Sign in to follow this  
me

Puntland and her antics (Some jokes are getting tiring)

Recommended Posts

me   

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa sheegtay inay ciidamo amniga sugaya ay udirtay gobolka Cayn ee Puntland si ay uga qeybqaataan joojinta xiisado halkaas dhawaan ka dhacya,waxayna xukuumadu sheegtay in ciidankani aysan wax dagaal ah ka qeybqaadan doonin balse ay xasiloonidii halkaas soo celin doonaan.

 

Wasiiru-dawlaha Amaanka ee madaxtooyada Puntland ayaa sheegey in Ciidankaasi ay ku bexeen halka ay colaadu ka dhacday,waxaana uu intaas ku daray in lakala dhexdhigi doono dhinacyadii halkaas ku dagaalamay,isla markaasna ay iyagu la wareegi doonaan amaanka degmooyinka Buuhoodle & Widhwidh oo uu sheegey inay imika kacsanaani ka jirto. :D:D

 

"Halkaas dhibaato ayaa ka dhacday dhawaan,xukuuamda Puntand waa ay ka xuntahay oo labada dhinac ee dagaalamayba fariin amaanka in la'adkeeyo ah bay u dirtay,hadase amaanku waa caadi,waxaanuna dirnay ciidan intooda badani ay Buuhoodle tagayaan,waxayna ka qeybqaadan doonaan xoojinta amanka & in aysan dhibaato danbe dhicin"Ayuu yiri Wasiiru-dawlaha amaanka ee Madaxtooyad Puntland.

 

Hadalka Wasiirkan oo aanan si rasmi ah loo shaacin ayaa noqonaya midkii ugu horaysay oo ay xukuumadu si toos ah u shaaciso inay qorsheysay ciidan ka shaqeynaya Amaanka deegaano katirsan Gobolka Cayn isla markaasna ay ku amartay inay halkaas tagaan si ay xasiloonidii lagu yaqaanay usoo celiyaan,waxaa halkaas dhawaan garay Wasiiro & Xildhibaano kasocda dawlada Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Your nonsense is getting tiring, adeer how long has it been? :D

 

Also Puntland defeated the secessionist long ago, only to be betrayed by the likes of Xabsade a man you model your philosophy on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Mr. Somalia,Hada ma in aad na caydo ayaad keentay,

 

 

Faroole and his clannish fans are the real fools

 

 

Reer Puntland (Mudug/Nugaal/&Bari) wax maqla xaabsade marmarsiinyo idiin ma noqonayo , that old excuse expired, now it is 3 years.....

 

 

People of SSC will deal with Xaabsade and his snm militia, Puntland Should Mind Its Own Business, and stop Interfering with SSC.

 

 

------------

Xukuumada Puntland Aragnaye, Shacabka Mudug, Nugaal Iyo Qardho Muxuu Yahay Mawqifkiinu?????

Xukuumada Puntland Aragnaye, Shacabka Mudug, Nugaal Iyo Qardho Muxuu Yahay Mawqifkiinu.

 

 

Wednesday, May 26, 2010 - 04:11 PM

Send this story to someone Printer-friendly page

 

Shaki kuma jiro dhacdooyinkii shantii maalmood ee ugu danbeeyye ka dhacayey deegaanka ssc in ay kala hufeen oo kala haadiyeen aragtida ummadda Soomaaliyeed..

 

Dhacdada labaad waxay ahayd mid ay wadaagaan ummadda Soomaaliyeed oo ah xoojinta midnnimada Soomaaliyeed hasa yeeshee kuwa Soomaalidiidku ay weerarka gudaha ka soo qaadeen kuwaas oo weerar ku soo qaaday deegaanka widhwidh ee gobolka Cayn, oo isku mar sida lawada dareemay iyaga iyo itoobiya ku tashadeen in weerar lagu eekeeyo shacabka SSC.

