Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

ICU sends a cease and desist letter to IndhoCadde -- Give up SH. Hoose

Recommended Posts

Gabbal   

Originally posted by Xoogsade:

Xiin, You are one of the best guys on SOL bro. You are far from a clanist or someone who bases his debates on clan sentiments.

 

 

Horn and Alla magan, waa soo noqonaa inshallah.

Inshallah sxb waan ku sugeynaa. You asked us what happened and we responded in a respectful and very honest manner. We would hope you do the same.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin put different glassess on and read all your Barre Hiiraale hate-filled posts. thats all!.

 

Originally posted by xiinfaniin:

Qurunka idinka buuxa Ilaahay waa horuu iga koriyay

Af-caytama ninkiisu ku yaalaa Xiinoow. Qurun & Xiqdi & Xaasidnimo sow maha dacwada hada laguu haysto.

 

And as they say truth hurts! huh? what is up with you, I just pointed out the camouflaging charechter of Xiin when it comes to Kismayo sheeko.

 

Look you were against Barre anc Co. fair enough, then only Barre is out and his Seeraar & Goobale is still in Kismaayo then you start weping for joy and said Kismayo is "SAFE" now. Can't you see the irony!

 

Originally posted by xiinfaniin:

^^^Allaha ku caafiyo saaxiib waad burursantahaye.

Adna Allaha kaa daaweeyo nacaybka iyo cuqdada u qabtid muslim kale oo walalaaha ah!

 

Ramadan Kareem!

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsadow, thanks brother! I think you are correct in that i am arguing people who truly believe that they are defeated....cajiib. Kismayo guryihii aan ku uurgalay baa weli ka dhisan weligayna inay meel fog jirto ma moodin...intaas oo lakala qabsanayey. Iyagana sidii adduunku soo dumay bay baroonanayaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Defeated? On the contrary, I thought you had been told to bookmark the last page for the upcoming events?

 

Stop playing your usual cheap games and answer the man if you have half the decency sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

Xiin I admire your non-clannist view on Somali politics masha Allah. I had my reservations about the UIC vis-a-vis Indhacade, and was a silent supporter of the interim government in Baidoa. But I'm carefully tilting towards the UIC these days. They might be a better alternative to the interim government and the Somaliland/Puntland entities after all. Which reminds me of the ridiculous Jubbaland concept that will most likely never see the light of day after this development.

 

Reliable sources directly from Kista told me that the UIC cleverly started evicting people from looted homes to build up trust. The people protesting seem to be a small number of the town who know they are going to lose their ill-gotten gains if these courts are as surprisingly serious here as they were in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War anagaa wax aragnay!

 

Wiilashaan Barre uu Adeerka uyahay waaba gartayee dadka kale maxay isu rafaadinayaan?

 

Wax cusub miyaa jira? Horta Kismayo yaa Iska leh...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It belongs to the two immediate tribes in my lineage for sure. My uncle is going to gift me with a piece of his expansive land in this city so I have vested interest in it from now on. I'll see what I can do about getting a surety from Sheikh El Sherif to keep Mr. White Eyes away from my plot of land. I'm serious :D As for Barre Hirrale (I was under the impression it was 2 seperate men from what I read here, what is the need for carrying two last names?)he is a thug and a criminal him and his henchmen have absolutely no claim whatsoever on the city. Good riddance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^LOL, DidiKong, Dhulka lagu siiyo wax iga sii anigana. Offer me a piece of the piece you will be offered I said in case your somali is not that good.

 

Anyway, Kismayo soomaaliyaa leh cid loo aqoonsan yahay si goonni ah ma jirto. Ninkii guri uga dhisan yahay, dhulkaas u dhisanuu ka leeyahay magaalada, kan qaraabo ku leh uu la joogi karana waxbuu ka leeyahy, kan intuu yimaado dhul ka gatana dhinacuu ka leeyahay, that is how it goes. Well, at least if we talk about sanity and set aside dhaqanka dadka qaarkii oo iyaga waxay taabtaanba ku leh annagaa is kaleh. In wax lala qeebsado ma oggola and the rest of us have caught the bug. Now we are all crazy.

 

Horn.

