Sign in to follow this  
General Duke

Reports of fighting in Kismayu..

Recommended Posts

Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Posted to the Web Jan 15, 13:44

 

 

Kismaayo (PP) – Warar dhawaan naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal gacan ka hadal ah oo u dhexeysa maamulka dooxda Jubbooyinka.

 

Wararkaan ayaa sheegaya in xiisaddaan ay ka dhex taagan tahay Malleeshiyooyin kala taageersan wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ah guddoomiyaha isbahaysiga Dooxda Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo kuwo kale oo taageersan Col. Cabdi Cigaal oo ay horay isugu dhaceen Barre Hiiraale, waxaana la sheegay in xiisaddu ay tahay mid cirka isku sii shareeraysa lagana yaabo inay keento dagaal lagu hoobto.

 

Dadka ganacsiga ku haysta Magaalada Kismaayo gudahdeeda ayaa la sheegayaa inay xareysteen ganacsigooda isla markaana ay ay ciidammo aad u xoog badan ilaalo ka hayaan shirkadaha ku yaalla gudaha Magaalada Kismaayo, waxaana waddooyinka magaalada jooga sida wararku sheegayaan maleeshiyooyin aad u xoog badan oo kala taageersan labada mas’uul ee horay uu khilaafku u dhex maray, waxaana wararka ay Puntlandpost ka helayso halkaas ay sheegayaan inay suurogal tahay inay dagaallo ka dhex dillaacaan labadaas mas’uul.

 

Col. Barre Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal ayaa ka soo wada jeeda beesha ********* oo iyadu qayb ka ah isbahaysiga haysta Gobollada Jubbooyinka, waxaana isku dhaca labadan mas’uul uu sababay kal hor in gurigiisa lagu weeraro Col. Cabdi Cigaal kaddib markii uu warbaahinta siiyay war sheegaya in Kismaayo aan lagu qaban Karin wax shir ah oo ay yeelanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay inuu ka caroodo warkaas Col. Barre Hiiraale.

 

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay PUntlnadpost in waddooyinka magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo cakiran isla markaana la ciirciiraya Malleeshiyooyin aad u hubeysan iyo gawaarida Tiknida ah oo isdaba yaacaya magaalada gudahadeeda, waxaana goobjoogayaashaas ay sheegeen in saadaashu ay u eg-tahay mid dagaal; iyagoo sheegay in dagaal ka dhaca magaalada Kismaayo gudaheeda uu geysan karo khasaarooyin aad u fara badan.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Magaalada Kismaayo

 

Waxaa wixii ka dambeeyay salaaddii duhurnimo waxaa magaalada laga maqlayay rasaasta noocyadeeda kale duduwan oo ka dhacayey gudaha magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadda Calanleey. Waxaa sidoo kale si buuxda u soo qaxay dhammaan shacabkii degganaa xaafaddaas Calanleey oo ka baqaya in isku dhaca dagaal uu saameeyo noloshooda.

 

Waxaa dhanka kale istaagay gaadiidkii dadweynaha iyo ganacsigii guud ee suuqyada Imbaradooriya iyo suuq yare oo iyagu ku dhowdhow aagga qasan.

 

Illaa iminkana in kasta oo u soo socdo dagaal teel teel ah ah,waxana meesha ka baxday xal raadintii guud ee ay wadeen niman odyaal ah dhowrka bilood ee la soo dhaafay. Dadweynaha ayaa iyaguna anfariirsan isla markaasna u soo guuraya dhinaca xaafadaha kale ee magaalada sida xaafadda Guulwade iyo xaafadaha kale.

 

Waxii kale oo soo kordha halkan ayaanu idinkale socodsiin doonaa goor dhow.

 

Gedonet News Desk

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

There are so many other positive reports coming out of Kismaayo, yet I have never seen you run to post them. You, however, ran like the wind with this preliminary news of the situation.

 

Anyhow I believe it is unfortunate that tensions between Hiiraale and Igaal have reached this high and sincerely hope it does not accelerate beyond this point. The factors that led to this point are numerous but not beyond solving and extinguishing it through dialogue and peaceful means. Hopefully it will solved through peace and dialogue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

What is your objective? He is simply reporting the news as they come from the outlets. I don't think that he's rejoicing on the unfortunate incident in Kismayo. He is merely reflecting and updating on the current hostile situation in the city.

