Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Naceybkaan

Recommended Posts

Kool_Kat   

Originally posted by nuune:

"fiiri waraa, see camal etc"

Anbo adoo saas u hadlaayo hadaan maqlilahaa, afdayuus iyo wax kadaranbo waa dhihi lahaa... icon_razz.gificon_razz.gif

 

Kaas inaad sheegto bay ahayd niyow Jeelka ha la yara dhigee ....

JB, oo hadii la hadlo meesha ma jeel baa la'isgeyn? See camal waraa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

MMA,

 

Don't believe everything you read my man. Cidina idin ma necbee ee buufiskan iska aadyara.

 

Kun meelood oo reer Hargeysa lagu caayayo ayaan xaadir ka ahayn oo anan waxba kasoo qaadan.

 

Dad badan oo nacayb somaliland iyo waxa daga uqaba ayaa meel walba jooga oo waxaas iyo wax kadaran ku hadla. Markaa shakhsi waxuu ku hadlay iyo ummad dhan kalaa saar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^ :D:D:DComing from a YEY supporter that supports the Ethiopian army presence in the capital of Somalia, Muqdisho. What a joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Supremacist:

Hateful people, what do you expect from them? especially when one of their 'politicians' once said "a kid from ethipia is closer to me than one from mogadisho".

Ouch! I wouldn't call all of them hateful. Hate is a big word.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Supremacist:

 

And the only thing I support is the well being of my people on a local level.

Fair enough. Laakin hanuu diidin inaan anagana intayada Ilaashano. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

War xuquuqul insaankii iyo bani adanimadii xagey ka baxday?

 

 

--------------------------------------------

HARGEYSA: Niyad xumo kuugu filan, haddiiba lagugu xidho Hargaysa (War bixin)

 

Hargeysa: (pp)- Waligaa dhaaxaad maqashay ama Website-yo ka akhrisatay dad u dhashay Degaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu xidhxidho magaalada Hargaysa ee Maamulka lamagac baxay S/land, balse maanta waxaan idiin hayaa mid ka mid ah dadka sida Sharci darada ah ugu xidhan Hargaysa ee u dhashay Degaanka Soomaalida, isagoo ka waramaya waxyaabihii ku qabsaday Hargaysa iyo Xadhigiisiiba waxaa uu qisadan ku bilaabayaa sidan:

 

Waxaan Markii u horeysay ka tagay magaalada Jigjiga Nov 14-2008 oo ahayd maalin Sabti ah, waxaan tagay Hargaysa maamulka lamagac baxay S/land, wax dhibaato ah lama sii kulmin intaan ku sii socday Hargaysa, kaddib maalintii Axadda ayaa waxaan joogay Hargaysa oon booqday Asxaabtii iyo Eheladayda oo halkaa joogay, galinkii dambe maalinimadii Axadda ayaa waxaan ka soo baxay Hargaysa anoo ku soo laabanayay magaaladaydii Jigjiga.

 

Waxaan Hargaysa ka soo raacay Baabuurta yaryar ee aalaaba u kala socda Hargaysa iyo Wajaale oo ku taal Xadka Itoobiya iyo maamulka lamagac baxay S/land. Hargaysa waan ka soo baxay oo waxaan ku soo dhawahay Wajaale xilli maqrib ah, si kadis ah waxaa intaanu Wajaale gaadhin indhahaygu qabteen Askar ka tirsan Booliska Wajaale, waxay nagu amreen Askartii inaan ka daadagano gaadhiga si loo baadho, balse darawalkii gaadhiga watay ayaa ka diiday Askartii amarkaas kaddibna intay Askartu na raaceen ayay na geeyeen Saldhigga Booliska S/land ee Wajaale, kaddib rakaabkii oo dhan ayaa la soo dajiyay oo waxaa nalagu xareeyay qol gaar ah oo markii dambe Su'aalo nalagu waydiinayay, Su'aalaha waxaa loo waydiinayay qof qof waxayna ahaayeenba saddex Su'aalood, Xageed ka timid? Xageed ku socotaa iyo waayo Qabiilkaagu?.

