Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands troops reaching the somalia border.

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada kuna sugan duleedka Tukaraq.

Warkii 24-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

 

Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq.

 

 

 

Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq.

 

 

 

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland.

 

 

 

Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq.

 

 

 

Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi.

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

LAASCANOOD (Lasanod Online)- Waxaa Saaka subaxnimadii ka bilaamay duleedka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo u dhexeeya magaalooyinka Laascaanod iyo Tukaraq..

 

 

ee gobolka sool iska hor'imaad dhexmaray ciidamada Maamulka labaxay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee ku sugnaa aaga Tukaraq.

 

Dagaalkan ayaa ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan khasaare ka dhashay, iyadoo ayan weli wax faahfaahin dheeraad ah ayan ka bixin labada maamul oo ku aadan iska hor imaadkaas, balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa Puntland.

 

dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid la kala qabsaday, iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah la kala qabsday..

 

Gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinka higlada iyo cadaada.iyadoo uusan iska horimaadkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

 

 

 

 

 

Wariye: Farah D. Jama

admin@lasanod.com

Lasanod Online. Hargeysa, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Iyo Somaliland Oo Dagaal Ku Dhexmaray Duleedka Laascaanod

 

{Laascaanood}24-04-0 9Dagaalo goos goos ah oo lagu kala qabsaday baabuur tikniko iyo kuwo shicib isugu jira ayaa maanta dhexmaray ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland dagaalka ayaa kadhacay duleedka magaalada Laascaanood......... ................

 

"Ciidamada Somaliland waxaa mar qudha soo weeraray ciidamo beeleed wata gaadiid dagaal iyo hub waxaanuna gacanta ku dhignay qaar kamid ah kooxihii dagaalka sooqaaday iyo hub iyo waliba gaadiid dagaal" Sidaa waxaa usheegay Saraakiisha maamulka labaxay somaliland oo ay Radio widhwidh kula kulantay goobta looyaqaan Higlada oo wax yar uun ujirta magaalada laascaanood oo ay ahayd halkii uu kadhacay dagaalka dhexmaray somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland.

 

Maamulka somaliland wali wax sharaxaad ah oo buuxda kama aaney bixin gaadiidka laqabtay tiradooda iyo waliba maleeshiyada gacanta lagu dhigay inta ay yihiin .

 

Dhanka maamul goboleedka Puntland ayaan wax wara kasoo saarin hadalkan ay sheegtay Somaliland iyadoo waxaase ay hayd dhac dadani mid siweyn looga hadal hayay taniyo maanta gudaha magaalada laascaanood.

 

waa iska hor imaadkii ugu horeeyay ee labada maamul dhexmara taniyo wixii ka danbeeyay sanadkii hore ee 2008 waxaase laga cabsi qabaa inay arintani hor seedo dagaal kale oo cusub oo ay labada maamul wada galaan taas oo saamayn weyn kuyeelan karta shacabka magaalada haddii aan arintan xalkeeda lahelin.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2009-4-24-9-32-11f_ciidan.bmp

 

Ciidamada Somaliland oo Gaadhay Tuulada Higlada ka dib dagaal kooban oo saaka dhexmaray ciidAmada Somaliland iyo Malayshiyada Puntland.

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2009-04-24 (Hadhwanaagnews) Laascaanood-(HWN)-Sa aka subaxnimadii ayaaa waxaa ka bilamay duleeka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka laascaanod iyo tukaraq ee gobolka sool iska hor'imaad kooban oo dhexmaray ciidamada somaliland iyo Malayshiyada Maamul-goboleedka puntland ee ku sugnaa aaga degmada tukaraq.

 

dagaalkan ayaa waxaan ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyadoo aysan wali wax faahfaahin dheeraad ah aysan bixiyeen saraakiisha ciidamada oo ku aadan iska hor'imaadkaasi balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland.

 

dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid lagu kala qabsaday dagaalkaasi iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah oo ay qabsadeen ciidmada somaliland.

 

sidoo kale wararka ay Hadhwanaagnews haleyso ayaa waxaa kamid ah in hada ay gacanta ku hayaan tuulooyinkaasi ciidanka somaliland islamarkaana ay ciidanka somaliland soo furteen gaadhi nooca loo yaqaano maarket 2 oo ay dad shacabi in muddo ah afduub ugu haysteen tuuladaasi higlada.

 

gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinkaasi higlada iyo cadaada.iyadoo uusan dagaalkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland

 

wixii warar ah ee ka soo kordha iskahor'imaadkaasi kala soco shabakada hadhwanaagnews media oo idiin soo tebin doonta.

 

 

hadhwanaagnews.com office

laascaanood/sool

Share this post


Link to post
Share on other sites

od Online- Friday, April 24, 2009

 

 

 

Cabdisamad Cali shire

 

 

 

Laascaanood:(Lasanod Online)-Ciidamada Maamulka La baxay Somaliland ayaa saaka weeraray tuulada lagu magacaabo Higlada oo dhanka Barri kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

 

 

Ciidamadan oo watay gaadiidka tiknikadaa ayaa deegaankaasi ku waaberiistay saaka iyagoo halkaas uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada ku sugnaa duleedada magaaladaas.

 

Weerarkan ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ayaa lasoo sheegayaa inuu yimi weerarkan ay ku qaadeen deegaankaas,kadib markii tuulada Higlada ay soo gaadheen Madaxwaynaha ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) Halkaasoo ay ku lahaayeen Casuumad uu u fidiyay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed oo ku sugan tuulada Higlada.

