Sign in to follow this  
Juje

Yeey and Geedi are in odds..!

Recommended Posts

The last editorial cartoon by Amiin Caamir needs that famous soundtrack from The Good, The Bad and The Ugly's one of its film scores.

 

Dharara dhararan dhararaaaaaaaaaaan

Dhiriri dhii dhiid dhiiiiiiiin

 

We have both the 'ugly' and the 'bad' in that political cartoon. Kalint Istuud's the 'good' is missing, though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Baarlamaanka oo soo hadal qaaday khilaafka madaxweynaha & raísul wasaaraha & xildhibaan si gaar ah uga warbixiyey waxa uu ku saleysan yahay khilaafka labada masuul

 

Xildhibaanada baarlamaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa labadii cisho ee u danbeeyey isla soo qaaday qodobka ku saabsan khilaaf muddooyinkii u danbeeyey la hadal haye inuu u dhexeeyo madaxweynaha dowladda federaalka & raísul wasaarihiisa, waxeyna dooda xildhibaanadu ku biyo shubatay in arrintaasi ay soo eegaan, kana soo talo bixiyaan qaabka loo wajahayo guddiyo madax looga dhigay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaanada qaar ayaa muujiyey in khilaafka madaxdu ku saabsan yahay arrimo siyaasadeed & dhaqaale, isla markaana qodobka ugu weyn ee ay isku haystaani ay tahay arrinta la xiriiro shidaalka laga baarayo Puntland, oo madaxweynuhuna doonayo in qaraarkaas la laalo, halka raisul wasaaruhu u ololeynayo in baarlamaanku ka doodo, kana soo saaro goáamo ad-adag, iyadoo socdaalkii la filayey in raísul wasaaruhu ku tago Puntland loo baajiyey sababo la xiriiro madaxweyne Cadde oo diiday booqashada Geeddi.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in madaxweynaha & raísul wasaaraha ay ku socdaan labo wado oo is diidan, wuxuuna sheegay in madaxweynuhu doonayo in uu ka taqaluso Geeddi, isla markaana u sheego baarlamaanka in dhinaciisa ay kaga soo dhammaatay Geeddi, iyaguna ay goáan ka gaaraan, halka Geeddi uu ku guuleystay in uu kalsooni ka helo inta ugu badan xildhibaanada baarlamaanka.

“Geeddi wuxuu la heshiiyey dhammaan xildhibaanada beesha ****** ee ku jira baarlamaanka, wuxuuna ku guuleystay in uu taageero buuxda ka helo xubnihii hogaamiye kooxeedyada la oran jiray ee baarlamaanka ku jiray, C/llaahi Yuusuf wuxuu doonayey isagoo adeegsanaya garsoorka in uu xilka ka qaado Geeddi, taasina ma dhicin, marka haddii baarlamaanku uu soo gaaro khilaafaadka siyaasadeed waxaan u wajaheynaa sida uu axdigu qabo, waxaadna moodnaa in weli ay qarinayaan C/llaahi Yuusuf & Geeddi” ayuu yiri xildhibaankaas.

 

 

C/fataax Aweys Xuseen-E-mail: diinle66@hotmail.com

 

 

Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this