Sign in to follow this  
QabiilDiid

136 SNM-deserted militia are welcomed to unite with P-land army

Recommended Posts

136 Askari Oo Somaliland Ah Oo Isku Soo Dhiibay Puntland

 

{Laasqoray}18-7-08"Warar laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamo katirsan somaliland oo ku sugnaa gobolka sanaag, loona keenay inay puntland la dagaallamaan ay haatan isku soo dhiibay ciidamada Daraawiishta.

 

Ciidankan oo ka sooo jeeda Deegaanka Laasqoray ee gaadhaya 136 askari ayaa horay ugua tirsanaan jiray Ciidanka Somaliland hase ahaateen iyagu iskood u go'aansaday in ay isaga tagaan Somaliland ka dib markii ay xurguf culus soo kala dhex gashay Ciidankii ka yimid galbeed iyo kuwa daacad u ah nidaamka daahir riyaal hase ahaatee ka soo jeeda Gobolka sanaag.

 

Mid ka mid ah saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka soo jeedaan beelaha deegaanka oo ka soo horjeeda ujeedada dagaalka ,ciidamada Puntland iyo dadweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey Imaatinka ciidamadaasi.

 

Sababaha ay ciidamadan usoo goosteen waxa ay ku sheegeen markii ay arkeen duulaanka lugu soo yahay dhulkoodii waa sida ay hadal udhigeene iyo waliba dadka dagaalka wadaa in ay ku jiraan kooxihii dowlada Soomaaliya ka saartay Koonfurta Iyo Badhtamaha Soomaaliya oo ah Koox-da All-Shabaab Waqooyi Galbeed oo iyaga dano gaar ah leh.

 

Saraakiisha Puntland waxa ay sheegayaan in dagaalo kale la filayo in ay dhacaan hadii aysan somaliland si nabadgalyo ah kaga bixin dhamaana deeganada Puntland ee ay soo galeen ,dibna ugu laaban sohdintoodii.

 

widhwidh Online nEws Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg Ah: Tikniko ka Baxsatay Laascaanood oo Garoowe Gaadhay iyo Qaar wadada Kusii Jira

Warkii 19-Jul-2008 iyo Qormadii: C/qaadir Gaabuush

Sadex askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Somaliland iyo gaadhi qori saran yahay ayaa saaka soo gaadhay xarunta Puntland ee Garoowe , askartaasi oo Puntland ku sheegtay kuwa xalaala oo ay iska dhaleen hooyo iyo aabe Puntlanders ah waa sida ay hadalka udhigeene saraakiisha Ciidamada Puntland …………………………

 

 

Askartan ayaa sheegtay ina la qalday oo loo sheegay wax aan jirin,ka dibna ay go’aansadeen in ay isaga soo tagaan maamulka Somaliland oo ay in badan ka tirsanaayeen , C/rashiid Xasan Macallin Cabdi oo ka mid ahaa ciidamada Somaliland ee saaka garoowe yimid ayaa saxaafada usheegay in xaaladda ciidamadii ay ka goosteen ay aad u liidatay,wuxuu kaloo sheegay in ay markii hore ku soo bexeen ilaa saddex gaari oo labadii kalena ay mareen dhoodida mar dhowna ay soo gaadhayaan Garoowe.

 

 

 

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland C/rsisaaq Sh. Cismaan oo soo dhoweeyey Ciidamadan ka soo goostay Somaliland ayaa isna sheegay in ay ka warhayeen imaatinta ciidamadan , isagoona sheegay in dhamaan askarta saaka gacantooda soo gadhay ay iska dhaleen hooyo iyo aabe Puntlanders ah ayna yihiin askar xalaal ah .

 

 

 

Waa markii ugu horaysay oo ciidamada Somaliland ah ugalaan maamul goboleedka Puntland tan iyo markii Burburka Siyaasadeed ku yimid Maamul Goboleedka Puntland dhamaadkii sanadii aynu soo dhaafnay, xiligaas oo dagaalo ka dhacay Gobolka Sool Puntland ku wayday magaalooyin muhiim ah ayna ugu wayntahay xarunta Gobolka Sool oo ahaan jirtay magaalada Labaad ee ugu weyn Puntland .

 

 

 

Maamulka Somaliland gaar ahaan masuuliyiinta Gobolka Sool ayaan ilaa hada wax wara ka soo saarin ciidamada garoowe gaadhay balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xafiiska gudoomiyaha Gobolka laga saaro war amuurtaasi ku saabsan

 

 

 

Wixii wara ee ka soo kordha haka fogaan Afnugaal.com

 

 

 

 

C/qaadir gaabuush

 

Afnugaal.com

 

Gaabuush6@hotmail.com

 

+256-7748-33715

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Jabhada SNM Waxaa Ka Soo Goostey Baabuur Tikniko Ah.