 

Dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan way ku hanbalyeeyeen difaacaas ay galeen marka laga reebo Shacabka , Saxaafadda iyo maamulka Mudug , Qardho iyo Nugaal oo iyagu isku dayey in ay libinta isa siiyaan markii ay warbaahintooda ku faafiyeen in widhwidh ay isku haleeleen Ciidamo ka amar qaata Garoowe iyo Hargeysa, taas oo ahayd been tii ugu weynayd ee ay faafiyeen webebka beelaha Mudug, Nugaal Iyo Qardho Afkooda ku hadla ee kala ah, Allpuntland(Cumar Maxamuud, Mudug) Horseedmedia (Cismaan Maxamuud,Qardho) Radiogarowe (Ciise Maxamuud Garoowe) waxayna dhamaantood ka sinaayeen majarahabaabinta bulshada Soomaaliyeed iyaga oo hawshii beesha SSC ku tilmaamay mid ay u nisbeeyaan maamul Fadhiid ah ee Puntland oo aan la garan karin halka uu saldhigan doono.

 

 

Waa arrin jirta in shacabka ku dhaqan Sanaag Iyo Bari ee Moorasaante(Maxamuud ***** iyo Hinjiye) ay muujiyeen dareen lagu diirsado xataasaxaafaddoodu ay runta ka sheegtay dhacdooyinkii siday ahaayeen taasnawaa waajibkoodii oo ay ka soo baxeen waxaanu leenahay tol jira oo jooga noqda, shacabka ku dhaqan isna Bari ee Dashiishe in kasta oo aanay xumaan muujin haddana iyaga wasiir ayaa suuxiyey ilaa hadda saxaafad iyo shacab midna sanqadh lagama hayo.

 

 

Run ahaantii maaha cabasho qoraalkani hasa yeeshee waa muujin wixii dhacay, oo ah muddooyinkan danbe shacabka ku dhaqan Qardho, Gaalkacayo Iyo Nugaal waxay aad isugu dayeen in ay ku andacoodaan in maamulka ka arrimiya Garoowe iyo iyagu aanay shaqo isku lahayn oo ay yihiin iyagu shacab sidaasi daraadeedna aan waxa uu maamulka Garoowe 6 sanno ee ugu danbeeyey ku talaabsanayey aanay shaqo ku lahayn, waa arrin wanaagsan laakiin waxyaalaha lays weydiinayaa waxa aka mid ah.

 

 

Maxay tahay shacabka aan soo tilmaamanay dibad iyo gudaba ku dhaqan waxay had iyo jeer ay isku dayaan in ay muujiyaan in ay jirto kala qaybsanaan beesha *********** dhexdeeda ah, kaba soo qaad in beesha *********** kala qaybsan tahay, miyaanay jirin xilligii beesha ********** kala qaybsanayd ee dhuudo lagu dirirayey , taasina aysan keenin in la yidhaado Cismaan Maxmuud iyo Cumar Maxmuud ayaa diriray ee sutida loo qabtay kuwii markaa ka hor yimi maamulkii ummadda hoday ee la moodayey in lagu soo hiranayey, doonayeyna in ay kala dhantaalaan, maxaase ugu jira in shacabka Gaalkacayo, Garoowe iyoQardho had iyo jeer ku ifiyaan tooshka khilaafka SSC iyaga oo u adeegaya kuwa dabaqoodhiga u ah SNM.

 

 

Taas haddaan ka gudubno wali lama arag odayaal, Shacab, dhalinyaro intay ku shirtay Garoowe, Gaalkacayo, iyo Qardho mawqifkooda ku aadan dhacdooyinka SSC soo saaray tan iyo maalintii lala wareegay Laascaanood, shacabkaasi mid waliba waxaa lagu qafilay Dhulbahantaa is-haya ka dibna waxay awoodi kariwaayeen in ay xataa muujiyaan mawqifkooda Soomaalinnimo, oo marmarka qaarkood ay kaga dhiiran yihiin shacabka Muqdisho odayaal iyo dhalin yaraba sida tii hadda ka dhacday Buuhoodle oo oday dhaqameedka Muqdisho markiiba ka soo saareen hadalo cad cad muujiyeena mawqifkooda , hasa yeshee goboladaas aan laga hayn wax dareen ah marka laga yimaado qoraal ay dhawaan soo saareen niman doonaya in ay yidhaadaan anna waa ikan, oo qurbaha ku nool.

 

 

Dhacdadii ugu danbaysay ee Buuhoodle shacabka Laascaanood oo shacabkoodii la laayey way gadoodeen, hasa yeeshee wali ma maqasheen shacabka Gaalkacayo , ama Garoowe, ama Qardho ayaa Mudaharaad ay ku muujinayaan shacabkii la xasuuqay isugu soo baxay, maamulka Puntland isagu wuxuu sheegay in ay itoobiya walaalo yihiin, hasa yeeshee shacabkaasi waa aamusay.

