Sign in to follow this  
miles-militis

Hadrawi Co received cordial reception in Bosaso

Recommended Posts

Abwaan Hadraawi oo maanta soo gaaray Bosaaso.

Bosaaso, [MOL] 09 August 2003- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso abwaan Hadraawi oo xalay ku soo dhaxay magaalada Qardho.

 

Abwaanka ayaa waxaa ka soo galbiyey magaalada Qardho wafti uu horkacaayo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdishakuur mire.

 

Soo galitaankiis Boosaso waxaa soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo la qushuucsanaa socdaalka barnaamijka nabada ee abwaanku lu marayo gobolada Somaliya oo dhan.

 

Dadka oo kooxo kooxo ah ayaa tunaa hareeha dariiqyada waxayna ruxayeen caleemo qoyan iyo calanka Somaliya. Maamulka gobolka Bari ayaa isna diyaariyey soo dhowayn qiimo badan oo loogu talagalay soo dhowanta waftiga waxayna Boosaaso jogayaan in aan ka badaneeyn habeen keliya oo caawa ayaa la filayaa inay u sii gudbi doonaan dhinaca soomaliland oo la filayo sida lagu helayo wararka dul duulka ah in aan loo ogalaan doonin sidoo kale waxaa shalay laga masaafiryay Soomaalinad hay'da Novib oo iyadu barnaamijkaan soo yagleeshay ka dib markii ay shalay joojisay siminaar ay ka waday halkaasi.

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Samurai,

As always thanks for the updates.

 

_______________________________________________________________________

 

Kooxaha Fanka oo bandhig dhaqameed layaab leh ku soo dhaweeyey Wefdiga Nabadda ee Hadraawi Horkacayo

 

Xaladii_fanka_ee_Gobolka_ka_dhacday.JPG

Cabdi Muxumud Iyo Hadraawi oo ka dhexmuuqda waftiga nabadda.

 

Waxaa bandhig dhaqameed aad loo soo agaasimay oo ay ujeedadeedu ahayd in lagu soo dhaweeyo Abwaanka Hadraawi iyo wafdiga uu hogaaminayo lagu qabtay Xarunta Gobolka Bari , xafladaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin faro badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bari iyo Ururo Bulsho .

 

 

Waxaa sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyey Martidii loogu talo galay in Habeenimadaasi la maaweeliyo oo xagga fanka loola baydho , maadaama ay iyagu waa wafdida Hadraawi ee nabada’e ay u badanaayeen rag fanka iyo majaajilladaba ku hora maray oo ka mid yahay Maki Xaaji Banaadir oo isago wefdiga la socday .

 

abwaaniinta_oo_meesha_si_weyn_uga_heesay

Fanaaniintii ka qaybgashay xaflada soo dhoweynta waftiga nabadda.

 

Xafladaasi dhaqanka iyo fanka Soomaalida ah ma aanay ahayn uun keli ah mid lagu maaweelinayo Wefdiga, balse waxay xambaarsanayd farriimo Nabadeed oo inta fan lagu ladhay heeso ahaan iyo maansooyinba lagu soo bandhigay .

 

 

Abwaaniinta hawshaasi Soo dhaweynta xagga fanka ah wadey ayaa waxaa ka mid ahaa abwaaniin Hore caan ugu ahaa Xagga fanka iyo hal abuurka Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen Abwaanka weyn ee Ibraahim Cajaa’ib iyo Maxamuud Cismaan Fooldhuub oo ka mid ahaa abwaaniinta Qaranka Soomaliyeed .

 

 

Abwaaniintaasi ayaa soo jeediyey maansooyin qiiro leh oo ka hadlaya qaranjabka ku dhacay Ummadda Soomaalida iyagoo dhanna ka xusayey qiimaha iyo macaanka dhabta ah ee ay Nabaddu leedahay .

 

 

Dadkii isugu yimid halkaasi ayaa aad ugu riyaaqsanaa kooxda Masraxu waxyaalaha ay ku soo bandhigeen halkaasi iyo fanka Cajiibka ah ee Soomaalida oo dad badan soo xasuusiyey xilligii qarannimada Ummadda Soomaaliyeed ee Fanku qiimaha weyn ka lahaa oo Ummaduna ay qaddarinjireen Bahda ku abtirsata Fanka .

 

koox_majaajilaynaysa.JPG

Qaybo ka mid ah ruug cadaagga abwaaniinta soomaaliyeed, maanta reer Boossaso

 

Goobtaasi bandhiga lagu dhigayey ayaa waxaa fadhiyey Wefdigii yimid oo caweys la yaab leh ka helay halkaasi , waxayna la qushuucsanaayeen Ereyada fanka ee halkaasi ka yeedhayey iyo weliba Abwaanadda oo is far fahmayey badankood kana hadlayey hirar aan dadka kale hore wax uga maqal oo abwaan uuni wax ka maqli karo .