 

We all regret the unfortunate hostile situation in the city but I believe that you're redirecting your sorrows and frustrations at someone totally unrelated to the whole sad situation.

 

Kismayo was to be the place where the reconcilation process and conferece should be held a couple of weeks ago but it didn't happen.

 

You're talking about the positives of the city could you please further elaborate on what you actually meant with positive news?

 

Yes the disarmement programme in the city was good but it didn't take off because there is no real afford put into reconcilation so why should one give up their weapons. I totally agree that no one should carry a weapon inside the city but have you ever asked yourself who will protect the innocent given that there is no unified and broad administrative body which would give confidence to the people to disarm themselves voluntarily.

 

I don't believe that the JVA can actually safeguard and protect the good people of Kismayo.

 

I hope for one day when the people of Kimayo will awaken to a difnified and definite peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arawella   

Walaal, I have just been speaking to a friend and I am told that girls are still been raped in particular light skin tribes in South Somalia. Is that so? If so what is the government doing about it. Is there a government in place at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ adeer, if JVA can't actually safeguard and protect the good people of Kismayo, then why not bring back Morgan or whoever you thinking can safeguard and protect the people....

 

...so that people of Kimayo will be enjoying a definite peace.

 

Oh, I cant wait that :D:D

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Adeer I detect a certain sarcasm in your post.

 

Iam sorry if I came across in the wrong way but you've certainly misunderstood what I actually wanted to point out.

 

You thinking that I was advocating for certain people to rule the city is scandalous.

 

Led me ask this adeer what is the record of the JVA in terms of safeguarding their own citizens and what have they done for the city.

 

Wish to elaborate?

 

Kismayo has been in a state of war and no unified administration since reer Waamo were ousted from their homes in late 1999.

 

With a fragile foreign alliance you topped the cake by interclan fighting now. Atleast if it between the Senior and Junior members of the JVA would be understandable but interclan fighting? What's the purpose.

 

I guess the remote control is somewhere else right now because this war was instigated by a third party pushing two brothers against each other. If you kill your brother what are you left with?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

why not bring back Morgan or whoever you thinking can safeguard and protect the people....

People have more freedom to do anything they wish under the Bare Hiiraale adminstration than they did under Morgan. There is a reason why the residents of the city decided to expell him and replace him with the more intelligent and tolerant Barre.

 

it will solved through peace and dialogue.

Indeed it will be and any outside forces involved in this unfortunate situation will be dealt with harshly.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke, since you started with PuntlandPost, let's end with them.

 

Waan-waantii laga dhex waday Barre Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal oo meel wanaagsan maraysa

Posted to the Web Jan 15, 22:34

 

Kismaayo (PP) – Khilaaf aad u xoog badan oo u dhexeeya Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ah Guddoomiyaha isbahaysiga Dooxda Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Col. Cabdi Cigaal ayaa la sheegay inay marayaan meel aad u wanaagsan.

 

Dhexdhexaadintaan oo ay wadaan odayaal iyo cuqaal ka soo kala jeeda jilibyada ay ka dhasheen labadaan mas’uul ayaa sheegay inay arrintoodu tahay mid ku dhow in laga gaaro heshiis waara, waxayna ku tilmaameen khilaafkoodu inuu yahay mid aan sidaas u sii xoog badnayn.

 

Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Col. Cabdi Cigaal oo ka soo wada jeeda Beesha ********* isla markaana ka tirsan isbahaysiga Dooxda Jubba ee maamula Gobollada Jubbooyinka ayaa khilaafkoodu ka billowday hadal uu warbaahinta siiyay Col. Cabdi Cigaal dabayaaqadii sanadkii hore kaasoo uu ku sheegay in Magaalada Kismaayo aan lagu qaban Karin wax wadahadallo ah oo ay yeeshaan xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho, iyadoo Col. Cabdi Cigaal uu sheegay in maamulka Dooxda Jubba uusan dhexdiisa heshiis ka hayn.

 

Arrintaas ayaa keentay in lagu soo weeraro Col. Cabdi Cigaal gurigiisa sida uu isagu sheegay; balse aysan Col. Cabdi Cigaal waxba ku gaarin, waxaana weerarkaas uu si toos ah ugu eedeyay inuu ka dambeeyay Barre Hiiraale, iyadoo Barre Hiiraalena uusan dhankiisa sheegin inuu ka dambeeyay iyo inuusan ka dambeyn.

