaaa ummada somaliyeed iyo muslimiinta oo dhan inay rayn rayn iyo barwaaqo kuciidaan.

 

Gaar ahaan waxaan salaamaya ciid wanaagsanna leeyahay walalaha ragga iyo dumarka leh ee SOL, ciid wanaagsan kuligiin. Kullu caam wa antum bikhayr.

 

Taqaballaahu minaa waminkum

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Thierry Henry:

Like many Somalis around the world and in Somalia except his clansmen, I await his death patiently

So basically his non-clansmen are the ones that await his death.

 

Isn't this the tragedy of Somalia?...Some await the death of a leader from the "other side."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Death is certain occurance upon all of us.

 

That death comment was meant perhaps to show how much hate you have for the old man, but death is a most natural thing.

 

 

"Walaw kuntum fii buruujin mushayadda yudrikumul mawt"

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think brother Thiery erred a grat deal. His death like all of ours is certain. However the problems of the south were never Yusuf's fault as we can see by today's escalation of the situation, it's gotten out of hand.

 

Yusuf is a legend, and was right with regards to his policies.

 

Even in retirement he brings fear to his enemies, distractors and those who long to blame him on all their mistakes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

 

Sanca:(Allpuntland)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo imika kusugan Wadanka Yemen ayaa Saacadihii lasoo markale kasoo muuqday Jariiradaha Ugu waaweyn Dunida & Warbaahinta gudaha kadib markii uu Hadalo kooban siiyey Qaarkamid ah Warbaahinta Gudaha & Jariiradaha Aduunka ugu waaweyn kuwaas oo uu Salaan & Hanbalyo uu ugu talagalay Ummada Muslimiinta ah sii marsiiyey.

 

Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed Wuxuu Hanbalyadiisa u diray guud ahaan Muslimiinta Dunida meel kasta oo ay joogaan,waxaana uu si gaar ah Hanbalyadiisa u gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed oo uu dhowr sano madaxweynaha u ahaa iyagoo ku jira Burbur lixaad leh,waxaana uu ilaahay uga baryey inuu Dhibaatooyinka haysta ka dulqaado islamarkaasna uu garan siiyo Dawladnimada & Wanaaga ay leedahay.

 

"Waxaan Hanbalyo & bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka meelkasta oo ay Joogaan,Waxaan si gaar ah Hanbalyadayda u gaarsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed ee Sharafta mudan,waxaana ilaahay ka baryayaa inuu Dhibaatooyinka & Musiibooyinka ku habsaday ka dulqaado garansiiyana Wadaninada & Dawladnimada"Ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Si isku mid ah ula hadlay Dhowr Idaacadood oo kamid ah Idaacadaha ka hadla gudaha Soomaaliya,waxaana uu ka gaabsaday inuu ka hadlo Siyaasada Soomaaliya & meesha xun ee ay hada marayso.

 

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya hadalkan uu jeediyey wuxuu kamid yahay hadalo kooban oo uu Warbaahinta siiyey kuwaas oo fara kutiris ah xili uu Xafiiska Madaxweyne nimo ee Soomaaliya & Siyaasada dalkaba uu ka maqnayahay mudo ku dhow Labo sano,Wuxuuna gabagabadii hadalkiisa ku celceliyey in loo baahanyahay inay Soomaalidu aayaheeda ka tashato.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this