 

 

Maanta waxay doonayaan in ay dhibco ku badsadaan shacabka ku soo dhaawacmay Buuhoodle iyaga oo warbaahintooda ku qoraya waxaanu heegan galinaya Cisbataalkii Gaalkacayo ma xuma waa arrin wanaagsan laakiin xaqiiqdu waxa weeye shacabka goobahaas aan soo sheegnay ku nool iyada oo aan laga hadlayn Puntland waayo Puntland tii ka dhaxaysay shacabka ku dhaqan Sool, Sanaag , Cayn , Mudug, Hayland, Karkaar , Nugaal maaha tii hore loo yaqaanay ee Puntland waa Puntland ku ururtay Garoowe sidaas daraadeedna maanta laguma tilmaami karo Puntland xalaal ah ee waala badhxay, sidaasi daraadeed, waxaa loo baahan yahay shacabka Gaalkacayo, Garoowe iyo Qardho in ay laba mid soo galaan hadaanay Xukuumada C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire la mawqif ahayn, iyada oo aynu ognahay in xukuumada fadhiiska ah ee Garoowe markay muwaadiniin u dhashay SSC u diiday in ay ka soo dagaan garoomada aanu shacabkaasi ku nool Gaalkacayo, Qardho iyo Garoowe wax dareen ah ka muujin ee ay aamusnaan iyo ogolaansho ku marxabeeyeen go,aanka C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire hasa yeeshee nasiib wanaag Maamulka Galmudug qaatay mawqifkiisa Soomaalinnimo una ogolaaday Hogaanka SSC in ay soo maraan dhulkay ka taliyaan, maanta hogaankii ku jiro gudaha Soomaaliya Cidna uga haybadaysanayn.

 

 

Shacabka ********** laba mid ayaa la gudboon , in ay Maamulka Garoowe ku daba Faylaan kuwooda ku dhaqan Galkacayo, Garoowe iyo Qardho iyo kuwaado dibada ku dhaqaniba, oo iyaga iyo Saxaafadooda ay ugu Horeeyaan allpuntland, horseedmedia iyo Radiogarowe faafiyaan wax guracan oo xaqiiqda ka fog sidaasna isu cadeeyeen.

 

 

Iyo In ay qaataan mawqif ku haboon oo iyaga oo garab iyo gaashaan sinaya kacdoonka shacabka SSC laga dareemaa, isla markaana maanta sida muuqata Go,aanka waxaa gacanta ku haya shacabka SSC ee talaabaday qaadaan ku taageeraan , haday noqon lahayd gudaha , qurbaha iyo Saxaafadooda oo mawqif ka duwan kan hadda muuqda la soo shirtagaan, mawqifkaas oo ah waan aamusnaanayaa, annaga iyo maamulka Garoowena isku mawqif ma nihin taasi waa mid aan kaa soconayn ee arragti cusub la imow shacabka ******teenoow, markaas ayaa laydin kala reebayaa idinka iyo Maamulka fadhiidka ah ee Garoowe.

 

 

Waxaana maanta Muuqata in shacabka SSC gacantiisa uu ku hayo go,aanka ah sidii uu ka yeeli lahaa xaaladda maanta jirta oo laga soo gudbay xilligii maamulka Puntland laga sugayey in uu wax ka qabto gobolada maqan ,shacabka Gaalkacayo Garoowe iyo Qardhoow halka kaalintii ku haboontahay ka soo baxa, oo u diyaar garooba xaaladaha soo socda ,haddii kale wax kale laydinkama rabee sida hadda aad wax kuwadaan idinka iyo saxaafadiinuba wax ka badala.

 

 

 

 

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

I agree with Mr. Somalia. That long excuse of Haabsade's local militia aiding the secessionists has to be discarded into the trash pin. How long shall Puntland wait and watch the arbitrary detention and arrest of its children, the merciless massacre of its people, the forced displacement of its families and the humiliating mistreatment of its elders?

PL admin had failed miserably first with Ade Muse's tenure and now with Faroole who should have tried to reverse this unique circumstance of constant violence and misery. It demands a unity of purpose and to rally our people around new policies of collective consciousness for the preservation of our phalanx and the restoration of the Republic.

