Sign in to follow this  
Maaddeey

30 qof oo ku dhintay duqeyntii shalay ee Xamar

Recommended Posts

Maaddeey   

Qasaarihii ka dhashay duqeyntii shalay ka dhacday Muqdisho oo sii kordhaysa iyo AMISOM oo iska fogeysay in ay wax lug ah ku leeyihiin duqeyntaasi.

Posted: 4/13/2010 9:10:00 AM

Shabelle: MUQDISHO.

Waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashay duqeymo shalay ka dhacay xaafado kamid ah magaaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kalana Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay iska fogeyeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin duqeyntaasi.

 

 

 

Kadib markii shalay duqeymo xoogan loo geystay xaafado dhowr ah oo katisan degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana Madaafiicdaasi ay geysteen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashay duqeyntii shalay.

 

 

 

Qasaaraha ka dhashay Madaafiicdii shalay ayaa waxa ay iminka cagacageynaysaa dhimashada inkabadan 30-ruux halka dhaawacyadana la sheegayo ku dhawaad 100-ruux oo dhamaantood dad rayid ah, waxaana dadkaasi ay ku dhaawacmeen Madaafiic ku dhacday meelo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho iyadoona goobaha ugu badan ee ay Madaafiicda ku habsatay ay kamid yihiin degmooyinka Holwadaag, Hodan, Yaaqshiid, Wardhiigley, Hiliwaa iyo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Cali Muuse Sheekh oo kamid Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah oo xalay waraysi siinayay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in duqeymihii xalay ay ahaayeen kuwo geystay qasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana Isbitaalada magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiina uu sheegay in ay gaarsiiyeen ilaa iyo 80-qof oo iyagu ku dhaawacmay Madaafiic meelo kala duwan ugu tagtay.

 

 

 

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho Bariijiye Buhuuko oo xalay u waramayay Barnaamijka Qubanaha wararka Shabelle ayaa waxa uu sheegay in tiro Madaafiic ah ay ku soo dhaceen agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International ee magaalada Muqdisho iyo agagaarka Immigrationka kuwaasi oo uu sheegay in ay ka dhasheen qasarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

 

Bariijiye Buhuuko waxa uu iska fogeeyay in Ciidamada AMISOM ay wax lug ah ku leeyihiin duqeymihii shalay loo geystay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka dhasheen qasaarooyin sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee inta badan Madaafiicda gudaha magaalada Muqdisho ay isku waydaarsadaan dhinacyada siyaasadooda ay isdiidantahay ayaa qasaaraha ugu badan waxa uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyadoona dhinacyadaasi hardamaya ay isku tuurtuuraan mas’uuliyada dhibaatooyinka soo gaara dadka Shacabka ah.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

30, Dhimasho, & 100 Dhaawac ah oo ka dhashay Duqeyntii Shalay

By Somalimirror on 13 Apr, 2010 9:14 AM in Main, Wararka

 

In ka badan 30 Qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 100 Qof oo dhamaantood Rayid ahna waa ay ku Dhaawacmeen Duqeyn Arxan daro ah oo ay Ciidamada AMISOM la dhaceen Qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Madaafiicda ugu Badan ayaa ku dhacday Suuqa Weyn ee Bakaaraha, Suuqa Xoolaha, Hodan, Howl-wadaag, Wardhiigleey iyo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

Dadka Dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa U badnaa Caruur iyo Dumar, waxayna Madaafiicdu ugu tagtay Guryahooda.

 

Afahayeenka Ciidamada AMISOM Barija Bahuku oo u waramay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Tiro Madaafiic ah ay ku soo dhaceen Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho isla markaana ay ka dhasheen Khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac intaba.

 

Mar la weydiiyay Duqeymaha ay u geysanayaan Goobaha Dadka Rayidka ah waxa uu sheegay inaysan iyagu ku lug-lahayn Duqentii shalay loo geystay Qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Baryahan danbe soo badanayay Madaafiicda ku dhacaysa Goobaha Rayidka, kuwaas dhaca iyada oo aysan socon wax Dagaal ah oo ka fool ka fool ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Missiles Rock Mogadishu

 

Mogadishu is under attack. Dozens of BM rockets, as they are called here, fired by the AMISOM forces have crippled the busy Bakara market and brought the entire business hub of Mogadishu into a complete standstill.

Just as worshippers exited the mosques, after noon prayer today, the rockets fell.

Hundreds of people in the market scrambled for safety, some hiding under concrete buildings and others rushing back into the mosques

Continue Reading

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Allah yarxam.! Alla maxaa dad maalinka qiyaamo lala xisaabtami doonaa.

 

Aaway dadkii qaylin jiray markii ethiopia ay sidaanoo kale samayn jirtay?