 

 

Maleeshiyada Huwanta ah ee haatan gacanta ku haya magaalada Laascaanood waxaa ka soo goostay baabuur tiradoodu gaadhayso ilaa sadex kuwa tiknikada ah. Waxaanay baabuurtani ku magacownaa Kornayl Dalbac oo isagu ka mid ah horgalayaasha u dhashay deegaanada SSC, balse daacada u ah Maamulka Hargeysa.

 

bax3.jpg

 

Hadaba mar aanu la kulanay askartii baabuurkaasi la soo fakatay waxay noo sheegeen in ay liidato xaalada maleeshiyada ku sugan duleedka Laascaanood.

 

Wadaha baabuurkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirashiid Xasan Macallin wuxuu kaloo sheegay inay jiraan laba gaadhi oo kale oo iyaguna doonayey inay ka soo goostaan maleeshiyada Jabhada SNM, ayaa haatan dhoodigga ku soo jira, lana filayo inay goor dhow soo gaadhaan.

 

Waxaa kaloo uu Cabdirashiid Xasan Macallin sheegay in xalayto markii ay go’aansadeen inay isaga soo goostaan waxaa laga soo daba direy laba gaadhi oo soo baacsaday balse markii dambe ku ambaday deegaankii aanu soo jeexnay.

 

Dhinaca kale waxa iyana saakay kasoo galay dhinaca Sanaag Malayshiyaad kasoo guustay Maamulkaas oo gaaraya ilaa 136 askari

 

bax2.jpg

 

bax4.jpg

 

bax5.jpg

 

Boocame Online news warbaahinta Qarniga Cusub!! Boocame@hotmail.com or Boocame@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muslim01   

Bro why did they join Puntland? I'm kinda confused and I know Somali politics waax la fahmayo ma'haan. I hope the General or anyone else can break it down for me :] .

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

More 'waa soo socdaa, waxna waan soosidaa news'

 

aadhigii gaar ka ahaa ee Wasiirka Maaliyiada Puntland Gaagaab oo usoo galay maamulka Somaliland.

Warkii 19-Jul-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Waxaa galabta usoo galay maamulka Somaliland ee Gobolka Sool gaadhigii uu gaarka u lahaa wasiirka maaliyada maamul Goboleedka Puntland ee Somalia Maxamed Yuusuf Gaagaab gaadhigaas oo soo maray wadada laamiga ah iyadoo ay wateen dhalinyaro kuwaas oo kamid ahaa kuwii ilaalada u ahaa.

 

Gaadhigan oo kasoo kicitimay sida ay wararka madax banaan ay xaqiijinayaan magaalada Garowe una soo kicitimay dhanka Tukaraq isagaoo uga soo gudbay magaalada Laascaanood oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland halkaas oo ay dhalintii gaadhigaasi wadatay ay isku dhiibeen ciidamada Somaliland ee ku sugan dhanka barri ere magaalada Laascaanood.

 

Baabuurkii iyo dhalinyaradii wadatay ayaa waxaa loo gudbiyay Taliska ciidanka Somaliland ee magaalada Laascaanood halkaas oo uu hada ku sugan yahay sida ay shabakda afnugaal u xaqiijiyeen saraakiil sar sare oo ku sugan taliska iyagoo noo xaqiijiyay in gaadhiga hadda ku sugan halkaasi uu yahay gaadhigii wasiirka maaliyada Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab.

 

Ilaa hadda lama oga sababta keentay in dhalintii wadatay gaadhigaasi ahaana ilaalada wasiirka ayna isku beel ahaan isu dhaw yihiin ay soo dhacaan gaadhiga wasiirka maaliyada maamul Goboleedka Puntland ee Somalia taas oo ay qaar kamid ah shacabka magaaladu si wayn u hadal hayaan waxa keenay gaadhigiii wasiirka in lasoo dhaco iyada oo ay dadku ka dharagsan yihiin booska uu taagan yahay.

 

Hadaba sidoo kale waxaa maanta maamulka Somaliland ka goostay gaadhi tikniko ah uu u galay maamulka Puntland waxaana arintani tahay arin si wayn dadka uga yaabisay kadib isdhaaf dhaafka baabuurta ee maamulada Somaliland iyo Puntland iyadoo la og yahay arintani kusoo beegantay in hal maalin ay dhacdo baabuur ukala baxsada magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood.

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^loool..This is one hillarious episode.

 

ps. the topic of the thread says 'snm militia'..I thought snm were composed from a certain clan that nayruus really likes only. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

In October you and your leaders out in Garowe said it will take you only a month to take back LA. Stop talking and do something Duke. The Mob are getting bored with your talks with no action.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LA, not a major issue adeer, the clan militias there are locals.

The whole secessionist movement will be dealt with. SOOL, SANAAG & CAYN you will never rule.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this