Sign in to follow this  
garyare

Shirka ay kornayl Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed ku qabsadeen Muqdisho

Recommended Posts

garyare   

Shirka ay kornayl Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed ku qabsadeen Muqdisho ma aha dib u heshiisiin qaran ee waa dibindaabyo qaran!

 

 

 

 

 

Shirkni waa mid been abuur ah sababaha hoose awgood. Marka la eego qaabka loo abaabulay, dadka ka soo qaybgalay iyo cidda maamulaysa, waxaa kaliya ee laga filan karaa in ay ka soo baxaan ceebo la soo qufo, sii kala fogaansho beelaha Soomaaliyeed iyo is nacayb ama dagaallo sokeeye ee hor leh:

Ø Qolada hadda sheegata in ay yihiin xukuumadda Somalia waxay ka soo farcameen shirkii 2da sano ka socdey Kenya kaasoo isagana lagu sheegay inuu yahay “dibuheshiisiin Somaliyeed”. Haddii haddaba ay Somalidu shirkaas ku heshiisey, muxuu yahay shirkan kale ee isagana lagu sheegay “heshiisiinta beelaha Somaliyeed?”

Ø Dhaqanka Somalida waxaa ka mid ah, in haddii labo beelood ay wax kala qabaan ama ay wax kala tirsanayaan ay iyagu gogol ku wada hadlaan kuna xisaabtamaan. Shirkaas waxaa labada qolaba uga qaybgali jirey shakhsiyaad lagu soo xulay waxgaradnimo, rabitaankooda ku yimid isla markaana aan lagu siinayn gunno iyo laaluush midna. Hase yeeshee, haddii ay dooddu ku adkaato waxaa u kala dab qaadi jirey ama dhexdhexaadin jirey beel saddexad. Dhaqanka Somaliyeed kama mid aha in xero laysugu keeno 100 beelood, lagu wareejiyo ciidammo hubaysan oo ay ka mid yihiin kuwo ajnabi ah isla markaana la siiyo lacag laaluush ah.

Ø Sida la wada ogyahay, shirka waqtigan ka socda Muqdisho kama ay soo qaybgalin oday dhaqameedyadii beelaha.

Ø 50% ka qaybgalayaasha shirkani waa taageerayaal khaas ah ee nimanka u yeertay (Cabdullahi Yuusuf, Cali Mahdi iyo Cali M Geedi)

Ø 50% waxaa lagu soo jiidey gunnada lacageed (USD 50) ee maalin kasta la siiyo.

Cid kasta oo shirkaas guul u saadaalisay, gaar ahaan dawladda Maraykanka waa kuwo aan la socon xaqiiqada ka jirta Somalia waqtigaan amase indhaha ka qarsanaya iyagoo wax ka og markaasna ku qanacsan warbixinta ay u gudbinayaan Melez Zenawi-ga Ethiopia iyo kuwa isaga ka amar qaata ee ku hadla magaca DFK (dawladda federalka kumeelgaarka) oo si wadajir ah u xasuuqaya una barakicinaya dadka Somaliyeed taasoo ay u sii dheeryihiin dibindaabyo kale sida xabbis, jirdil, kufsi loo gaysto dumarka lagana boobayo ama burburinayo hantidooda.

 

Danaha gaar ahaaneed ee ay shirka ka leeyihiin kornayl Cabdullahi Yuusuf iyo Cali Mahdi:

1. Danta kornayl Cabdullahi Yuusuf waxay tahay: in doontiisa sii degaysa (waa waxa loogu yeero DFK) uu shirkan uga sii dhigo cimri dheeri isla markaana uu Somalida iyo ra’yil caamka uga sii jeediyo Xabashida haysata Somalia ee uu isagu keenay iyo maxkamadda dunuubta dagaal ee sugaya.

 

2. Danta ugu jirta Cali Mahdi shirkan waxa ay tahay:

b) inuu mar kale dib ugu soo noqdo jagadiisii dagaal-oogennimada ee hore looga qaaday, iyo

t) in uu qiiq isku qariyo si uu uga badbaado dembiyadii dagaal (war crimes) iyo ku tumashadii xuquuqul insaanka (human rights abuse) ee uu galay muddadii uu horboodayey USC, dunuubtaasoo uu isaguba qirtay markii uu shirkaan ka yiri: “****** ayaa xadgudub iyo dhibaato u gaystay Soomaalida kale kana saaray Muqdisho”. Haddaba, maadaama uu isagu waqtigaa ****** madax ugu ahaa xadgudubka uu dusha ka saaray, sow ma ahayn inuu horta isagu qirto inuu mas’uul ka ahaa xadgudubkaas?