 

Aaway Shariifka?

Aaway Indhocade ?

Aaway prof Ibi?

Aaway dadkii Kensington Rd outside Ethiopian embassy ku qaylin jiray?

 

Aaway dadka diinta inay yaqaan isku sheegaa ee intaa dhaha TFG waa dowlad Islaamk wax ku xukunta, masaanbaa Islaamnimadu?

 

Aaway Mogadishu Society?

 

Aaway, Aaway dadiikii, ma afkiibaa juuqda gabay :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Aaway reer Sol-ka 10 Polish maa loo baroorto lahaa, aaway kuwa marka been-abuur cad la caddeeyo soo booda iyagoo iska dhigaaya iney shacabka u naxayaan! aaway aaway aaway... aa..aa.. w..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Mogadisho Man reports from the scene of the massacre:

 

Mogadishu is under attack. Dozens of BM rockets, as they are called here, fired by the AMISOM forces have crippled the busy Bakara market and brought the entire business hub of Mogadishu into a complete standstill. Just as worshippers exited the mosques, after noon prayer today, the rockets fell. Hundreds of people in the market scrambled for safety, some hiding under concrete buildings and others rushing back into the mosques

When the whistles of the rockets had faded, we exited the building, along with a group of angst-ridden residents and shoppers, and made our way back to my apartment. I wasn’t ready for what I’d encountered. Just at the entrance of the apartment, the bloody entrails of a young woman lay scattered in front of a tin-roofed shop. Her face looked unusually tranquil, as if she had finally received that long-awaited moment of peace; her dark hair rested unruffled on the soft soil, painted with blood; her bulging eyes stared into the open space and a trickle of blood oozed from her mouth. Shuddering with twinges of pain, I watched painfully as the lifeless body of a beautiful young woman was being covered with a shroud.

I was completely gripped by the horrific scene, when the screams of some children pulled my attention, not far away from the young woman. Instinctively, I made my way to the location of the noise and saw four children, of almost equal age, bleeding and crying. Large pieces of shrapnel had punctured their frail bodies. The youngest, a blood-stained 4-year-old, glued her pleading eyes at me as I kneeled down beside her. Lifting her hand with effort, she stretched a delicate finger which I held. Her legs were swimming in a puddle of blood, as her brittle bones were broken by shrapnel. There were no words to console this innocent child. Words would make no meaning to her muddled mind now. Wiping her face with my kerchief, I returned her hand to a relative who came looking for her.

These images are now engraved in my mind and I have lost any appetite I had for food

Though no encounters between the Islamists and the TFG were reported, yet the rockets were fired from the Ugandan strongholds, increasing the fury of the already incensed public. Tanks were also seen surrounding the Dabka junction, close to the Ugandan base. This merciless assault on the residential and business areas of Mogadishu came at a time when the government forces were holding a Military Parade in the Presidential Palace, in front of TFG president Sheikh Sharif, to mark their first anniversary. Perhaps the BM rockets were all they had for fireworks today

There will be a cold reckoning in this world before the next. Sabran yaa Aaala Muqdisho, fa'ina mowcidukum Al-Jannah inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Aaway Shariifka?

Aaway Indhocade ?

Aaway prof Ibi?

Aaway dadkii Kensington Rd outside Ethiopian embassy ku qaylin jiray?

 

Aaway dadka diinta inay yaqaan isku sheegaa ee intaa dhaha TFG waa dowlad Islaamk wax ku xukunta, masaanbaa Islaamnimadu?

 

Aaway Mogadishu Society?

 

Aaway, Aaway dadiikii, ma afkiibaa juuqda gabay

Originally posted by Maaddeey:

^Aaway reer Sol-ka 10 Polish maa loo baroorto lahaa, aaway kuwa marka been-abuur cad la caddeeyo soo booda iyagoo iska dhigaaya iney shacabka u naxayaan! aaway aaway aaway... aa..aa.. w..

Like obedient dogs who only bark when their masters tell them to, our homegrown xuthaalah are quiet because they have not recieved the command to bark and howl. But watch them out-do each other with high-pitched screaming and shouting when the Mujahideen ban narcotics(personal freedoms are curtailed!!!) or when the Mujahideen liberate yet another gobol from Is-baaro checkpoint bandits.

 

This is the nature of the wretched xuthaalah. Shameless hypocrisy that is without limits. Yesterday, they were against Ethiopia(for obvious clannish and oppurtunistic reasons); Today, they cheer on and clap for the Ugandan onslaught. Of course, in their twisted treasonous mind-set, this is not only logical, but theologically sound as well.

 

30 murdered, scores of others grievously injured. All in the name of peace-making. All in the name of the TFG. All in the name of Dowlada Midnimo Qaran. And only silence to be heard from the gaalo-raac khawana.