 

Sanaag.Net

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Wefdigii Socdaalka Nabadda ee Hadraawi oo dadweynaha reer Boosaaso uga khudbeeyey Garoonka Kubbadda Cagta

 

shacabkii_Garoonka_isugu_yimid_.JPG Dadweyne ka soo qaybgaley khudbadda Hadraawi iyo waftiga nabadda.

 

Abwaanka sida weyn loo sugayey ee Hadraawi ayaa uga faallooday ummadii halkaas timid ujeedada Socdaalkiisa oo sheekeeyey sida uu Qurbaha iyo cariga ingiriiska uga soo laabtay si uu ummadiisa wax ula qaybsado , abwaanku wuxuu kaloo sheegay isagoo la hadlaya Ummadiisa in dalkii markuu burburay ee kala googo'ay aanu isagu la googo'in ee ay Ummadda soomalidu isugu mid yihiin , wuxuuna Yiri ma ahan xikmaddu inaan ka waramo meesha aan degenahay oo Burco ah, balse waa inaan Ummadda soomaalida ah ka wada warami karo . isaga oo abwaanku ka hadlaya sida uu uga fogyahay arigtada Soomaalida ee hoos u daadega qabyaaladda ayuu yidhi annigu xayndaabka Soomaalida mabda'aygu waa uu ka fogyahay . isaga oo ka hadlaya Nabaddana waxa uu yidhi Calaamadda Nabadu Qori ma aha marka qoriga la waayo ayaa nabaddi taam tahay wuxuuna yidhi sidoo kale anniga Socdaalkaygu waa inaan ummada oo dhan anniga oo ay ijeceshahay aan ka dhexbaxaa , abwaanka ayaa tiraabtii uga baxay tix yar oo duco ah oo uu Eebe Nabad ugaga baryayo oo tiriyey 1995tii markii uu joogey Carriga Ingiriiska .

 

Hadraawi_oo_ka_hadlay_Fagaaraha.JPG Abwaan Hadraawi oo ka khudbadaynaya fagaare laysigu yimi Bossaso.

 

Waxaa isna sidoo kale tix ka soo jeediyey abwaanka lagu magacaabo Mustafe Sheekh Cismaan , sidoo kale waxaa maanso isna halkaasi ka jeediyey Axmed Cabdi Gaashaan oo ah Abwaan Soomliyeed ahaana Ninkii hore u curiyey Riwaayadii la magac baxday shan iyo tobankii Shuumay .

 

 

Wefdiga oo aad dadku u xiisaynayeen ayaa weli wata socdaalkooda lagana yaabaa inay kulamo danbe la kala yeeshaan Qaybaha kala geddisan ee Bulshada maalmaha soo socda.

 

 

Gebagebadii ayaa la gaaray goortii libdhadu ay xerootay dadkii halkaa yimid oo aan weli kadhergin xikmadihii Abwaanada doonayeyna in ay maqlaan marar badan , waxaana ka muuqday dadka wajigooda farax iyo raynrayn ay Nabadda iyo wefdiga Nabaddoonka ee Hadraawi ay u hayaan , farax iyo sacab ayaana lagu macasalaameeyey .

 

mas_uuliyiin_iyo_wefdiigii.JPG Abwaaniinta waftiga iyo masuuliyiinta degaanka oo wada shawraya.

 

 

http://sanaag.net/news/2003/somalinews/puntland/100803faraarehadraawi.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Wefdigii Socadaalka Nabadda ee Hadraawi oo si weyn looga soo dhaweeyey Deegamada Puntland

 

Waxaa shalay gelinkii danbe Bossaso soo gaadhay weftiga nabada iyoiskuxidhka dareenka nabadda oo ay ka dhexmuuqdaan abwaaniinta ah xanjada isu haysa dareenka iyo midnimadda Soomaaliya sida, Maxamed Axmed Ibraahim "Hadraawi", Cabdi Muxumud Amiin IWK. Waa kan weriyaha Sanaag|net uga soo warama waqooyi-bari Soomaaliya oo joobjooge ahaa markii waftida nabaddu ay soo galeen magaalada Bossaso.

 

 

dhalinyarad_oo_agtaagan_Baabuurtii_wefdi Waftiga nabadda ee Hadraawi oo soogalaysa Bossaso

 

Wefdigan oo uu horkacayey abwaanka caanka ah ee lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa in dhawaaleba socodaal nabadeed ku marayey meelo kala geddisan oo ka mid ah Soomaaliya , iyagoo toddobaadkii ina dhaafay oo dhan ku sugnaa deegannada Puntland ayey la kulmayeen soo dhaweyn aad u ballaadhan iyo u bogaadin xiiso leh .