Culummada Islaamka waxaan ka soo xigtey, in haddii uu qofku gaal yahay uusan u siyadayn dembi kale noocuu doono ha sameeyee maadaama dembiga gaalnimadu uu buuxiyey sanduuqii lagu kaydinayey dunuubtiisa.

Waxaa kaloo nin aan cibaadada ku fiicnayn laga sheegay “hooba naar galaaso tiimboy” oo micnaheedu yahay: kolba haddii aad cadaab galaysid hoos u quus.

Mid kale oo ahaa tuug caan ah isla markaasna xaasid ah ayaa waxaa laga soo wariyey inuu nin miskiin ah oo isagu digaagga xada ka dhaadhiciyey in ay neef geel ah reero ka soo xadaan ka dibna ay wada qashaan hilbahana kala bartaan. Miskiinkii wuu ku dhacay godkii loo qoday oo dambigii ayuu wax ka galay. Markii la ogaadey in ay falka tuugada ku shirkoobeen, ayaa kii khatarta ahaa lagu yiri: war adiga hore ayaaba laguu yiqiin in aad burcad tahaye, maxaad miskiinkaan u galisey dembiga, markaas ayuu ku jawaabey: aniga miyaa doqon ah markaan kaligay cadaabta aadayo.

 

Haddaba, waa kuwee Cali Mahdi Maxamed iyo C/llahi Yususf Axmed?

Sida 2 qof ee kasta ee aadami ah, 2da nin waxay iska shabbahaan meelo halka ay meelo kale ku kala duwan yihiin. Is barbardhiggooda waxaan ku muujin doonaa anigoo magacyadooda ku soo gaabinaya:

CY: (Cabdullahi Yusuf); Cali Mahdi CM.

Labadan nin wuxuu mid waliba mas’uul ka yahay tillaabo halaag ah oon hortiis soo marin Somalia.

CM:

CM wuxuu mas’uul ka yahay goosashadii Gobolladii Waqooyi Galbeed ee Somalia oo hadda sheegta jamhuuriyadda Somaliland.

Markii dableydii USC ee uu ka tirsanaa ay Muqdisho ka saareen kalitaliye Maxamed Siyaad Barre, ayuu wuxuu CM isla maalintiiba isku magacaabay madaxweynihii Somalia, halkii ay USC isugu yeeri lahayd ururradii kale ee dalka ee iyaguna ka soo horjeedey xukuumaddii militariga sida SNM si markaa si wadajir ah loogu dhiso dawlad qaran.

Xukun-boobkaas USC wuxuu ka caraysiiyey Soomaalidii ku noolayd gobollo badan ee dalka gaar ahaan Gobollada Waqooyi, siiba Waqooyi Galbeed oo uu markaas dib u hantiyey ururkii SNM ee sida mintidnimada ah ula soo dagaallamay xukuumaddii askarta.

Saraakiishii hoggaaminaysey SNM iyo siyaasiyiintii kale ee Waqooyi Galbeed waxaa markaas u soo baxday in gooni isu caleema saarka USC iyo tixgelin la’aantooda qaybaha kale ee dalka, aysan ka muuqan rajo dhow ee dib loogu soo celiyo qarannimadii Somalia, sidaas darteedna waxay ku tillaabsadeen in ay maamul u sameeyaan dadweynaha Gobolladaas, kaasoo noqday in ay ku dhawaaqaan ka go’itaan Koofurta Somalia. Haddaba, in kastoo dad badan ee reer Waqooyi Galbeed ahi ay awalba wax ka tirsanayeen reer koofureedka, haddana dhaqankaas CM ayaa noqday mid ay uga calool duubtaan reer Wanla-Weyn (Koofurta) markaana ay tahay inuu isagu mas’uul buuxa ka yahay gooni u goosashadii Gobolladaas oo hadda la baxay jamhuuriyadda Somaliland.

CY:

CY waa shar ama musiibo loogu dawgalay Somalia. Waa shakhsiga kali ahaan Somalia u geystey halaagga ugu ba’an ee ebid soo mara. Wuxuu dalka u soo hoggaamiyey cadowgiisii ugu xumaa oo ah ciidammada xabashida ama Ethiopia. Sida aynnu wada ognahay, CY wuxuu xarun ka dhigtay Addis Ababa 30 sannadood ah muddadaasoo uu ku riyoonayey in maalin uun loogu yeero “madaxweyne” (fadlan mar kale akhri maqaalka cinwaankiisu yahay) intaanan dhiman Dheere iigu yeera ee halkan kuy lifaaqan. Haddaba riyadaas dheeri waxay kornaylka tustay in xalka kaliya ee uu yoolkaas ku gaari karaa ay tahay inuu Xabashida ku soo hoggaamiyo Somalia, isagana ay ku ilaaliyaan xaruntii Madaxtooyada ee Muqdisho ilaa uu ka dhinto isagoo aan dan ka lahayn in ay gebi ahaan Somalia u gacan gasho Ethiopia ka dib geeridiisa kulay ku tahay xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Haddaba, belaayo iyada ayaa is doonata ka dibna is dirsata!

