Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Majiyahan Cutub Ciidamo ah ayaa Gaadhay

 

Ilo wareed aan wali la shaacin ayaa sheegaya in Garab ka mid ah Ciidamo taageersan Maxamed Atam ay Fadhiisin xoogan ka Abuurteen Buuraha Majiyahan,Warka aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay Toos uga amar qaataan Maxamed Sicid Atam, Qof reer Guuraa ah oo Nala hadlay ayaa sheegaya in Ay arkeen Ciidamo Gaadhaya 1000,, oo Askar oo gaada Ka Ciyaar ku Samaynayay Meel aan saas uga Fogayn Buurta Shidaalku ku Jiro ee Majiyahan.

 

Ciidamada ayaa dadku sheegayaan inay ahaayeen Kuwa Gurmad ah oo Maxamed Atam Uga Yimi Magaalooyinka Ceerigaabo, Ceelbuh, Dhahar Lama shaacin Saraakiisha Hogaaminaysa,walow ay Jiraan Warar sheegaya in Reer Guuraaga qaarkiis ay Toos Ugu Biireen Dagaalka.

 

Warar Madax banaan ayaa sheegaya inay ahaayeen Kuwa badankoodu ka Diiwaan Gashanaan Somaliland balse deegaanka ka soo Jeeda oo ka soo Ruqaansaday Saldhiygada Shinbiraale iyo Jiidaha Hore ka dib markii ay u adkaysan waayeen Dhibaatooyinka Puntland ee deegaanka galbeedka Bari.

 

Muuse Jaamac Dalaf oo ah Taliyaha Ciidamada Somaliland ee dhanka Ceerigaabo Xaruntiisu tahay ayaa Horay Looga xigtay inaanay u Dulqaadaynay weerarada Puntland ee GalGala isla markaana uu Soo Faxayo Kumanaan Ciidamo oo uu Hortaaganyahay Kuwaasi oo ka Dalbaday inay Gaadhayaan GalGala si ay ula saftaan Atam iyo Xulufadiisa.

 

Dad Reer Guuraa ah oo degan Buuraha Sanaag ayaa Xaqiijiyay inay Laba Isbuuc arkayeen Ciidamo Hubaysan oo Raxan Raxan u soconaya kuwaasi oo ku soo qul qulaya dhanka Bari,waxana ay Cadeeyeen inay qaarkood Sooryeeyeen oo ay habee dhax Kala Kulmeen balse aanay Xog Faah Faahsan ka Helin Ujeedka Ciidamada.

 

Hadii tani dhabowdu ay Dharab Jab wayn ku tahay Maamulka Puntland oo is lahaa waad Go’doomiseen Ciidamada Deegaanka Atam Laakiin Kuwa Hogaaminaya Ciidamada Deegaanka ee Garabka Atam ayaa ah kuwa aqoon u leh dhulka Buuraha iyo Biyaha badan ee ay ku Dagaalamayaan Taasi ayaa Sahashay in Ciidamada PL Ay dhowr Jeer ku Jabaaan Dagaaladii Madarshoon, Xamur iyo Kala Noqod oo ah Dhul Buuro iyo Dhagaxaan Miidhan ah aanu ku Dagaalami Karin Askari aan aqoon dheeraad ah oo dhalasho u Lahayn.

 

 

GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB aka Mr. Bugland is confirming that 1000 Somaliland solders are coming to aid Attam's alshabaab front in Bari according to his "reliable source galgala news" . Is this a hidden campaign against Silaanyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

so when you guys finish insulting each other could you reflect a little on my previous question?

 

Really I was wondering is this done overland or by Dhow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Kayse Garaad Cali Oo Xukuumadda Siillaanyo Ku Dhaliilay Xaaladda Amaan Daro Ee Ka Soo Kordhaysa Buuralayda Galgala, Sheegayna In Wasiirka Daakhiliga Oo Ay Balansanaayeen Uu Taleefankii ka Qaban Waayey

 

“Waanigii Hore Kuu Yidhi Kala-Lulasho Iyo Kala Go’ Keebaa La Qaatay, Waxa La Qaatay Kala Go’, Markaa Xukuumadii Rayaale Waxay Ahayd Kala-Lulasho, Xukuumadan Siilaanyo-Na Waa Kala Go’, Sababta Oo Ah Dadkeenu Waa Beelo Beeshaasna Waxa Weeyi Beel La Dayacay”

 

Hargeysa, September 3, 2010 (Haatuf) – Garaad Kayse Garaad Cali Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland, Gaar ahaana deegaanada bariga Sanaag ayaa dhaliil uga soo jeediyey xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gobolada Bariga.