 

Meelihii sida weyn looga soo dhaweeyey intii ay ku marayeen socdaalkooda deegannada Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Qardho oo ay wafdigu xalayto u hooydeen , halkaasi oo ay kala kulmeen dad aad u faro badan oo kaga hortagay meesha lagu magacaabo Yako oo qiyaastii 30km dhanka Garoowe ka xigta Degmadaasi Qardho , dadka ku dhaqan Qardho ayaa ku soo dhaweeyey Fardo aad u qurxoon oo wiilal aad u bari yaqaanaa ay rikaabka u hayaan, sidoo kale waxaa wefdiga laga soo dhaweynayey dhamaan tuulooyinka ku teedan wadada u dhaxaysa Qardho iyo Bosaaso .

 

 

Duhurnimadii shalay ayaa wefdigu soo gaareen magaaladda Boosaaso halkaasi oo ay soo dhodheeyeen dadwyyne aad u badan oo ah shacbiga Boosaaso iyo madaxda maamulkaba.

 

Dad aad u faro badan oo wata baabuur ayaa kaga hortagay wefdiga meel qiyaastii 90km u jirta magaalada Boosaaso kagana aaddan dhanka Koonfureed. Soo dhaweyntaasi wefdiga Nabadda ayaa waxaa si weyn uga qayb qaatay Madaxda Dawladda oo hogaaminayo Duqa Magaalada Boosaaso Mud. Bashiir Siciid Aaden iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Hay’adaha maxalliga ah .kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Ururka Ardayda Puntland (PSA) oo si fiican dawr wax ku ool ah uga

 

wefdiaga_oo_si_weyn_loo_soo_dhaweynayo.J Dadweyne isugu soo baxay soo dhoweynta Waftiga abawaan Hadraawi

 

qaadatay soo dhaweynta , muujiyeyna kaalinta ay ku yeelan karaan Ardayda ama dhallinyaraduba Nabadda iyo u ololaynteeda .

 

 

Waxaan halkaasi ku arkayey Baabuur aad u faro badan oo ay saaran yihiin Arday boqollaal kor u dhaaftay oo watey halku dhigyo xambaarsan Nabadda iyo qiimeheeda , waxaana la ii sheegay in Ururkaasi PSA uu soo agaasimey . sidoo kale waxay halkaasi ku gacan qaadeen Ardaydu Wefdigii Nabadda iyagoo abwaankii caanka ahaa ee Hadraawi halkaasi salaan iyo bogaadin u soo jeediyey .

 

 

Sidoo kale waxaa iyana soo dhaweynta ka qeyb galay Hay’addo samofal ah oo ay kamid ahayd OTP. Wefdigaasi ayaa la dejiyey Hoteel Panorama oo ku yaal magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay martigelinta waftida nabada muddo looga diyaargaroobayey, hurdadana looga diyaariyey ayey ku yara nasteen .

 

Ururka_PSA_oo_Wefidaga_soo_dhaweynaya.JP

Dhalinyaro sugaya soo dhoweynta Waftiga

 

 

Wefdigaasi Socdaalka Nabadda ee abwaan Hadraawi ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi. Iyo Guddoomiyaha Shabakada Nabadaynta ee INXA C/laahi Xaaji Dayib, Cabdi Mohuxud Amiin iyo fanaaniin kale , suxufiyiin ka socda idaacadaha iyo bogaga internetca ee Muqdisho oo ku weheliyey Safarkoodaasi .

 

Dadkaasi oo la kulmay soo dhaweyn tii ugu habooneyd ayaa la oran karaa waxay la soo kowsadeen xilli Deeganada Puntland Nabad taam ah laga hirgeliyey oo ay dadku Nabadda macaankeeda dhadhamiyeen una ooman yihiin in Nabad Soomooliya mar uun lagu soo dabbaalo.

 

 

abwaanka_oo_la_daadihinayo.JPG

Hadraawi iyo dhalinta ururka dhallinyarada degaanka

 

 

Sanaag.Net

Share this post


Link to post
Share on other sites
hacker1   

So far so good. i all a know about this man is that he was ex-singer and an anti sayid barre regime. which i 100% agree on that point. but lately, he has been stationed in certain regions of our country. i really have not heard his speechs via bbc or any non-partial forms. cut/paste doesnot really tell the whole truth! so Mr hardraawi needs to establish his forum where he can communicate his ideas to the masses!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Wefdigii nabadda Hadraawi oo u aqoonsaday Ururka PSA kuwii ugu soo dhaweynta wanaagsanaa Soomaaliya

 

ka_soo_qayb_galayaasha_xaflada_soo_dhway

Gabdhaha dhigta machadka lagu soo dhoweeyey waftiga.