 

It's time the legal endorsement of the elders who issued their Bo'ame declarations on Las Anod's liberation be put into a plan of action, meaning PL should release an ultimatum and its security forces must be readied for the recapture of that city and other towns. This is our last resort.

After the liberation, we should discourage and put a restraint on all manners of revenge and expansion into peaceful territories. It will only reinforce the well-known image of peace, tolerance, and progress that Puntland State projects to the rest of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

I’m very disappointed by the silence of the administration and lack of addressing this issue will only backfire on Faroole, Ilka Jiiir and their likes that are lead politicians of the community. Nevertheless, congrats to Xaglatoosiya’s effort, it seems as if a change of season began in Sool. The secessionists are afraid, weak and are backtracking as the day’s progress.

 

Xaglatoosiye will be the next president of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Xudeedi: We are still calling for peace and coexistence among our communities unlike the secessionist/invaders who are maiming, killing and harrassing the weak and elderly. As usual the die-hard zealots, expansionist, and egocentrist may not heed my advice but those who dont learn from history are doomed to repeat it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xudeedi Question time...ma ogtahay inta wiil ku dhimatay oo laga keenay mudug iyo nugaal iyo bari?ayna xabad dhabarka kaga dhuften rag ssc ah! yaa gacanta u galiyay cornel dayr. yaa la fakaday siritii ciidanka macal leptopkii cornel badiye oo aha taliyaha ciidan daraawishta?iyo docomenta ciidan uu lahaa! una gudbiyay somaliland? imisa gawaari dagaal ay la galeen somaliland?hubkii yiilay buhoodle ee aad u fara badnaa yaa u galiyay gacanta? snm?markii lagu yiri keena xarada 54?intaa iyo ceebo kalo badan aan rabin inaan halkaan ku xuso.

 

Garadadi markay yirahdeen cidamada puntland haka baxan las anod iyo kuwa somaliland ha joggan niyahow maxaa la sameya? Xitaa manta ayey ku heeshiyeen khususi oo ahayd hadu 60% of garadada is raco mucaradka waa inay la saftan majority halku tago. Bal ka soo qaad labadan garad jamac oo mucarad noqtey iyo garadada badana waxay raceen in puntland laga war sugo oo kalsoonida iyaga la siiyo iyo in garadada ka shaqeyan keliya midnimada ssc. Maxaa dhacey? 15 garads iyo 2 baa mucarad noqdey sow ma ahayn inay ka dhambeyan khususiga oo yiri halku 60% of the garaads isku raceen waa inay racan? Marka haday weli sheekadi wadan how can puntland risk sending their boys to such unreliable people oo dacad ahayn?

 

Please be realistic, I know ssc is delicate issue and i feel for the buhoodle citizen but nasibo daro waxaa ku dhacey reerkan talo xumo lakinse dadku ma xuma, dadku waa reer puntland waxaa waaleyo wa lacag qaatayaal oo isku sheego inay yahin siyasiinta gobolada ssc.

 

tusaale ka soo qaad shirki buura wadal, Haday garadada dagaal ku qaadi lahayeen labada jamac oo mucarad noqdey waxay u noqon lahayd puntland calamad in reer ssc serious ay yahin iyo dhaafi maayan jaajuusinta xitaa garadada, lakin nasiib taasi ma dhicin iyo waxaa la arkey in reerku weli xooga aysan dacad ahayn marka wiil loo direyo ma jirto. :D

 

Ps: Dont get me wrong i support the ssc thing but they need to start being honest before puntland gets involved lol. Dadka garowe joggo ma waxad mooda inay doqon yahin sxb? war way la socodan xaladaha halkasi ee dhibka tagan weli dadku dacad ma aha.

 

The issue of inter-puntland wars in 2002 was different case. All *****s united to attack the qardho people, why dont garaads unite with puntland and lets attack those garaads who are the ones really behind alot of this mess because they give the green-lights to these somaliland politicians to enter las anod? U can even see when garaads refuse somaliland the shicib refuse along with them as the case was in buhoodle. But the same case isnt the same in laska cause garaads are behind alot of it and now they see new opportunity where they can have their own mamul and disintergrate puntland which is not in our interest and if they were really serious they wouldn't be looking to split puntland up and cause puntland to be enemy. They just want puntland to be seen as the enemy of ssc thats their whole goals and their not outsmarting noone.