 

Garaad Kayse Garaad Cali waxa uu intaas ku daray haddii aan xukuumadda Somaliland si degdeg ah waxa uga qaban xaalada Amaan Daro ee isa soo taraysa ee deegaanka Galgala ee Bariga Sanaag, oo uu tilmaamay in deegaanadaasi ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana ilaahay ku manaystay Khayraad, balse Somaliland aanay ka warhayn xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanadaasi.

 

Garaadku waxa uu intaasi ku daray in colaada halkaasi ay ku hirdamayaan Kooxda Atom iyo Puntland ay salka ku hayso khayraadka Somaliland ee deegaankaasi leeyahay.

 

Waxaanu Garaad Keyse Garaad Cali sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. Ugu horay Garaadku isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas maalintii dhawayd ee uu ka hadlay Saamiga beesha afkiisa kumuu hadlayn ee waxa uu ku hadlayey afka beesha, waxaananu taageersanahay baaqii Xildhibaanka, waana run oo aad ayaanu u saluugsanahay samiga nalaga siiyey xukuumadan cusub, Somalidu waxay tidhaahdaa Kala-lulasho iyo kala go’ iyamaa la qaatey, kala go’ ayaa la qaatey sida runta ah, Madaxwaynihii hore waxaanu ku canaanaynay in siyaasadiisu ay ahayd kala-lulasho, laakiin siyaasada Axmed Siilaanyo waxay noqotey kala go’.”

 

S: Xukuumadan hada talada dalka haysaa, waa mid aad uga tiro yar, waxa sidaas loo sameeyeyna waa tayo, mida kale wasaarada Gaashiindhiga oo la siiyey beesha aad ka soo jeedo waa wasaarad wayn, arintaasi miyaanay kuu muuqan?

 

J: Xukuumada tiro yar oo tayo leh in la helo kama soo horjeedno, laakiin dawlada hada talada maaha mid la soo ururiyey waxbana kama yara xukuumadii Siilaanyo, Wasiirka Gaashaandhiguna waa run waa nin beesha ah, laakiin isagu waa nin reer Ceerigaabo ah, beeshuna ma wada aha Ceerigaabo, Badhan ayaa jirta oo iyadu gobol ah, Laasqoray iyo Dhahar oo labaduba dagmo ah ayaa xataa aan ka dhexmuuqan xukuumada cusub, arintaasna waxaanu u aragnaa in reerka la yasayo, gobolka Badhan waxa u wanaagsanayd dawladu in ay mudnaan wayn siiso, sababto ah waa gobol ay dhibi iyo dagaal ka taagan yahay.

 

S: Maadaama oo xukuumadii Rayaale aanay gaadhin xuduudaha bariga Sanaag, ma isleedahay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo way ku guuleysan arintaas mihiimada wayn ugu fadhida qaranka?

 

J: Waanigii hore kuu yidhi Kala-lulasho iyo kala go’ keebaa la qaatey, waxa la qaatey kala go’, markaa xukuumadii Rayaale waxay ahayd kala-lulasho, xukuumadan Siilaanyo-na waa kala go’, sababta oo ah dadkeenu waa beelo beeshaasna waxa weeyi beel la dayacay, markii aan anigu is idhi ka hadal dhibaatada deegaanadaas ka jirtana cid iga hoos qaada waan waayey

 

S: Guddi ayuu madaxwanuhu dhawaan u magacaabay arimaha bariga, gudidaasna waxa u Guddoomiye ah wasiirka Arimaha Gudaha, gudidaasi miyaanay iyadu arintan aad sheegaysaa shaqadeeda ahayn?