 

Gaalo-raaca la gartay ileen waa xoolo deen'tooda iyo dal'kooda gaday, but I have a few questions: Where are all those Holy Scholars, with their magnificent robes and soft overgrown bellies, who appear on TV telling us that the TFG is a Islamic goverment ? Telling us that this is a "fitnah" ? Amisom troops shelling civillian neighborhoods is a fitnah ? What is the xukm of the so-called Muslim who is directing the Ugandan artillery so that the shells fall on top of hospitals, restraunts, and schools ?

 

Questions that recieve no answers because the Holy Scholars are too cowardly to answer them. Because it will expose their wilful complicity in the relentless xasooq of innocent civillians. Because it will show the world that even wearing those flowing garments, they are truly naked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto inta dhimatay. Nabad waarta oo nasiibdarada soomaalida ku habsatay ka saarta allaha u keeno

 

Midse waan oran:

 

Su'aalaha liita ee is maqashiiska ah, waxaa laqaysa oo dam ka siinaysa hal su'aal, oo dhaga adag, oon weligeed fogaan, waana: yaa colaadda wada? . Su'aal taa la walaal ah baa jirta: yaa wadahadalka iyo in si nabad ah wax lagu dhammeeyo diidan .

 

Dicaayad raqiis ah weeye, in inta somaliya colaad la geliyo, oo la shido, oo weliba lagu faano dagaalka, in hadana lagu dul ooyo maydka waran, ee colaada sababteed u dhintay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waryaa, waa Adiga, sabar waa dhamaaday & tartiibis, si fiican ii maqal! fiiri, 2006dii ka hor hal qof oo nabad & wadahadal sheegta ma jirin Un & US & Jinni & Cirfiid wax Somalia sheega ma jirin, waxaasoo dhan waxay ka shaqeynaayeen dhibaateynteenna, rajo badanna kamaynaan qabin WADDAN, 6dii bilood ee maxaakimta ayaa dadkii hundhuray mar uun soo wada kaceen, oo la ogaaday ANNAGA shacabka ah inaan isbedel sameyn karno.nabaddii, neecaawdii & wanaaggii yaraa een helnayna waxaa u baas baxay UN, USA & jinnigan hadda na leh nabad beynu wadnaa!, kuwii shalay nabadda noo diiday sidey caqli gal u tahay iney naga naxayaan oo wada hadal & dawladnimo noola rabaan!, nabadda & wadahalka waxa diiddan wixii 2006 dhamaadkeeda & 2007 billowgeeda diyaaradaha nagu duqeynaayey, oo nidaamkii yaraa ee noo bidhaamay naga demiyey!.

 

Waxaa la yiri: NABAD LA TUUGAY NABAD MAAHA waxaan hubaa haddii hadda Shabaab la laayo oo -laa qaddara Allaah-hal qof oo qori qaadda la waayo in hawshu meesheedii ka billaaban doonto oo Somalia sidii hore uun ignore list loo gelin doono, markuu Siyad Barre baxay maxaa Soomaalida loo caawin waayey waata Gaalo 15 urur oo B walaa T ahayn naloo soo dhisaye, markii dambe oo Somali madoobaatay oo casaatay ee Djibouti dawladii Carte lagu soo dhisay,maxay Ethiopianku & Ameerikaanku dawladdii kobta uga istaageen! sidoo kale tii Impegati looga aamusay illaa Maxkamadihii yimaadeen oo la gartay in Soomaali hurdadii ka kacday loo yiri Dawladdaan caawineynaa! oo beentii run la mooday ilaa & haddana sidii weli run loo moodo?.

 

Adeer, intaas oo jirta haddaad weli la soo indha caddahay Muqaawamadaa nabad diiddan ama MUNAAQIF weynaaday baad tahay ama nin wax u dhimanyihiin baad tahay, taad noqotana adi uun beey ku dhibeysaa! Wassalaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Xiin,

 

Inkastoo aa tahay nin caqli-xumi iyo aragti-gaabni isku darsaday, oo weliba uu sii ziyaada jah-wareer dhinaca caqeedatha(mur'ji'ah), weli waan kula niqaashaa, casaa in Ilaahay ku soo guide-gareeyo.

 

Bismillah,

 

Su'aasha uu horeysa:

yaa colaadda wada?

Colaada waxaa wada dadka dan ugu jirto inaysan Soomaliya ka dhalanin Dowlad Islaami ah oo kicitimayso hirgalinta Shareecada Alle.

