Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands troops reaching the somalia border.

Recommended Posts

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday G/Sool

 

24 Apr 24, 2009 - 6:32:54 PM

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland (DGPL) Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa kormeer howleed maanta ku tagay goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta DGPL oo ku yaala Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale kormeerkiisa ku tagay tuulooyin ka tirsan G/Sool sida: Tukaraq, Higlada iyo Buuro Wadal. Gen. C/samad Cali Shire waxaa ku weheliyay hawlihiisa kormeerka qaar ka tirsan Golaha Xukuumada DGPL iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Intii uu socday kormeerka Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxaa rasaas ku soo riday ciidamo ka tirsan Darawiishta Puntland kuwasoo sida la sheegay diidanaa in si rasmi ah uga qeybgalaan tirinta iyo dib-u-habaynta lagu wado dhamaan ciidamada amniga Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo saakay [Apr. 24] ka tagay Caasimadda DGPL ee Garowe ayaa watay ciidamo ka socda Ilaalada Madaxtooyada kuwasoo iska caabin ku sameeeyey ciidamadii gadoodsanaa. Sida uu noogu soo waramay wariyaha Radio Garowe Axmed Cali Faarax oo la socday wafdigii kormeerka ma jirto wax dhibaata ah oo ka dhalatay rasaasta la is dhaafsaday. Madaxweyne xigeen Gen. C/samad Cali Shire ayaan wali ka hadlin dhacdadii maanta wuxuuna Garowe ku soo laabtay maqribnimadii iyadoo wararku intaasi ku darayaan inuu warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Puntland C/raxman Maxamad Maxamud (Farole). Maamulka cusub ee Puntland ayaa ka dib intii la doortay dib-u-hayn si xowli ku socota ku waday qeybaha kala duwan ee hey'adaha amniga sida Ciidamada Darawiishta oo loo sameeyey barro ciidan oo ay ku qaataan tabararo militari iyo mushaaraadkooda. RADIO GAROWE

 

This was the official Puntland take on yesterday's incident between the Somaliland military and Puntland militia. It claims that it was actually disgruntled Puntland militia that fired on the Puntland VP. This forced him to return to Garowe where he reported the incident to Faroole according to Garowe-Online.

 

What's most interesting is that I quoted this in another thread yesterday, and miraculously, the news story has been removed from Garoweonline.com as of today. The 'tol' is fast in damage control ;)

 

Meanwhile Xiin and Duke where claiming nothing happened in the area because Puntland webportals were only reporting the passing of a Somali singer. The same portals, I might add, that were reporting Abdullahi Yusuf will be in power for another 100 years and al-Shabaab were just a few dead-enders....

 

Some never learn from past mistakes...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...another Ayaandarro dad shacab ah la laynayo...hubkaan meesha ku sawiran soo maahan kii Gobollada Waqooyi yaalley xilligii dowladdii milateriga? oh mise warshad Hub baa hargeysa laga dhisay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

lol...another Ayaandarro dad shacab ah la laynayo...hubkaan meesha ku sawiran soo maahan kii Gobollada Waqooyi yaalley xilligii dowladdii milateriga? oh mise warshad Hub baa hargeysa laga dhisay?

LOL and "another Ayaandarro dad shacab ah la laynayo" :confused:

 

Those two statements are contradictory, Xaaji.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaale is just trying to keep us busy in the hope of running away with the election. But thankfully Puntland wont keep us busy long enough, they just dont have the stomach for face to face combat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

lol...another Ayaandarro dad shacab ah la laynayo...hubkaan meesha ku sawiran soo maahan kii Gobollada Waqooyi yaalley xilligii dowladdii milateriga? oh mise warshad Hub baa hargeysa laga dhisay?

Mr. Abwaan, hub iska yaalay meel ma jirin ee hub dagaal lagu qabsaday ayaa jiray. smile.gif

 

Btw, yaa shacab ah, yaase askari ah? Bal noo macee arinkaa isaga ah. Can an armed melitiaman be considered a civilian?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxawyne kuxigeenka ayaan ka qayb gelin qado sharaftii halkaasi loogu sameeyay kadib markii ay halkaasi gaadheen ciidamada Somaliland oo wata Tikniko kor u dhaafaysa 20 iyadoo wararka iyo waliba dadka gopob joogayaasha ahi ay sheegayaan inuu madaxwayne kuxigeenka Puntland uu wax yar kaga baxsaday ciidamamda isagoo u baqoolay dhanka Garowe.

Odeygu qadadii loo kariyay isagoon afka saarin ayuu ka orday. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Hahah @ Hub dagaal lagu qabsaday loool... Suldaanka you are funny really.

 

Whats the point of talking about dagaal, Hubkaas horta makii dowladii hore ee Somalia mase Hub cusub oo SL ay soo gadatay? Dagaalka iyo sheekadiisa hanoo danbeysee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^OK bal, mideeda kale Sheekadaan dagaalka dhacay ma runbaa ninyaho mase niman meel cidla tagay oo yiri Xuduudki ayaan soo taabanay, waa iga dagi la'adahay wali? lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin Kusaabsan Safarkii M/weyne Kuxigeenka Puntland Ee G/Sool

 

{Laascaanood}25-04-0 9Madaxweyne ku xigeenka DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa kormeer hawleed ku tahay qaar ka mid ah gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeerkiisa waxa ku weheliyey qaar ka mid ah golaha wasiirada,golaha Baarlamaanka,taliyay aasha Ciidamada Puntland,guddoomiyah a Gobolka Sool iyo Duqa Laascaanood iyo isimo.