 

J: Anigu waxaan la kulmey gudidaasi iyada oo la magacaabay laakiin aan wali wax hawla qaban, madaxwaynaha ayaan markaa qoraal u diray, madaxwaynuhu arintaas aan u soo jeediyey aad ayuu ugu farxay oo wuxuu yidhi arintii aan gudida u saarayba hada ayey soo dhawaatey, wuxuu yidhi la xidhiidh wasiirka arimaha gudaha, Gaboose-na garan maayo anigu sida uu wax u wadee albaabkii ayuu iga xidhay, madaxwaynahana wali dib iskumaanu arag laakiin waxaan leeyahay madaxwayne arintii halka ay marayso waad arkeysaa waxaad masuul ka tahay ummada Somaliland oo dhan, waxaanad ogaataa in arintu maalinba maalinta ka khatarsan ay khatar ku sii siqayso.

 

S: Buuralayda Gall-Galla waxa dagaalo ka dhexwada wadaadka Atam oo la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somaliya arintaas maxaad kala socotaa, maxaadse xukuumada cusub ugu soo jeedin lahayd arintaas?

 

J: Waxa la isku haystaa waa macdantii iyo khayraadka halkaas ilaahay ku manaystey, inaga ayaana iska leh oo cid kasta ugu xaq badan, Dhibaatooyinka ka socda buuraleyda Gal-Gala-na waxaad moodaa dawladeena iyo dadkeenuba in aanay ogayn, dhawr jeer ayaan anigu arintaas ka hadlaya laakiin cidiba way iga hoos qaadi wayday, walaahi hadii aan arintaas laga hortagin oo aan laga sii tabaabushaysana dhibwayn ayaa Somaliland iyo dadkeeda ka soo wajihi doona, waxaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u soo jeedinayaa in aanay is odhan arintaasi halkaas ayey ku eekaan doontaaye iska daaya, hadii ay Puntand ka adkaadaan cida ay ku soo jeedsanayaan waa inaga, markaas arintaas waa in xukuumadu dag dag uga arinsataa.

 

 

http://www.haatuf.net/2009files/158560.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Amistad,

 

Well according to the UN report you posted it said that Atam has built an airstrip (which really only involves clearing rocks and other debris and smoothing the land.) As well more than likely most of the weapons travel through transport trucks, which are continously coming up back and forth day and night. You even mentioned dhow, which is also a possibility!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Thanks Thankful. I dont give alot of weight to the UN Report, I dont think many here do either, it lends to alot of generalities. But I have been looking for something more substantial as that is a heavy accusation to claim someone is an Arms Dealer for a terror organization without substantial evidence against him.

 

What Im saying is, if it can be proven through some evidence of what he is doing it would give some credibility he is supporting terrorist if not one himself. The dog wags the tail, not the other way around.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

GalGala Afar Duqayn ku Dhimatay

September 6, 2010

By Axmed Muuse Dheere

Wararka aanu ka helayno deegaanka Galbeedka bari Gaar ahaan GalGala ayaa sheegaya in Xalay Saq dhexe Hoobiyaal Lagu Garaacay Meel ay Saldhig ku Laaheeyeen Ciidamada Asha’la dirirka ah ee laga soo daad Guureeyay Mudug iyo Nugaal kuwaasi oo iska Caabin xoogan Kala Kulmay Ciidamada Ilaalinta Shidaalka ee Maxamed Atam.

 

 

Qof Qariyay Magaciisa oo deegaanka Nagala hadlay ayaa sheegaya inay Hoobiyaal lagu Ganay Saldhigaasi oo ku Yaala Meel u dhow Garoonka Kobada Cagta ee Magaalada GalGala ka xigta dhanka Galbeedka.

 

Waxa uu sheegay Ruuxaasi oo kale in lagu dilay Afar Askari oo ka Tirsan Ciidamada Huwanta ah ee Mudug iyo Nugaal laga Soo daad Gureeyay,sidoo kale 7- dhaawac ayaa Bosaas la Geeyay sida ay sheegayaan Saraakiisha Caafimaadka Bosaaso.

 

Xeelada Dagaalka ayaa isku bedeshay Ku Dhofoo ka dhaqaaq sida uu sheegay Ninka Hogaamiya Ciidamada Deegaanka Maxamed Atam Ka dib xeelad dagaal oo uu uga baxay Gudaha GalGala.