 

You have made your decision bro, there is nothing I can tell you to change your mind. I know for certain your clan has lost nothing just because Barre hiiraale and his militia left town. I wouldn't measure the successes and failures of the clan according to the losses and gains of individual men if I were you. I hear some your elders and intellectuals are in kismayo working with others. Whether these clansmen of yours in kismayo count in your book is another story.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^That should tell you then we are not against diin but against munaafaqnimo. Read this about those elders and intellectuals.

 

 

Hogaamiyaha Dhaqanka Beesha **** ee J/hoose Oo Shir Dhexdiisa Ku Canaantay Xasan-Turki in uu Lumiyay Abaalkii Ay Beesha **** U Gashay 4 Sanadod Oo La Doon Doonayay Iyo Mid Ka Ah Maleeshiyadii Qabsatay Kismaayo Oo Xalay Qori Laga F

Oct 01,2006

by Kismaayo-Gedo News Network

Nabadoon Maxamed Bashiir Madoobe Yaroow Hogaamiyaha Dhaqanka Beesha **** ee gobolka J/hoose ee Kismaayo ayaa u sheegay Xasan-Turki oo asagu ciidamada maxkamadaha ay axadii hore kismaayo qab****en in uu si fudud ku ilaaway abaalkii ay Beesha **** u gashay mudooyinkii uu ku dhuumanayay Raasganbooni ee la doon doonanayay.

 

Nabdoonka oo ka hadlayay shir maxaakiimta iyo dhaqanka beesha **** ku yeesheen Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in Beesha **** aysan marnaba xasuusteeda ka tirayn duulaankii Bareerka ahaa ee ay kismaayo ku soo qaadeen Maleeshiyooyinka maxkamadaha ayna ku burburiyeen nidaamkii Jiray ee Dooxada Jubba.

 

Maxamed Bashiir Madoobe oo ah Ninka ugu da,da yar odayaasha dhaqanka ee J/hoose isla markaana Hogaamiyaha Beesha **** ******* ayaa intaas raaciyay in beeshiisu ay raali ku noqon karto oo kaliya in Maleeshiyada maxkaamiinta kala baxaan kismaayo islamarkaana ay Maaamul deegaanka ah talada ku wareejiyaaan.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu nabadoonku Farta ku fiiqay Xasan turki oo uu ku eedeeyay in uu Duulaan ugu badalay beesha **** abaablki ay u gashay ee kaga badbaadisay tiro badan oo Kooxaha la dirara argagixisada ay ka dalbadeen in la soo qabto ama ay ku duulaan.

 

"Waad ogtahay barre 10 jeer iyo ka badan ayaa loo keenay lacag oo lagu yiri Xasan keen isna waa diiday oo ku yiri halkaan argagxiso ma joogto adaa markhaati ka ah," ayuu yiri nabadoonka loo sheegay in Beesha **** aysan marnaba ku talin doonin in Culimada soomalaiyeed ay ajnabi waxyeleeyaan.

 

Waxuu kullan aan waxba la isku reebin oo odayaasha dhaqanku ay kala hadleen

Maxaakiimtii ka soo talaabay Shabeelaha Hoose aysan gacan ka gaysan doonin Hakinta kacdoonka Bulshada **** ee xalay oo ugu dambaysay qorigii looga qaatay midka mid ah dagaalyahanka Maxaakimta oo laafyoonayay Farasmagaalaha Kismaayo.

 

Kismaayo-Gedo News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

munaafaqnimo is he who pretends or claims to believe in what he doesn’t practice.

 

Sxb, it’s time you get over your delusions. There has not been a war between **** and ****** families. Hassan Turki has not fought with **** but your uncle has fled the city voluntarily. If you’re gonna play the blame game, blame on his incompetence and the lack of principal and real conviction. I know your dream is that the country goes back to ’91 era and I pray God shatter that sick dream of yours. Thankfully Somalis have learned valuable lessons over the years and won’t go back to civil war for two evil purposes, Hiiraale’s obsession to own and rule Jubbaland and a client state of Ethiopia led by Ina Yusuf.

