Sign in to follow this  
Meiji

Religious warlords turn on each other LOL

Recommended Posts

Isku daygii ugu horeeyay ee USC-da Gen. Caydiid ay u dhaqaaqeen waa lasoo jabshay, wuxuna ogaaday in ciidankii uu la diriray ciidan aan ahayn ay difaaca hore soo galeen, dib ayuuna usoo gurtay dhanka Jilib. Isagoo diyaar garow adag ku jira ayaa xubnihii Itixaadka ee Muqdisho waxay soo direen shan nin oo afar ka mid ah ay yihiin Itaxaad, midka haray oo ah Sh. C/lahi Lakari-na kama uusan tirsanayn Itixaadka. Afarta kale waxay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo walaalkiis Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariistee)Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariistee)

 

 

Raggii shanta ahaa ee laga soo diray Muqdisho, una dhashay beesha ******, waxay ka kala ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariisto) oo isla dhashay iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariisto) waxay ahaayeen **********, Sh. Xasan Calasow, ****** iyo Sh. C/lahi Lakari oo Murursade ahaa. Waxay la kulmeen Jan. Caydid waxayna u sheegeen in wadaado ay saaxiibo yihiin ay ku sugan yihiin Kismaayo ayna ugu yimaadeen in maleeshiyaadka USC ay ka hor istaagaan inay dhibaateeyaan wadaadadaas. Jan. Caydid wuxu u sheegay raggii shanta ahaa in wadaadada saaxiibadood ah ay mar hore dagaalka soo galeen, safka horana ay ku jiraan, uuna kala kulmay iska caabin xoog leh dhankooda. Waxay ka codsadeen Caydiid inuu siiyo 48 saacadood si ay dagaalka uga saaraan ragaas. Caydid wuxu u sheegay inuu siinayo 24 saac oo ay ku dheertahay 48 saac. Saddex nin oo ka mid ah shantoodii ayaa aaday dhanka Kismaayo. Waxana looga tagay Jan. Caydiid inay lasii joogaan Sh. C/lahi Lakari iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys.

 

Saddexda nin ee soo aaday buundada Araare waxay ahaayeen Itixaad, waxayna halkaas kula kulmeen wiilashii dhalinyarada ahaa oo cimaamado gaduudan xiran iyo horjoogayaashii watay oo ay ka mid ahaayeen Xasan-Mahdi oo ay isku hayb yihiin Jan. Caydid iyo Ibraahim-Afgaan. Waxay u sheegeen inay usii gudbayaan Kismaayo, waxayna kula balameen inaysan weerar qaadin iyagana aan lasoo weerari doonin. Saddexdii nin Sh. Xasan Daahir, Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal waxay usoo gudbeen Kismaayo waxayna halkaas kula kulmeen rag ay ka mid ahaayeen Sh. Daahir Cabdi (Indha-buur) C/raxman Max’ed Jibriil, Xuseen Cabdule Codweyn, Sh. C/lahi-Raabi, Dalmar Guureeye, Max’ud Ciise Sicid (Rabi ha u naxariisto) Cali-Muuse Siciid. Niqaash dheer iyo caqli calin kadib raggii dagaalka waday waa diideen inay ka baxaan dagaalka marka laga reebo Cali-Muuse Sicid oo ku raacay ragga yimid inay ka baxaan dagaalka u dhexeeya qabaa’isha Soomaliyed. Sh. Xasan Daahir ayaa ka codsaday ragga dagaalka hogaaminayay bal inay usoo bandhigaan saadka dagaalka ee ay haystaan, markii ay tuseena wuxu yiri “hubkaan waa maalin-dagaal, hadaad u badataana saddex maalmood ayaa isku celcelin kartaan” ee ka baxa dagaalka. Waa laga diiday. Sh. Xasan Daahir hadana wuxu soo bandhigay dalab kale oo ah, “maadaama aad diideen inad ka baxdaan dagaalka, saraakiil sar sarana aysan idinla joogin, ka warama hadaan anigu idinku soo biiro oo dagaalka hogaamiyo, si aan saanadaan yar u beekhaamiyo.
Taladiisii waa u guuxeen waana ka aqbaleen inuu hogaamiyo dagaalka, lakin Sh. Xasan Calasow ayaa ku qabsaday arinkii Sh. Xasan Daahir, wuxuna ku yiri “Shiikh ii sheeg meesha ay diinta uga taalo nin ergo ah oo lasoo diray, dadkana kala badbaadinaya inuu isagu dhan kasoo jeesto oo dadkii uu kala badbaadinayay uu qaarkood ka diriro. Sh. Xasna Daahir markas ayuu baraarugay kana laabtay go’aankisi, waxayna dib ugu laabteen Jan. caydid oo u sheegeen inay xal usoo waayeen arinkii
. Mudo yar kadib Jan. Caydid wuxu qaaday weerarkiisi ragiina Muqdisho ayay u laabteen. Ciidankii Jan. Caydid waxay la kulmeen iska caabin aad u adag, rag badana waa laga laayay, waxaana maalinkaas ay nolol ku qaban rabeen wadaadada Itixaadku fanaanad Xaliima Qaliif Magool oo ka mid ahayd ciidanka Jan. Caydiid.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Xiin and co,

 

Its widely known:

 

Aweys and his Al Itixiad side fought Aideeds USC forces at the battle of Araare.

 

 

Why are people denying him that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Meiji:

Xiin and co,

 

Its widely known:

 

Aweys and his Al Itixiad side fought Aideeds USC forces at the battle of Araare.

 

 

Why are people denying him that?

Of course, the USC offensive against the fleeing regime was a just war and this is proved by the quick victory of the USC and the humiliation of the regime evinced by their admission to Kenyan refugee camps as refugees smile.gif

 

God is a just God and he administers justice against those who commit injustice smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^ Abti, qabyaalada iska kala yareey. There was nothing 'just' or 'right' about the USC, or any other jabhad for that matter. They were godless men who raped, murdered, looted and destroyed as a way of life. The illiterate camel-herders who populated their ranks graduated to become road block bandits and Ethiopian guns-for-hire. The blood they have spilt, the lives they have stolen, and the country they have destroyed will never be forgotten by the Somali people.

 

The same men who formed those jabhads, be it the USC, SSDF, SNF, RRA and SNM, have all pledged allegiance to Ethiopia and find themseleves as TFG allies in a bitter ironic twist. When I say they will be cleansed from Somali soil, I mean it both literally and figuratively.

 

 

still searching for the online source.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kashafa, concede this one awoowe. Dont waste your time searching it. IT IS as I told you. In fact none of the three sheekhs you named were part of that particular war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

still searching for the online source..

haha still searching, Wali lama gaarin lix saac, markaa bay maskaxdaadu searchingka dhameyn doontaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

"Had the Mujahideen, then known as Itihaad, followed the advice of Peacenik Gacamay, many nomads that are typing frivolously on these board might not have been alive."

 

Haye and Aideed would have finished them up.

Lol

War meesha bahasha foosha-xun ka yareeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AbdulLadeef has summarized it there. Waxaa jiray Sheikh Cabdiwali(reerka Aideed ah) oo isna ka mid ahaa ragga madaxda ah. Maybe Xiin and AbduLadeef inay garan karaan. Araarre waxaa difaacay dhalinyaro Al-ittixaad ah oo qaar badan ay ahaayeen dhalinyaradii Gaheyr iyo Lafoole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goodir   

^Boowe inamada xaqiiqa doon ma aha. Dambi oogeyaal ayey la dhinac yihiin. La jiifiyaa banaan. Mujaahid Caydiid bey ku wardinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this