Sign in to follow this  
me

War deg-deg ah: Dagaal culus oo ka qarxay jidka #4

Recommended Posts

me   

War deg-deg ah: Dagaal culus oo ka qarxay jidka #4

 

Muqdisho (26 Apr 07), Dagaal kharaar ayaa goor dhawayd ka bilaambay jidka #4 oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda dabo-dhoonka iyo kuwa Saliibiyiinta ee Uganda. Dagaalkan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gadisan ayay dagaalyahanka Soomaaliyeed si gaadmo ah oo lama filaan ah u weerareen halkaasi.

 

Qaaca iyo uurada baabuur la qarxiyay ayaa hawada isku shareertay sakanno kadib marka dagaalku bilaabmay waxayna sheegayaan wararka hor dhaca ah ee KismaayoNews soo gaadhaya in dabada lagaga dhacay ciidankii maxaysata oo rasaastu u sii durkayso dhinaca Ofisyoone iyo dhinaca garoonka diyaaradaha.

 

Waxay arintani ku soo beegantahay xili ay ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ay sheegteen inay maanta ku gacan sareeyeen dagaaladii ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Iska horimaad galabta ka dhacay xaafadaha Taleex iyo Bermuuda

 

 

Mogadishu 26, April.07 ( Sh.M.Network) Israsaaseyn aad u xoogan ayaa Maqribnimadii caawa waxa ay ka bilaabatay xaafadaha Taleex iyo Bermuud ee magaalada Muqdisho.

 

Israsaaseyntaan ayaa ku dhex martay xaafadda Taleex iyo Bermuuda xoogagga wax iska caabinta iyo ciidamada dowladda, waxaana ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xoogagga wax iska caabinta oo ku jira dagaal ba'an

Daawo Sawirada oo dhan

 

Abaarihii caawa 6 dii maqribnimo ayay aheyd markii laga maqlay halkaasi daryanka madaafiicda iyo rasaas xoogan oo labada dhinaca ay is weydaarsadeen.

 

Wali lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi oo socday muddo nus saac ah, laakiin goobjooge ayaa shabelle u sheegay in uu arkay dhaawaca soo gaaray gabar yar oo uu ku dhacay qoriga loo yaqaano sabanka.

 

Sidoo kale Waxaa madfac uu ku soo dhacay dugsiga sare ee Taleex oo la arkayay iyadoo dab iyo qiic uu ka baxayay.

 

Sidoo kale waxaa galabta madaafiic ay ku soo dhacday deegaanada Shirkole, Albaraka iyo Black Sea, kuwaasi oo laga soo ridayay fariisimada ciidamada Ethiopia, lamana oga qasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi.

 

Sidoo kale dagaaladii maanta ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 30 ruux halka tiro ka badan intaasina ay ku dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

General Duke, hadii dagaalo ka socdaan Black Sea, Shiirkole ilaa afisiyone, magaaladu gees ka gees ayee ka gubanaysaa. So wasn't it too early for the TFG and the Ethios to claim victory?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Faah-faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho

 

Muqdisho (26 Apr 07), Dagaalka maalintii 9aad ka dhacay Muqdisho oo ahaa kii ugu darnaa tan iyo intay ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ahi la wareegeen gacan ku haynta magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid gacmaha la isula tagay. Dagaalkan oo wali ka socda goobaha qaar ayaa sidan u dhacay:

 

* Abaarihii 5:00am ayay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku bilaabeen inay duqeeyaan qaybo ka mid ah degmada Heliwaa iyo Yaaqshid taasoo sawaxanka iyo daryaanka gantaalada ay diyaaraduhu gamayaan ay dadka ku nool dagmooyinka ku xeeran labadaasi dago ay moodayeen madafiicdii horay looga bartay inay tuuraan Ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah. Sidoo kale waxaa gantoolo lala bartilmaameedsaday goobo kamid ah labadaasi degmo laga soo gamayay Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay kaasoo ku sugan badweynta. Waxaa kaloo la sheegayaa inay diyaaradaha Maraykanku isticmaaleen suntii ay isticmaaleen dagaalkii Iidaale iyo kii Jubbooyinka.

 

* Hilaadihii 6:00am ayay ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah iyo kuwa dabo-dhoonka oo ay horboodayaan taangiyo dushana ay ka waardiyaynayaan diyaaradaha Maraykanku ayaa dagaal saf balaadhan ah ku soo qaaday aagga Hotel Ramadaan. Waxayna weerar kan la mid ah ku soo qaadeen jiida Towfiiq ee ay isku horfadhiyeen labada ciidan.

 

* Markay arkeen dagaalyahanka Soomaalidu dagaalka cirka ah ee uu soo qaaday Maraykanku waxay go'aan sadeen inay badalaan kaartadii hore ee ay ku dagaalamayeen waxayna u baneeyeen ciidankii Gumaysiga macatab ku dirirka ah ee ka soo weerar galay dhinaca Hotel Ramadaan, halka ciidanka dagaalyahanka Soomaaliyeed ee ku jiray jiida Towfiiq ay jilibka laabteen.

 

* Ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah ayaa markay arkeen inaan xabad xoogan kaga soo dhacayn jiida Hotel Ramadaan go'aan saday inay baabuurta koraan oo wada qabsadaan oo ilaa Suuqa Xoolaha socdaan.

 

* Dagaalyahanka Soomaaliyeed ayaa intii ay wada sii hayeen Gumaysiga macatab ku dirirka ah oof wareemayay oo kolba gantaal ku halgaadayay.

