Sign in to follow this  
Jacpher

Sh. Umal Speaks Out Against Takfiri Movement

Recommended Posts

Jacpher   

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo khudbadiisii maanta ka digay in la isku qarxiyo dad muslimiin ah

 

Nairobi:-Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta si weyn uga hadlay khatarta ay leedahay in dad Muslimiin ah leysku qarxyo, ka dibna dilkooda ajar laga raadiyo taas oo uu ku tilmaamay mid shreecada Islaamka ka fog.

 

Sheikh Umal oo maanta Masaajidka 6 street ee magaalada Nairobi ka hadlayey ayaa sheegay in ay xaaraam tahay in la daadiyo dhiiga dadka Muslimiinta ah, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Naar lagu mudanayo daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee dhiigooda xaaraamta laga dhigay, isagoo Sheikhu aayado badan iyo axaadiith ku xoojiyey hadalkiisa.

 

 

" qof ayaa wuxuu isku qarxinayaa dad Muslimiin ah isagoo Jano doonaya, sida ilaahay sheegay qofkaas Naar ayuu galayaa, ilaahay ayaan sidaa balan qaaday ee hadii ilaah kale oo sidaas wax ka bedelan sheegay uu jiro hala keeno" ayuu yiri Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay caro xoog leh wajigiisa ka muuqaneysay.

 

 

Sheikha ayaa si weyn uga sheekeeyey sida qur'aanka iyo axaadiithta ay uga digeen in si fudud loo daadiyo dhiiga Muslimiinta oo leyska dilo, wuxuuna ku nuux nuuxsaday Sheikhu in Ilaahay u balan qaaday dadka Muslimiinta laaya ciqaab aad u weyn.

 

 

Sheikh Umal wuxuu sheegay in dadka Muslimiinta leynaya ee isku qarxinaya inay isla saxan yihiin, balse Sheikhu wuxuu carabka ku adkeeyey in qofka Muslimiinta laaya uu yahay qof si weyn u garab maray wadadii toosneyd ee Rasuulka (SCW) isla markaasna cagta saaray wadadii halaaga, aakhirana ku danbeynaya Cadaabta Alle, sida Sheikhu sheegay.

 

 

Ugu danbeytii Sheikha ayaa dadkii khudbadiisa dhageysanayey uga digay inay qeyb ka qaataan daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee Ilaahay xaaraan timeeyey dhiigooda, wuxuuna iftiimiyey in qofkii qarash ama fikrad ku bixiya in Muslimiin la laayo uu dhiniciisa xanbaaranayo cuquubada ka dhalata arintaas, isla markaasna ilaahay looga baqo ku xadgudgudubka dhiiga iyo sharafta dadka mudan in la dhowro.

 

Dadweynihii dhageysanayey khudbada Sheikha ayaa fasiraado kala duwan ka bixinayey khudbada Sheikha, walow Sheikha uu si guud uga hadlayey arinka, balse waxaa dadku u qeybsameen kuwa ku faraxsan khudbada Sheikha iyo kuwa kale oo u qaatay in iyaga loola jeedo hadalka.

 

 

Hadalka Sheikh Umal ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili uu Sheikhu dhawaan ka soo laabtay Xajka, waxaana jirta in Culimada Soomaaliyeed ay si aad ah uga digayaan wax badan oo lagu sameynayo magaca Islaamka.

 

Halgan.net/Somalireal

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

welcome move from the sheik who was one of the vocal supporter of the islamist in Somalia.

this is clear message to alshabaad that their atrocities has nothing to do with Islam,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Sh. Umal spoke out about them in the past but probably not to the extent of basically telling them we don't worship same Ilaah. This was by far the strongest words of disapproval. I have a feeling other prominent Shuyuukh will soon do the same.

Share this post


Link to post
Share on other sites

its never too late,,, Sheikh Umal is very known in east africa as well as among somalis,,,,,, this will indeed persuade alot to think twice their support for these veiled boyz

 

well done sheikh n may allah reward u.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this