Sign in to follow this  
Emperor

Puntland parliament approves election committee + multi-party system

Recommended Posts

Emperor   

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Puntland

November 23, 2010

 

 

Baarlamaanka Puntland ayaa fadhigoodi maanta isku raacay in la meelmariyo xeerka guddiga doorashooyinka Puntland, kaas oo xukuumadda Puntland ay u soo gudbisey Baarlamaanka.

 

Fadhigii maanta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale, waxaana xildhibaanadu ay weydiinayeen su’aalo ku saabsan xeerka kuwaas oo wasiirku uu iftiiminaayey haddii meelaha qaar mugdi ku jiro.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saxaafadda u sheegay in xeerka doorashooyinka Puntland ay ka doodayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafey, fadhigii maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo xaadir ku ahaa 42 Xildhibaan. Xildhibaanada ayaa u codeeyey xeerka doorashooyinka Puntland waxaana oggolaadey 32 xildhibaan, halka 10 xildhibaan ay ka aamuseen.

 

Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Jimcaale ayaa sheegay in xeerkan uu ka kooban yahay 21 qodob oo sii kala baxaaya, isla markaana uu goobta u yimid in xildhibaanadu ay ka weydiiyaan wixii su’aalo ah ee caddeyn u baahan, Wasiirka ayaa sheegay in maanta hawl weyn ay qabsoontey, wixii hadda ka danbeeyona la sugaayo in la magacaabo guddigii doorashada ee Puntland gaarsiin lahaa in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee aan rasmiga ahayn ayaa ka koobnaan doona 9 xubnood, 5 kamid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Puntland halka inta kale ay soo magacabaayaan Golaha Wakiilada Puntland.

 

Xeerka maanta (Isniin) ay xildhibaanadu ansixiyeen ayaa shaqeyn doona tan iyo marka ay soo baxaan saddexda xisbi ee rasmiga ah isla markaana hela codadka ugu badan doorashooyinka golaha deegaanka, kadib waxaa la soo dhisayaa guddiga doorashooyinka Puntland ee rasmiga ah.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa balan qaadey in Puntland uu ku gaarsiin doono nidaamka xisbiyada badan kahor dhamaadka mudada xilkiisa, waxaana laga dhursugayaa sida loo taabo geliyaa hawsha dimoqraadiyeynta iyo dawlad wanaaga ee Puntland.

 

Maxamed Siciid Yusuf

Horseed Media

Garowe Puntland, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee aan rasmiga ahayn ayaa ka koobnaan doona 9 xubnood,
5 kamid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha
Puntland halka inta kale ay soo magacabaayaan Golaha Wakiilada Puntland.

&

Xeerka maanta (Isniin) ay xildhibaanadu ansixiyeen ayaa shaqeyn doona tan iyo marka ay soo baxaan
saddexda xisbi
ee rasmiga ah isla markaana hela codadka ugu badan doorashooyinka golaha deegaanka, kadib waxaa la soo dhisayaa guddiga doorashooyinka Puntland ee rasmiga ah.

Yea, that's it - now sing with me;

Ku dayo Somaliland, ku dayo ...

Istakhfuranllah, sorry, sorry, i meant....

Ku Dayo Puntland, Ku Dayo Puntland :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Ma ceebbaa? qof haduu wax fiican sameeyo in lagu daydo?

 

Howshaan ceebta ay leedahay ood kumucaaradayso maxay tahayna?

 

It's great news for the region waryaa, and lets hope peace, prosperity and development for all of Somalia and every corner of the republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maya ceeb ma aha in wixii wax fiican sameeya lagu daydo, balse waa wax aan faa'iido lahayn haddii lagu daydo wixii kuwa kalabe u shaqayn waayey.

 

as for your last sentence - i fully agree with and i hope and wish the same for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Originally posted by Sayid*Somal:

maya ceeb ma aha in wixii wax fiican sameeya lagu daydo, balse waa wax aan faa'iido lahayn haddii lagu daydo wixii kuwa kalabe u shaqayn waayey.

Im not sure about the point you are making, could you eloborate...

Share this post


Link to post
Share on other sites

it is all well and good to follow the good example set by others - but is not beneficial to follow the example that does not even work for those that set it.

e.g 3 party system, majority of the election commission being chosen by the seating president

and things of that nature plus all the other previous things done by SL and then copied by PL, like deportation of fellow somalis, rendition etc. etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Actually, in SL, the president only appointed three members of the seven member commission. Farole is naming five out of nine. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^But that's only tempo waryaa, what part of the news did you not get.

 

Sayid:

e.g 3 party system, majority of the election commission being chosen by the seating president

His constitutional power allows him to do that right now but that too will change soon (Rome was not built in a fortnight), it's only temporary.

 

Guddiga Doorashooyinka Puntland
ee aan rasmiga ahayn
ayaa ka koobnaan doona 9 xubnood, 5 kamid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Puntland halka inta kale ay soo magacabaayaan Golaha Wakiilada Puntland.

Sayid, why did you miss that bolded part, given that the committee is only temp and the fact that things change gradually, this is a non issue and your protest is futile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor, me protest? please! - is not my protest (which i never do as matter of principle) that should worry you - but those that will protest on the premise (whether real or imagined) that they are being sidelined from important decisions.

 

if the temporal things set the stage for the permanent things then it stands to reason to say that this temporal steps matter a great deal.

 

Ngonge - SL started the process the same way - did it not?

Share this post


Link to post
Share on other sites

me protest? please! - is not my protest (which i never do as matter of principle) that should worry you - but those that will protest on the premise (whether real or imagined) that they are being sidelined from important decisions.

 

if the temporal things set the stage for the permanent things then it stands to reason to say that this temporal steps matter a great deal.

 

Ngonge - SL started the process the same way - did it not?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this