 

galgalanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Canbuujaha oo Gal Gala Saaran ayaa Dagaal ka socdaa

September 6, 2010

By Juuj

War hada soo dhacay ayaa Tibaaxaya in Meesha lagu Magcaabo Canbuujaha oo Galgala u Jirta Wax yar uu dagaal ka Fool Faloo ahi ka socdo,waxana la sheegayaan Khasaare Hordhac ah oo laga Helay dhanka PL, Khasaarahaasi ayaa Ornaya in Gaadhi 3-F- ah oo Qoriga Shilkuhu Saaranyahay Laga Gubay dhanka Puntland Waxana saarraa ilaa 12- Ruux.

 

 

Canbuujaha ayaa ah Meel Hawad ah oo aan saasi Wax Fiican looga Garan karin waxana ku dagaalami Kara Nin Meesha ku dhashay Kuna Barbaaray waa tan Keentay in inta badan ay Jab iyo Wel Wel la Kulmaan Wiilasha Beenta loo sheegay iyo Nugaal Laga Keenay

 

Dagaalku Waa socdaa sida warku sheegayo Waana Mid Laba dhinac ay is Waydaarsanayaan Hub Cul Culu.

 

Faah Faahin Naga suga

 

 

Source:-GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Toboneeyo Askari oo ka tirsan Ciidamada PIS-ta Puntland oo ku geeriyooday qarax lagula beegsaday duleedka deegaanka Galgala.

27,Ramadaan,1431on,06,Sep, 2010

 

 

Warar ka imaanaya deegaanka Galgala ee gobolka bari ayaa sheegaya inay geeriyoodeen ku dhawaad 20-Askari oo katirsan Ciidamada PIS-ta (Ashahaada la dirir)-ka Puntland,kadib markii duhurnimadii maanta qarax xoogan lagula beegsaday meel duleedka ka xigta deegaanka Galgala.

 

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Alfurqaan u xaqiijiyay in qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca Cabdi bilaha loo yaqaano oo ay la socdeen Ciidamada PIS-ta Puntland,waxaana goobta ku geeriyooday 16-Askari oo ka tirsan Ciidamadii gaariga la socday.

 

 

Rasaas xoogan ayaa la sheegayaa inay dhinacyada u fureen Ciidamadii la weeraray hasse yeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi,maadama ay goobtu qaraxa uu ka dhaca ay ahayd meel duleedka ka xigta deegaanka Galgala.

 

 

Warar kale ayaa sheegaya in Xiisad Colaadeed laga dareemaya deegaanka lagu magacaabo Madarshoon oo qiyaastii 15-km duleedka kaga beegan Galgala,waxaana xiisadaasi ay udhaxaysaa dadka deegaanka tuulada Galgala iyo Ciidamada PIS-ta Puntland.

 

 

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhay qarxyada iyo weerarada gaadamada ah ee Ciidamada deegaanka Galgala ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ay ku qaadaan Ciidamada PIS-ta Puntland ee xooga ku qabsaday deegaanka Galgala kadib markii dadka degen deegaankaasi ay qaateen ku dhaqanka shareecada islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is becoming a Waterloo.

 

I serieusly thaught this issue would be solved in a day. But it has turned to a real long during clan conflict.

 

Inshallah, it will be peacefully resolved if some grown men stop lying and start talking with their brothers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Galgala conflict and its misleading association with Islamic Extremism By Ali H. Abdulla

August 12, 2010

 

 

I visited Galgala in 2005 while doing some volunteer work at the University of East Africa in Bosasso. It is a small village that is off the beaten track with no roads, hospitals or proper schools.

The people of Galgla are very industrious and are mainly farmers who use irrigation canals to cultivate all kinds of fruit and vegetable. The area is very fertile and is endowed with water resources in the form of springs that flow all the year round.

 

it took us around 5 hours to reach Galgala although it is around 60km from Bosasso, the commercial capital of Puntland. We traveled by a 4x4 vehicle that it inched its way slowly among huge boulders. There are no paved roads to Galgala which is nestled in a mountainous and rugged area. We had to abandon the vehicle and walk the last mile because of the steep incline that the driver had to perilously negotiate alone.