 

Bayaan ka soo baxay Beesha *****-******* ee Waamo ee UK

 

Anaga oo ah jaaliyadda ***** - Waamo ee degan London waxan halkaan ku soo gudbineynaa mow-qifkeenna ku aadan Armiha ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

 

Run ahaantii wax qarsoon maaha xaaladda ay ku sugnaayeen dadka ku dhaqan magaalda Kismaayo Halkaas oo muddo 15 sano ka badan hoy u noqotay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya . sanadihii ugu danbeeyeyna waxa ay gacanta ugu jirtay niman isku magacaabay Dooxada Jubba kuwaas oo degaan ahaan ka yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya kuna heshiiyey in ay xoog ku qabsadaan magaalada Kismaayo iyagoo ku hayey dadka degaanka u dhashay boob, dhac iyo caburin dhinac walba ah, taasi oo kaliftay in dad badani isaga qaxaan degaankii ay ku dhasheen ,kuwa gudaha ku hareyna ay u noqdaan la heystayaal Dooxada Jubba .

 

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa “baadi kugu raagtay milkigaadaad moodaa†.

Barre Hiiraale oo ahaa gudoomiyihii Dooxada Jubba ,waxa uu isa siiyey magaaladii isbaheysi ahaan ay xoogga ugu qab****en, waxa uuna aad ugu dadaalay in magaalada uu dejiyo jifada uu ka dhashay waxeyna dadaal badan u galeen sidii ay u dhaxli lahaayeen dadkii degaanka lahaa oo aan geeriyoon.

 

Waxaa intaas sii dheer in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu aad u soo dhaweeyey Barre Hiiraale una sharciyeeyey qabsashada Kismaayo isagoo ku amray in uu maamul goboleed u dhiso Jubada Hoose, taas oo rajadii Barre ka qabay Jubada Hoose sare u qaaday ,wuxuuna aaminay in Kismaayo ay ka tirsan tahay gobolka Gedo, isagoo ku mashquulay dhismaha Jubba-Land halka ay ku habooneyd in uu Gedo iyo Caabud-Waaq oo uu ka soo jeedo maamul u dhiso.

Waxaa allah mahadiis ah in Ciidamada Maxaakimta ay u istaagaan sidii ay u xoreyn lahaayeen dadka ku dhaqan Kismaayo oo ay ugu soo celin lahaayeen xoriyadoodii ka maqneyd 7-da sano ay Dooxada Jubba heysatay magaalada Kismaayo.

 

Nasiib darro dad badan oo laga xaday caqliga ayuu Barre ku beer laxowsanayaa magac ******* kaas oo uu isaga laftiisa qashinka ku tuuray 8-sano ka hor ,isagoo ku riyoonaya in uu dib ugu soo qaado dagaal Magaalada kismaayo waxaana uu ku hadaaqaya arintu in ay u noqotay halkii ay joogtay 1991-kii xilligaas oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya ,waxa uuna taageero ka doontay Dowladda Federaalka.

 

Waxaa haboon in la isweydiiyo waxa Barre kaga maqan Kismaayo oo uu ugu soo hub urursanayo maadaama uu qabqable dagaal oo xoog ku heystay magaalada ahaa .

 

Hadaba hadeynu nahay beesha Waamo -***** ee UK waxaan taageereynaa xoreynta Maxkamaduhu xoreeyeen Magaalada Kismaayo ,anagoon u arkeyn Maxaakimta qabiil gaar ah oo ku soo duulay magaalada Kismaayo,laakiin waxaan u aragnaa in ay yihiin dad ka kooban Soomaali oo dhan doonayana in ay tir-tiraan cadaalad xumidii ka jirtay Kismaayo. waxaanan ka rajeyneynaa in ay soo celiyaan cadaaladii iyo nabadii iyo in ay sida magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo kale ay Kismaayana maamulkeeda gacanta u galiyaan dadka u dhashay Magaalada Kismaayo.

 

Waxaan sidoo kaloo ugu baaqeynaa dadka ka dhashay qabiilka ***** (*******) ee Waamo in ay soo dhaweeyaan Maxaakimta Islaamiga ah lana shaqeeyaan, iskana ilaaliyaan in uu dib ugu soo laabto Barre Hiiraale oo dhib badan horey ugu geystay. iskana ilaaliyaan durbaanka beenta ah oo ay garaacayaan Madaxda Puntland iyo midda Federalka ah ee lagu taageerayo dib usoo noqoshada Barre.

