Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland start offensive in Galgala

Recommended Posts

Somalia: Puntland forces seize fighters, trucks in surprise raid on militant hideout

18 Oct 18, 2010 - 11:28:46 AM

 

The security forces of Somalia's Puntland State government initiated operation of searching Somali hard-line, Al-Shabaab in the Galgala hills, in northern Somalia, Radio Garowe reports.

 

The operation were joined by armed forces, reportedly tightened security in Dhagahdhere, Karin Haragode, Dindigle and Dareeye, where the Al Shabaab-allied militia led by Mohamed Said Atom have been hiding in recent months in the face of a Puntland military offensive.

 

According to one of government forces who spoke with Garowe Online, four prisoners and two trucks were seized by Puntland security forces.

 

Local reports indicated that Puntland troops are infiltrating deeper into the forrested and hilly area where Atom's Al Shabaab fighters are hiding.

 

On the other hand, Puntland government forces poured into the streets in the port city of Bossaso as a show of force while military operations continued in Galgala, a hilly area roughly 60 southwest of Bossaso.

 

Atom is a notorious warlord and arms dealer based in the Sanaag mountains straddling Puntland and Somaliland. Puntland and the breakaway region of Somaliland have been relatively stable compared with the central and southern Somalia in recent years.

 

Puntland's government accuses Atom of being responsible for a string of bombings and assassinations of Puntland government officials. Last week, Puntland Information Minister Abdihakim Ahmed Guled escaped a roadside bombing blamed on the Galgala militants.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaaladda Ka Socda Buuraha Gobolka Bari ee Galgala

 

October 19, 20100 comments| leave your own!

Share Labadii maalmood ee u danbeysey waxaa ka socdey dagaalo culus buuraha Galgala ee gobolka Bari, ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaadey goobo ay ku sugnaayeen ciidamo ka amarqaata Maxamed Siciid Attam oo isagu ka soo horjeeda maamulka Puntland, waxaana ka mid ahaa gooabaha la isku faro saarey Madarshoon oo dagaalo culus ka dhaceen maalintii shalay.

 

Wararka laga helaayey deegaaanada dagaalku ka socdo ayaa ahaa mid aad u yar dawladda Puntland ayaan saxaafadda si toos ah ugala hadlin dagaalkaas, maanta ayaa loo oggolaadey in saxaafadda magaalada Bosaso ay tegi karaan goobaha dagaaladu ka dhacaan si ay indhahooda ugu soo arkaan waxa ka jira halkaas isla markaana ay kulamo ula qaataan dadka shacabka ah ee yar ee halkaas ku haray.

 

Mar Horseed Media xiriir la sameeyey midkamid ah weriyaasha halkaas booqanaya ayaa noo sheegay in ay ku sugan yihiin goobaha dagaaladu ka dhaceen isla markaana maalinta berri ah uu soo gudbin doono wixii uu halkaas ku soo arkey.

 

Gen.Siciid Maxamed Xirsi oo maanta la hadley BBC-da ayaa u sheegay in ay dagaalkaas ku guuleysteen dhamaana meelihii ay ku jireen ciidamada ka amarqaata Maxamed Siciid Attam ay ka saareen isla markaana ay ka dileen 20 nin, waxaana uu sheegay in ay halkaas isaga wada baxsadeen.

 

Gen.Siciid Dheere ayaa dhanka Puntland ku sheegay in ay ka dhaawacmeen 8 askeri isla markaana uu ka shihiiday hal mujaahid waa sida hadalka uu u dhigaye, waxaana uu sheegay in ay saxaafadda ku casumayaan deegnaadaas oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:(Alpuntland)-Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Puntland Jen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Dagaalka labadii Cisho ee u danbaysay sida xowliga ah uga soconayey Deegaano u dhow tuulada Galgala,waxaana uu sheegey in guud ahaanba Dagaalkaas ay soo afjareen.

 

Taliyaha Daraawiishtu wuxuu sheegey in Dagaalkaas ay kusoo qabqabteen maxaabiis badan,waxaana uu sheegey in tiro badan oo kamid ah Kooxdii Atam ay halkaas ku dileen,isagoo intaas kudaray in ay qabsadeen goobihii u danbeeyey ee ay joogeen Malayshiyaadka Atam,Isagoo sheegey in Dawladu ay dagaalkaas soo gabagabayn doonto.

