Sign in to follow this  
Wigad

atleast 6 ethiopian soldiers killed in Towfiq battle late...

Recommended Posts

Wigad   

Ugu yaraan lix askari oo Itoobiyaan ah, ayaa lagu dilay iska hor imaad dhexmaray iyaga iyo kooxo hubaysan oo isku rasaaseeyay magaalada Muqdisho.

 

Halkan ka dhagayso

 

Galabta waqti uu gabalku uu sii dhacayo, ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka yimid dhinaca hoteelkii hore ee Towfiiq, oo ku lugaynayay jidka General Da'uud ee yimaada dhinaca Hotel ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho, iyo jidka miisaanka dhuxusha iyo waddooyin xaafada dhexdooda ah, ayaa markii ay soo gaareen is goyska telefishinka lagu bilaabay rasaas iyo baasuukayaal, ciidamaduna rasaas culus ayay ku jawaabeen.

 

Dagaalka, ayaa in muddo ah socday, iyadoo ilaa laba qof oo rayid ah maydkooda lagu arkay goobta lagu dagaalamay.

 

Qaar ka mid ah askartaas, ayaa la sheegay in ay iyagoo dib u guranaya ay dib ugu noqonayeen halkii ay ka yimaadeen ee Hotelka Towfiiq, iyadoo qaar kalena la sheegay in ay isku uruursadeen xaafadaha dhexdooda, goobahaasi oo wali la isku rasaasaynayo, waxaa dad goobjoog ah ay sheegeen in ay arkeen askar Ethiopian ah oo iyagoo dhaawac ah lala cararayo ama ordaya.

 

Ciidamada Ethiopian-ka, ayaa wararku sheegayaan in ay hadda ku jiraan laba goobood oo kala ah agagaarka isgoyska telefishinkii hore iyo meel kale oo xaafadaha dhexdooda ah oo u dhaxaysa jidka General Da'ud iyo jidka ka yimaada Hotel Towfiiq.

 

Dagaalka, ayaa ahaa mid dadka deegaanadaasi ay ku soo xusuusteen dagaalkii tobanka maalmood ee dhowr bilood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

BBC somali

 

its usually like this everyday except its not reported.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

People here have more pressing concerns than this saxib. Hadda dhibaa jira soke. Marka iyaga murugada heysato ka fuqdo, they will be back to Muqdisho news to keep on supporting Amxaarada iyo Adeerkood A/Y unfortunately.

 

PS: The follow up to what you posted is the Xabashis taking revenge on civilians.

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Tigre boys r still dyin in Muqdisho but unlike my pple they do have an objective, a cause they believe is worth for dyin...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this