Sign in to follow this  
General Duke

Uganda Somali conference and end of TFG?

Recommended Posts

Shir Dib u Heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qaban doono Kampala, Uganda?

 

Friday, October 29, 2010

 

Thursday, October 28, 2010 -- Mahiga oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan

Sunday, October 24, 2010 -- Hasha maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa (Jawaabtii waraysigii Prof. Samatar) | Dr. Abdullahi Spanish

Sunday, October 24, 2010 -- Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah

 

QM oo Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) ka dhigay Waxba kama Jiraan.... Maxaa ka jira in Beesha Caalamka ay wado Qorshe lagu Abaabulayo Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo Cusub…

 

Markii is mariwaagu dhex maray madaxda sare ee dowladda federaalka isla markaana uu weli codka kalsoonida uusan helin Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamka ay wado qorshe lagu qabanqaabinayo shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed kaas oo la filayo in laga qaybgeliyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey ee soomaaliya Mr Mahiga oo Arbacadii (Oct 27) soo gaaray magaalada Muqdisho kadibna kulamo la qaatay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxyaabihii kullankaasi la iskula soo qaaday waxaa ka mid ah sida wararka lagu helayo in lagu wargeliyey in la qaban doono shirweyne dib u heshiisiin ah oo lagu soo dhisi doono Dowlad Soomaaliyeed maadaama uu is qabqabsigu ka dhamaan la’yahay madaxda sare ee Dowladda kumeelgaarka ah.

 

Wararka aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in shirkaasi ay garwadeen ka noqon doonto Qaramada Midoobey, waxaana la filayaa in lagu qabto horaanta sanadka 2011 ee soo socda Magaalada Kampala oo noqon doonta in markii ugu horeysay ay martigeliso shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed maadaama Uganda ay ugu horeyso wadamada ay ciidamada badan ka joogaan Soomaaliya, isla markaana ay tahay Dowladda ay ciidamadeedu difaacayaan Dowladda Federaalka ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Wadamada deriska la ah Soomaaliya waxa ay inta badan martigeliyeen shirar dib u heshiisiin Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah wadamadaasi Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo laba jeer martigelisay, waxaana haatan qorshuhu yahay in Magaalada Kampla ay iyana martigeliso markeeda shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo la isugu keenayo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Maxay tahay ujeedada ka dambeysa in waqtigaan la qabanqaabiyo shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed kadib markii Dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti dhawaan uu waxqabadkeedii noqday mid kooban isla markaana madaxda ugu sareysa Dowladda dhowr jeer uu soo kala dhex galay khilaafaad taasoo sababtay in la eryo ama uu iscasilo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee hore Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh Aadan madoobe) iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaana haatan is haysta labada mas’uul ee ugu sareysa Dowladda FKMG ee kala ah Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh oo aysan hadda muuqan saansaan ay ku heshiinayaan inkastoo ay dhawaan sheegeen in ay heshiiyeen haddana waxaa laga dhandhansan karaa in khilaafkoodu weli uu jiro markii uu Muqdisho soo gaaray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mr Mahinga.

 

 

Beesha Caalamka ayaa waxa ay wadaan qorshayaal kala duwan oo ku saabsan in Baarlmaanka hadda jira ee ka kooban 550-ka xubnood laga dhigo 220 xildhibaan, Golaha Wasiirada ayaa iyana lagu wadaa in laga dhigo 18 xubnood kadib markii beesha caalamka ay u weysay mushaaraadkii isla markaana Baarlamaanku uu noqday mid hayaacdo ah, marka la qabto shirkaan dib heshiisiinta ee warkiisu soo baxay ayaa waxaa lagu wadaa in Qaramada Midoobey ay yeelato fadhi ay ku ansixineyso in Soomaaliya loo diro 20-kun oo Ciidan ah.

 

 

Aan dib u qooraansano dowladihii horey loo soo dhisay gaar ahaan middii lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Madaxweyne loogu soo doortay C/qaasim iyadoo u harsan tahay hal sano iyo dheeraad ayaa Beesha caalamka waxa uu qabanqaabiyey shir dib u heshiisiin ah sidoo kale Dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa iyana waqtigeeda dhameysan waxaana lagu dul abaabulay shir dib u heshiisiin ah, waxaana haatan muuqata in dowladda Federaalka ee haatan jirta oo ay u harsan tahay dhowr bilood in iyana lagu dul qabanqaabiyo shir dib u heshiisiin ah.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

duke its good to see, you are learning from me, you would have never heard that qoute if i had not posted it a few weeks ago. :D

 

why would you post a somali conference and then follow it with that qoute, bro be what you are, do not attempt to imitate something you are not.

 

:D

 

walahi the inferiority complex is a dangerous dangerous thing. :D

 

Somalia and your little fiefdom "bax bax land" are just as crazy as each other.

 

"i got an overflowing toilet you could possible help me with, considering its an ancient trade of yours".

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this