Sign in to follow this  
Sharmakee

Yeman oo qirtey huub ay sissayy YEY

Recommended Posts

Yemen oo qiratay in hub ay siisay dowladda KMG ah ee Somalia

 

Mogadishu 18, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Wasiirka arimaha Dibadda Dowladda Yaman ayaa si cad u sheegay in yaman Hub iyo saanad milatari ay ugu deeqday Dowlada Kmg ,iyadoo yaman arintaasi ay ku tilmaamntay Mid sharci ah oo aan xad gudub ku ahayn xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya.

 

Warkan Wasiirka arimaha dibada ee dalka yemen abuubakar Al Qureybi ayaa waxa uu ku tilmaamay in warbixintii dhowaantan ay soo saartey QM tahay mid aan sax aheyn isla makaana xaqiiqda ka fog

 

Mr Qureybi ayaa ku tilmaamay warbixintaasi inay tahay hadal hore oo uu xilligiisu dhamaaday Waana hadal ka Da’weyn Golaha Maxaakimta islaamka oo xilli hore ayaa yaman lagu eedeeyay Isla Xilligaas ayaanan jawaab ka Bixnay buu yiri waziirku.

 

Waziirka ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in aanay wax cusub soo bandhigin warbixintan isla markaana ay tahay mid kusoo celcelineysa waxyaabo uu waqtigoodu dhamaaday oo horay looga hadlay lana xalliyay.

 

Waziirku waxa uu sheegay in kadib markii lasoo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka yaman u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed Taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane.

 

Sidaa daraadeed waziirku waxa uu yiri waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan.

 

Waxaa kaloo uu waziirku sheegay in dalkiisu uu joojiyay hubeynta dowladda soomaaliya kadib markii qaramada midoobay iyo Dhinacyo kale oo caalami ah ay u arkeen arrintaasi mid xad gudub ku ah xayiraaddii dhinaca hubka ee saarneyd soomaaliya iyagoo u arkay Hubka dowladda soomaaliya aannu siinay buu yiri Hubeyn dhinac kamid ah dhinacyada isku haya soomaaliya.

 

Waziirka ayaa Ku eedeeyay qaramada Midoobay in ay tallaabo ka qaadato dalalka qaar marka ay ku jiraan xaalad gaar ah hase yeeshee waxa uu yiri Tallaabada ay qaramada midoobay qaadato waa mid aan la joojin marka ay dhamaato ama ay soo gabagabowdo xaaladdii sababtay in tallabadaasi ay qaadato qaramada midoobay ,waxa uu na intaasi raaciyay In haddii si wacan loo hubeyn lahaa ciidamada amaanka ee dowladda soomaaliya garabna lagu siin lahaa in ay tagto Magaalada Muqdisho xaalku uusan heerkan gaareen

 

Ugu dambeyntii waxa uu waziirku sheegay In ay marti qaad u fidiyeen Golaha maxaakimta islaamka iyo Madaxda dowladda soomaaliya si ay wada hadal ugu qaataan dalka yaman Isagoo sheegay in ay ilaa iyo haatan diyaar u yahay dalka yaman inuu Marti galiyo wadaxaajoodka qeybaha soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeman oo Qiratay in ay hub siisay Dowladda Soomaaliya

 

Dowladda Yeman ayaa caddeysay in ay hub iyo qalab ciidan siisay Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo, Warkan Wasiirka arimaha dibada Yeman abuubakar Al Qureybi ayaa caddeeyay in dalkiisu siiyay Dowladda Soomaaliya hub taasina ay tahay mid sharci ah oo waajib ah.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in kadib markii la soo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka Yamen u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane.

 

“Waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman.

 

Dhawaan ayaa Guddi Madax bannaan oo ka socday Qaramada Midoobay ku eedeeyay Dowlado Yeman ay ka mid tahay in ay soomaaliya geliyeen hub taas oo dhabar jab ku ah xayiraaddii hubka ee saarnaa Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this