 

Kaddib Rakaabkii oo dhan markii su'aalahaa la waydiiyay ayaa la isoo gaadhay aniga oo rakaabka ka mid ahaa, oo la i waydiiyay Su'aalahaas, waana uga jawaabay, Waxaa uu i waydiiyay Askariga wax su'aalaya halkii aan ka imid oon u sheegay inaan Hargaysa ka imid oon ku socdo Wajaale si markaa aan uga sii gudbo dhinacaas iyo Jigjiga, waxaa kale oo uu Askarigu i waydiiyay Qabiilkayga oon u sheegay inaan Akishe ahay, waxaa uu la yaabay Akishe oo uu igu celceliyay Akishe!! Akishe!!. intaa kaddib Rakaabkii kale oo dhan ayaa la fasaxay oo kaliday la iga reebay Rakaabkii, ma garanayo sababta cad ee kaligay la ii reebay waayo waxba kama duwanayn Rakaabka intiisa kale oo u badnaa reer Xamar.

 

Intaa kaddib Askarigii intuu garabka i qabtay ayuu ii kaxeeyay dhinicii Taliyaha haysta Wajaale waxaa uuna ku yidhi " Rakaabka intoodii kale waxay Noqdeen Somalinlander ilaa Ninkan mooyee", waxaan la yaabay in reer Xamarkii isugu jiray ****** iyo ****** uu ku sheego dad u dhashay S/land anigana uu i yidhaahdo maha reer Somaliland oo waa nin shisheeye ah, waan iska aamusay kaddib waxay isla afgarteen Booliskii Wajaale iyo Taliyahoodiiba in la i xidho maadaama ay igu sheegeen in la igaran waayay oo ay iyagu i garan waayeen iguna tilmaameen nimaan u dhalan S/land.

 

Waxaan galay Xabsiga Wajaale habeenimadii Isniinta, waxaa i walwal galiyay oon ka walbahaaray in badan intaan ku jiray Xabsiga Wajaale arrimo badan, marka hore ma jirto cid i og xadhigayga oo waxay Askartu iidiideen xitaa inaan dadkayagii ogaysiiyo inaan xidhanahay, marka labaad shaqadaydii oo aan gali lahaa maalinimada Isniintana way iga baaqatay, Wajaale oo la wada yaqaano dhaxanta ka jirta iyo qabawgaba waxaan ku qaatay Xabsi anoo aan haysan wax gogol ah iyo Go' intaba, waxaan ku seexanayay intii aan Wajaale ku xidhnaa jeex Kaartoon ah waxaan huwadana warkiisa daa.

 

Kaddib laba habeen iyo maalin ayaan ku xidhnaa Wajaale, iyadoo aysan jirin cid i og oon Ilaahay ka ahayn, Subaxnimadii Talaadada ayuu Taliyaha qeybta Wajaale go'aansaday in la ii gudbiyo dhinaca Saldhigga Booliska ee Gabiley si loo baadho arrintayda oo isagu sheegay in arrintaydan la baadhi doono, Waxaa uu Taliyuhu qoray warqad daabacan oo aanan garanayn wax ku qoran kaddib warqadii baa la i raaciyay oo la ii gudbiyay Gabiley, intii aanan la ii gudbin Gabiley ayaan la hadlay gabadh ay sheeko naga dhaxaysay oon ku idhi " Walaaley waan xidhanahay oo Wajaale ayaan ku xidhanahay ee bal Xaafadayadii intaad tagto u sheeg, Shirkaddii aan la shaqaynayayna u sheeg inaan xidhanahay oo hadda la ii soo gudbinayo dhinaca Gabiley". kaddib waxaa la ii gudbiyay dhinaca Gabiley Saldhig ku yaalla.

 

Gabiley markii la i keenay ayaa Warqadii la iga soo raaciyay Wajaale waxaa loo dhiibay Taliyaha qeybta ee Gabiley, oo intuu akhriyay ku amray Askartiisa in Xabsiga Gabiley la idhigo waxaa uuna afkiisa ka yidhi " Waala baadhi doonaa arrinka inankan.". kaddib sidii baan ku galay Xabsiga Gabiley, waxaa isla xabsiga dhexdiisa iigu yimid Wiil aanu ehel ahayn oo reer Gabiley ahaa isagay wada hadleen Taliyaha si markaa la ii siidayn karo, balse Taliyuhu waxaa uu Wiilkii aanu ehelka ahayn u sheegay in arrintayda la baadhi doono, sidoo kale Waxaa Saldhigga Gabiley jooga oo ka shaqeeya nin kale oonu wax isu nahay, balse isna awood waa u yeelan waayay inuu arrintayda wax ka qabto.

