Sign in to follow this  
Emperor

Somali Poet, Abshir Bacadle on Zamzam's case; Abshir oo Jawaab ka bixiyey (Gabay)

Recommended Posts

Kowneyn   

JAWAAB KU SOCOTA ABSHIR BACADLE

 

Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo “Gobannimo†soona baxday 8dii January 2005 waxa ay u jawaabaysaa Axmed Faarax Nuur(Abshir Bacadle) gabaygiisa uu ka tiriyay inanta yar ee Hargeysa lagu xidhay. “Gobanimoâ€

 

 

1. Gaafmeeray maalmahan sidii; Goosad lay yidhi

 

2. Nin uun baa gartaydana ogoo; Dedaya uun goore!!!

 

3. Abshirow guyaalladan ma tirin; Gabay xidhiidhkiiye

 

’ 4. Geeraar ma soo curin intaan; Gudiyay qaafkiiye

 

’ 5. Godka lagu negeeyiyo ka tegay; Gobolladiisiiye’

 

6. Galladdiisa niman baa badshaan; Sii guraay idhiye

 

’ 7. Waxse maanta igu soo gingimay; Maanso gelisteeda’

 

8. Gujadaada weeyee bal aan; Galalka baadhbaadho!

 

9. Garta inanta lagu foororshiyo; Kiiskan go’iwaayay’

 

10. Sheekada galbeed iyo Nugaal; Geeskastaba dhaaftay’

 

11. Gasac iyo xumaha lays marshiyo; Hadalka geesaasan

 

12. Gurrac iyo inuu khalad ku jiro; Kuu garawsaniye’

 

13. Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad; Gelisay baaruudda’

 

14. Magaadliyo godkaad taabataan; Gocanayaa mooyi

 

15. Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi!

 

16. Godobtaad ***** taarataan; Gocanayaa mooyi!

 

17. Lixdankaad ku goobyaashay baan; Goconayaa mooyi!

 

9. Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka wada taagan

 

10. Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta

 

11. Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro guuxaaya

 

12. Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin?

 

13. Miyaanaan go’aammiyo ka qorin; Xeerar wada geydhan?

 

14. Miyaanaan xilkii nala gudboon; Garannin dawgiisa?

 

9. Gar ilaah taqaan baa Islaam; Gole ka naadshaaye’

 

10. Garaad diin leh baan kuu maqliyo; Caalin gaammuraye’

 

11. Misna taadu good iyo ka daran; Guba ku nooleeye’

 

12. Iyadoo geyiga aan fadhiyo; Culimo guurayso’

 

13. Oo ay diintu gaashaan u tahay; Gebi astaantayda’

 

14. Gacalkaaga anigoo ah iyo; Garabka xooggiisa’

 

15. Maxaad gaalo ii daba-dhigtiyo; Xabashi gaankeeda?

 

16. Gabaygii wadaadkii miyaan; Lagaba guuraynba?

 

17. Gefka aniga lay bado miyaan; Qalin geyaa joogin?

 

33. Gobollada isdiidiyo anoon; Gelin ammuur sheexan

 

34. Dhulkaad tayda geysiyo anoon; Gacantogaalaynin

 

35. Badahaas guntoodiyo anoon; Gaadhin dhagartaada

 

36. Taariikhda guunka ah anoon; Dib ugu guuraynin

 

37. Gelin hore wixii dhacay bal aan; Guudmar ugu laabto!

 

38. Guudkayga nabarraa ku yaal; Boogo gaammuraye’

 

39. Feedhaha goshayduu damqaa; Weli gunaadkiiye’

 

40. Gurbood iyo dhallaan lama hambayn; Gawricii dhacaye’

 

41. Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo; Socodka goynaaya’

 

42. Gadhcasiyo dhallaan kama ay tegin; Gaasaskii helaye’

 

43. Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo; Go’o nawaaxeeda’

 

44. Guudka Ceerigaabiyo, Berbera; Godanka Shiikh yaallo’

 

45. Gabaahiir Hargeysaa la baday; Maalin gelinkeede’

 

46. Gaal baaba loo soo dalbaday; Gelelefkaygiiye’

 

47. Guullaha Raxmaankaa baxshiyo; Geeljirii kacaye’

 

48. Inaan gaag ka hadhin baa tashiga; Loo guddoonsadaye’

 

49. Intaas oo guhaad igu dhacdiyo; Aafo igu geydhan’

 

50. Inaan godob ku seexdiyo ma rabo; Aano iyo giire’

 

51. Goosashada adaan Faaraxow; Gawska ku adkaynin’

 

52. Gar ninkii akhriyay waa inuu; Xaqa ku gooyaaye’

 

53. Gobollaa israaciyo mar bay; Garo irmaanaatay

 

54. Waxba beri gu’ baa lays ogaa; Gaawe haw culanne’

 

55. Godkaas waxa fadhida xaajo aan; Laga geyoonayne’

 

56. Laba gudub ahaatoo tolnimo; Guudka ka wadaagta’

 

57. Geelaaga oo kuu tarmiyo; Kayga garabjooga’

 

58. Gacal, gacal hantiyay ay farxadi; Gunudday laabtiisa’

 

59. Gobannimo bartaasay jirtaa; Garashadeed qaado’

 

60. Geeraarka maantana waxaan; Talo ku soo gooyay

 

61. Gacalow ha marin surimadaad; Gabayga qaadsiiyay

 

62. Anna gocasho taan qabo xumaan; Ha igu gaadhsiinnin’

 

Nabaadiino

 

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK 08 January 2005.

http://www.horyaal.co.uk/modules.php?name=News&file=article&sid=665

 

CABDILLAAHI GABAYGIISANI JAWAAB MAAHE WAXAY ILA TAHAY WA CAQLI CELIS. WAAYO AFLAGAADADA CAD DHIRBAAXA LOOGU JAWAABI JIRAY SIDII SALAAN CARABBAY, DHIRBAAXO JAAN ETC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

A classic example of a buraanbur and how Abshir Bacadle can go down in history as one of icons in the buraanbur world...... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

This poem is obviously a response to Bacadle’s charge leveled at the Beesha Vice-president hails from. This is a poem despite Gediid’s belittling comment.

 

Bacadle’s point:

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay

Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin

Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede

 

Addressing the point head on:

Magaadliyo godkaad taabataan; Gocanayaa mooyi

Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi!

.

.

Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka wada taagan

Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta

Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro guuxaaya

Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin?

 

Technically Bacadle is in a box unless he goes back and clarifies his point being as one that is aimed at the administration but not the beel. Note how Abdillahi is not denying the injustice done to the lil kid but he's taking issue with the contention that this was a tribally motivated case rather than an isolated criminal case and all the folks who stood by the Samsam's side are from the very same beel Bacadle accused of being indifferent to the blight of Samsam. That's my reading of these 2 poems.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this