 

When we reached Galgala, we were surprised to find an oasis in the middle of the desert. Water gushes from a rock formation in the area and the people of Galgala built a small structure to protect the source from contamination and interference. They built irrigation canals from the source to small reservoirs attached to each farm in the area. The water is shared and each reservoir gets filled on a different day of the week.

 

The weather in Galgala is very cool and dry in sharp contrast to the hot and steamy weather of Bosasso. The change in weather is noticeable once one reaches a certain altitude in the steep climb to the village.

 

The people of Galgala are very generous and offered us plenty of food that tasted a lot better than the food we got used to in the polluted city of Bosasso which teemed with flies, mosquitoes and garbage.

 

We were given a quick tour of the area which is a gateway to the Golis range that stretches from Galgala in the east all the way to Borama in the west. Our guide introduced us to a lot of medicinal plants including ginseng. They told us of German doctors who visited the area regularly in search of certain medicinal herbs. Such visits alone disprove the claim of the Puntland administration of the presence of extremists in Galgala.

 

Given its pleasant weather, water resources and scenic mountains, the area can become a retreat that can attract tourists and adventurers in the future if the Somali state gets resurrected again under a democratic Federal System that encourages entrepreneurship.

 

Today, Gaglala is in the news, not because of its beauty and pristine mountains, but because of an ugly war that can displace hundreds of innocent families in the area. It angers me a lot to witness the unwarranted aggression that the Farole and his war cabinet have launched against the peaceful village of Galgala on the pretext of fighting against Islamic extremists. Conversely, it is a great relief for us all that the defenders of Galgala have made the wise decision of vacating the village in order to spare the women and children the horrors of war. Extremists would have put up a stiff fight in the middle of the innocent civilians just as they are doing in Mogadishu where hundreds of women and children get slaughtered when AMISOM forces respond with heavy artillery when attacked from residential areas in Mogadishu, the dying capital of the Somali Republic.

 

The world should not be fooled by Farole and his notorious Puntland Intelligence Service that is on the payroll of foreign spy agencies. Somalis in Bosasso have coined a new name for the PIS: “Ashahaada la dirir”, those who fight against the concept of the oneness of God. They routinely arrest, interrogate, torture and at times rendition innocent religious scholars without any credible proof of wrongdoing.

 

The conflict in Galgala has nothing to do with Islamic Extremism. It is about a local population that is trying to defend its resources against exploitation by greedy individuals and foreign companies. It is about mineral resources that can be compared to the blood-diamonds that Charles Taylor is being tried for in The Hague.

 

Farole and his newly formed war cabinet deserve to be put on trial in The Hague for crimes against humanity. The Galgala war is a continuation of the war started by Farole’s predecessor who tried to use foreign companies to prospect for minerals in Majayahan without the consent and knowledge of the local population. Many people lost their lives in that conflict.

 

In the absence of a new Federal Constitution that regulates the exploitation of natural resources in Somalia by the regional administrations, these administrations have no right to prospect for oil or minerals without the knowledge and consent of the weak Federal Government that is being undermined by extremists and the regional administrations as well.

 

The International community should realize that the ugly scenes of blood-diamond will be replayed in Somalia unless they help the Somali people extricate themselves from the current state of war, divisions, bloodshed and piracy. Greedy, strong-men controlling vast areas known as the “lands” will only exacerbate the current situation. The current strategy of encouraging the “lands” will weaken the Somali State further and create a multitude of Charles Taylor‘s Liberia in which strong clans can prey on weaker clans in the struggle for potential mineral resources.

 

 

Ali H. Abdulla

Email: aliegeh@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If all of this is intended to get my attention, then you have it. However the made up stories of Galgala and the herculean battles that only exist in the radical Diaspora's mind will not change a thing on the ground. How many times can Attam capture Galgaa to capture Galgala?. Over the past few weeks we have got to know the true culprits behind these fake, hate filled news items, the same individuals that made up most of the fiction regarding Majeyahan. The only problem for this group is that they are not effective in even motivating the laymen from their sub clan.

 

Also JB, must be thanked for his effort here, he has in one thread posted all the nonsense and its easy for us to track and have a great laugh over. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this