 

Intaa kaddib Taliyihii Gabiley ayaa ii yeedhay goor habeen ah oo waraysi dheer iga qaaday isagoo i xog waraysanaya, Su''aalo badana i waydiinaya oo ku saabsan Socdaalkaygii, balse siday xaqiiqdu ahayd baan uga waramay, Inaan anigu reer Jigjiga ahay oon Hargaysa soo gaadhay maadaama Qaraabadaydu deggan tahay isla markaana aan dib u laabanayay ilaa Jigjiga Wajaalena la igu qabtay, halkaa markaan hadal marinayo ayuu Taliyuhu isagoo waji uruursan i waydiiyay Su'aal " Miyaanad ****** sheegan markii Wajaale lagugu qabtay" " Maya ma sheegan ******, anigu Akishe baan ahay oon sheegtay ****** marnaba maan sheegan" ayaan ugu jawaabay Taliyihii, Wali isagoo hadalkiisii sii wata ayuu igu yidhi " Ma adaan sheegan ******? Sug waxaan waydiinba Taliyihii Wajaale" kaddib waxaa uu garaacay telefankii Taliyihii Wajaale oo uu waydiiyay waxaan sheegtay markaan Wajaale joogay " Taliye Ninkan hadda sheeganaya Akishada sow markii hore idiin muuna sheegan ******" " Haa Wuu sheegtay ****** waliba markhaatiyadii baan hayaa Askartii uu ku yidhi ****** baan ahay baan hayaa oo joogta" ayuu ugu jawaabay Taliyihii Wajaale.

 

Kaddib waa uu wareeray Taliyihii Gabiley waayo wax kale iska daayoo xitaa Af-Soomaaligaan ku hadlayay ayuu ka dhex waayay wax lahjaddii reer Xamar leh, anigii ayuuna dib ii su'aalay " Maxaad usheegatay ****** adoo Akishe ah?" " Anigu ****** ma sheegan waxaan ahayna ma sheegan oo Akishe umbaan u sheegtay qolyaha Wajaale, midda kale halkan aan joogno ****** maxay ka tahay, maxaa igu kalifaya inaan sheegto ******, ma Xamar ayaan joognaa ileen halkaas bay ****** wax ka yihiin meeshan aan joogno ****** wax kama ahee, sidee baan u sheegtaa ****** anoo Akishe ah!!" sidaas baan ugu jawaabay Taliyihii wuuna yaabay ilaa xad waxa keenay ******, aniguna markaan ogaaday in Warqadda laga soo buuxiyay waxyaabo been abuur ah ayay niyadaydu xumaatay oon is idhi waxani waa Shirqool la soo maleegay.

 

Taliyihii Qeybta Gabiley waxaa uu markii dambe i waydiiyey halka la iga garanayo ee sifiican la iiga yaqaano, waxaana ugu jawaabay Waxaa la iga garanayaa sifiican Hargaysa oo ay Ehelkayagu deggan yihiin, markaa kaddib taliyuhu waxaa uu go'aansaday inuu ii gudbiyo Hargaysa waxaa uuna qoray Warqad daabacan oonan garanayn wax ku qoran, Warqaddu waxay ku socotaa CID-da Hargaysa waxaa uuna yidhi Taliyuhu Qolyaha Hargaysa iyagaa baadhan doona ninkan waxa uu yahay, markaa kaddib aniga rajadaydu waa iska liidataa oo ay iska xuntahay waayo CID-da dadka loo gacan galiyo waa dad xaaladoodu xun tahay, balse aniga gardarro cad baan ku xidhnahay dambi aan ka galay Maamulkaasna ma jirto.

 

Subaxdii la igeyn rabo Hargaysa waxaa la soo diyaariyay Baabuur gaar ah oo ay leedahay CID-da Hargaysa, waala i xidhay Gacmaha oo la i silsiladeeyay waliba si xun la iigu qabtay Silsiladda, illeen ma naxaan ******ee. waxaa la igu qaaday gaadhigii inta la igu daray 4 Askari oo ku hubaysan qoryaha fudud, sidii baa la igu geeyay Hargaysa waxaana la ikeenay Xafiiska CID-da Hargaysa maalinimadii Arbacada, Kaddib markii aanu galnay CID-da Xafiiskeedii ayaa waxaa la ii gudbiyay Xafiiska Taliyaha CID-da haysta oo Warqadaydiina la hordhigay, Taliyihii wuu akhristay warqadda waxaa uuna yidhi " Ugudbiya qeybta OB-da wax ka qora kaddib xareeya inta hawshiisa laga baadhayo" sidii baana mar kale haddana la iigu xidhay Xabsiga ay sida gaarka ah u leeyihiin CID-du. Waxaan markan wataa gogoshii la iigu keenay Gabiley markii aan ku xidhnaa iyadaana ku seexan jiray intii aan Hargaysa ku xidhnaa.

