Sign in to follow this  
Duufaan

Dayniile.com revealed secret?

Recommended Posts

Duufaan   

SAWIRO CADAYNAYA CIIDAMA UU COL. C/YUSUF U DIYAARIYEY INAY KU DUULAAN BAYDHABO IYO MUQDISHO…

 

http://www.dayniile.com/Juun/24Juun7.htm

 

Did anyone see these pictures before?

These pictures belongs to widhwidh.com online and they use repeatedly. The first one is taken during the putland election in Garoowe, second one in laascaanood secondary school. Third one, probably Adhicadeeye.

I have to say the dayniile.com webmaster take Somali political dilemma personally.

 

 

Well baliga Ab-qaale got Concrete building?

Somebody should help him.

 

 

 

 

 

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

u believe what this site publishes! this is a tabliod site n nothing more!! these folks r like bunch of homeless ppl!! :confused: :confused:

 

where are the guns????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Duufaan:

These pictures belongs to widhwidh.com online and they use repeatedly.

LOL I seen the picture in the middle where all the soldiers are sitting down on the ground. Laakin anigu hal wax baan fahmi la'ahay: why such fear of the defeated lot? :confused: I assume those pictures portray soldiers from the defeated lot camp of Somali militia affairs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^A good question. But its all part of the project to stir up clan animosity. Now that Ethiopia is not invading it must be those alian Puntlanders from Mars. They are coming to take over Baidoa and send their troops into Banadir so they can loot the beautiful houses and take all the camels... :rolleyes:

 

...................................................Maxaa ka jira Sawirada & Warka Sheegaya Ciidamo Abqaale ku Xaraysan oo Weerar ku soo ah Baydhabo & Muqdisho

- Saturday, June 25, 2005 at 16:32

 

normal_Jiida_1dsadsa.jpg

 

Marar badan ayaa la sheegaa in wararka ay baahiso saxaafadda Somalida ee mareegta ah (online) aan laysku halayn karin, wararka ay qortaana aanay sal iyo raad toonana lahayn.

 

Tii ugu yaabka badnayd waxaa ay ahayd war saaka uu daabacay mid ka mid ah bogagga wararka Somalida oo ciwaankiisu ahaa "...SAWIRO CADAYNAYA CIIDAMA UU COL. C/YUSUF U DIYAARIYEY INAY KU DUULAAN BAYDHABO IYO MUQDISHO…"

 

 

normal_Ciidamada_Daraawiishta_56.jpg

 

Hadii aan u dhabagalay waxaa markiiba ii muuqatay in qoraalka iyo sawiradu aanay is lahayn, isna qaban, gunudkuna aanu sugnayn.

 

Warku waxaa uu sheegay in billihii la soo dhaafay lagu carbinayey tuulada Abqaale oo ku taal duleedka Xarfo ciidamo sida la sheegay halkaas ugu diyaarsan Madaxweynaha dawladda Somaliya oo ay tahay in ay weerar ku soo qaadaan magaalooyin ku yaal Koonfurta Somaliya, sida Baydhabo iyo Muqdisho.

 

Haddi aad u dhabagasho sawirada, waxaa kuu cadaanaysa in 2 ka mid ah sawiradan (kor eeg) laga soo qaaday jiida hore ee Adhi-Cadeeye sannadkii hore, halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Somaliland. Markii ugu horaysayna 2-daa sawir waxaa baahisay sida muuqata shabakada wararka ee Widhwidh Online o magaceedu ku subtan yahay. Sida muuqata, sawiradii ayaa inta la farsameeyey, oo la yareeyey, lagana masaxay sumaddii Widhwidh Online, waxaa lagu suntay mid cusub. Xatooyada sawiradu waa meesheeda e, waxaana sidaa loo yeelay si run looga dhigo sawirada (authentic), akhristahana looga dhaadhiciyo in warku yahay xaqiiqa dhab ah oo jirta.

 

Ciidamada ayaa la sheegay in ay hogaaminayaan 3 nin oo magacyadooda lagu sheegay ina Dhiig Sokeeye, ina Afguduud iyo ina Adan Bidaar. Waxaa muuqata in saddexda nin ee la sheegay in ay tababarka siinayaan ciidanka la doonayo in ay ku duulaan Baydhabo iyo Muqdisho laba ka mid ahi ay shibil yihiin (civilian), halka kan kalena yahay boolis aan milatari shaqo ku lahayn.

 

Warka oo sidaa darteed ah been abuur uu hindisay qof aan lahayn farsamo saxaafadeed iyo karti baaritaan war oo qoto dheer ayaa la arkaa in ay rumaystaan dad badan oo hore maskaxdooda ay ugu tollayd fikir la mid ah kan uu qoraaga warku aaminsan yahay, uuna doonayo in uu dalliil uga dhigo jacbur-wareedkaas been abuurka ah si akhristuhu u yaqiinsado.

 

Bal sawiro dadka Baydhabo iyo Muqidsho jooga oo saaka ku waabariistay war iyo sawiro is wata oo muujinaya ciidamo weerar ku soo ah. Miyaanay dagaal isu diyaarinayn? Miyaanay taasi colaad hurinayn? Miyaanay reer nabdoon caynka ku tollin oo haadaan ka tuurin?

 

Anshaxa saxaafadda guud iyo kan qoraaga ayaa ay sharaf dhac weyn ku tahay in been cad oo la soo qoofalay dadka la quudiyo, been aan jirinna run laga dhigo si markaa wax aan jirin loo amaamudo.

 

Halkan ka Akhri Warka Been Abuurka ah:

SAWIRO CADAYNAYA CIIDAMA UU COL. C/YUSUF U DIYAARIYEY INAY KU DUULAAN BAYDHABO IYO MUQDISHO…

 

Maxamed A Cali

gorayocawl@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this