Sign in to follow this  
Jumatatu

C/llaahi Yuusuf oo lagu eedeeyay in uu sameeyay Qiyaano Qaran

Recommended Posts

Jumatatu   

Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu sameeyay Qiyaano Qaran

 

Khamiis, August 11, 2005(HOL): Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay maanta soo saareen kadib kulan saacado qaatay oo ay yeesheen waxay ku sheegeen in mas'uuliyadda cawaaqib xumadii ka dhalata abaabul ciidan oo ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku gacan siinayaan.

 

Kulankan ay xubnaha labada gole ku yeesheen Hotelka Saxafi International, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ujeedadiisu ahayd socdaal uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku tegay deegaanka Mustaxiil ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Naxdin iyo nasiib darro ayay xubnahan ku tilmaameen in madaxweyne C/llaahi Yuusuf shaqo ka bilaabo si sharci ah in ciidamo shisheeye oo cadaw ku ah Soomaaliya uu dalbado, taasoo ay ku fasireen qiyaano qaran, “Madaxweynuhu wuxuu is-daba mariyay xilkii ugu weynaa ee xiligan loo doortay kaasi oo ahaa in uu dib u heshiisiin ka dhex bilaabo Dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala geysay, isagoo si toos ah ugu jira har iyo habeen abaabul dagaal iyo colaad mar kale ka dhex aloosanta dadka Soomaaliyeed†ayaa lagu yiri qoraal ay maanta soo saareen xubnaha labada gole ee Muqdisho.

 

Qoraalkan eedeynta ah oo ahaa mid aad u dheeraa ayaa waxaa kale oo lagu xusay in ujeedada dhaqdhaqaaqayada madaxweynaha wado ay tahay in uu ciidamo Itoobiyaan ah ku weeraro gobollada dalka qaarkood, isagoo ugu horeyn bar tilmaameedsanaya Gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool, iyadoo kadibna ay u qorsheysan tahay in uu aakhirka weeraro ku qaado Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, taasoo khilaafsan sida lagu sheegay qoraalkan dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka ee ay wadaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay.

 

Qoraalkan oo la sheegay in beesha Caalamka loo diray ayaa lagu xusay in taliska Meles Zenawi uu mas'uul ka yahay dhibaatada Soomaaliya ka taagan, isla markaana uu weli ku howlan yahay sii fogeynta xal u helidda arrimaha Soomaaliya, iyadoo qoraalkan uu sii qeexayo in colaad ka dhalata dhaqdhaqaaqyada socda aysan ku ekaan doonin Soomaaliya, isla markaana ay u sii gudbi doonto gobolka Geeska Afrika oo markaasina ay wiiqi doonto nabadda iyo xasiloonida ka jirta.

 

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo qoraalkan Saxafiyiinta u aqrinayay ayaa isagoo qoraalka sii aqrinayay wuxuu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii uu ka dhoofay magaalada Jowhar uu ka degay deegaanka Godeey ee dhulka ismaamulka Soomaalida, kadibna ay halkaas diyaarad Helicopter ah ka qaaday, taasi oo geystay deegaanka Mustaxiil, iyadoo halkaasina ay ku sii sugnaayeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Ciidamo uu doonayo sida qoraalka ku xusan in uu dalka ku weeraro.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intii uu noolaa uuna ku dhex jiray siyaasada Soomaaliyeed, Col Yeey wax badan waa lagu eedeeye. Laakin, su'aasha waxay tahay: maxaa laga suubin karaa eedeyntaas? :confused:

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabay eedeyntii madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay u jeediyeen Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan

 

Jimco, August 12, 2005(HOL): Afhayeenka Xukuumadd Federaalka Soomaaliyeed Md. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa ka jawaabay eedeyn ay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan u jeediyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kuwaasi oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu sameeyay Qiyaano Qaran, isla markaana uu la kufay Xilkii loo doortay.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in warkaas ka soo baxay Xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho ku sugan uu yahay mid iska sheegasho ah oo aan micno weyn sameyneynin, wuxuuna ku difaacay Madaxweynaha in uu howlo shaqo oo muhiim ahaa u tegay Deegaanka Mustaxiil, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiin iyo Odayaal ka socday Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu kala hadlayay sidii loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka, isla markaana loo sameyn lahaa maamulka gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu ka hadlay arrinta ay xubnaha labada gole qiilka uga dhigteen markii ay ku eedeynayeen madaxweynaha in uu sameeyay qiyaano Qaran, taasi oo ahayd in uu tegay Gudaha Itoobiya, wuxuuna sheegay Afhayeenku in madaxweynaha uu howlo shaqo u tegi karo dal kasta oo caalamka ah, haddii Itoobiya tegisteeda ay dembi noqoneysana ay xubnaha madaxweynaha eedeynaya tegi jireen Itoobiya iyagoo Hoggaamiye Kooxeedyo ah oo hub iyo waxyaabo kale doonanaya.

 

Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay shalay soo saareen kadib kulan saacado qaatay oo ay yeesheen waxay ku sheegeen in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu sameeyay qiyaano Qaran, isla markaana uu la kufay xilkii uu Umadda u hayay, iyagoo marka ay eedeyntaas soo jeedinayeen soo daliishanayay in Madaxweynaha uu dhaqdhaqaaqyo ciidamo uruursi ah u tegay gudaha Itoobiya, isla markaana uu qorsheynayo in uu weerarro ku qaado gobollo ay ka mid yihiin Hiiraan, Bay, Bakool, Jubada Hoose iyo Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this