Sign in to follow this  
Xaq

Two Southerners murdered in Puntland

Recommended Posts

Xaq   

Meydadka Labo ruux oo si xun loo dilay oo Saakay laga helay Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

12/17/2009 9:46:00 AM

http://www.shabelle.net/news/viewnews.asp?newsid=10344

Mayadadka Labo ruux oo la sheegay in ay ka soo jeedaan koofurta dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa laga helay Xaafadaha Waqooyi beri ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo ay maydadkaasi jirkooda ka muuqdeen Rasaas xoogan.

 

Saakay abaaro 8-dii subaxnimo ayaa Xaafadda buulo Bacleey ee waqooyi Bari ee Magaalada Gaalkacyo oo ay ku suganyihiin dadkii barakacayaasha ee ka cararay koofurta dalka Soomaaliya waxaa laga helay meydadka labo nin oo aan la aqoon cid dilkooda ka dambeysay.

 

Maydadka labadaani nin ayaa waxaa ka muuqday Rasaas farabadan waxaana in mudo ah ay yiileen Xaafadaasi Buulbacley iyadoo markii dambe mid ka mid ah maydkaasi la aqoonsaday islamarkaana goobta laga qaaday.

 

Arintaani ayaa cabsi ku beertay dadka ku sugan halka Maydadka lagu arkay oo u badnaa Barakacayaasha ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya waxaana qaarkood saakay ay aad uga xumaadeen dhibaatada loo geystay dadkaani.

 

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysa dilka labadaani nin iyo dadka goobtaasi soo dhigay meydadkooda hase ahaatee waxaa ay daba socotaa dilal mudooyinkii ugu dambeeyay dadka koofurta ka soo jeeda loogu geysanayay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

 

Majirto cid ka hadashay dhacdadaani saakay lagu arkay Magaalada Gaalkacyo hase ahaatee waxaa ay arintaani abuurtay hadal heyn badan oo ay isla dhexmarayaan dadka ku dhaqan waqooyiga iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this