 

Iska hor imaad ayaa bilowday kaasoo ciidamadii weerarka soo qaaday ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ee ku sugnaa duleedada tuulada Higlada,iyadoo ilo wareedyo ku sugan tuulada Higlada ay sheegayaan in markuu iska hor imaadku bilowday ay ka bexeen Tuulada Madaxwayne Kuxigeenka iyo Wasiirk iyo wefdigii kale ee la socday oo kamid ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland.

 

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadadan iyadoo warku intaa ku darayo in ay jiraan baabuur tiknikaa oo labada dhinac kala gubeen,sidoo kale baabuur lakala qabsaday ayuu wararku soo sheegayaan,balse labada dhinac ayaan weli sheegin khasaaraha dagaalkan,

 

Lama oga sababaha ay ciidamada maamulka la baxay somaliland ee ku sugan jiidaha laascaanood ay u weerareen wefdigaa madaxwayne ku xigeenka,iyadoo dhacdadaas maanta ay khalkhal gelisay shucuurta magaalada Laascaanood.

 

Ciidamadii maamulka Somaliland ayaa dib uga soo ruqaansaday goobihii ay saaka gaadheen,iyagoon weli ka hadal weerarkii ay saaka qaadeen iyo khasaarihii dhankooda soo gaadhay,

 

Madaxwaynaha kuxigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre ayaa saaka soo gaadhay tuulada Higlada isaga iyo wasiiro iyo saraakiil iyagoo deegaankas u yimi macsuumad uu ka helay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed,

 

Wefdigan iyo Garaadka ayaa lagu waday inay kulankan kaga wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan mandaqada iyo xaalada jidka isku xidhan Garoowe iyo Laascaanood oo dhawaanihii ugu danbeeyay ay bateen jidgooyooyinka la dhigo,balse ay yaryihiin falalka amaandaro ee ka dhaca,

 

Madaxwayne kuxigeenka iyo wefdigiisa ayaa dib ugu laabtay Garoowe markuu bilowday iska hor imaadka weerarkii ay soo qaadeen ciidamada maamulka la baxay somaliland

 

 

 

Wariye: Farah D. Jama

admin@lasanod.com

Lasanod Online. Hargeysa, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

a very transparent strategy by Rayaale.

 

the heat was being turned on him, what better way to deflect then with an unnecessary battle.

 

Xaaji su'aal baan qabaa !

 

Why now ? .. The Las canood issue has been outstanding dispute for a number of years .. why the new found appetite for conflict ? and can it possibly be used to justify pushing elections back again for x number of years ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

No they can’t push the election again; riyaale and his administration know that , they have to hold the election, but they want to secure the full border of Somaliland so they can say we did all of that hadan na doorta that’s all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

P00424200962106.jpg

 

 

Ciidanka qaranka Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada

 

kuna sugan duleedka Tukaraq ee xuduuda somaliland iyo soomaaliya

 

Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

 

Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq.

 

 

Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq.

 

 

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay saxaafada u xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland.

 

 

Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq.

 

 

Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi.

 

 

Gabileynews Desk

Hargaysa,SL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Geel_jire:

a very transparent strategy by Rayaale.

 

the heat was being turned on him, what better way to deflect then with an unnecessary battle.

 

Xaaji su'aal baan qabaa !

 

Why now ? .. The Las canood issue has been outstanding dispute for a number of years .. why the new found appetite for conflict ? and can it possibly be used to justify pushing elections back again for x number of years ?

Because Puntland is a sitting duck right now... It's the real world, my friend, and this is how the game is played. Who's going to complain about peaceful, free-election holding Somaliland defending its interests from the pirate-den of Puntland?!

 

Do you finally get it? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfanin no puntland website mention this only the Somaliland website reported this news, waxaba aad mooday tukaraq iyo gambadhe iyo lascanood , puntland kama maqna , mala ciidkala laga haysta lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Maanta Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Puntland.

Written by Qarannews

Apr 24, 2009 at 02:39 PM

Laascanod(Qarannews) -Ciidanka Qaranka ee jiida hore Laas-caanood ayaa gacanta kaga dhigay Maleeshiyada Puntland Hal gaadhi oo Tikniko ah

oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan Dhashiike iyo b/buur Mark2,ka dib markii duhurnimadii maanta dagaal ku dhexmaray labada dhinac Meesha looyaqaan Cadaadda oo u dhaxaysa Tukaraq iyo Gambara,waxaana sidaa u xaqiijiyay Wariye Kayse A.Digaale Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan jiida hore.

 

Goobtan dagaalku ka dhacay ayaa sida Warku sheegayaan Maleeshiyada Puntland ka samaysatay Bar kaanyarool,islamrkaa na ciidamo u deganaayeen,Haseeyee shee Ciidanka Qaranka Somaliland hawgalkan uu maanta ka fuliyay halkaasi ayaa baabiyay kaantaroolkii laga sameeyay,kuna soo qabtay laba baabuur iyo sadex askari oo maxaabiis ah.

 

 

Dagaalkan oo socday mudo gaaban ayaa maleeshiyadii Puntland lagaga xoogroonaaday ka dibna kala yaacay.

 

Hada way degan tahay xaalada goobtii maanta dagaalku ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Puntland.

 

Sida wararku xaqiijinayaan bartan kaantarool ee laga samaeeyay tuulada caadada ee dagaalku ka dhacay maanta ayaa lagu tilamaamay inay ahayd meel uu ciidamo ku urursanayay M/weyne ku-xigeenka Puntland,kuwaasoo la sheegay inay qayb ka ahaayeen weeraro hujuun ah oo uu ku soo qaado ciidanka qaranka Somaliland.

 

 

Waa markii u horeysay ee dagaal dhexmaro ciidanka Somaliland iyo Puntland tan iyo intii uu madaxweynaha cusub loo doortay maamul goboleedkaasi.

 

.

 

 

Togdheernew

 

Last Updated ( Apr 24, 2009 at 03:12 PM )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this