 

Khilaafkaan oo soo xoogaystay ayaa keentay in Maleeshiyooyin kala taageersan labada mas’uul ay qoryo waaweyn ku rakibtaan guryaha dhaadheer ee Degmada Kismaayo; taasoo keentay in cabsi weyn ay ku abuuranto dadweynaha ku dhaqan degmada Kismaayo.

 

Odayaasha iyo Cuqaasha ku jira dhexdhexaadinta labadan mas’uul ayaa sheegay inay doonayaan marka hore inay ka soo dajiyaan ciidammada la saaray guryaha dhaadheer, taasoo ay ku tilmaameen inay keeni karto isku dhac dhex mara labada ciidan ee kala taageersan labada mas’uul markaas kaddibna ay dhex gali doonaan isku keeniddooda, waxaana la sheegay in maantayba ay billaabanayso sidii looga soo dajin lahaa ciidammadaas guryaha ay saaran yihiin.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn spare us the bull. I reported the news and important one at that regarding Kismayu. There where nearly two full days of battles in which the new upstart Igal got chased out of the city. I care not for these silly colonels but why the trouble? How did you the expert on all things the clan Gedo overlook this? Anyway here is the latest from Puntlandpost on the ever absurd situation that is Kismayu..

 

Madaxda Dooxada Jubba oo sheegay inay cafinayaan Col. Cabdi Cigaal

Posted to the Web Jan 18, 11:23

 

 

Kismaayo (PP) – Maamulka Isbaahysiga Dooxda Jubba oo uu horkacayo Gudoomiyaha Maamulkaas isla markaana ah Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa daboolka ka qaaday maanta inay cafinayaan Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo dagaal la galay isbahaysiga.

 

Madaxdaan oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay inay ka go’an tahay iyaga ka madax ahaan inay iska cafiyaan Col. Cabdi Cigaal oo ay sheegeen inuu ku kacay arrimo guracan, balse haddii uu ka noqdo wixii uu sameeyay lana shaqeynayo isbahaysiga ay cafin doonaan, iyagoo sheegay inay ka doonayaan marka hore inuu fuliyo shuruudda ay ku xireen.

 

Taliyaha Ciidammada Isbahaysiga Dooxda Jubba Maxamed Rooble Jicmaale (Goobaale) ayaa sheegay in Col. Cabdi Cigaal Jaamac uu galay gaf weyn isla markaana ay ka tashadeen haddii ay yihiin maamulka Gobollada Jubbooyinka sidii ay ka yeeli lahaayeen masiirkiisa, balse ay u soo baxday inay cafiyaan haddii uu noqonayo mas’uul daacad u ah isbahaysiga, waxaana uu meesha ka saaray inay jirto in Col. Cabdi Cigaal loola diriray si takoornimo ah, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay hadalkaas, isagoo sheegay in cidii faafisay ay iyada ku gooni tahay, balse isbahaysigu uu ilaashanayay sumacaddiisa markii uu la dirirayay Col. Cabdi Cigaal.

 

Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo isaga iyo ciidammadiisa looga xoog roonaaday dagaal horraantii toddobaadkaan ayaan la garanayn halka uu ku dabeeyo iyo meel uu ku sugan yahay, balse warar ayaa sheegaya inuu ku sugan yahay gudaha Magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kalena warar kale ay sheegayaan inuu ku sugan yahay isagoo wata in ka badan 30-Malleeshiyo ah Bannaanka Magaalada Kismaayo.

 

Mar uu Col. Cabdi Cigaal la hadlay saxaafadda markii laga saaray Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu sii wadayo halganka uu ku jiro, balse wuxuu diiday inuu sheego halka dhab ahaan uu ugu sugan yahay, isagoo sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Magaalada Kismaayo.

 

Ma jiraan warar xaqiijinaya dhabnimada arrintaan ay ku dhawaaqeen isbahaysiga dooxda Jubba; isla markaana ay kaga dhabeynayaan cafiskooda, iyadoo sidoo kalena aanu wax war ah illaa maanta soo saarin Col. Cabdi Cigaal.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this