 

 

Meelaha uu kormeerka ay ku tegeen weftigu ayaa ah,Buurowadal,Tukara q,higlada iyo meelo kale.

 

Meelaha ay tageen weftiga uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenku Mudane Cabdisamed Cali Shire ayaa waxa uu kula kulmay Ciidamadii aagaas kala fadhiyey,wuxuuna warbixino ka dhegaystau saraakiishii xukumaysay.

 

Warbixintaasi ka dibna waxa la hadlay Madaxweyne ku xigeenka sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo hawsha ay u hayaan dalkooda iyo Qarankooda xuquuqdii ka maqnaydna sida ugu dhakhsaha badan u heli doonaan,hadana ay u yimaadeen sidii loo sixi lahaa tiradooda,noqodka weftiga loo soo furi doono wixii ay xaq u lahaayeen.Madaxweyne ku xigeenka ayaa ciidamada halkaasi ku guddoonsiiyey lacag sooryo ah.

 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa waxa ay ka qaybgaleen qado sharaf uu ugu sameeyey Higlada Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed,qadadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimyey,qadada ka dibna waxaa halkaasi ka hadlay Garaad Cabdisalaan oo uga mahadceliyey weftiga ajiibada ay soo ajiibeen qadadaasi,sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah isimadii la socday weftiga iyo wasiirada.

 

Intaasi ka dibna waxa ay weftigu ku soo noqdeen tukaraq waxayna shir la qaateen odayaasha degaanka tukaraqeed,waxaana halkaasi hadal ka soo jeediyey qaar ka mid ah odayaasha degaanka Tukaraqeed kana waramay xaalada Magaalada iyo waxyaabaha ay ka codsanayaan maamulku in ay wax ka qabtaan degmadaasi oo hadda ah Caasimada ku meelgaarka ee Gobolka Sool,kuna sugan yihiin maamulkii gobolku.

 

Intaasi ka dibna waxaa hadalkii la wareegay Madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdisamed Cali Shire oo mahadcelin u soo jeediyey odayaasha iyo shacabka magaalada sidii loo soo dhoweeyey,wuxuuna intaasi raaciyey in maamulkani cusubi uu ku talajiro sidii wax loogu qaban lahaa degaanada Puntland,haday ahaan lahayd arrimaha Cafimaadka ,waxbarashada iyo horumarkaba wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaaday tahay in meelaha ay ummadkeenu wax ku bartaan ay yihiin waabab,waxaana gaarsiin doonaa sidii ay wax uga qaban lahaayeen wasaaradaha ku shaqada leh,si dhakhso ahna looga soo jawaabi doono haddii alla idmo.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

i cant help sniger at how the clowns who rule somaliland are actually thinking.

 

their 18 years of self delusion is quite stronger than i thought.

 

 

as for riyale he knows he's done. he cant keep paying his way out of trouble.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Suldaanka:

 

 

QUOTE]Mr. Abwaan, hub iska yaalay meel ma jirin ee hub dagaal lagu qabsaday ayaa jiray.
smile.gif

 

lol...dagaal baa lagu qabsaday...oo waa dagaalkee? Kii Cumar Carte uu dhihi jiray hubka jabhadaha hallagu wareejiyo soo maahan?

 

Btw, yaa shacab ah, yaase askari ah? Bal noo macee arinkaa isaga ah. Can an armed melitiaman be considered a civilian? [/QB]

Well, shacab waxaa ah dadka aan hubaysnayn ee aagaas deggan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

quote:Originally posted by Suldaanka:

 

 

QUOTE]Mr. Abwaan, hub iska yaalay meel ma jirin ee hub dagaal lagu qabsaday ayaa jiray.
smile.gif

 

lol...dagaal baa lagu qabsaday...oo waa dagaalkee? Kii Cumar Carte uu dhihi jiray hubka jabhadaha hallagu wareejiyo soo maahan?

 

Btw, yaa shacab ah, yaase askari ah? Bal noo macee arinkaa isaga ah. Can an armed melitiaman be considered a civilian?

Well, shacab waxaa ah dadka aan hubaysnayn ee aagaas deggan. [/QB]
Abwaan,

 

Abwaan,

Meesha lagu dagaalamyo maha Mogadishu oo kale. Waa banaan cad oo xataa dhirtu ku yartay oo dhagax mooye wax kale oo rasaasta kaa celiya aan jirin.

 

The best place men should settle their scores. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The mountain of proof builds up (as much as others try to deny it)!

 

 

For those who were claiming nothing happened except the death of the singer, here's more (In case you missed the posting by JB on the other thread):

 

In Af-Somali:

Link

 

And in English:

Link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this