 

What truly disappointed me was the garaads who are puntland and thats the majority of them They didnt even ask for the garaads in buura wadal to be attacked and to give those two garaads an ultamatum either they jailed or exiled because they broke the khususi 60% majority formula.

 

So blaming puntland is easy, and sometimes i even do blame them but when i sit and think about all of ssc and the complexities there its not an easy issue. But i definitely support the stance that buhodle citizen took. I kind of hope puntland just over-rides the garaads and say sit back we dont need u anymore and we will capture the city by force, but then again that will make puntland look bad in the end :D

 

Its tough issue issue

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

 

Though lacking tact and discretion, I endorse your post, Mr Cowke.

 

The so-called Darawiish clan has buffoons for leaders; their so-called politicians and Garaads are ALL hopeless.

 

Marka jiq haku ahaato ee iska daa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

The so-called Darawiish clan has buffoons for leaders; their so-called politicians and Garaads are ALL hopeless.

 

Marka jiq haku ahaato ee iska daa!

wow..am not sure where to start this. But, you are a puntlander and you know where puntland stands in the issue of SSC. They are not ready to step up and lend a hand nor will they ever be ready. Yet instead of just at least supporting the SSC for their own efforts to free their lands here you are insulting them and their leaders? what you expect them? to give up on their land?? n what are you getting out of criticizing SSC?

 

I understand why Somalilanders are against the SSC since they want to forcefully take over the Ssc regions and have their own agenda and interests.

 

However,I am baffled and shocked that you as a puntlander will hold this opinion and talk in this disrespectful/hateful manner.

 

And, you are not the first puntlander who I saw shared this opinion with you in Sol. How disappointing.

 

marka jiq in ay ku ahaado ma wax fican baa? ka waran when we stood by puntlanders as SSC throughtout the history...is this our compensation???

 

Next time when Puntland faces difficulty we have learned our lesson

 

jiq haku ahaato will be the answer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Originally posted by Aliyahh:

quote:The so-called Darawiish clan has buffoons for leaders; their so-called politicians and Garaads are ALL hopeless.

 

Marka jiq haku ahaato ee iska daa!

wow..am not sure where to start this. But, you are a puntlander and you know where puntland stands in the issue of SSC. They are not ready to step up and lend a hand nor will they ever be ready. Yet instead of just at least supporting the SSC for their own efforts to free their lands here you are insulting them and their leaders? what you expect them? to give up on their land?? n what are you getting out of criticizing SSC?

 

I understand why Somalilanders are against the SSC since they want to forcefully take over the Ssc regions and have their own agenda and interests.

 

However,I am baffled and shocked that you as a puntlander will hold this opinion and talk in this disrespectful/hateful manner.

 

And, you are not the first puntlander who I saw shared this opinion with you in Sol. How disappointing.

 

marka jiq in ay ku ahaado ma wax fican baa? ka waran when we stood by puntlanders as SSC throughtout the history...is this our compensation???

 

Next time when Puntland faces difficulty we have learned our lesson

 

jiq haku ahaato will be the answer.
I don't see where mr.somalia insulted the darawish people? but I do see that he called the garaads/politicians of ssc totally useless and if you have looked at their behaviours lately then you will see that mr.somalia is right dadkasi waxaa ku dhacey nasib ***** xaaga talada. All somalis have bad leaders but this clan takes the cake because its not just siyasiin that are nutcases but also some of the traditional clan elders.

 

The ssc is delicate issue sxb and anyone who is honest to themselves and looks at it without any bias will see Puntland is stuck and doesnt have trustworthy leader to work with in las anod. How can we work with garad jamacs and it was those two sub sub clans of ssc that fought puntland and got rid of puntland from laska, and it's still those two running around even breaking the khususi agreement they just recently signed.

 

If their not being honest khususi level, imagine how many other places they wont be honest? would you risk boys? because sxb I wouldnt even though emotionally speaking i would love to go to ssc and smack all the somalilanders but strategtically speaking puntland needs honest partner to work with ssc and that is lacking badly

Share this post


Link to post
Share on other sites

The funny thing is if tomorrow Sland is kicked out of every village in Sool, Cowke will come in running and say Puntland liberated the place.

 

Cowke...Take it easy Rambo. Soomaali isma dhaanto iyo dhasheed waayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this