 

* Ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah ayaa markay gaadheen Suuqa Xoolaha toos u abaaray goobo ay ku tuhun sanaayeen inay saldhig u yihiin dagaalyahanka Soomaalida kuwaasi oo loo sii baneeyay miinooyinna loogu sii aasay. qadar yar dabadii waxaa cirka isu shareeray daryaan iyo qaraxyo ka dhashay miinooyinkii goobta loogu sii aasay waxaana weerar ku qaaday mujaahidiin loo sii diyaariyay.

 

* Markii birta laga aslay ciidamadii Suuqa Xoolaha ayaa waxay dalbadeen ciidan gurmad ah kuwaasi oo ayagana lagu helay Hotel Ramadaan taasoo ka yaabisay gumaysiga macatab ku dirirka ah oo aaminsanaa maadaama ay wadadaas soo mareen inay amaan tahay.

 

* Saraakiisha dagaalyanka Soomaaliyeed hor kacaysa ayaa fadhi deg-deg ah oo ay qaateen maanta duhurkii ku go'aamiyay inay khidadda badalaan oo baneeyaan goobaha madaafiicda lagu bartilmaameedsaday ee ay maalmahan ka dagaalamayeen ayagoo qorsheeyay inay dagaalka u wareejiyaan meelo kale oon laga filaynin.

 

* Ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah ee ku sugan Isbartiimada iyo xaruntii Xisbiga ayaa wali go'doonsan oo ay ku hareeraysan yihiin dagaalyahanka Soomaaliyeed ayagoo la beegsanaya hoobiyeyaal iyo madaafiic kale.

 

* Dagaalyahanka Soomaaliyeed ayaa si lama filaan ah weerar gaadmo ah ugu qaaday ciidamada Saliibiyiinta Uganda iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ee ku sugan wada #4. Sidoo kale waxay mujaahidiintu weerareen ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah iyo kuwa dabo-dhoonka u ah oo ku sugnaa Taleex iyo Beermuuda.

 

* Gumaysiga macatab ku dirirka ah oo aan maanta waxba isula hadhin marka la isku daro Maraykan, Uganda, Itoobiya iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ayay dagaalyahanka Soomaaliyeedi u dhigeen cashir taariikhi ah.

 

* Dagaalka maanta ayaa huwanta Saliibiyiinta lagaga gubay 9 gawaadhida gaashaaman ah kuwaasi oo kala ahaa; 2 kaare, 3 uraal, 1 booyad iyo 3 baroon, kuwaasi oo lagu kala gubay Hotel Ramadaan, Suuqa Xoolaha, Towfiiq iyo Namber Afar.

 

* Bakhtiga Gumaysiga macatab ku dirirka ah, Saliibiyiinta Uganda iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ayaa daadsan dariiqyada xaafadihii dirirtu ka dhacday ayagoo haleeli waayay inay gurtaan. Dagaalka oo wali socda awgiis ayaa laga yaabaa inuu khasaaraha Huwanta Saliibiyiinta loo gaystay intaasi ka bato.

 

* Duqayntii diyaaradaha Maraykanka iyo madaafiicda aan loo miidaan dayaynin ee ay tuurayeen Huwanta Saliibiyiinta ayaa khasaare xoog leh oo naf iyo maalba leh u gaystay dadka rayadka ah ee ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oon la qiyaasi karin. Madaafiicda ayaa ka daba tagtay dad ku sugnaa duleedka magaalada Muqdisho oo ka cararay xasuuqa ay ciidamada Saliibiyiintu ka wadaan caasimaddii qaranka Soomaaliyeed.

 

Ugu danbeyntii, guushu xaqa iyo Islaamkay ku danbayn, Saliibiyiinta iyo xaqdaraduna way burburi waana laga guulaysan. Bi-idni Laahi.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ME,

 

I guess you are making things up as you go along.

Black Sea, Shiirkole ilaa afisiyone

 

Kindly expand on these clahes, since there was no clahs in KM4, Hotel Ambassador, or anywhere else.

 

There was 1/2 hour accoridng to Shabbele in which gun fire was exchanged.

 

Please expand.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^Duke Xamar hadaad taqaanid shiirkole, nr.4, black sea iyo afisiyone itay isu jiraan waan garanaysaa.

 

This a fluid situation I think and the resistance fighters are fighting on their home turf, so they are more then capable of launching attacks all over the city.

 

Hada xamar waa saq dhexe, wakhtigii lays miran jiray weeye, marka bari un ayaan maqli meesha laysla gaadho. I believe that resistance fighters are fighting this war well, they are using their skills to the limits. It would be unwise to try to hold fix positions for a long time, especially when you are being bombarded from the air and by artillery, when they are fighting 4 different enemies that are numerically superior (but for how long?)

 

Muqdisho is becoming a Stalingrad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And yet the phrases TFG wins or successed is continuously parroted around by GD, he has no shame. The combined Force of the Ethiopian Modern army funding and co-coordinated by the Americans, and the American tactical support and bombings hasn’t yet managed to quell the resistant to this attempt colonize Somali’s and install this Gang of a "government"

 

Where is this phantom force you keep referring to as the TFG, if you mean the Ethiopians and Americans then perhaps your accurate, otherwise its an utterly inaccurate and blatantly lie.

 

But still if it makes you happy and sleep well at night keep deluding yourself

Share this post


Link to post
Share on other sites

ME, the back of threse groups has been broken, in the south it was the four day battles and in the North it was this offensive, mop up job will continue for a month or so, but their fighting power and will has been decimated. Hence all the contradictory stories.

 

As for the claims, there has been no fighting outside the 1/2 hour gunn battle and even that seems to be an exageration on the part of the defeated groups media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this