 

Sidoo kale Raashinka iyo Cuntada waala ii keeni jiray walow aan la isba arkaynin qofkii cuntada kuu keenay oo meel fog lagaga qaadayo Cuntada oo Askari kuu keenayo cuntadii. Aniga Mooraalkaygu waa iska caadi marba haddii la og yahay xadhigayga oo xaafadihii iyo dadkii ay og yihiin inaan xidhanahay, balse waxaan aad uga walbahaari jiray intii aan ku jiray Xabsiga Wajaale oo ay cid i og aysan jirin xitaa la ii diiday inaan dadkayagii la hadlo oon ogaysiiyo inaan Wajaale ku xidhnahay.

 

Kaddib maxaa xigay, Hargaysa ayaan ku xidhnahay oon ku jiraa Xabsiga CID-da Hargaysa, waxaan xabsiga iskula xidhanay dad badan oo u xidhan waxyaabo kala duwan haba u badnaado dadka loo haysto inay lug ku lahaayeen Qaraxyadii Hargaysa, Waxaan Xabsiga iskula jirnay Rag Akhyaar ah oo fiican intaan Xabsi arkayna xabsigii ugu nadaafadda badnaa buu ahaa Xabsigan CID-du.

 

Maxaabiista aanu iskula jirnay dhammaan waxay ahaayeen dad Cibaadada Alle ku xidhan sida Salaadda oo dhammaan la wada tukanayay iyo Quraan Akhriskaba, dadkaa waxaa ka mid ahaa dad loo haysto inay dadkii is qarxiyay baabuurta ka iibiyeen, Wiil isna loo haysto inuu gaadhigiisa ku qaaday gabadh iyadana la leeyahay Raggii is qarxiyay bay u imaan jirtay, iyada laftigeedu way xidhan tahay oo indhahayga ayaan ku arkay iyadoo xidhan, waxaa dadkaas ka mid ah CID-da Hargaysa ku xidhan Wiil isna la yidhi waxaa uu ku soo dagay oo marti u ahaa gabadhan u imaan jirtay dadkii is qarxiyay Wiilkan waxaa uu u dhashay Muqdisho magaciisa waxaa la iigu sheegay Maxamed Macalin Mustaf, iyo Rag kale oo badan.

 

Maxaabiista ku jirtay Xabsigan CID-da ma jirin wax tacadiyo gaar ah oo loo gaysanayay, balse xaaladooda kale ayaa iska xun oo Xabsigan waxaa la keenaa uun dadka sida gaar ah Maamulkaasi u rabo, markaana uu siduu doono ka yeeli doono. Aniga arrintayda meel fog bay gaadhay oo waxaaba la igu daray List dad la rabay in loo dhaadhiciyo dhinaca Xabsiga weyn ee Mandheera, balse dhawr arrimood ayaa madax u ahaa in la isiidaayo aniga, iyadoo Odayaal Reerkayagu ay dadaal badan bixiyeen sidii la igu siidayn lahaa iyo iyagoo qolyaha CID-du codsaday in lacag la igu furto si la iiga reebo dadka loo gudbinayo Mandheera, waxaana la bixiyay markii dambe lacag gaadhaysa 150$ Dollar sidii baana ku soo baxay anigu oon xoriyadaydii dib ugu helay.

 

 

Guud ahaan intii aan ku jiray Xabsiyada S/land, waxaan dareemayay amase aan ahaa sidii Nin jooga dhul shisheeye, waana joogay dhul Shisheeye waayo sidaaba kumaan

ahaadeen haddii aan joogo dhulkayga hooyo, Walaahi markii aan ka soo tallaabay xadka

een lugta saaray Baskii Wajaale ayaan dareemay Farxad oon u ilmeeyay magaaladaydii

Jigjiga, waxaana xasuustay heestii ahayd " Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga

hooyo".

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in Maamulkaas lamagac baxay S/land ay yihiin Cadawga kaliya ee dadka u dhashay Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida kale ee ku nool koonfurta dalka Soomaaliya isla markaana ay ugaadhsi gaar ah u gaystaan dhalinyarta u dhalatay Degaanka ee ku nool magaalada Hargaysa, midda kale waxaa Xabsiyada Hargaysa ka buuxa dad reer Hargaysa ah oo la rabo in iyaga inta laga soo saaro Xabsiga lagu buuxiyo halkoodii dadyowga kale een u dhalan Hargaysa oo ay ka mid yihiin dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Soomaalidu degto ee Itoobiya iyo kuwa Koonfurta ka soo jeeda..