 

Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka Puntland iyo Madaxweyne Cabullahi yusuf in ay faraha kala baxaan arimaha shacabka Kismaayo, waayo waxa ay horey u dayaceen in ay u gargaaraan dadka ka soo jeeda beesha *****-Waamo ee ku dhaqan Kismaayo iyagoo daawanayey dhibaatooyinka lagu hayey mana aysan ka damqan mar qura iyagoo aan u fidin wax taageero hiil iyo hooba leh 7-dii sano ay Dooxada Jubba dhibka ku hayeen shacabka Kismaayo .

 

Waxaan ka codsaneynaa maamulka Maxaakimta in ciidamadii Goobaanle ,Seeraar iyo Cabdi Cigaal laga saaro Magaalada kismaayo waayo? Dadkii ay shalay dhaca iyo handadaada ku hayeen suurtagal maaha in ay manta yiraahdaan amaankiina ayaan sugeynaa ,mana fileyno in quluubta shacabka reer Kismaayo ay u wanaagsan tahay arintaas.

Waxaan cambaareyneynaa dhamaan kuwa ku qaraabanaaya Qabiilka iyagoo uga faa’iideysanaaya danahooda khaaska ah iyo in ay colaad joogta ah ka dhex abuuraan ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ,isla markaana doonaya in ay sumcadda Maxaakimta iyo waxqabadkooda ku wiiqaan.

 

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqeynaa shacabka Kismaayo wada dega reer walba oo ay yihiin in ay ka faa’iideystaan fursadaan soo martay oo ah in Kismaayo ay ku soo noqotay gacanta shacabkeeda,iskana iloobaan qabiilka iyo cadaawadda ,kitaabka allahna ay qabsadaan dib danbena aysan fursad u siin cadow dibadda uga yimaada oo isku daya in uu u kala qeybiyo reer-reer si uu ugu gaaro danihiisa gaarka ah . Allahna waxaan idiinka baryeynaa in uu quluubtiina isu soo jeediyo oo dantiina idin garansiiyo.

 

Wabillaahi towfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Sxb I honestly do not understand the reason you keep following me but I am not going to be the punching-bag for your cuqdad.

 

So you don't like Hiiraale. Granted.

 

So you believe reer Gedo should not at all be in Kismaayo because they are "Xabad-keento" rather then "doon-keento". Granted.

 

So you have lingering anguish at the multiple defeats to Morgan. Granted.

 

That's all fine and wonderful in adeer; they are your feelings and your opinions. You have spoken out about them before and you continue to. Wonderful.

 

Sidaas ay tahayne Diinta Islaamka kumaan dhuuman lahayn if I were you, because nothing in Kismaayo, brother, is about religion much to your detremint and false hopes I would also add.

 

Waxaan ka codsaneynaa maamulka Maxaakimta in ciidamadii Goobaanle ,Seeraar iyo Cabdi Cigaal laga saaro Magaalada kismaayo waayo?

Caqli xumaa dadka. Goobaale and Seeraar are the Maxkamado. :D

 

Hiiraale awalbo waxaad ku nacdeen Goobaale iyo Seeraar maantana la yaab ma leh hadaad rag shaar kale soo huwaday aad u dacwo-aadeen iyagu laftirkoodana aad ka dacwooneysaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

If you can't stand the heat, get out of the kitchen & kismaayo affairs. :D

 

Look my friend. I’m not a lunatic chasing you around with a broom. Relax saaxiib. There’s nothing to hate or like about Hiiraale, an old man nearing death with caaqibo xumo. It’s his political views and ideology that’s relevant. Neither his body nor qabiil is significant, unless you fail to distinguish the two. I’m just here to show the flaws in your argument and how cynical you were getting lately. My apologies if you somehow felt a little frightened.

 

By the way, it ain’t my article. If you scroll down, you would find the author’s name in the signature block. While I don’t agree with some of its content, I posted it to show you there’re others in the same umbrella standing on the other side of the fence, a point you seem not to acknowledge.

 

Saxuur wacanoo-wanaagsan ina-adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Adeer orad da'aadaadu la dood. Foodlow kastoo rabo inuu isa soo taago wakhti uma haya.

 

If you do, however, want to know what the opinion of the real Islamic Courts members think about Barre Hiiraale, here it is though starting at the 6:50.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this