 

Taliyuhu wuxuu sheegey in Hal Askari uu kaga dhintay Dagaalka kaas oo uu ku tilmaamay Mujaahid,waxaana uu intaas kudaray in 8-Askari oo kaliya kaga dhaawacmeen Dagaalka,waxaana uu sheegey in Dawlada Puntland ay soo gabagabaynayso Dagaalka ay kula jirto Kooxda uu Hogaamiyo Atam.

 

Dhanka kale waxaa Deegaano kamid ah halka ay dagaaladu shalay ka dheceen oo ay Ciidamad a Puntland la wareegeen,waxaana halkaas kula hadlay Saraakiisha Dawlada & Qaarkamid ah Dadweynaha halkaas ku nool.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

PL oo burburisay dhamaan saldhigyadii Attom

19 Oct 19, 2010 - 10:50:47 AM

 

GAROWEONLINE

 

Taliyaha guud ee ciidanka Darawiishta Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa sheegey in ay soo gabo gabeeyeen howl-galo labadii bilood ee ugu danbeeyey ku raac-deysanayeen kooxo xiriir dhow la leh ururka Alshabab kuwaasoo ku dhuumaaleysanayey buuraha ku yaala deegaanka Galgala oo ka tirsan gobolka Barri.

 

Gen. Siciid Dheere oo maanta 19.10.2010 la hadlayey laanta Afka Somaliga BBC ayaa sheegey in maalmihii ugu danbeeyey ciiidanka ku sugan jiida Galgala ee Puntland howl-galo baaxad leh oo ay sameeyeen ku guuleysteen in saldhigyo iyo gadiid ay kala wareegaan kooxahaas , kuwaas oo ahaa agabka kaliya oo gacantooda ku harey.

 

Taliyaha ayaa sheegey in howsho gabo gabo ku dhowdahay ayna u dhiman tahay oo kaliya raacdeysiga xubno dhowra oo uu ku jirro Maxamed Siciid Attam.

 

Dagaalkaan oo dhacey shaley iyo maanta ayaa ciidamada Daraawiishta ku qabsadeen gadiid gaaraya 6 kuwaasoo isugu jira xamuul iyo tekniko halka dhinaca kale lagu dhigey saldhig ay yaaliin Saad kala duwan oo rasaas ku jirto.

 

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa sheegey in dagaaladaas ku dileen 20 qof oo ka tirsan kooxahaas halka uu xusey in dhinaciisa uu ka dhintey hal Askari, sideedna ka dhaawacmeen.

 

Goobta ciidamadaan ku sugan yihiin waxaa caawa ku hoydey koox saxafiyiin ah kuwaasoo ciidamada Puntland ku casumeen goobahaan ay gacanta kaga dhigeen kooxahaan.

 

Waxaaan weli wax hadal ah laga maqlin taliyaha kooxdaan Attom iyadoo warar aan la xaqiijin shegayaan inuu lug kaga baxey goobta ciidamada gacanta ku dhigeen maalmo ka hor isagoo ay Dameero u raran yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ugu yaraan 10 ayaa laga diley maanta kooxaha uu hogaansho Atam, waxaana ciidanka Daraawiishtu maanta gacanta kusoo dhigeen gaarigii Atam iyo boosrooyin uu isagu si khaasa u lahaa, Waxaana la xaqiijiyey in ay goobtaasi aheyd goobtii ugu dambeysey ee ay ku dhuumaaleysanayeen ciidanka Atam.

Warar dhinaca ciidanka aan ka helney ayaa hada noo xaqiijiyey in loo badinayo Atam uu waxyar ka hor intaan ciidanku meesha gaarin uu ku cararey Dameer isago halkaas uga cararey gaarigiisii iyo alaabtiisii uu khaaska u lahaa.

 

8-askiri oo ka mid ah Ciidanka Daraawiishta ayaa ku dhaawacmey dagaalka maanta,halka uguyaraan 10 lagaga diley kooxaha xagjirka ah,sidoo kalena gacanta looga dhigay 7 -katirsan kooxaha dagaalka kula jiray ciidmada Daraawishta.Ciidanku waxey sheegeen iney hada soo afjareen dagaalkii.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxey xafiiska Wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Abniga ayaa lagu sheegey in hada saxaafada loo ogolyahey iney booqdaan deegaanadaas oo dhan.

 

Muxiyadiin Cabdile

allidamaale.com

Bosaso-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

General Siciid is an uncle of mine, very close with my family. I had the pleasure of hosting him in my home during his visits to America and we receive many phone calls from him, the most recent one was yesterday, he was just greeting my father.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this