Sign in to follow this  
Sayyid

President of Somalia meets with the somali community in Kuwait and embassy officials.

Recommended Posts

Sayyid   

Madaxweyne Yusuf oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Kuwait;

 

Posted to the Web Jan 18, 08:12

 

small%20jaliyada.jpeg

 

Kuwait City:- Madaxweynaha DFKMS Cabdilahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa oo shalay ka soo degeen Airoporka kuwait ayaa habeenkii xalay kulamo la yeeshey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Kuwait, oo ka mid ah jaaliyadaha ugu da'ada weyn ku nool qurbaha.

 

Jaaliyada_Md%20Yusuf.jpeg

 

Sida la wada ogsoon yahay madaxwayne Cabdilahi Yusuf ayaa safarkisa dalka Kuwait uu ku aadan yahay ka qayb galka tacsida Amiirka dalka Kuwait ee geeriyoday Shiikh Jabir Axmed Al -sabax.

 

Madaxwayne Cabdilahi Yusuf ayaa waxaa qaabiley safaaradda iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Kuwait. Waxa madaxweynuha uga waramay jaaliyaadd xaaladda wadanka iyo heshiis dhowaan cadan ka dhacay, kaas oo dhex marey Madaxweynaha iyo Afhayeenka Barlamaanka Soomaaluiyeed, Sharif Xasan

 

 

jaaliyada.jpeg

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Tacliinta Sare, Mudane Cawad Casharo iyo Diblomasi Cumar Xaji Cali iyo xubno kale oo aan halakan lagu soo koobi kareen. Waxaana Madaxweynaha si diiran u soo dhoweeyey dhinaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait, Safiir, C/qadir Sheekh Amiin iyo Axmed Jibriil Qablan, Magan Maxammed Xasan iyo Xuseen Jaamac Muuse oo dhaamaan ka mid ah hogaamiyaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait.

 

 

Md%20Yusuf_qablan.jpeg

 

 

C/KARIIM MUKHTAAR AXMED IDRIS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this