Sign in to follow this  
General Duke

Puntland wins good governance award: Paddy Ashdown gives award PICS

Recommended Posts

PUNTLAND OO KU GUULAYSATAY JAA’ISADA MAAMUL-WANAAGGA AFRIKA SANNADKA 2007'' Magaalada London ayaa dhowaan waxaa lagu qabtay Baarlamaanka Aqalka Cuqaasha (House of Lords) dalka Ingiriiska qado-sharaf lagu maamuusayey Jaa’iso Aqoonsi oo la siiyey Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland (AWMP).

Posted to the Web Jul 26, 16:51

 

Magaalada London ayaa dhowaan waxaa lagu qabtay Baarlamaanka Aqalka Cuqaasha (House of Lords) dalka Ingiriiska qado-sharaf lagu maamuusayey Jaa’iso Aqoonsi oo la siiyey Astaynta MaamulWanaagga Puntland (AWMP).

 

Xafladda oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Maamul-Wanaagga Ingiriisku (Good Governance Group) ayaa Lord Ashdown oo ka tisan Aqalka Cuqaasha ahna siyaasi ruug-caddaa ah wuxuu Jaa’isada (Award) guddoonsiiyey Guddoomiyaha AMWP, Siciid Faarax Maxamuud, oo ku yimid marti-qaad ay u fidisay hey’addu ka dib markii ay Puntland ku guulaysatey Jaa’isada Maamul-Wanaagga Afrika ee sannadka 2007.

 

Lord Ashdown oo muddo ku hawlanaa wax-ka-qabashada dalalka ka soo doogey dagaallada, gaar ahaan Bosniya, Kosafo iyo Ireland, wuxuu si weyn ugu ammaanay warbixinihii iyo talooyinkii ay Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland u sameeyeen Dawlad-Goboleedka Puntland oo uu iyaduna xushmad ku mutaysatay maal-gelinta iyo dareenka isbeddel-doonka ah. Lord Ashdown wuxuu caddeeyey in uu jeclaan lahaa in uu arko in barnaamijka Astaynta Puntland lagu dabbakho dalal kale oo adduunka ah si loo gaaro horumar loo siman yahay meel kasta.

 

 

Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland waxaa Jaa’isada lagu siiyey baaritaan qota dheer iyo soo-saarid afar warbixinood iyo talooyin oo ku kala saabsan amniga, garsoorka iyo Shareecada, maaliyadda iyo lacagta iyo qaab-dhismeedka hey’adaha dawladda (tayaynta shaqaalaha dawladda iyo qaabaynta hey’adaha). Warbixinahaas iyo talooyinkooda, oo macnohoodu yahay in sida ugu habboon loo toosiyo hab-maamulka hey’adaha dawladda iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka, waxaa suurageliyey guddiyo 24 xirfadlayaal sare ah iyo xafiiska AMWP oo labadaba Madaxweynaha DGPL Xeer ku magacaabay bishii Maarso 2006.

 

 

DGPL waxa ay dhowaan guda-gashay fulinta talooyinkii Astaynta oo uu garab-socdo dib-u-eegista dastuurka iyo barnaamijkii dimoqoraaddiyaynta Puntland. Shaki la’aan, Jaa’isada Maamul-Wanaagga Afrika 2007 oo toddobaadkan la siiyey waxa ay u tahay Puntland dhiirri-gelin qiima leh. Haddii ay Puntland si dhab ah u dhaqan-geliso talooyinka Guddiyada Astaynta waxay horseed u noqon kartaa taageero dhinac kasta ah oo ay ka helaan beesha caalamka.

 

 

Jaaliyadda Puntland ee London. UK

 

 

C/qaadir Jaamac Faarax Weyrax

Somali Community Centre –London UK

abdul@somalicentre.org

Tel: +442072678897 or +447958984556

Share this post


Link to post
Share on other sites

it's alll looking good about does that say much at all..... butland leaders need to learn how to governe example from who ahhh of course Somaliland learn from them. i must also say dat butland leaders are the most backwards cowboys u could ever come across i mean come on people they still fighting over land ohhhh my people live there ohhh thats my plot....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this