Sign in to follow this  
XOG-ogaal

So call Culimaa’udiinka Puntland oo baaq ka soo saaray xiisadda Puntland Somalilan

Recommended Posts

Why wouldn't they talk about what is happening in xamar and only care about their people ?

 

Qaar kamid ah culimaa’udiinka ugu caansan deegaannada Puntland ayaa maanta baaq ka soo saaray xiisadda isa soo taraysa ee ka dhex taagan maamullada Puntland iyo Somaliland.

 

 

 

Culimaa’udiinkan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin saansaanta colaadeed ee ka muuqata gobolka Sanaag, taas oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

 

 

 

“annaga oo ah culimaa’udiinka Puntland, waxana ugu baaqeynaa shacabka Puntland iyo shacabka Somaliland iyo xukuumadaha labada dhinac in laga wada shaqeeyo nabadda, taas oo ay ina farayso diinta Islaamka ee muqadaska ah, rasuulkeennii suubbanaa NNKH, wuxuu ku yiri xaddiis: Muslim waxaa ah qofkii ay ka nabad galaan Muslimiinta af iyo addinba” ayey culimaa’udiinku ku sheegeen baaqoodan.

 

 

 

Shiikh Axmed Daahir oo kamid ahaa culmaa’udiinka soo saartay baaqan ayaa sheegay in dadweynaha, isimada, ganacsatada, wax garadka iyo dhammaan dhinacyadaas ay kala hadli doonaan arrimaha nabadda.

 

 

 

Baaqan oo ay culimadu maanta ka soo saaray kulan ay ku yeesheen magaaladan Boosaaso ayaa waxaa ku saxiixnaa:

 

 

 

Xaaji Daad Axmed

Shiikh Axmed Daahir Xasan

Sheekh Yuusuf Heeryo

Sheekh Cabdixayi Shiikh Muuse

Shiikh Cabdirisaaq Xuseen Ciise

Shiikh Maxamuud Huruuse

Shiikh Axmed Shiikh Yuusuf Shiikh Cabdullaahi

Sheekh Axmed Yuusuf

Shiikh Maxamed Ismaaciil Axmed

Shiikh Axmed Colow

Shiikh Maxamed Maxamuud Xirsi

Shiikh Maxamuud Aadan Cabdalle

Shiikh Salaad Maxamuud Samatar

Shiikh Maxamed Cabdullaahi Nuur

Shiikh Axmed Jaamac

Shiikh Cadixaafid Cali Yuusuf

Shiikh Maxamed Ismaacil Cabdi

Shiikh Cabdiraxmaan Aadan Cali Yare

Shiikh Cali Faarax Xasan.

 

 

http://www.allsbc.com/view.php?articleid=1137

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this