Somalidu waxay tiraahdaa:

Shaydaan waa yahay wax hooyadiis dila; habar shaydaanna waa tahay wax la dilo:

CY waa yahay nin dirsada CM; CMdina waa yahay mid u adeega CY.

Waxay kaloo Somalidu ku maah-maahdaa:

Ushaada waxaa loo dhiibtaa ninka aad ka qaadan kartid.

Sida uu Melez Zenawiba usha ugu dhiibtay CY oo uu hubo inuu ka qaadan karo marka uu doono, ayuu kornayl CYna ulaha ugu dhiibtaa shakhsiyaadka uu hubo inuu ka qaadan karo marka uu doono, sida CM, CADDE MUUSE iyo maacuun/maxaysato badan ee kale.

Waxay kaloo ku laka duwan yihiin:

- CY waa askari halka CM uu yahay rayid;

- CY wuxuu siyaasadda ku jirey muddo ka badan 30 sano, hase yeeshee bilowgii ayuu dayoobey ilaa haddana siyaasaddiisu waa mid foorarta ee madaxa ku socota

- Siyaasadda CM waxay la bilaatay lana dhammaatay ururkii USC oo muddo yar ka horreeyey isla markaana raacay burburkii Somalia

- CM waxaa lagu xusuustaa xasuuqii 100 + nin ee Dugsiga Maxamuud Cali 1991kii

- CY waxaa lagu xusuustaa argagixisadii aan jirin ee uu ku sheegay Shimbiraale

- CM waxaa lagu xusuustaa suntii uu talyaanigu ku daadiyey xeebaha Somalia

- CY waxaa lagu xusuustaa “daad ayaa idin qaadin”

- CM waxaa lagu xusuustaa inuu adduunka ka naafto kaliya 91dii oo ahayd waqtigii ugu xumaa dagaalkii sokeeye (ka dibna uu la baxay Cali Naafto). Isaguna waxaa sida kornaylka sugaysa in la horgeeyo maxkamad dembiyada dagaalka si uu uga jawaabo dunuubtii uu ka galay shacabka Somaliyeed).

- CY waxaa lagu xusuustaa khaarajinta (assassination) dadka ay ku kala duwan yihiin afkaarta siyaasadeed, gaar ahaan mutacallimiinta ay ka midka yihiin culimmada Islaamka iyo Hoggaamiye Dhaqameedka

Waxay isaga mid yihiin:

- labaduba waxay ka qayb-qaateen burburintii Qarankii Somalia

- labaduba waxay mas’uul ka yihiin xasuuq dad badan oo Somaliyeed, kala qaybinta dalkii Jamhuuriyaddii Somalia, lunshasho hanti dadweyne, qax gudaha iyo dibeddaba ee Somalida

- labaduba waxay u bukaan xukun jacayl

- labaduba waxay caan ku yihiin qabyaalad indhala’

- labadaba waxaa lagu yaqaan hadal qallafsan iyo deelqaaf (CY) waxaa u sii dheer afla-gaadho)

- labadaba waxaa lagu yaqaan been (CY waxaa u sii dheer isagoo is faaniya)

- labaduba waa kali taliyeyaal

Kornayl C/Llahi Yusuf Axmed wuxuu dhex dabaalanayaa bad ceebo is dabajoog ah laga soo bilaabo SSDF, Puntland iyo tii ugu dambaysey ee ka soo raacday shirkii Kenya (waaba haddii ay ceebi qabato ama damqiso odayga!); Cali Mahdi-na wuxuu ku miidaamiyey ama uga xuub-siibtay mid ka sii fool-xun.

Haddii aad akhristow su’aalo ka qabtid maqaalkan, fadlan igala soo xidhiidh/xiriir emailka hoos ku qoran - Mahadsanid

 

Maxamed Xirsi

hermoham@aol.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornayl C/Llahi Yusuf Axmed wuxuu dhex dabaalanayaa bad ceebo is dabajoog ah laga soo bilaabo SSDF, Puntland iyo tii ugu dambaysey ee ka soo raacday shirkii Kenya (waaba haddii ay ceebi qabato ama damqiso odayga!); Cali Mahdi-na wuxuu ku miidaamiyey ama uga xuub-siibtay mid ka sii fool-xun.

Haddii aad akhristow su’aalo ka qabtid maqaalkan, fadlan igala soo xidhiidh/xiriir emailka hoos ku qoran - Mahadsanid

 

What a load of nonsence. Anyhow words are the last stronghold of the defeated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this