 

Xafladdaasi oo ay ka soo qaybgaleen wefdigii Socdaalka Nabadda ee Hadraawi iyo Mas?uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu Hogaaminayo Xilhayaha Dawladda ee Gobolka Bari ,ayaa waxaa Ururkaasi waxa uu halkaa ka jeediyey khudbad soo dhaweyn iyo fariin isugu jirta oo uu soo jeediyey Afhayeenka Ururkaasi Maxamed Cabdi Ibraahim.

 

Waxaa halkaasi ka hadlay Abwaano waaweyn oo uu ka mid ahaa Cabdi Muxumud Amiin oo ah abwaan Caan ah oo halabuurka magacweyn kuleh wuxuuna halkaasi ka sheegay in dhallinyaradu soo bandhigeen wax lagu farxo iyo jawi nabadeed dareen ka tarjumaya , wuxuuna Abwaanku kula taliyey inaanay dhallintu qaadin tubtii kuwii ka horeeyey mareen ee taariikhda baalka xun ka gashay .

 

Sidoo kale Waxaa isna halkaasi kahadlay Abwaanka hogaaminayey Socdaalka Nabadda Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo isagu aad iyo aad ugu mahad caliyey dhallinyarada Ururka PSA sheegayna inay yihiin kuwa ugu soo

 

dhaweynta iyo bandhiga fiicnaa intii ay soo marayeen Gobollada Soomaaliya , wuxuuna Abwaanku qiray inay dhallinyarada PSA yihiin kuwa qaaday Billadii Soo dhaweynta iyo anshaxa iyo asluubta hadalka iyo ka hadalka Nabadda iyo Soo dhaweynta Socdaalka Nabadda ee Hadraawi .Wuxuu Abwaanku si gaar ah ugu mahad celiyey Inankii jeediyey Khudbadda Maxamed Cabdi Ibraahim , wuxuuna ku tilmaamay nin ku hadlaya luuqadii abwaanada iyo hantidii raga hal abuurku lahaanjireen , waxaana abwaanku u yeeray inankaasi isagoo ka codsaday in uu

 

abwaanka_oo_umahad_naqaya_maxamed_cabdi_

Hadraawi oo u mahadnaqay dhallinta, erayo dhiiri gelinna faray

 

ag istaago oo gacan qaado dabadeedna mahadcelin ayuu u jeediyey iyo Bogaadin wuxuuna ka ballan qaaday abwaanku inuu talada ay dhallintu u soo jeediyeen abwaanadda ay aqbaleen oo ay fulindoonaan .

 

Goobtaasi waxaa ka hadlay oo tixo ka jeediyey abwaano faro badan oo ay ka mid ahaayeen C/qaadir Cabdi Shube iyo Maki xaaji Banaadir, SahalMacalin Ciise iyo rag kaloo faro badan.

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Inxa C/llaahi Xaaji Dayib oo u mahad celiyey Ururka kuna tilmaamay rag geesi yaal ah oo Nabadda jecel , waxaa halkaasi xafladii soo khatimay Xilhayaha Dawlada ee Gobolka Bari Faarax Maxamuud Yuusuf Dooxa Joog oo sheegay in dhallinyaradani yihiin rag aad u firfircoon , wuxuuna qiray inay wax qabad weyn oo dhan walba ah u qabteen Bulshada , isla markaasna mudan yihiin in lagu taageero oo laga caawiyo hawlaha ay wadaan oo wax tarka u leh Ummadda.Xafladaasi oo ahayd mid aad u ballaadhan ayaa waxa jawiga si weyn u buuxiyey Suxufiyiinta Madaxa Bannaan iyo sawir qaadayaasha si ay u duubtaan bal dhacdadaasi taariikhda gali doonta oo ay Abwaanaduba qireen .Dadkii halkaasi isugu yimid ayaa farax la kala hoyday iyago u riyaaqsan Ardaydaasi jeclaystayna in ay waaga ku baryaan oo dhuuxaan Murtida Abwaanadu la burqadeen oo ay ardaydaasi lagu maamuusay maadaama ay ka kasbadeen .

 

Faarax_Dooxa_joog_sii_hayaha_Xilka_Dawla

Maxamuud Yuusuf Dooxa Joog

 

 

http://sanaag.net/news/2003/somalinews/puntland/140803bossasohadraawi.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this