 

Definition'kaas anagoo indhaha ku hayno, jawaab'to waa: colaada waxaa wada Gaalada iyo Gaalo-raaca, gaar ahaan kooxaha ay soo maal geliyeen, ay soo doorteen, ay soo hubeyeen sida TFG'da iyo Mushrikeen'ta ee qaboor caabud'ka sidee Soomaliya aga dhalanin Dowlad Xoog-weyne oo Sovereign ah. Foriegn interests'kaas, ay ugu horeyso Ethiopia, waxay doonayaan inay Somalia weligeed noqoto weak & fragmented. To that end, waxay soo dhiseen the Dhoofaaray entity(TFG), oo ah nithaam jaahili oo qabiil iyo qabyaalad(4.5) ku salaysan. Waa straight out of the colonial playbook of Divide & Conquer. Adigu-se iyo caqli-gaab'ka aa isku manhaj tiheen waxaa uu aragtiin the Antarnashanal Kaamonity and Ethiopia to be your Saviours, and that they are free from blame. Your condition is described in the ayah below:

 

5_52.gif

 

Su'aasha xigta:

yaa wadahadalka iyo in si nabad ah wax lagu dhammeeyo diidan

Lol. Munafiqaan markoo isku dhax yaaco waa su'aashu uu gambasho uu doonan jiray. Laakin-se waxaa soo xasoosinaa waagoo shaar deeni(fake then, fake now) soo xiranjiray oo "Amxaarada halala jihaado!" iyo "Warlords waa in la cirib'tiro!" oo olol'layn jiray. Wamaa archive-search can'ka bi'baceed.

 

You know, everytime that he uses that stale line "They are opposed to negotiations! They should come to the peace table!", I remember a memorable quote by Barafasoor G where he mocked the transparently fake call for peace talks and negotations(paraphrasing): "Negotiations ? As in, we are agreed that the TFG militia can only rape a annual quota of 5,500 women with only 1500 of them being under the age of 10, whereas before it was unlimited. We are agreed that the TFG militia can only have 5 isbaaro checkpoints in every village where they can rob passer-bys under strict supervision only. We are agreed that Ethiopia can only name the President, but not the Prime Minister who must be appointed by the Somali parliment, but the Parliment will be named by the Antarnashanal Kaamonity"

 

And this doqon still speaks about peace and wadahal, as if his transparent charade, the peace caravan, still has any followers. This is the low-level intellect, the sheer jaahil-nimo displayed on these boards day in and day out by the peacenik TFG supporters when they call for negotiations and peace-talks. When I call them caqli-gaab, this is what I'm reffering to. When I call them xoolo, this is what I'm refferring to. That is, if they were sincere in the first place.

 

Negotiations iyo peace-talks god-ka aa ku jirtid hakaa saarto.

 

Jawaab'ta kooban: Wadahal waxaa diidan ninkii helicopter gaalo Xamar ku soo galay, taangi Amaxaaro'ne guri ka dhigtay. Habayn iyo maalin'na supervise-gareeynaayo xasooq matada masaakinta Ninkaas iyo burcad'da uu madax uu yahay markii laga takhalaso, Umada Soomaliyeed aayaheeda sii nabad leh bay aga tashanaaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Si aan loo qaldamin oo aan dadku u moodin in ninweyni hadlay, horta Maaddeey Script waa mirihii AT&T nomad iyo isku-duba-ridkii saaxiibkay NGONGE :D ,

 

Kashafa, the keligii-Muslim of SOL, ma macna badna. Sharcan iyo caqlan, bal wakaase wax la qaadan karo ha keeno.

 

Anigu qodobkaan rabay inaan iftiimiyo wuxuu ahaa in nimanka colaada soomaaliyeed caaradka u ah, ee maanta xuruubta ahliga hogaamiyaa aysan baroordiiqda shacabka ay dhibeen ama sababeen in shisheeye dhibo xaq u lahayn.

 

Halkaas waxaa ku banjaray su'aalihii ismaqashiiska ahaa, iyo dicaayadii raqiiska ahayd.

 

back to squere one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ Lol, as always a intellectual coward, unable to stand up to scrutiny, probably wasn't expecting the demolishment of his questions. As always, escapes from every debate by throwing words like: script, kellegi-muslim and then heading for the hills. La yaab malahan, he's the product of the "why-fight-when-you-can-run" culture he grew up in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Count xiins refusal to reason with scripts and wiilka weli walaalihi nuugaan as another devine victory against gaala-raacyada, jawaasiista, fulayada, culumada-la-iibsaday, munaafiqiinta, iyo kuwa-cagaha-wax-ka-daya markay rag is hayaan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Refusal to reason = intellectual cowardice and/or intellectual bankruptcy

 

I can understand why you're afraid to debate me.(ie, you're scared of me...have to coach myself to be nicer :D )

 

But debate Shaykhii Maaddeey if you're not a intellectual coward and/or intellectually bankrupt.

 

But you are, so you refuse to debate. Nothing new. Haakathaa cahdunaa bika, abti, as the old Arabs would say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this