Sign in to follow this  
Sophist

First Somali to ever become....

Recommended Posts

Sophist   

Nin Soomaali ah oo Loo Magacaabay Golaha Xuquuqda Aadana ee Magaalada Owatonna ee Gobolka Minnesota

 

Sabti, Sept. 25, 2004

 

 

Markii ugu horeeysay taariiqda Soomaalida ku dhaqan Gobolkan Minnesota – intaan ka ogahay- ayaa maalintii talaadada, tariiqduna eey aheyd September 21-keedii magaalada yare e Owatonna ee gobolkan Minnesota lagu dhaariyey qofkii ugu horeeyey ee Somali ah oo loo dhaariyey jagada ‘Xubin Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna'. Ninkan, oo magiciisa la yiraahdo Siyad Max'ud Cali (Siyad Geelle) ayaa ka mid noqon doona gole ka kooban todoba xubnood oo laga soo kala xulo qeybaha kala gadisan ee bulshada magaaladaas.

 

 

gelle_owatonna.htm

Sida ku cad barta eey magaaladaas ku leedahay shabakada caalamiga ah ee Internet-ka, Golaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu qabanayaa howlo kala duwan oo isugu jira: Sare u qaadida tayada xuquuqda aadanaha ee Owatonna, kala talinta maamulka magaladaas dhanka arrimaha xuquuqda aadanaha, la shaqeynta hey'adaha iyo qeybaha kale ee daneeya xuquuqda aadanaha, ka haqab-tirida dadyawga magaaladaaas arrimaha la xiriira midab takoor-ka, Diyaarinta barnaamij hagaajiya dhibaatooyinka ka kaca takoorka iyo xuquuqda aadanaha iyo howlo kale oo badan.

 

 

Xubnaha golahan ayaa jagada heyn kara 3 iyo 1 sano, hadba inta loo doorto, iyagoo si bilaash ah ugu adeegaya dadweynaha. Waxaana soo magacaabaya duqa magaalada Owatonna , kadibna waa in guddiga magaaladu aqbalaan magacaabidaas. Xulidda xubnaha guddigan waa mid taxadiran oo la doonayo ineey ku jiraan dhamaan qaybaha bulshada, sida; Rag iyo dumar, Sabool iyo hodan, midabyo iyo isiryo kala duwan, Mid guri leh iyo mid kireysta, da'a weyn iyo mid yar, oo eey xitaa ardaydu ku jiraan.

 

Siyad Max'ud Cali wuxuu heystaa laba Master oo kala ah: Shahaadada sare ee Maareynta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, oo uu ka soo qaatay wadanka India . Haddana wuxuu wadaa takhasus la xiriira Human Resource Development oo uu ka diyaariyanayaa Jaamacadda Minnesota – Rochester . Wuxuuna la taliye shaqo ka yahay Waaxda Horumarinta Shaqaalaha (Workforce Development) ee isla Owatonna .

 

Magacaabista Siyad ayeey Soomaali badan oo reer Owatonna ah soo dhaweeyeen, iyagoo u arkay ineey muuqaal wanaagsan ka bixineyso jaaliyadda, isla markaana xoojineyso codkooda.

 

Lama hayo tirakoob rasmi ah oo sheegaya tirada Jaaliyada Soomaalida ee Magaaladaas, ha yeeshee illaa iyo dhowr kun baa lagu qiyaasaa.

 

Waxeey magacaabistani ku soo beegantay xilli eey sii kordhayaan xadgudubyada lala beegsanayo Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolkan, guud ahaan. Dhowr todobaad kahor ayaa oday Soomaaliyeed lagu dilay isagoo socda meel ka tirsan koonfurta Magaalada Minneapolis.

 

C/raxman Ceynte

Hiiraan Online

Minnesota

E-mail: Ceynte@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

How about a one paragraph summary for those who are able to read somali? I can read but its so hard, takes lots of time, and I dont know half of the words. Well...in that case...I DONT KNOW THEN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this