 

 

Posted to the Web Nov 25, 08:03

 

Waxaa Diyaariyey: Cabdillaahi Jawhar

Kala Xiriir: abdilahijawhar@yahoo.com

Daabacaada: Puntlandpost.com

 

http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid =4861

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

MMA

 

its funny how this "article went traight to somaliland, not muqdisho where the there slaughter and massacre, not kismayo not bossaso and human trafficking not all those other places where unspeakerble crimes are commited against the weak and poor.

 

but hargeisa where there thousands upon thousand of refugees fleeing that same massacre of somalia have found peace and shelter.

 

walee xaasidnimo iyo cuqdad ayaydaan meel ku gaadhin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Qudhac:

MMA

 

its funny how this "article went traight to somaliland, not muqdisho where the there slaughter and massacre, not kismayo not bai**** not all those other places where unspeakerble crimes are commited against the weak and poor.

 

but hargeisa where there thousands upon thousand of refugees fleeing that same massacre of somalia have found peace and shelter.

 

walee xaasidnimo iyo cuqdad ayaydaan meel ku gaadhin.

If you want to see cugdad and xaasidnimo, this is how the somaliland governments treats their fellow somali's.

 

Somaliland's disputed independence has left hundreds of Somalis ineligible for UN aid and unrecognised by Somaliland's government.

 

Hundreds of Somalis fled recent fighting in Mogadishu, the Somali capital, taking shelter in the relative safety of Somaliland.

 

According to the UN, fighting in Mogadishu has displaced about 400,000 people.

 

An estimated 40,000 of those have fled to Hargeysa, Somaliland's capital, with thousands of others scattered in other settlements throughout the territory.

 

Fatuma Abdullahi, one if the refugees, told Al Jazeera: "I fled from the Bakaara area of Mogadishu during the heaviest fighting in April. It took me 16 days to reach Hargeysa. I am here with some of my family members while others are still in Mogadishu."

 

"There is no going back for me. I am here to stay," she said.

 

Breakaway republic

 

 

In Hargeysa, many Somalis gather to be registered, but they have encountered a problem: in Somaliland, the UN does not regard them as refugees and the Somaliland government will not recognise them as internally displaced people.

 

In May 1991, Somaliland declared itself an independent state, but its independence was never recognised internationally and the breakaway republic continues to exist inside the borders of Somalia.

 

The Somaliland government wants those fleeing from Mogadishu recognised as refugees who have crossed international borders, but UN agencies and other aid organisations say the Somalis are people displaced within their own country.

 

UN organisations say, identifying them as refugees would be tantamount to recognising Somaliland as an independent state.

 

As a result, the lives of those fleeing Somalia are in limbo, with UN officials saying they can do very little to help.

 

Fidelis Swai, the head of UNHCR in Somaliland, said: "Unfortunately, our help is limited in terms of resources. The lasting solution for these people is for them to go back to the place that they came from or for the government here to give them land to start their homes again."

 

Those arriving in Hargeysa, fleeing drought, famine and war in southern Somalia, live in makeshift camps - the Somaliland government does not want any permanent structures to be built for them.

 

They face isolation, caught in a political dispute many of them care nothing about.

 

Al jazeera

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Supremacist:

Hateful people, what do you expect from them? especially when one of their 'politicians' once said "a kid from ethipia is closer to me than one from mogadisho".

Hateful people? And we think you guys are deceitful people, small-time crooks over at pirate-land...Lets call it a day. A tit for tat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by Supremacist:

Hateful people, what do you expect from them? especially when one of their 'politicians' once said "a kid from ethipia is closer to me than one from mogadisho".

Hateful people? And we think you guys are deceitful people, small-time crooks over at pirate-land...Lets call it a day. A tit for tat.
:D Must we go through this routine everyday?

 

Just think of my comments as constructive criticism, nothing more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Protocol:

quote:Originally posted by AfricaOwn:

quote:

Originally posted by Supremacist:

Hateful people, what do you expect from them? especially when one of their 'politicians' once said "a kid from ethipia is closer to me than one from mogadisho".

Hateful people? And we think you guys are deceitful people, small-time crooks over at pirate-land...Lets call it a day. A tit for tat.
:D
Must we go through this routine everyday?

 

Just think of my comments as constructive criticism, nothing more.
Its all real talk coming from here :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this